SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

 Adigoo jiran haygu soo noqonin!!!

W/D:- Maxamed Macallin Cismaan{Allman}
fatxumaalik@hotmail.com
Baydhabo

Waa murti ka hadlaysa arimaha Caafimaadka, waana murtii Soomaaliyeed oo ku timid arin layaab leh, sida murtidu muujinayso waxaa jiray mid ka mid ah raga Soomaaliyeed ayaa waxaa u yimid nin ay qaraabo ahaayeen, ninkaasoo ahaa nin si aad ah u xanuunsanayey, markii uu u yimid ninkii ay qaraabada ahaayeen ayaa wuxuu ku mashquulay daaweyntiisa, markii in mudo ah uu ninkaasi daweynayey oo uu bogsaday ayaa ninkii xanuunsanaa wuxuu ku yiri isagoo reerkiisa u socda ninkii sida weyn uga mashquulay caafimaadkiisa  “maxaan kuugu abaal gudaa !!?, kolkaasuu ugu jawaabay Adigoo jiran haygu soo noqonin!!!.

 

Markii uu u yimid ninkii ay qaraabada ahaayeen ayaa wuxuu ku mashquulay  daweyntiisa, markii in mudo ah uu ninkaasi daweynayey oo uu bogsaday ayaa ninkii xanuunsanaa wuxuu ku yiri isagoo reerkiisa u socda “ninkii sida weyn uga mashquulay caafimaadkiisa abaal gud marabtaa !!?, kolaasuu ugu jawaabay haa,laakiin Adigoo jiran haygu soo noqonin!!!.

 

Runtii hadalkaani wuxuu noqday mid  siweyn loo hadal hayey markii ninkaasi uu sidaas ku yiri, waxayna noqotay mid arimaha dhibka badan loogu soo halqabsado, hadaba arinta Soomaaliyeed ee mudada 16-ka Sano Murgsan waxay noqotay mid lagu jahwareero qaabkii loo daweyn lahaa,  waxayna joogtaa sida murtidu muujinayso in shacabka Soomaaliyeed uu markaani yiraahdo kuwa mas’uuliyada sheeganaya inay yiraahdaan adinkoo dirirsan hanagu soo noqonina

 

Tan iyo markii dowladu ay u soo guurtay Magaalada Baydhabo, dalku wuxuu maalinba maalinta ka dambeysa lugaha la sii galaayey, isbedelo la yaab leh oo aan la soo koobi Karin.

Isbedelada la yaabka leh  ee ka dhacay dalka waxaa ka mid ah in Baarlamaanka Soomaaliya uu hal meel isugu yimaado, isla markaan uu shirar kala duwan uu ku yeesho Magaalada Baydhabo, isagoo mudo sagaal bilood ku kala maqnaa kala duwanaansho xaga fikirka wax lagu sheegayey, wuxuuna Baarlamaanku ansixiyey in Magaalada Baydhabo ay noqoto Caasimada KMG ee DFKMG inta Muqdisho nabadgelyadeeda la sugaayo iyo wuxuu keloo ansixiyey in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo aan shuruud ku jirin, iyadoo arimahaasi waxyaabaha ay markii hore uu Baarlamaanku isku maandhaafay ay ka mid ahaayeen.

 


Sh. Cabdullaahi

Fowsi cabdinuur

Cabdi Waaxid

Cabdimaalik

xasan baashi

Halka Magaalada Muqdisho 18/2/006-da ay ka bilowdaan dagaalo watay wajiyo kala duwan oo ay dadd badani ku hoobteen, dagaaladaan noocooda ayaan waligeed dalka Soomaaliya ka dhicin, shacabka Soomaaliyeedna wax dan ah ugu ma jirin in Ubadkooda laysu adeegsado.

