Qaybtii 3-aad:
Waxbarashada Sare(Jaamacadaha)
Hindiya
India Jaamacadeheeda ayaa waxay ka badan yihiin ilaa 229
Jaamacadood kuwaas oo 15 ka mid ah ay yihiin Central
Universities, 39 Deemed Universities, 34 Agricultural
Universities, 18 Engineering Universities, 14 Medical
Universities.
Qaybahan
ayaa loo kala qaadaa jaamacadaha India.
A-Central
Universities
B-State
Universities
C-Deemed
Universities
D-Private
Universities iyo
E-Institutions
of National Importance
A-
Central Universities: waxaa jira ku dhowaaad 15
jaamacadood oo central al waxayna dhamaantood si toos ah u
hoos yimaadaan madaxwaynaha India, waxay taageerada dhaqaale
ka helaan hayada dowlada u qaabilsan aqoonsiga jaamacada iyo
taageeridooda oo lagu magacaabo
University
Grant Commission
(UGC). Delhi University, Allahabad University, Jawaharlal
Nehru University iyo Aligarh Muslim University ayaa ka mida
noocaan.
B- State
Universities: Jaamacado badan oo ku kala baahsan 27
state ee wadanka ayaa hoos imanaya qaybtan, dawlad
goboleedyada wadanka (State governments) ayaa u xilsaaran
horumarinta iyo taageeridda jaamacadahan, sidoo kale waxay
jaamacadahani taageero ka helaan
UGC-da.
Inkasta oo xaga caannimada aysan jaamacadahani ka yarayn
hadana kuwa ugu qadiimsan waxaa kamida: University of
Calcutta,University of Madras iyo Mumbai University. 
C-
Deemed Universities: Macaahidyo waawayn oo wadanka ku
yaala ayaa la siiyay aqoonsi iyo astaan la mida tan
jaamacada, walow aysan macaahidani ahayn jaamacad hadana
waxay ka qaalisanyihiin kana sumcad weyn yihiin jaamacadaha
wadanka ku yaala qaarkood, Macaahidan oo lagu magacaabay
Deemed Universities, waxay u madax banaanyihiin inay
dajistaan manhajkooda iyo waliba course-yada ama kuliyadaha
ay bixinayaan, waxaa jira 100 jaamacadood ama macaahid oo
nidaamkan hoos imanaya.
Deemed
Universities-ka iyagana waxaa aqoonsiga siiya UGC-da iyo
Department of Education oo hoos yimaada Ministry of Human
Research Development.
D-
Private Universities: Jaamacadaha Private-ka ah waa
jaamacado aan hayadaha dowlada ee maamula jaamacadaha hoos
iman, si jaamacada loogu aqoonsado private waa inay dabcan
heshaa ogolaanshaha dowlada fulisaana arrimaha looga
baahanyahay ee sharciga waxbarashada, waxaa jaamacadan
aqoonsi siiya
UGC-da.
E-
Institutions of National Importance:
Macadyadan ayaa ah
kuwo muhiim ah oo la sameeyay ka dib markii baarlamaanka
India uu ansixiyay aas-aaskooda, waxaana ay hoos yimaadaan
dawlada federaalka, Macadyadan ayaa ah kuwa ugu sarreeya
dalkan, waxaana ka mid ah kuwooda ugu waawayn:-
- Indian
Institutes of Management (IIM)
- Indian
Institutes of Technology(IIT)
- Indian
Institute of Science (IISc)
- National Law
School of India University(NLSIU or NLS)
i- Indian Institutes of
Management (IIM)
Indian
Institutes of Management (IIMs) waa macadka ugu muhiimsan
wadankan ee bixiya maadooyinka la xiriira maamulka iyo
ganacsiga waxaana macadkan uu ku yaalaa magaalooyinka kala
ah Ahmedabad, Banagalore, Indore, Kolkata, Kozhikode iyo
Lucknow. Macadkan ayaa wuxuu bixiyaa Post-garaduate Diploma
oo la mid ah MBA taas oo leh takhasusyo kala duwan, mudada
course-ka uu soconayana waa 2 sano.
Macadkan ayaa waxaa lagu
heli karaa in uu qofku ku guulaysto imtixaan la yiraahdo
Common Admission Test (CAT), Imtixaankan ayaa ka mid ah
imtixaanada ugu culus ee aduunka, waxaana qora arday
gaaraysa ilaa 150,000 arday kuwaas oo 1200 seat u tartama,
taas oo ah tiro aan ka badnayn 1% marka loo eego ardayda
qoraysa iyo inta looga baahan yahay waxaana aad u yar inta
ku guulaysata .
Waxaa kale oo hadana aad
qaali u ah qiimaha lagu dhigto macadkan oo ilaa gaarysa
10,000$(Toban kun doolar) Sannadkii, waa marka loo eego
ardayda ajaanibta ah qiimaha ay ku dhiganayaan, Macadkan
ayaa qofkii ka qalin jabiya la oran karaa 100% shaqadiisa
waxaa meeleeya isla macadka, waxaana macadkan dadka ka qalin
jabiyay ka mid ah maamulaha ama CEO(Chief Executive Officer)
shirkada caalamiga ah ee PepsiCo oo la yiraahdo
Indra Nooyi.
ii-
Indian Institutes of Technology(IIT)
Waa macad
ka mid ah ilaa 7 macad oo bixiya Engineering iyo Technology
kuwaas oo ay samaysay sida aan hore u soo sheegnay dawlada
India kuwaas oo lagu magacaabo Institutes of National
Importance kuwaas oo laga aqoonsan yahay dunida oo dhan
shahaadooyinkooda Degree-ga ama Masterka ah.
Macadkan
IITs ayaa wuxuu leeyahay isagana imtixaan lagu aqbalo
ardayga oo la yiraahdo Joint Entrance Examination (ama
IIT-JEE). Dadka macadkan ka soo baxa ayaa loo yaqaanaa
IITians kuwaas oo ah kuwo aduunkoo dhan laga aqoonsan
yahay waxaana macadkan uu bixiyaa shahaadada ah Bachelor
of Technology (BTech) kaas oo ah mid ka yara duwan
Bachelor of Engineering (BE).
iii-
Indian Institute of Science (IISc)
Macadkan oo
ku yaala Bangalore wuxuu bixiyaa Post-graduate iyo Doctoral
research waana macadka ugu sarreeya marka laga hadlayo Cilmi
baarista, waxa uu macadkan kow ka yahay jaamacadaha ka jira
India iyo Jaamacadaha koonfurta Asia.
Waxaa uu
cilmi baaris ku sameeyo macadkan waxa ka mid ah Aerospace
Engineering, Molecular Biophysics iyo Managamement.
iv-
National Law School of India University(NLSIU or NLS)
Macadkan
ayaa isagana ah kan ugu sareeya ee bixiya shahaadaayinka
under-graduate iyo graduate la xiriira cilmiga barashada
Sharciga, waxa uu isagana ku yaalaa meel aan sidaa ugu
dheerayn Bangalore.
NLSIU wuxuu
bixiayaa 5 sano oo ah B.A(Hons) iyo LL.B(Bachelor of Laws)
sannad kasta, ardayda ayaa laga soo xushaa imtixaan sare
oolaga qaado lana yiraahdo AIEE(All India Entrance Exam), in
ka yar 2% ayaa ku guulaysata imtixaankan waxaana la qabtaa
Axada ugu horraysa ee bisha May sannad kasta, Ardayda
ajaanibta ah ayaa aad loogu soo dhoweeyaa imtixaankan iyadoo
5 kursi loogu tala galay, gaar ahaan waxaa loogu tala galay
5taas kursi ardayda ka yimaada wadammada SAARC( South Asian
Association for Regional Cooperation) wadamadaas oo kala ah
Bangladesh, Bhutan, India, Maldives, Nepal, Pakistan iyo Sri
Lanka, wadanka Afghanistan ayaa mar dhowayd ku soo biiray in
kastoo aan weli loo dhammaystirin xubinnimadiisa.
Inkasta oo
jaamacadaha ku yaala India sidaas aan aragnay u badanyihiin,
hadana ma fududa in dhamaantood admission laga wada helo,
shuruudaha aqbalaada jaamacadaha qaarkood aad ayuu u
adagyahay ardayda soomaalida ah ee halkan wax ka bartana
shuruudahaas ma wada oofin karaan, waxaa kale oo jira in
jaamacado badan ay bixinta Admissionka (Warqada Aqbalaada)
ku saleeyeen qaybaha kala gadisan ee bulshada India
(Reservation), taas oo aanan ardayda ajaanibta ah fursad
fiican siinayn, si kastaba ha ahaatee, wali jaamacadaha la
heli karo aad ayay u badan yihiin.
Sidoo kale
waxaa jira jaamacado ay dadku iska samaysteen oo aan
aqoonsina weli helin kuwaas oo ay UGC-du u taqaano
Fake
Universities,
jaamacadahan ayaa waxa ay ku qoran yihiin warbixinada ay soo
saarto UGC-da mar kasta iyadoo ku sheegaysa inaysan
jaamacadahani ahayn kuwo la aqoonsan yahay kuwaas oo gaaraya
ilaa 20 jaamacadood, waxana haboon inuu qofku iska eego
jaamacada inta uusan bilaabin in jaamacadu ay tahay mid ay
dawladu aqoonsan tahay isagoo taa ku heli kara isagoo booqda
boga internetka ee
UGC-du
ay ku leedahay ama xafiis kasta ee ay ku leeadahay UGC-da
kuna yaala magaaladaas.
La soco
qaybta 4-aad.. Maadooyinka laga qaato
Jaamacadaha(Computers, Commerce and Law)