Towbad soo celiya (Gabay)
Cali
Maxamuud Xiirane
xiirane2@hotmail.com
Tixdan gabayga ah ee la yiraa
Towbad soo celiya, waxaa tiriyey
Cali Maxamuud Xiirane, oo ku
nool London, waxayna soo baxday
27/11/06. Waxaan aad iyo aad uga
xumahay anoo filaya inuu qof
kasta ee wadani Soomaaliyeed ahi
ila mid yahay ciidamada tigree
ee dalkeenna soo galay. Tixdu
waxay si caam ah u khuseeysaa
dhammaan dadka qaba iney tigree
u qaraabeystaan bur-burinta
dalkooda iyo laynta dadkooda.
Tixdu mucaarad kaliya maahane
waa talo lagala talinayo
taariikh iyo towbad xumada laga
dhaxli karo arintaas. Waxay
tixdu tilmaameysaa iney tala
xumada siyaasiyiinta Soomaalida
qaarkood ay ku sifeeysantahay
maah-maahda Soomaaliyeed ee ah
Tuke caano aragtidood u nasiib
leh una calaf xun. Dadka
Soomaaliyeed waxaan ka
codsanayaa dadkaas oo qabiil
walba leh inaan gar darro, dulmi,
damiir xumo iyo dabadhilifnimo
lagu taageerin, cadowga
Soomaaliya ku soo duulayna meel
looga soo wada jeesto oo aan loo
kala harin, hoosaasinta
qabyaaladeed iyo dhalanteedka
beenta ahna aan lagu dagmin.
Haddii shisheeye kal-kaal,
gumeeysi casuumid iyo dagaal
oogid la door biday, hedde
kolley Soomaali waddankooda way
u hari inshaa allaah, tigreena
dalkoodii bay jab kula noqon bi’
idnillaah, adinkuna inta talo
idinla gudboontahay haddaad
garan weydaan dagaal oogayaashii
hore iyo tigreega ka hari
maysaane ogaada. Somaalidu waa
dad wada dhashay oo is dhalay,
dhib daawo u baahan baase
dhexmaray, waxaanna ku
maah-maahnaa ilma adeerro waa
caytamaan caanahana waa wada
dhamaan, bal dadka manta
dhagarta cadowgooda soo jireenka
ah iyo rixinkooda khilaafka
dhexyaalla kala saari la’ wax ka
weyn oo iney gartaan looga
fadhiyo garan mayo aniguye
qofkii yaqaannaa ha noo sheego.
Gabaygiina waa kan:
-
Tixda gabayga beryahaan ma
tirin tuducyadiisiye
-
Wataan ha taabanin lahaa
waad taraarixiye
-
Toorihiisa goortaan dhigaa
wax igu taabtaane
-
Maantana waxaa taagan baan
marini taariikhe
-
Taban-taab shihseeyaan arkaa
dhaanto loo tumane
-
Kuwo been ku tuugsanahayaa
gaalo taabacaye
-
Rag taleefan lagu soo amraa
taajka loo xiraye
-
Anigaa ku taageersan baa
lagu tahdiidaaye
-
Aniguna intaan soo tufaan
gabayga taabsiine
-
Inaan tooshka ugu daaro waad
igu taqaaniine
-
Bal aan tebiyo waa taan
beryahan tuuray maansada e
-
Tuke toobte caanaa wuxuu soo
tamadiyaaba
-
Isagoon afkiis taaban buu
dhinac u tuuraaye
-
Adinkuna tabtiiyoo kalaad
talo xumaateene
-
Tumaatida kuwii nala jeclaa
nooma turahayne
-
Ma tilmaamiddii toobiyahaan
cidi u taag waayin?
-
War hooy naga tartiibsada
miyaa waayo laga tuugay?
-
Wadaaddadeey u tookheen
miyaan xanan taraarsiinin?
-
Is toohaalka kibirkii miyaan
tuur xun laga qaadin?
-
Tororogtii miyaa been ahayd
tookhi lala yaabay?
-
Ma tigree is tuskoodi baan
shayna tari waayin?
-
Tolla’ayeeysigoodii miyaan
cidina taageerin?
-
Wallee ruux ilaah tuuray
baan cago ku taagnaanin
-
Wallee kii ilaah tiiriyaan
tiisu socon waayin
-
Tiqaan-tiqeyntii horaan
haddeer taagso leenahaye
-
Tubtii awal lagu hoobtay baa
loo tartamayaaye
-
Duul tacshiirad talo
moodayaa toobiyaha seegye
-
Toowfiiq ma haysaan haddaad
taangi wacateene
-
Tafaraaruq maxaa inaku rida
ee na kala tuuray?
-
Tartankii qabyaaladda miyaan
tiihan nagu reebin?
-
Turaanturrose weligiis ma
huro talo walaal diide
-
Inta turuqu tabar leeyahaa
talo la yeeshaaye
-
Mar haddaad tacbaan tahay
war baan ruuxna kaa tabine
-
Tabac-tacda hadalkaad tiraah
taabbo geli waaye
-
Is tartiibsha waad
talax-tagteen ee toowbad soo
celiya
-
Taakulada waxaa loo qabaa
waa tab iyo xeele
-
Tabcadii siyaasadda ayaad
tababar mooddaane
-
Bal tixraaca taariikhda waad
ila taqaaniine
-
Oo tix-geliya tuhun maahan
waa idin hor taallaaye
-
Tallan iyo tashwiish baa wax
badan nagu taqraarnaaye
-
Tolkiinnii Tigree buu
noqdood naga tegeysaane
-
Tareenkaad u raacdeen ayaad
nala taraartiine
-
Talqiintiinnii weeyaan
middani oo tahluukaahe
-
Tusbax go’ay intaadnaan
noqone tobanba meel aadin
-
Nimanyahow tigree taabacoow
toowbad soo celiya
-
Hadduu qoom tabaaloobo waa
lala tacaalaaye
-
Tafantoofka dadkiinnii
qabaan maba tabeysaane
-
Ninba tiisa inta tooxsadaad
tamashle aaddaane
-
Tilmaantana ma yeeshaan
qofkii idin tusaaleyne
-
Tiinnood u tafaxaydataan
tacaddi weeyaane
-
Tiin-tiin duulkii tacbaa
timir ma goostaane
-
Tabtaadana ma waayaan hadday
tuugo kula taale
-
Tallaahaan ku dhaartiyo
allihii taajirka ahaaye
-
Nin tigree u yeertoow wallee
ma lihid taarriikhe
-
Ka tun weyni reer hebel
haddaan toowbad laga keenin
- Oon tub
gooyadu meelahay u tiil tuugo laga waayin
- Tuhumada
qabyaaladda intaan rixin takooreeyno
- Soo tukada
haddaan taarik badan lagu tatoonyeynin
- Mid
taqsiintay tubaakada haddaan daanka laga tuurin
- Oon
taladeenna kii qaban lahaa xukunka loo tuugin
-
Tacab qaada ah intaan
iibsanoon toban malyuun
siinno
-
Taq-taq been ah inta aan
wadnoon turubka dheeleyno
-
Oo tacaddiga waqtigeenna
lumay aan la tabahaynin
-
Oo aan tasbiixdi eebbahay ku
tegin ama taxmiiddiisa
-
Tarbiyada haddii aan la
barin oon ubadku noo toosin
-
Uu tafsiirkiyo qur’aankaba
akhrinin toban gu’ kii gaara
-
Intaan tuug tabcadeenna wada
xumo ku taageerno
-
Ama tulud la soo dhacay
dagaal toban kun loo laayo
-
Ama tacab nin leeyahay mid
kale uu ka taajirayo
-
Tafaraaruq baa weli jiree
taa ha la ogaado
Cali Maxamuud Xiirane
Xiirane2@hotmail.com