Laakiin mudo dhowr bilood kadib waxaa goobta ku soo haray kooxda Maxkamadaha Islaamiga iyadoo ay taageero ka helayeen qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqnaa, markii ay la wareegeen Maxkamaduhu gacan ku haynta Magaalada Muqdisho shacabkii ku dhaqnaa waxaa u baryey waa cusub, waxayna ka xoroobeen kuwii 16-ka Sano dhiigooda si naxariis la’aanta u daadinayey, waxaa la furay Garoonkii weynaa ee Muqdisho iyo Dekedii weyneyd, waxaa wali lagu hawlan yahay qaadista qashinkii iyo burburkii dagaalada sokeeye ay ku reebeen faras magaalada Caasimada Soomaaliyo iyo xaafadeheeda.

 

Waxaa magaalada khardhuum kulan ku yeeshay Madaxweynaha DFKMG Md,Col/ C/llaahi Yuusuf, Gudoomiyaha Baarlamaanka Md, Shariif Xasan, Raysul Wasaare Md, Prof; Cali Maxamed Geedi  iyo wafdi ay hogaaminayeen xubno ka socday Maxkamadaha Islaamiga, waxaana halkaasi ka dhacay heshiis ka kooban lix qodob, waxaana lagu balamayey in markale dib laysugu soo noqdo shir kale, markii wufuudii kala duwanaa ay dalka dib ugu soo guryo nodeen, waxaa dalka dib uga bilowday xasarado kala duwan sida Soomaaliland oo qaylo dhaan ka dhan ah labada dhinac dowlada iyo Maxkamadaha ay ka soo yeerto, halka maamul Goboleedka Puntland uu isaguna u diyaar garoobo guluf dagaal iyo Muqdisho iyo Baydhabo shacabkii joogay dhexdooda oo iyaguna ay kala shekiyaan, iyagoo is leh waxaad u shaqaysaa Koox heblaayo, Baydhabo waxaa ka dhacay dill mas’uuliyiinta DFKMG, waxaa lagu dhaawacay mas’uuliyiin kale oo dowlada ka mid ah, waxay keentay arintaasi in dibad baxyo waawey oo wata rabshado ay ka dhacaan Gobolka Baay, waxaana lagu soo rogay baandoow oo aan wali la qaadin.

 

Waa yaab waxaa Magaalada muqdisho ka dhacay nabadgelyo aan la filaynin oo in mudo ah la baadi goobayey, waa mid ilaahay loogu mahdiyo arintaasi, laakiin waxaa ku habsaday busaarad daran, taasoo dadka u kuur gala arimaha dhaqaalaha ay ku sheegeen in lacagtii tiilay Muqdisho 16-ka Sano inteeda badan ay ka soo geli jirtay maleeshiyooyinka isbaarada dhigan jiray jidaddka soogala Caasimada, waxaa ka soo kala cararay dadka intooda isticmaali jiray waxyaabaha maanka dooriya sida Jaadka IWM, iyagoo u kala hayaamay Gobolada dalka, waxaa la xiray shineemooyinkii Muqdisho ee ku caan baxay shidista Af-laanta kala duwan, iyagoo u aabayeelaynin dadd, dall iyo diinba, waxaa dalka si aan gabasho lahayn ku soo fatahmay hubka noocyadiisa kala duwan iyo dadd Ajaaniib ah.

 

Dhinaca kale waxay shacabka ku nool Magaalada Baydhabo is-waydiinayaan dhibaatooyinkii ay ka xoroobeen shacabka Muqdisho  sidii laga yeeli lahaa kuwa ku dhaqan Gobolada Sh/hoose, J/hoose iyo kuwo kale, waxaa maamulkooda haya kuwii sheeganayey gacan ku haynta maamuladaasi in mudo ah waxayna leeyihiin waa hogaamiye kooxeedyada keli ah ee ka haray gacan ku haynta deegaano aan laga soo dooran, iyagoo hore u kala sheegtay sida Maamulka Sh/hoose in uusan Maxkamadaha ka tirsanayn islamarkaan uusan aqoonsanayn wax dowlada la yiraahdo oo hadana ah u qaybsanaha amaanka Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee midoobey waa arin is-weydiin mudan sidii looga jawaabi lahaa, shacabka ku dhaqan Gobolka shabeelaha hoose miyaa laga sugayaa mise……?.

 

 Halka maamulka J/hoose ka taliya isagoo ah Xildhibaan islamarkaana ka mid Wasiir ka tirsan DFKMG uusan ogolayn in DFKMG uu soo raaco isagoo, wuxuuna ku adkeysanayaa inuu halkaasi maamul u sameyndoono, arintaan  ayaa guux weyn ka dhexdhalisay shacabka iyo Mas’uuliyiinta ku dhaqan Gobolka Baay.

 

Hadaba labada mas’uul ee wali ku taamaya in wali ay xaaladu marayso halkii ay ka bilaabeen hawshooda miyey ka badbaadidoonaan, mise daadkii qaaday kuwii Muqdisho ayey sugayaan, mise waxay ku jiraan gorgartan siyaasadeed oo aan hada loo joogin, mise dadka deegaanka ayaa sidaasi raali ku ah!!!??,  runtii waa su’aalooyin adadag ka jawaabistooda laakiin waxay u baahan tahay inay soo baxaan dadkii ka jawaabi lahaa oo aan hada soo muuqan.

 

Hadaba iyadoo waxaasi iyo wax ka badan ay ogyihiin shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaan aragtiyada kala duwan ee ay ka qabaan shirka Khartuum qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Baydhabo ka soo Uruurinayey sida ay u arkaan, caqabadaha uu yeelan karo shirka iyo waxa ay ku talinayaan.

 

Dr, C/ Waaxid  Macallin Ibraahin oo hore uga shaqayn jiray Wasaarada Arimaha Dibada qaybteeda Arab Leagu ee Dowladii Kacaanka hadana ku sugan Magaalada Baydhabo, waxana ka weydiinay aragtidiisa ku aadan Shirka dibu-heshiisiinta lagu wado inuu ka dhaco Magaalada Khardhuum ee dalka Sudan ayaa wuxuu yiri “ shirka Khartuum wuxuu ku soo aaday xaalada adag, iyadoo labada dhnac dowlada iyo maxkamadaha ay kala taagan yihiin mowqifyoadag”.

Hadii aan ku hor maro dhinaca dowlada waxaa ku dhex jira khilaaf aad u weyn, kuwaasoo ay kala qabaan xubnaha labada gole Baarlamaanka iyo dowlada, taasina waxay sababtay in dowlada la kala diro, waxaana burburay sharciyadii ay hore ku soo heshiiyeen, tusaale ahaan waxaa inoogu filan in Baarlamaanka madaxdiisa uu shirka ka qayb galo, iyadoo uusan wax shaqo ah ku lahayn, halka dowlada dhinaceeda  ay dirsatay Wasiirkeeda Arimaha Dibada ee dhowaan la magacaabay, islamarkaana ay ku kala aragti duwan yihiin in ay isla tagaan shirka waa arin aan sharciga KMG ku cadeyn, iyadoo uusan baarlamaanku baasgareynin in dowladu ay ka qayb gasho shirar caalami ah”.

 

 Mar uu ka hadlaayey Maxkamadaha ayaa wuxuu yiri “ iyaguna waxay sheegayaan in dowladu ay dalka soogelisay ciidamo shisheeye, dhamaan arimahaan waxay qayb ka yihiin caqabadaha shirkaasi hortaagan inuu mira dhalo, rajada laga qabi karo ayaa waxay tahay mid aad u liidata, inkastoo labada dhinac ay kulmi karaan, laakiin in go’aan layslagaaro oo lawada fuliya ayaa waxay tahay mid aan hada muuqan.

 

Wuxuu sheegay in xalku uu ku jiro isagoo aragtidiisa ka hadlo in waxyaabaha khilaafaadka asalkiisa ah layka daweeyo, sida awood wada qaybsiga labada dhinac, arimaha ku saabasan shuruucda iyo Gacmaha shisheeye labada dhinac ku kala dhexjira in laga wada tanaasulo, laguna shaqeeyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ayuu hadalkiisa ku soo koobay Dr, C/waaxid Macallin Ibraahim.

 

Fowsi Cabdinuur Maxamed oo hore u ahaan jiray Gudoomiyaha Degmada Baydhabo xiligii RRA-ada, islamarkaana hada ah Af-hayeenka Aqoonyahanada iyo Siyaasiinta Gobolka Baay ayaa isna qaba fikir ah “mar hadii shirka qaybtiisa hore laysu yimid, iyadoo labada dhinac ay is aqoosan yihiin, madashuna ay ahayd in mar kale laysuymaado, way ku khasban yihiin inay isu yimaadaan labada dhnac”.

 

Hadii dhinac uu tegwaayo cudurdaar kasta ha u yeelee, waxay muujinaysaa arintaasi in caqabadu ay dhnaciisa ay ka socoto, isagoo dano gaar ah ka leh in Ummadu uu ku maamulo fikirkiisa u gaarka ah, wadahadalkooda waxaa horyaala mid kasta caqabado aas aasi u ah, waxyaabaha laga maarmaanka u ah tusaale ahaan waa Dastuurka FKMG iyo Kitaabka alle in wax lagu maamulo”.

 

Waxaan qabaa in wax rajo ah  aan laga sugaynin inay ka soo baxaan shirkaasi, sababtoo ah koox kasta waxay shirka dib ugu dhigaysaa inay kasbato Shacbiyad badan, ciidan iyo deegaano kale si ay ugu balaartaan iyagoo maamul sheeganaya ay marka dambe isu yimaadaan.

 

Xalkuna wuxuu ku jiraa in gacan seddexaad ay soo kala dhexgasho, taasoo sameyn karta in la helo dowlad loo dhan yahay,  laakiin hadii shirkaasi uu fashilmo, arintu waxay noqonaysaa in awood laysku muquuniyo, kadibna midka awooda ku guulaysto uu siduu doono wax u maamulo ayuu yiri Fowsi Cabdinuur

 

Sidoo kale C/maalik Xuseen Isaaq oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururada Bulshada ee ka hawlgala gobolda Baay iyo Bakool ayaa isna qaba fikir ah “ in wax ka soo bixi karaan, hadii labada dhinac Dowlada iyo Maxkamadaha Islaamiga ay muujiyaan taanaasulaad badan, iyagoo fiirinaya dhibaatooyinkii faraha badnaa ee is dabajooga ahaa ee ay Ummada Soomaaliyeed soo martay sida dillka,dhaca, kufsiga, barakaca iyo Qoxootinimada, kuwaasoo ka dhacay badd iyo beriba, taasoo ay keentay maamul la’aanta, islamarkaana uu wali taagan yahay dhibkii, mana aha dadka Soomaaliyeed dushooda lagu gorgortamo, waxaan aaminsanahay hadii ay dib u xasuustaan arimahaasi aan soo sheegay, iskana daayaan danahooda gaarka in wax wanaagsan ay ka soo bixikaraan, oo ay ogaadaan wax ay ku gortamayaan in shacabka Soomaaliyeed uu leeyahay”.

 

Mar uu ka hadlaayey hadii ay isu tanaasuli waayaan labada dhinac waxa ka imaan kara ayaa wuxuu yiri “way sii kala fogaanayaan oo wayna kala qayb qayb samayaan Soomaalida, waxaana xoogaysana kuwa hada xooga leh, kuwa tabarta yarna way sii laciifayaan, waxaana badandoona barakaca, awoodii maamulada kala duwan ee hada jirana hoos ayey u dhacaysaa, waxaana badanaya Cadaawada iyo kusii xirnaanshaha quwadaha shisheeye”.

 

Xalkuna wuxuu ku jiraa

1-in awooda la saaro maamulka hada jira oo maxkamaduhuna ay ku soo biiraan.

2-inta hada ka dhiman DFKMG lala wado nabada iyo dibu-heshiisiinta, dhismaha maamulada Gobolada iyo degmooyinka, si shacabku uu fursad u helo oo go’aana kaga gaaro dastuurka dalka lagu dhaqi lahaa.

3- si looga baxo cadaalad derida, sinaan la’aanta, loona yareeyo xadgudubka waxaa na anficikara inaan isku xukuno Kitaabka alle ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey C/maalik Xuseen Isaaq.

Af-hayeenka dalada Culumaa’udiinka ahlusuna wal’jamaaca ee Gobolka Baay Sh’C/llaahi Cali Aadan ayaa isna qaba fikir ah “in uu yahay shirka mid loo baahan yahay, sababtoo ah labada awoodood ee ku kala leh fariisimada Muqdisho iyo Baydhabo ma aha kuwo la yaraysan karo waana labada awoodood oo keliya ee ka jira dalka waqtiga la joogo, caqabadna way jiri kartaa hadii niyad sami ay la tagaan shirka”.

Mar uu ka hadlaayey hadii labada dhinac ay isku af-garn waayaan waxa imaankara ayaa wuxuu ku sheegay “in ay imaan karaan dhibaatooyin hor leh sida dowlada oo ku adkeysata in ay tiraahdo anigaa jira oo lay aqoonsan yahay iyo Maxkamadaha oo iyguna yiraahda waxaanu nahay dadkii ka dulqaaday dhibaatadii hortaagnayd Ummada Soomaaliyeed, taasoo aakhirkii isu bedelaysa gacan ka hadal”.

 

Wuxuuna Sh’C/llaahi ku taliyey in xalku uu noqonayo in inta samaha jecel ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u istaagaan si khilaaf dambe uusan u dhicin oo is af-garanwaa cusub uusan soo bixin oo labada dhinac ah”.

 

Xasan Baashi oo ka mid ah Aqoonyahanada Beelaha diwgil iyo mirifle islamarkaana hada ku sugan Magaalada baydhabo ayaa wuxuu yiri isagoo fikirkiisa dhiibanaya “shirkaan waxaan u arkaa inuu yahay bilow fiican oo labda dhinacba laga mamaarmaan u ah oo xal waara keeni kara, maadaama dowladu ay tahay dowlad dibu-heshiisiin, Maxkamaduhuna dhinacooda waxay doonayaan dibu-heshiisiin, waxaana loo baahan yahay tanaasulaad dheeri ah, si loogu daneeyo Ummada Soomaaliyeed ee dhibaataysan”.

 

Mar uu ka hadlaayey caqabadaha shirku uu yeelan karo ayaa wuxuu yiri :-

1-in qolo walba ay damac gaar ah muujiso, kaasoo wax badan ka haleyn kara.

2-in Kooxaha aysan la imaanin fikrad aysan iyagu lahayn.

3-in ka qayb-galayaasha labada dhinac aysan la imaanin hadalo ka run sheegaya dibu-heshiisiinta.

4-labada kooxood waxaa ku yar la tashiyada Ummad weynta ay kala matalaan, hadii ay ku heshiin waayaan shirkaan Soomaaliya waxay gelaysaa mustaqbalkeeda mugdi badan, waxaana imaanaya kala qaybsanaan weyn, waxaana bilaaban doono kooxo badan oo ku xifaaltama in mar kale baawarka qabashadii sidii ay u qaban lahaayeen”.

 

Wuxuu talo ahaan u soo jeediyey ka qayb galayaasha shirka, inay u naxariistaan bahweynta Soomaaliyeed ee ku dulman dalka iyo dibada, lana yimaadaan goobta shirka ajendooyin u dhadhami kara Ummada Soomaaliyeed oo nabada horseedi kara, waxaana u rajeynayaa waxay Ummada Soomaaliyeed ay ku haminayso inuu Ilaahay waafajiyo” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xasan Baashi

 

W/D:- Maxamed Macallin Cismaan{Allman}
fatxumaalik@hotmail.com , fatxumaaliky@yahoo.com
Baydhabo,

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Sept 5, 2006


Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD