SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Kulan Cilmiyeed diini ah oo lagu soo Gabagabeeyay Muqdisho 

Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho Kulan cilmiyeedkii labaad  ee diiniga ahaa oo soo qaban qaabisay Mua’sasada Dacwada iyo Tacliinta kaasoo lagu qabtay masjidka Al-Raxiim ee xaafadda Tawfiiq wuxuuna mawduuciisu ahaa (Siyaasadda Sharciga ah), wuxuuna socday 11 cisho ( 29/8 – 9/9/1427 = 22/08-01/09/2006. 

Kulan cilmiyeedkan ayaa kusoo beegmay xilli ay Soomaaliya gashay isbedello taariikhi ah oo aad loo dareemi karo baahida loo qabo siyaasadda sharciga in ummadda lagu hogaamiyo. Kulan cilmiyeedkan ayaa looga gol lahaa inuu xaqiijiyo ujeedooyin ay ka mid yihiin.

1- In dadweynaha Soomaaliyeed loo soo bandhigo siyaasadda sharciga ah ee Alle u jideeyay si ay adduun iyo aakhiroba ugu baraaraan.

 2- In la soxo afkaarta qaldan ee ay ka qabaan islaamka shakhsiyaadka ku saamoobay dhaqamada kale lana fahamsiiyo, laguna qanciyo in shareecada Alle axkaam u dajisay dhinacyada nolosha bulshada oo dhan, sida: xugunka, shuurada, siyaasadda, xiriirka dawliga ah, garsoorka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iwm.

 3- In la dareensiiyo bulshada sida ay ugu baahan yihiin ku dhaqanka nidaam kulminaya caqiido toosan, cibaado suubban, akhlaaq wanaagsan, distoor iyo qaanuun ku salaysan diintooda iyo dhaqankooda.

4- In dadkeennu yeeshaan wacyi ay isaga difaacaan duullaan miskaxeedka iyo marinhabaabinta lagaga duufsanayo diintooda.

5- In ummadda Soomaaliyeed la dareensiiyo ahmiyadda ay u leedahay midnimada iyo wadajirka.

Waxaa laga soo jeediyay kulan cilmiyeedkaas duruus ay ka mid ahaayeen: Nidaamka xukunka islaamka, Shuurada, Cilaaqaadka dawliga ah, Nidaamka garsoorka, Nidaamka dhaqaalaha, Nidaamka Bulshada, Jihaadka. Maqaasidda Shareecada, Faridda wanaaga iyo reebista xumaha, Midnimada ummadda.

Duruustaas soojeedinteeda iyo ka jawaabista su’aalaha dadweynaha waxaa ka qayb qaaatay qaar kamid ah culimada iyo ducaada Soomaaliyeed oo kala ah :

  • Sh. Max’ed Idriis Axmed.
  • Sh. Dr. Cumar iimaan.
  • Sh. Xasan Daahir Aways
  • Sh. Nuur Macalin C/raxmaan.
  • Sh. C/raxmaan Max’ud Faarax.
  • Sh. Cismaan Ibraahim Axmed
  • Sh. Dr. Cumar Axmed Weheliye
  • Sh. c/risaaq Aadan macallin.
  • Sh. C/raxmaan C/laahi Cumar.
  • Sh. Xasan max’ed Ibraahim.
  • Sh. Axmed C/laahi Xuseen.

Kulan cilmiyeedkan ayaa si toos ah looga tabinayay Idaacadaha Muqdisho ee kala ah : Idaacada Quraanka Kariimka, Codka Caasimadda ( Capital Voice), Iqra, Shabelle, Bariga Afrika, VOD, Banaadir. Waxaa sidoo kale laga bahinayay Taleefishinka Horn Afrik. gobollada qaarkood Sida Bay iyo Hiiraan waxay kala socdeen Idaacadaha magaalooyinkaas. Magaalooyinka qaarkood waxaa loogu xiriirinayay khadadka taleefoonada.

Dadka dibadaha jooga waxay duruustaas kala socdeen taleefishinka UNIVERSAL iyo barnaamija Paltak oo ay xiriirinayeen walaalaha dacwada ee Noorway.

Gabagabadii kulan cilmiyeedka ayay Mua’sasada Dacwada iyo Tacliinta waxay kasoo saartay Bayaan lagaga hadlayo qadaayaad kala duwan oo  taabanaya bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda muslimiinta ah.  

Bayaanka gabagabada kulan cilmiyeedka labaad ee Muqdisho 

Mua’sasada Dacwada iyo Tacliinta iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran samatabixinta iyo katalinta wanaaga shacabka Soomaaliyeed iyadoo la marayo marxalad adag oo u baahan in ummaddu hal meel uga soo wada jeedsato isdifaaceeda iyo ilaalinta karaamadeeda ayay baaqan usoo jeedinayasaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta .

1.   In la barto , lagu dhaqmo, lana faafiyo diinta islaamka iyadoo qof kasta oo muslim ah kaga qaybqaadanayo wixii uu karo oo naf iyo maal ah, waana xil saaran: culimada, siyaasiyiinta, saraakiisha, oday dhaqameedyada, ganacsatada, Aqoonyahanka, haweenka, dhalinyarada iwm.

2.   In si gaar ah loo barto siyaasada sharciga ah, lagu dhaqmo, laguna hogaamiyo umadda.

3.   In ummaddu ku midowdo kitaabka Alle iyo xadiiska Rasuulka (scw), ayna distoor iyo qaanuun ka dhigato shareecada islaamka, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan cadawgooda iyaga oo isku duuban. Waxaan si gaar ah ugu yeeraynaa ururada islaamiga ah, culimada iyo ducaaddu in ay mideeyaan quluubtooda iyo safkoodaba, ayna labanlaabaan dadaalka ay ku bixinayaan fidinta diinta iyo badbaadinta dadweynaha Soomaaliyeed, ayna dareemaan caqabadaha hortaagan xilligaan iyo mas’uuliyaadka waaweyn ee saaran.

4.   Waa in dadweynaha soomaaliyeed gudo iyo dibadba ay hiil iyo hooba isla garabtaagaan maxaakimta islaamiga ah; si loo sii dhammaystiro guulaha u soo hoyday bulshada Soomaaliyeed, Waana in aysan shacabka Soomaaliyeed ku dagmin dicaayadaha iyo suuraxumaynta lagu hayo maxakimta islaamiga ah.

5.   Waxaan ugu baaqaynaa maamulka DGPL, Salaadiinta, culimada iyo waxgaradka soomaaliyeed in ay ka hortagaan colaadda ay ka hurinayaan xabashida iyo cawaankeedu gobolada dhexe, isla markaana ay u hawlgalaan sidii looga saari lahaa deegaannadaas firxadka xubnaha ashahaado la dirirka.

6.     In mushkiladda Soomaaliyeed lagu dhammeeyo wada xaajood ku salaysan shareecada islaamka, ayna maamullada dalka ka jira dhammaan u tanaasulaan danta guud ee ummadda.

7.   In la joojiyo faragalinta qaawan ee xabashidu ku hayso arrimaha Soomaaliya, dalkana laga saaro dhammaan ciidamadeeda ku sugan gobolada Mudug, G/guduud, Bakool, Gado, Baay iyo kuwa caadaystay ku soo xadgudubka gobolka Hiiraan iyo cabsigalinta dadweynaha. Waana in dadweynaha soomaaliyeed dibad iyo gudaba isu kaashadaan ka hortagga xadgudubka Itoobiya.

8.   Waxaan ugu baaqaynaa ururka IGAD in aysan ku dagmin dabinka ay u dhigayso Itoobiya, waxaana uga digaynaa in ay ciidamo u soo diraan dalkayaga.

9.     Manaahijta Waxbarashada Dalku waa in ay noqoto mid tayaysan, kana tarjumaysa Diinta iyo baahida bulshada Soomaaliyeed, lagana ilaaliyo faragalinta, dibindaabyada iyo marinhabaabinta ay ku hayaan Shisheeyuhu.

10.                     Warbaahinta Soomaaliyeed waa inay u adeegto danaha Bulshada, kana tarjumto Diinteenna iyo Dhaqankeenna suubban, isla markaana ay ka fogaato baahinta wax kasta oo wax yeelaya Umadda Diinteeda, dadnimadeeda, akhlaaqdeeda iyo wadajirkeedaba.

11.                     Waa in bulshada soomaaliyeed ay iska kaashato hirgalinta mashaariicda danta guud iyo horumarinta adeegyada bulshada sida:- dhismaha iyo dayactirka masaajidda, wadooyinka, garoomada, isbitaalada, dakadaha, jaamacadaha I.W.M. taas oo ciddii ka qayb-qaadata u  noqonaysa sadaqo ajar joogta ah leh.

12.                     Waa in dadka soomaliyeed ee u qaxay dalalka gaalada ay ku soo laabtaan dhulkooda, si ay uga badbaadaan iyaga iyo ubadkooduba khatarta haysata diintooda iyo mustaqbalkooda, ayna uga qaybqaataan dib-u-dhiska dalka iyo horumarintiisa.

13.                     Waa in laga hortago shirqoollada cadawgu ku doonayo in uu dib uga dhex alooso bulshada Soomaaliyeed dagaallo sokeeye.

14.                     In la joojiyo, lagana hortago cudurada bulsho ee naafeeyay dadkeenna, sida: qabyaaladda, gobolaysiga, dulmiga iyo musuqmaasuqa.

15. Waa in ay iska kaashadaan maamulka iyo dadwaynuhu sidii dalka looga ciribtiri lahaa  faldambiyeedyada iyo munkaraadka   kala duwan sida: filimada xunxun, faaxishada, burcadnimada, jidgooyada, dilka, afduubka, iyo maandooriyayaasha (qaadka, xashiishada, khamriga, sigaarka I.W.M) kuwaas oo khalkhal galinaya degenaanshaha iyo dhaqanka suubban ee ummadda.

16.                     Waxaan si gaar ah u dhiirrigalinaynaa la shayqaynta iyo maalgalinta hay’adaha samafaridda iyo xumaan-reebidda ee ka jira dalka.

17. Waxaan si adag uga digaynaa sunta khatarta ah ee lagu aasayo xeebaha iyo gayiga soomaaliyeed, waana in loo guntado sidii arrintaa looga hortagi lahaa,  lalana xisaabtamo cid kasta oo arintaa  ku lug yeelata.

18.                     Waa in si adag oo wadajir ah looga hortago xaalufinta ba’an ee lagu hayo khayraadka badda iyo barriga, ayna ka waantoobaan hay’adaha iyo shakhsiyaadka arrintaas ku lug leh.

19.                     Waxaan ugu yeeraynaa dawladaha carbeed in ay ka qaadaan xayiraadda ay ku soo rogeen xoolaha Soomaalida, taas oo dhibaato weyn u gaysatay dhaqaalaha dadweynaha oo horayba u tabaalaysnaa.

20.                     waxaan ugu yeeraynaa dawladaha carbeed iyo siyaasiyiinta soomaaliyeed in aan faylka qaddiyadda soomaaliyeed ka bixin gacanta jaamacadda carabta.

21. Waxaan ugu baaqaynaa dawladaha islaamka, gaar ahaan kuwa carabta in ay kala qaybqaataan bulshada Soomaaliyeed dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa, ayna siiyaan walaalohood taageero ballaaran oo dhinac kasta leh.

22. Waxaan muslimiinta caalamka ugu yeeraynaa in ay ku midoobaan kitaabka Alle, iskuna xukumaan sharcigiisa, ayna tuuraan qawaaniinta dadku sameeyeen, waana inay si wadajir ah uga hortagaan duulaamada milatari, dhaqaale, siyasadeed, maskaxeed iyo dhaqameed ee kaga imaanaya cadawgooda.

23.                     Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dawladaha iyo shucuubta  muslimiinta ah in ay isgarab taagaan walaalahooda dulman meel kasta oo ay joogaanba, sida: Falastiin, Lubnaan, Ciraaq, Afgaanistaan, S/galbeed, Kashmiir, Shiishaan iwm.

24. Waxaan ugu yeeraynaa dhammaan bulshooyinka caalamka in ay soo galaan diinta islaamka oo ah diinta kaliya ee xaqa ah laguna badbaadayo adduun iyo aakhiro. 

Mu’asasada Dacwada iyo Tacliinta
Email:
dacwah@hotmail.com

Muqdisho 9/8/1427-01/09/2006

 


Kulan diineedkii Lixaad ee Muslimiinta W/Ameerika....

Halkan ka akhri warbixinta sida uu ku socdo kulanka Musliimiinta W/Ameerika... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD