SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Nov 29, 2006

  • Jeneral Cali Xaashi: "Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya waa12 kun oo Askari..
  • Golaha Muslimiinta Kenya oo xaqiijiyey in Ciidamo Itoobiyaan ah..
  • Shaqaale ka tirsan Hay’adda UNICEF oo ay weerar ku soo qaadeen kooxo Burcad ah..
  • Yuusuf Indha-Cadde “Haddii cunaqabateynta Hubka laga qaado Soomaaliya”
  • Banaanbax Balaaran oo looga soo horjeedo cunaqabateynta hubka oo laga qaado ..
  • Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gaalkacyo oo shaki ka qaaday kuwa Puntland..
  • Soomaalida ku nool wadanka Mareykanka oo Dowladda Dalkaasi ka codsaday in aysan..
  • Madaafiic ay Is weydaarsadeen Soomaaliya iyo Itoobiya
  • Gudoomiyihii Degmada Awaare Tarayso Xaaji Yuusuf iyo ciidan uu wato oo ku biirey Xoogaga ONLF.
    Sheekh Ibraahim Cabdalla oo shalay qadiyada geeska afrika ka hadlay.
    Banaanbax maanta ka dhacay Muqdisho.
    Barnaamijkii Kadeedka gumaysiga iyo Go,aanka Geesiga(N/Hure Beele).
    Q2aad Barnaamijkii Riwaayada Radiyaha.
    Barnaamijkii Xog.Warran(Baxsadku waa Burburka bilowgiisa.)

Jeneral Cali Xaashi Baraale: "Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya waxay gaarayaan 12 kun oo Askari..

Jeneral Cali Xaashi Baraale oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed oo xalay u waramayey taleefishinka GBC ee Magaalada Muqdisho isagoo markaa labisan dharka Ciidamada, ayaa ka waramay qodobo dhowr ah oo u badan duulaanka Ciidamada Xabashida ee dhulka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in Ciidamada Xabishada ay dhowr meelood ka soo weerari doonaan dalka Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in ay ka mid yihiin aaga Gaalkacyo, Aaga Balanbale, Aaga Kalabeyr, Aaga Bay iyo Aaga Xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku jira gudaha Soomaaliya ay haatan gaaranayaan ilaa iyo 12 Kun oo uu sheegay inay wataan noocyada kala duwan ee hubka. Jeneral Cali Xaashi Baraale waxa uuna sheegay in Dowladda Mareykanka oo markii hore ka soo horjeeday Dowlada Federaalka in haatan ay dooneyso inay iska hor keento Itoobiya iyo Soomaaliya. Ujeeda hoose ee weerarka xabashida waxa uu Jeneraalku ku tilmaamay inay tahay sidii ay Dowladda Itoobiya u heli lahayd Deked, maadaama dalkooda uusan laheyn wax Deked ah, iyadoo wadankaasi ay ku nool yihiin 70 Milyan oo qof.

Jeneraalku mar uu ka hadlayey dadka Soomaaliyeed ee soo horkacaya xabishada waxa uu sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwo Dowladda Itoobiya ku dan gaareyso, waxayna u soo jeediyey in intay goori goo tahay isaga soo baxaan inta aysan ku dhiman dagaalkaasi oo aysan Taariikhda ka gelin baal madoow, waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay sameeyaan diyaar-garoowgii ugu dambeeyay si wadanka looga difaaco caddowga soo hunguriyeynaya, “Kii socdow, horey u soco, kii fadhiyow hore u is taag, kii jiifow jiifka kac, maxaa yeelay waxa uu dalku ku jiraa xaalad adag” ayuu yiri Jeneraal Baraale oo sheegay in Soomaaliya weligeed ka adkeyd ciidamada Xabishada, maanta waxaa ilaah ka rajeyneynaa in aan ka adkaano oo aan guuldaro huwino.

Golaha Muslimiinta Kenya oo xaqiijiyey in Ciidamo Itoobiyaan ah ku sugan yihiin Xuduuda u dhexeysa Soomaaliya Kenya..

Golaha Muslimiinta ee Waddanka Keenya ayaa waxa ay qireen in Ciidamo Etoobiyan ah oo wata Taanggiyo inay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah waddanka Kiinya.sidoo kalena warka ayaa sheegay in Ciidamadaas ay ku kala sugan yihiin Degaanada Gaarisa, Wajeer, Isiyeelow iyo Mandheera.

Guddoomiyaha Golaha Imaamyada Muslimiinta Shiikh Maxamed Duur oo u waramaya Idaacadda VOA ayaa waxa uu sheegay in Muslimiinta Kiinya marnaba oggolaan doonin in Ciidamo Itoobiuyan ah ay kuu duulaan gudaha waddanka Kiinya.

Imaamku waxa uu sheegay in Muslimiinta ay la socdaan xaaladda Soomaaliya isla markaana dawladda Itoobiya ay si gar darra ah ugu duulayso dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah isagoo xukuumadda Kiinyana u soo jeediyay in si dhaqsa ah looga saaro ciidamadaas gudaha waddanka Keenya inta aysan keenin kacdoon ballaaran oo ka dhaca waddanka Keenya kaasoo looga soo hor jeedo duulaan lala damacsan yahay Dadka Soomaalieed.

Shaqaale ka tirsan Hay’adda UNICEF oo ay weerar ku soo qaadeen kooxo Burcad ah..

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Gedo waxay sheegayaan in Tuulada Barwaaqo oo 18Km u jirta Degmada Galbahaareey shalay lagu weeraray shaqaale ka tirsan Hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhinaca carruurta.

Shaqaalahan oo ku sii jeeday Degmada Buula-Xaawo ayaa markaasi ku guda jiray hawlo la xiriira dhinaca samafalka, waxaana weerarkaasi ku geeryooday hal qof oo ilaalo u ahaa shaqaalihii UNICEF, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo iyana ka tirsanaa Maamulka Gobalka Gedo.

Shaqaalihii ajnabiga ahaa ayaa waxaa la sheegay inay ka badbaadeen weerarkaasi, iyadoo labadii gaari oo ay wateen ay la carareen kooxdii Burcadda, waxaana haatan lagu raad joogaa sidii lagu soo qaban lahaa. Weerarkaani waxa uu ku soo beegmay xili Hay’adaha samafalka la tacaalayaan fataahadaha iyo Roobabka khasaaraha ka gaystay qaar ka tirsan Gobalada Dalka.

Yuusuf Indha-Cadde “Haddii cunaqabateynta Hubka laga qaado Soomaaliya waxaana dalka ku martigelin doonnaa.”

Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde) oo ah sarkaal dhinaca ammaanka u qaabilsan Maxaakiimta ayaa mar uu ka hadlayey shalay fagaaraha Tarabuunka mar ay halkaasi isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo ka soo horjeeda qorshaha Mareykanku wato ee la doonayo in cunaqabateynta looga qaado Soomaaliya, ayaa waxa uu Sheekhu ku hanjabay in haddii Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ay Soomaaliya ku martigelin doonaan dhamaan muslimiinta Caalamka, si looga hor tago gardaradaasi la isku baheystay.

Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde) waxa uu sheegay in beesha Caalamka looga baahnaa inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jira Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in ay iska difaaci doonaan cid kasta oo ku soo duusha dalka Soomaaliya, qabuurana looga dhigo doono Soomaaliya.

Banaanbax Balaaran oo looga soo horjeedo cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho


Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee Yurub oo Dhaleeceyay Joogista Itoobiyaanka ee Puntland & Gebi ahaanba Soomaaliya..

Waxaa maalintii shalay ahayd fagaaraha Tiribuunka ka dhacay Banaan bixii ugu ballaarnaa oo ay ka qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo Mas’uliyiin ka tirsan Maxaakiimta oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Fulinta Shiikh Shariif Axmed, taasoo dad weynihii ka qayb galay ay ku dhawaaqayeen “Waxaan la Jihaadeynaa Melle-Zanaawi iyo Beeshiisa Tigreega””Waxaa naga go’an inaan dalka ka difaacno cid kasta oo si gar darra ah ugu soo duusha”.

Sheikh Shariif oo ka hadlay banaan baxaas ayaa sheegay in Mele-Zanaawi ujeedadiisu tahay in waddankan uu sii bur buriyo isla markaana Soomaaliya aysan wligeeda helin Qaran “Waxaa naloogu yimid Dhulkeenii isagoo caalamka been u sheegaya” ayuu yiri Shiikh Shariif oo intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan sidii waddanka looga daafici lahaa Cadawga Ummadda Soomaaliyeed.

Banaan baxa oo lagu arkay gabdho qoryo sita oo wejigana ay ugu qoran tahay Mujaahiddiinta ayaa waxaa kaloo ka hadlay Xoghayaha arrimaha Wax Barashada ee Maxaakiimta oo sheegay in marka uu bilowdo Dagaalka gebi ahaanba la xiri doono Dugsiyada iyo Goobaha Ganacsiga si dadka ay ugu diyaar garoobaan ka difaacidda Waddanka Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Ethopia.

Banaan baxan oo ujeedadiisu ahayd qaraarka uu Maraykanku wato oo ah in Soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta Hubka iyo fara gelinta Etoobiya ayaa waxaa kaloo ka hadlay Madaxa Ammaanka ee Golaha Maxaakiimta Sh.Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cadde oo sheegey in haddii Soomaaliya laga qaado Cuna qabataynta Hubka ay dalka ku marti qaadi doonaan Muslimiinta Caalamka si ay uga qayb galaan Jihaadka looga soo hor jeedo Ethopia.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gaalkacyo oo shaki ka qaaday kuwa Puntland..

Ciidaamada Ethopia ee ku sugan Aagga Gaalkacyo ayaa la sheegay inay si aad ah uga shakisan yihiin Ciidamada kale ee Maamul Goboleedka Puntland, waxaana Magaalada Gaalkacyo Maalinimadii shalay ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Saraakiil ka socotay dhanka Ethopiya iyo Maamulka Puntland kulankaas oo looga hadlay sida laga yeeli lahaa Maleeshiyooyinkaas oo Ciidamada Ethopia aad uga wel wel san yihiin in gadaashooda ay ka bilaabaan Dagaal iyagoo gacan siinaya ciidamada kale ee Soomaalida.

Saraakiisha Ciidamada Ethopia ayaa ka codsaday maamulkaas in Malliishiyooyinkaas lagu xareeyo Xeryaha ku yaala duleedka gaalkacyo si looga bad baado isku dhac dhex mara Ciidamada Ethopia iyo Maliishiyooyinkaas.

Warar ayaa waxa ay sheegayaan in haddii tani ay dhacdo in laga yaabo in Maleeshiyooyinkaas ay u soo baxsadaan dhinaca Maxaakiimta Islaamiga iyagoo hubkooda wata.

Ciidamadii Dawladda Federaalka ee ku sugnaa Xerada Day-Nuunaay ayaa si weyn looga sikiyay Ciidamada Ethopia kaddib markii looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Maxaakiimta Islaamiga.

Soomaalida ku nool wadanka Mareykanka oo Dowladda Dalkaasi ka codsaday in aysan..

Soomaalida ku nool waddanka Maraykanka ayaa qoraalo u gudbiyay dawladda maraykanka oo ay kaga dalbanayaan in aan la qaadin cunta qabataynta Hubka ee Soomaaliya iyagoo sheegay in arrintaasu keeni karto dagaal ku baaha Manddiqadda Geeska Afrika. Soomaalida ku nool Maraykanka ayaa waxa ay ka codsadeen Dawladda Maraykanka inay dib ula laabato fikirkii ay wadatay Xuumadda Maraykanka ee ahaa in Cunaqabataynta laga qaado Soomaaliya inta ay xaaladdu ka degeyso, waxay kaloo Soomaalidu ka codsadeen dawladda Maraykanka in ay ka shaqayso sidii ay isugu keeni lahayd kooxaha isku hayo dalka Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen in ay tahay mid looga bad baadi karo dagaal weyn oo ka dhaca Geeska Afrika .

Dad kale oo Soomaali ah oo si weyn looga yaqaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa iyaguna dawladda Maraykanka ka codsaday in ay dib u dhigto qaraarka qabyada ah ee ku aadan in Soomaaliya laga qaado Cuna qabataynta Hubka.

Madaafiic ay Is weydaarsadeen Soomaaliya iyo Itoobiya

Wararka naga soo gaaraya gobolada dhexe ayaa sheegaya in maalinimadii shalay ahayd ay rasaas is weeydaarsadeen labada dhinac ee isku hor fadhiya Aagga Bandiiradleey ee Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga iyo Ciidamada Ethopia.

Rasaastan oo ka dhacaysay qoryaha waa weyn ee Madaafiicda ayaa waxaa ay socotey muddo dhowr daqiiqa ah iyadoon si rasmi ah loo xaqiijinin khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Af hayeenka golaha Maxaakiimta ee Gobolada Dhexe Shiikh Caga-weyne ayaa waxa uu sheegay in Madaafiicda ay soo rideen Ciidamada Itoobiya ay ahaayeen kuwo lagu yool baarayay Ciidamada Maxaakiimta isagoo intaa ku daray in arrintaa jawaab ay ka bixiyeen , Cadowguna uu ogaaday in Ciidamada Maxaakiimta Islaamigu ay yihiin kuwo mar walba heegan ah iyadoo laga yaabo saacadaha soo socdana in Dagaal qaraari uu dhex maro labada dhinac

Dhinaca kale Ciidamada Maxaakiimta oo ku sugan Aagga Buur Hakaba iyo kuwa Itoobiyanka ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqii ugu xoogganaa iyadoo labada dhinacna ay si aad ah isugu soo dhawaanayaan kuwaas haatan isu jira in ka yer illaa 10 Mitir..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
28  November 2006 
 
Gudoomiyihii Degmada Awaare Tarayso Xaaji Yuusuf iyo ciidan uu wato oo ku biirey Xoogaga ONLF.
Sheekh Ibraahim Cabdalla oo shalay qadiyada geeska afrika ka hadlay.
Banaanbax maanta ka dhacay Muqdisho.
Barnaamijkii Kadeedka gumaysiga iyo Go,aanka Geesiga(N/Hure Beele).
Q2aad Barnaamijkii Riwaayada Radiyaha.
Barnaamijkii Xog.Warran(Baxsadku waa Burburka bilowgiisa.)

======================
 
Gudoomiyihii Degmada Awaare Tarayso Xaaji Yuusuf iyo ciidan uu wato oo ku biirey Xoogaga ONLF

Wariyaha Radio Xoriyo ee jiida hore ayaa soo tabiyey Gudoomiyihii Degmada Awaare ee wakhtigan Tarayso Xaaji Yuusuf  uu ugalay Xoogaga ONLF.
 
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Tarayso Xaaji Yuusuf uu wehliyo Walalkii oo ahaan jirey Gudoomiyihi hore ee Degmada Awaare oo lagu magacaabo Shiine Xaaji Yusuf iyo 16 kamid ah Ciidamada Maleeshiyada Dabaqoodhiga.
 
Falkan ayaa dhacey kadib markii ay Ciidamadaa Komandoska ONLF hawgal ka fuliyeen Magaaada Awaare bishan Nov 17, 2006, halkaas oo ay ku qabteen 10 nin oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Degmada Awaare. Xoogaga ONLF ayaa nimankaas uu ku jiro Gudoomiyuhu iska soo daayey kadib markii ay ka dhameysteen danihii ay ka lahaayeen.
 
Sida warku sheegayo Ciidama Wayaanaha ee saldhigodu yahay degmada Awaare ayaa nimankaas saartey cadaadis aad u badan iyaga oo ku eedeyey sababta ay ONLF u dili weysay, waxaana la sheegayaa in qaar ka mid ah maamulka Degmada Awaare Xabsiga loo taxaabey, taasi oo keentay inay gudomiyaha Degmada Awaare iyo kooxdan la goosatayba lafahooda la baxsadaan oo ay ku biiraan Urururka ONLF.
 
Ma aha markii ugu horeysay ee ay mas'uuliyiinta Maamulka Dabaqoodhiga ama shacab ka dhiidhiyey dhibka ay ciidamada Itoobiya ku hayaan ay go'ansadeen in ay ku biiraan Ururuka ONLF.
 
Dabayaaqada bishiiu June ee sanadkan ayaye ahayd markii 21 qof oo ka mid ah dhalinyarada Magaalada Xamaro go'aansadeen in ay ku biiraan Ururuka JWXO, kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibka ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan..
 
Sheekh Ibraahim oo Shalay qaddiyadda Geeska Afrika ka hadlay

Halgamaaga rugcaddaaga ah, qoraaga caanka ah, Sheekh Ibraahiim Cabdalle Maxamed oo maalmahan Khartuum ku sugnaa ayaa shalay si xeeldheer ugu nuuxnuuxsaday  siyaasada  Geeska Afrika mar uu soo bandhigayey warqad qeyb ka aheyd hadal ay asaga iyo aqoonyahanno kale ka jeedinayeen daarta saaxiibtinimada caalamiga ah ee Maalagada Khartuum.
Halgame Sheekh Ibrahim  Cabdalla ayaa maalinimadii Khamiista ahayd ee bishan Nov 23 ka ahayd si heer sare ah loogu soo dhaweeyey gagida diyaaradaha  ee caalamiga ah ee magaalada Khartum,Sheekha ayaa lagu marti qaaday inuu ka qeyb galo shir lagu xusayay sanadguuradii 1400 ee kasoo wareegtay soo galida islaamka ee qaarada Afrika,waxaana shirkaas soo qabanqaabiyey Markaska Cilmi baadhista afrika.

Wuxuu Sheekhu ku fogaaday dhibaatooyinka uu isticmaarku u geystay Gobolka Ogaadeeniya hadda iyo mar horaba, asagoo ka soo billaabay shirkii Barliin ee Afrika lagu qeybsaday sannaddii 1884-kii. Kaa soo uu ku tilmaamay inuu ahaa midka tubta u jeexay dhibaatooyinka iyo dagaallada ilaa maanta ka aloosan Ogaadeeniya iyo Afrikaba waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu kaloo hadalkiisa ku xusay halgaamaayaashii u dhabar-adeygay dhibaatada gumeysataha sida Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo kuwa kaloo dunida Carabta ka soo baxay.
Wuxuu kaloo Sheekh Ibraahim kulan la yeelan doonaa Ururka Ardeyda Ogaadeeniya iyo Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka Suudaan.

Banaanbax ka dhacey Adis Ababa
 
Maalinti Sabtida  ee bishan Nov 25, 2006 ayaa waxay Banaanbaxyo ka dhaceen Magaalada Adis Abaa, kadib markii dad gaadhaya ugu yaraan 25 kun oo qof ay isagu soo baxeen tartanka oradka 10km ee Magaalada Addis Ababa oo sanadkiiba mar la qabto.

Hadaba, tartankan Ordoka 10km aya isu rogey banaanbax, ka dhan ah xukumada Meles Zenawi. Inkasta oo aan la sheegin wax dhimasho ah, hadana waxaa la xaqiijiyey in xabado aad u badan ka dhacayeen Malaagada Adis Ababa, iyada oo banaanbaxayaashu ku qaylinayeen ereyo ay ka mid ahaayeen.

"Dagaalka uu Meles ku qaadayo Soomalia, waa wuxuu kali u yahay Wayaanuhu"
"Meles waa gacan ku dhiigle" iyo erey ay ku dalbanayaan in Meles ooda ka qaado dadka xabsiyada dalka Itoobiya ka buuxa.
 
Banaanbax maanta ka dhacay Muqdisho.
 
Banaanbax ka dhan ah ciidamada dowladda Ethiopoia iyo waliba qorshaha mareykanka uu ku doonayo in xayiraada hubka lagaga qaado Somalia ayaa ka dhacay maanta magaalada Muqdisho.
Banaanbaxaas ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Mas'uuliyiin ka tirsan maxkamadaha islaamka, oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamka Sheekh Shariif, Sheekh Yuusuf Indho cadde iyo xubno kale.
 
Sheekh Yuusuf Indho cadde Madaxa amaanka maxkamadaha islaamka oo ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu ku goodiyay in hadii Mareykanka uu ka aqbalo golaha amaanka in la qaado xayiraadda hubka ee Somalia ay ku casuumi doonaan dalka Somalia dagaal yahanno ajaanib ah oo ka imaanaya dalalka Islaamka.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Galakacayo la soo dhoobey.
 
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubaysan ugu yaraan 120 gaadiidka dagaalka oo ay weheliyaan taangiyada iyo gawaadhida xamulka ah ayaa laga soo bilaabo bishan Nov 25 ku soo qulqulaya Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamadan oo si weyn looga dareemay gudaha iyo daafaha magaaladda Galkacyo ayaa la dejiyey duleedka magaladda Galkacyo.

Dowlada Itoobiya ayaa si weyn ugu soo daabuleysa gudaha dalka Soomaaliya ciidamo aad u tiro badan,taas oo khalkhal weyn ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Goboladda Hiiraan, Bay iyo Mudug.

Dadweynaha ku dhaqan Gobolda xuduuda ah ayaa si weyn u aaminsan in ujeedada Ciidamada Itoobiya tahay sidii ay dagaal  ugu qaadi lahaayeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga.
 
Dhica kale, Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegaya in Gobolka Bay ay soo buux dhaafiyeen Ciidamada Xukumada Itoobiya,. 

Wararkii ugu dambeyayna  waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya u soo ruqansadeen dhinaca Buur Hakabo, iyaga oo saldhig cusub ka sameystey   deegaanka Lug-habar oo aan ka fogeyn Buur-hakaba.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo iyo agaragaarkeeda ayaa lagu qisaayey in ay yihiin 7-guuto oo u dhiganta 10-kun oo askari, isla markaana ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan. Kaligii Taliye Meles Zenawi ayaa todobaadkii la soo dhaafey ku dhawaaqey in uu Soomaaliya weerari doona, isla markaana uusan cidna ogolaansho uga baahneyn duulaan uu ku qaado Soomaaliya.

Sidoo kale Ciidamada Maxaakiimta ayaa deegaanka Buur Hakabo isagu geeyey awood ciidan oo laxaad leh, iyagoo maalmihii la soo dhaafey  aad u xoojiyey jiida hore ee ay difaaca kaga jiraan.
 
Waxay nolol adag la soo daristey dadka magaaladaa Baydhabo, iyadoo magaaladu leedahay sansaan colaadeed, waxayna dadweynuhu bilaabeen in ay ka qaxaan Magaalada Baydhabo.

28 November 2006.
C/nuur Sheekh Maxamed  
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM � 8:00  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD