Wararkii Sept 24, 2006
- Sheekh Shariif oo
Hawlo Diblamaasiyeed ka wada..
- Saraakiil ka tirsan CIA-da oo maanta
soo gaaraya..
- Maxaakiimta
Islaamiga ah oo sheegay in..
- Sheekh Aadan Madoobe
Mas’uuliyiin sarsre..
- Xisbiga RPP oo Madaxweynaha
DGPL iyo Kuxigeenkiisa ugu Baaqay in uu Is-casilaan
- BOOSAASO :76 dhalin yaro ah oo maamulka puntland uu dib ugu celiyay koonfurta
Soomaaliya.
- Ciidamada
Maxkamadaha Islaamiga oo la wareegay gacan ku haynta Tuulada Nugeeshow
oo 12 km u jirta magaalada Jilib
- Waxgaradka Gobolka
Gedo oo uga digay maxkamadaha inay duulaan ku qaadaan magaalada Kismaayo
- Dowladda Federalka
Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay weerar ay sheegtay inay maxkamaduhu
ku qaadayaan magaalada Kismaayo ee koonfurta dalka Soomaaliya.
- MAXKAMAD
ISLAAMI AH OO LAGA HIRGELIYAY TUULADA ILIGMADOOBE EE DEGMADA BALCAD
- DGPL oo sheegtay in Hay’adaha UN-ka aysan la socodsiin bixitaankooda puntland.
Warar ku saabsan
Xaaladda Magaalada Kismaayo ka akhri halkan... GUJI
Sheekh Shariif oo
Hawlo Diblamaasiyeed ka wada..
Iyadoo
qaar ka mid ah wadamada Caalamka oo uu ugu horeeyo Mareykanka ay aragti
qaldan ka qabaan Maxaakiimta islaamiga ayaa waxaa arrintaasi sidii uu u
baabi’in lahaa dadaal ugu jira Guddoomiyaha Maxaakiimta islaamiga ah
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Dalka Jabuuti.
Sheekh Shariif ayaa
halkaasi kulamo kula yeelanayey Diblamasiyiin ka socotay beesha Caalamka
oo uu ka dhaadhicinayey in Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku dhismeen
rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Maxaakiimta aysan
cidna dhibaato ku aheyn oo ay doonayaan in ay nabad kula noolaadaan
wadamada deriska la ah Soomaaliya. Sheekh Shariif Ayaa sidoo kale waxa
uu kulamo kula yeeshay Jabuuti diblamaasiyiin ka socotay wadamada Yurub
oo ay isla soo qaadeen arrimo la xiriira xaaldda Soomaliya iyo waliba
go’aanadii ka soo baxay shirkii khartuum ee u dhexeeyay Maxaakiimta
Islaamiga iyo Dowladda Federalka, isagoo sheegay in Maxaakiimtu ay
diyaar u yihiin in ay nabadgelyo la wadaagaan beesha Caalamka.
Sheekh Shariif ayaa
sidoo kale waxaa uu Jabuuti kulan kula yeeshay safiirada Wadamada
Jaamacadda Carabta oo ay iyana isla soo qaadeen sidii ay Jaamacadda
Carabtu gacan u siin lahayd shacabka Soomaliyeed oo uu sheegay in ay
dhibaato ku jiraan mudo 16 sano ah. Sheekh Shariif oo dhawaan tagay
dalka Qadar ayaa halkaasi waxa uu kulamo kula soo yeeshay mas’uuliyiin
ka tirsan Dowladdaasi oo ay isla soo qaadeen arrimaha Soomaliya, iyadoo
Dowladda Qadar ay tahay mid dooneysa in ay isku soo dhaweyso Maxaakiimta
iyo Mareykanka. Sheekh Shariif waxaa kalloo uu wadaa dadaal uu beesha
caalamka kaga dhaadhicinayo in aan Soomaaliya loo soo dirin ciidamo
nabad ilaalin kuwaas oo uu sheegay in ay dalka u keeni karaan burbur iyo
dhibaato oo keliya, isagoo sheegay in haatan ay Soomaliya xasiloon
tahay, caalamkana looga baahan yahay in ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed
taageero dhan walba leh.
Saraakiil ka tirsan CIA-da oo maanta
soo gaaraya..
Maanta ayaa la filayaa in Magaalada
Baydhabo ay soo gaaraan saraakii ka tirsan CIA-da Mareykanka, kuwaas oo
doonaya inay eegaan goobtii uu ka dhacay qaraxa la doonayey in lagu dilo
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Weli waxaa xiran goobtii uu
ka dhacay qaraxa, waxaana ilaalo ka haya ciidamo ka tirsan booliiska
Dowladda Federaalka.
Saraakiishaan oo maalmahan ku sugneyd
Magaalada Garoowe ayay halkaasi waxay kulamo kula soo yeesheen
mas’uuliyiin ka tirsan maamul gobaleedka Puntland oo uu ku jiro
Madaxweynaha maamulkaasi Gen. Cadde Muuse.
Madaxweyene C/llaahi Yuusuf oo dhawaan
wareysi siiyey Wargeyska Sharqul-Awsat ayaa waxa uu Dowladda Mareykanka
eedeeyay in ay u dhabar jeedisay Dowladda Federaalka, isla markaana ay
xiriir la sameysay wax uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah.
Saraakiishaan ayaa markay dhameystaan
baartaan-kooda waxay aadi doonaan Jabuuti oo ay degan yihiin cutubyo ka
tirsan Ciidamada Mareykanka kuwaas oo loo xilsaaray inay argagixisada ka
ilaaliyaan Geeska Afrika.
Maxaakiimta
Islaamiga ah oo sheegay in..
Iyadoo maalmahan lagu waramay in wada hadal aan toos aheyn uu dhex maray
Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda mareykanka, ayaa maalintii shalay
ahayd waxay Dowladda Mareykanka qirtay in wada hadal toos ah uu dhex
maray Maxaakiimta, waxayna Dowladda Mareykanku ka codsatay Maxaakiimta
Islaamiga ah in ay soo dhiibaan saddex nin oo la sheegay in ay xiriir la
leeyihiin ururka Al-Qaacida kana dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay
safaaradaha0 uu Mareykanku ku leeyahay dalalka Kenya iyo Tansaaniya.
Saddexdaan nin oo u
kala dhashay wadamada Kenya, Tansaaniya iyo Komooroos ayaa waxaa mas’uul
u hadlay Maxaakiimta uu sheegay in saddexdaas nin aysan ku sugneyn
Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegay mas’uulkaasi in kooxo argagixiso
ah Soomaliya aysan ku sugneyn haba yaraatee.
Wada hadalka u
dhexeeya Maxaakiimta iyo Dowladda Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay
dhex dhexaadineyso dowladda Qadar oo dooneysa inay soo afjarto khilaafka
u dhexeeya maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Mareykanka, hase
yeeshee Dowladda mareykanka weli waxay ku adkeysaneysaa in la soo dhiibo
saddexdaasi nin.
Shacabka mareykanka
ayaa dhamaantood aaminsan in Soomaliya aysan ku sugneyn kooxo
argigixiso, is bedelka ka dhacay Muqdishana uu yahay mid ku yimid
rabitaanka shacabka.
Sheekh Aadan Madoobe
Mas’uuliyiin sarsre..
Sheekh Aadan Max’ed Nuur Sheekh
(Aadan Madoobe) oo ah wasiirka garsoorka ee Dowladda Federaalka ayaa
waxa uu ka hadlay dilkii loo gaystay Cabdalla Deerow Isaaq bishii May ee
sanadkaan waxa uu sheegay in dilkaan ay ka dambeeyeen rag sheegayana
mas’uuliyiin.
“Dilku waxa uu ahaa
mid qorsheysan oo laga lahaa ujeedooyin gaar ah” ayuu yiri Sheekh Aadan
Madoobe oo sheegay inay waqti dhow ku dhawaaqi doonaan ciddii ka
dambeysay dilkii Cabdalla Deerow.
Sheekh Aadan Madoobe
waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ay wadaan baaritaan
wadaan, mar dhowna ay ku dhawaaqi doonaan ciddii ka dambeysay dilkaasi.
Mar uu ka hadlayey
qaraxiii dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhabo, waxa uu sheegay in
qaraxaasi uu ahaa mid Ismiidaamin ah oo la xiriira fal argagixiso ah.
- Nin Soomaali ah oo lagu dilay
K/Afrika, kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida
Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, hab-dhiska qashin saarka iyo
dheefshiidka.
Akhri...
Garoowe:
Ramaas Political Party oo Sabtidii soo saartay Bayaan ka dhan ah
xukuumada puntland...
Bayaan uu Sabtidii Sept 23 soo saaray
xibiga mucaaradka ah ee ka jira puntland oo marka magiciisa la soo
gaabioyo loo yaqaano (RPP) ayaa loogu baaqay in madaxwaynaha puntland
Gen: cade muuse iyo Ku xigeenkiisa Afqurac ay isaga dagaan kursiga
madaama aysan umada Puntland u hayan wax dan ah, kun aeedeeyey in ay
bixisaan , qaataana laaluush iyo in ay ka takteen cadaaladii.
Xisbiga Ramaas ayaa ah mid u hawlan
sidii uu u soo bandhigi lahaa waxyaabaha xukuumada cade muuse ay ku
tilaabsado kaasi oo shaaca ka qaaday waxyaabo badan oo u qarsoonaa
xukuumada cade muuse tan iyo markii la asaasay xisbiga Ramaas Political
Party(RPP.)
Bayaankan ayaa si toos ah ugu socda
madaxaynaha puntland Gen: cade muuse oo hada ku sugan magaalda
laascaanood ee xarunta gobalka sool, waxan auu u qornaa sidan:
Puntland somalia
Ramaas political party(RPP)
RPP/51/06 Date:23/09/2006
Ku: Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka DGPL
Ku: Saxaafada soomaaliya
Ogaysiin: Shacabwaynaha puntland
Ujeedo: Kuceliya umada masiirkay idiin dhiibatay
Mudanayaal sida aad la socotaan waxaad ku fashilanteen inaad wax ka
qabataan.
1- Nabadgalyadii dalka oo faraha ka baxday
2- Arimihii bulshada, khaasatan waxbarashada oo aad in aad ku abuurtaan
corupyion ardayda maahane aydaan wax kale oo barnaamij ah oo ah heer
jaamacadeed ama heer shaqo aysan jirin waxaad ugu tala gasheen markay ka
baxaan secondariga.
3- Dhamaan adeegyadii guud.
4-Musharhaarkii ciidanka iyo shaqaalaha oo aan lahayn kadib markii aad
miisaaniyadii dalka aad u adeegsateen dano gaar ah.
B) Waxaad ka shaqaysaan
1- In aad dalka ka abuurtaan coruption si dalku u bur buro
2- Waxaad tihiin laaluush qaatayaal
3- Waxaad bixisaan laaluush
4-Waxaad ka takteen cadaaladii
5- Waxaad lumiseen isu dheelitirnaantii maamulka maadaama ay beelo isku
darsadeen maamulkaan.
Sidaa darteed si dalka iyo dadka loo badbaadiyo waxaa xisbiga Ramaas
idiin soo jeedinayaa in aad is casishaan kuna celisaan umadda masiirkii
ay shalay idin saareen.
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas (RPP)
Daahirciiro tel: mobile.. 747090
Email:
daahirciiro@hotmail.com
BOOSAASO :76 dhalin yaro ah oo maamulka puntland uu dib ugu celiyay koonfurta
Soomaaliya.
76 dhalinyaro u badan ayaa Sabtidii maamul DGPL uu dib ugu celiyay koonfurta soomalia, dhalinyaradaan ayaa laga soo qab qabtay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.
Dhalin yardaan dib loo celiyay ayaa waxaa looga shakiyay in ay doonayeen in ay magaalada Boosaaso ka fulin lahaayeen falal ammaan-xumo ah sida uu saxaafada u cadeeyay taliye xigeenka Ciidanka Booliska G/sare, C/casiis Siciid Gacameey Taliyekuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland ayaa Saxaafada u sheegay in ay dib u cesheen dhalinyaradaasi kadib markii ay u arkeen kuwa doonaya in ay dhibaatooyin wax loogu dhimayo ammaanka ay ka fuliyaan gudaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.
Taliyekuxigeenku wuxuu sheegay in ay dhalinyaradani wateen 2 baabuur oo waawayn islamarkaasna ay ahaayeen kuwo fir-fircoon oo tababaran , sidaas awgeed waxaan ku darnay Ciidan iyo Baabuur gaysa xadka ilaa iyo Caddaado waxayna iminka marayaan magaalada Gaalkacyo oo laga sii gudbin doono sidaan amarka ku bixinay, dhalinyaradaani sida aanu ku aragnay ma aysan wax dhar ah iyo alaab kael toona waxayna u ekaayeen kuwo la soo adeegsaday oo meelo cayiman loo soo tilmaamay si ay amaanka puntland khal khal u galiyaan anaguna waanu ka hortagnay illaahna waa nagu guuleeyay in aanu qaqabano kuwa dhibta wada, amaankayagana waanu adkaynayaa.
Sikastaba Taliyekuxigeenku wax faafaahin ah kama uusan bixin cida adeegsanaysay dhalinyaradaan iyo meelaha ay sida gaarka ah u bartilmaameedsanlahaayeen lakiin waxa uu ku nuux nuuxsaday in amaanka puntland uu iyaga xil ka saaran yahay sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in cidii looga shakiyo in ay wadaan falaal amaanka wax loogu dhimayo in la qabto halka ay puntland ka soo gashana dib loogu celiyo.
Taliyuhu waxa uu intaa ku daray in ay fiican tahay si dadka looga garto cida fawdo u joogayaasha ah in lagu sameeyo astaan sida aduunka looga dhaqmo, waa in Timaha laga xiiraa cida amaanka wax u dhimaysa si dadku ay u aqoonsadaan isla markaana la isaga ilaaliyo waa arin muhiim ah oo aduunku ku dhaqmo.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Wararkii Galabnimadi Sabtida:
Ciidamada
Maxkamadaha Islaamiga oo la wareegay gacan ku haynta Tuulada Nugeeshow
oo 12 km u jirta magaalada Jilib
Muuse Maxamuud Jisow
musejisow@hotmail.com
MuqdishoSomalia
002521576666/002521653623
Maxkamadaha
Islaamiga ee ku sii jeeda gobollada Jubbooyinka ayaa gaaray maanta
tuulada Nagooshow oo ka tirsan degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe,
iyadoo ciidamada isbahaysiga Dooxada Jubba ee ku sugnaa degmada Jilib ay
isaga baxeen iyagoo difaac ka galay magaalada Kismaayo ee xarunta
gobolka Jubbada hoose.
132 km ayay u
jirsadeen magaalada Kismaayo xoogagga taabacsan maxkamadaha Islaamiga ah
ee iyaga ku soo fool leh magaalada xeebta ah ee Kismaayo, waxaana
odayaal iyo dad aad u taageersan ay uga hor tageen tageen degaanka
Nogeeshow oo 12 km dhanka Muqdisho kaga beegan degmada Jilib ee gobolka
Jubbada dhexe, halkaasi oo lagu warramayo inay iminka ku xoolo
qalanayaan, waxaana ciidamadaasi ay doonayaan inay ku sii siqaan
gacantana ku dhigaan magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo
istaraatiiji ah gobollada Sh/hoose, Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose,
waxaana sidoo kale halkaasi isaga firxaday ciidamadii isbahaysiga
Dooxada Jubba kuwaasoo dib ugu gurtay magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamo
aan sidaas u sii tira badneyn oo wata tiro gawaarida dagaalka oo iyagu
u soo ruqaansaday dhinaca magaalada Kismaayo, iyadoo wararku ay
xaqiijinayaan in uu u yeeray guddoomiye ku xigeenka 1aad ee isbahaysiga
Dooxada Jubba Xildhibaan Yuusuf Max'ud Mire Seeraar.
Wararka laga helayo
degmada jilib ayaa waxay sheegayaan in dadka ay si aad ah iminka isugu
diyaarinayaan soo dhoweynta ciidamada Midowga maxaakiimta Islaamka,
iyadoo dhanka kalena ay ku soo beegantay xilli uu guddoomiyaha degmada
Jilib iyo ku xigeenkiisana ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, waxaana
guddoomiyaha Degmada Jilib C/laahi Macallin Xuseen isagoo jooga Muqdisho
uu sheegay inay ka maamul ahaan soo dhoweynayaan ciidamada Maxkamadaha,
degmada Jilibna ay ka mid tahay degmooyinka kale oo ay horay u gaareen
maxkamadaha Islaamiga.
Si kastaba ha
ahaatee magaalada Kismaayo ayaa arrintaasi si weyn looga hadal hayaa,
waxaana la arkayay in magaalada Kismaayo gudaheeda ay ka socoto diyaar
garow ballaaran oo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan ciidamada
Maxkamadaha sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiishaas.
Waxgaradka Gobolka
Gedo oo uga digay maxkamadaha inay duulaan ku qaadaan magaalada Kismaayo
Dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog badan ayaa ka soconaya inta badan
degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Gedo iyadoo la arkayay maalmihii
la soo dhaafay xiisadaha u dhexeeya Midowga maxkamadaha Islaamiga
Islaamiga isbahaysiga Dooxada Jubba oo uu hoggaamiyo wasiirka
Gaashaandhigga Barre Hiiraale ay cirka isku shareertay, kaddib markii ay
soo baxeen wararka sheegaya in ciidamada Midowga maxaakiimta
Soomaaliyeed ay ku sii jeedaan magaalada Kismaayo.
Wararka laga helayo
degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in maanta
magaaladaasi ay ambabaxeen boqollaal maleeshiyo ah oo ku hubeysan
noocyada qoryaha fud-fudud iyo kuwa cul-culus, iyadoo maleeshiyada uu
hoggaaminayo Taliyaha ciidamada Ceelwaaq Max'ed Cabdi Kaliil ay
ujeedadoodu tahay sidii ay gacan ugu siin lahaayeen difaaca magaalada
Kismaayo maleeshiyada isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay is hayaan kuwa
midowga maxkamadaha Islaamiga.
Sidoo kale
maleeshiyo uruurin ayaa waxay ka socotaa qaar ka mid ah degmooyinka ka
tirsan gobolka Gedo.
Dhinaca kale
masuuliyiin ka tirsan maamullada degmooyinka Gobolka Gedo qaar ka mid ah
ayaa ka dalbaday midowga maxkamadaha Islaamiga ah inay joojiyaan
dhaqdhaqaaqa ciidan ee ku wajahan dhinaca magaalada Kismaayo, xilli
dadka deggan degmada kismaayo ay cabsi xooggan soo food saartay tan iyo
wixii ka dambeeyay markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamada
maxkamadaha oo wata tiknikada dagaalka ay ku sii jeedaan dhinaca
magaalada Kismaayo.
Guddoomiyaasha
maamullada degmooyinka Luuq, Beledxaawo iyo Doolow oo maalmihii la soo
dhaafay magaalada Doolow-Itoobiya ugu soo gabagaboobay kulan ay la
lahaayeen saraakiil Itoobiyaan ah oo ku saabsanaa xoojinta nabad gelyada
magaalooyinka ku yaalla xuduuda, saraakiil Itoobiyaan ayaa ka digay
cawaaqib xumada ka imaan karta dagaal ka dhaca magaalada Kismaayo inay
xasilooni darro ku keeni karta qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka oo
iminka ay deggenaanshi ka jirto, waxaa habboon ayay yiraahdeen odayaasha
in la hirgeliyo heshiiskii Khartoum oo qodobadiisu ay ka mid ahaayeen
colaad joojinta.
Masuuliyantan oo
shir jaraa'id maanta ku qabtay degmada Beledxaawo ayaa gabagabadii
kulankoodii kaddib muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan dagaal Kismaayo
ku dhex mara maleeshiyada isbahaysiga Dooxada Jubba iyo ciidamada
Maxkamadaha Islaamiga, iyagoo sheegay in xilligan aysan wanaagsaneyn in
la weeraro meel uu maamul ka jiro.
Dowladda Federalka
Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay weerar ay sheegtay inay maxkamaduhu
ku qaadayaan magaalada Kismaayo ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Afhayeenka dowladad
Federalka Soomaaliya C/raxmaan Diinaari oo u warramayay wakaaladda
wararka Reuters ayaa sheegay in ay heleen warar sheegaya in ku dhowaad
50 baabuurada dagaalka ah oo ay leeyihiin maxkamadaha islaamig ay ku sii
jeedaan magaalada Kismaayo si ay xoog ugu qabsadaan, isagoo sheegay in
dowladdiisu ay sugeyso inuu dagaalku qarxo, waxa kale oo uu sheegay C/raxmaan
Diinaari in weerarkan Kismaayo oo ah magaalada seddexaad ee ugu weyn
Soomaaliya derisna la ah dalka Kenya uu yahay mid jebinaya heshiiska xabbad
joojinta ee maxkamadaha iyo dowladda ay ku kala saxiixdeen magaalada
Khartoum ee dalka Suudaan, isagoo markaasi tilmaamaya in magaalada
Kismaayo ay gacanta ku hayso dowladda Federalka Soomaaliya maadaama uu
ku sugan yahay wasiirkeeda gaashaandhigga Barre Aadan Shire (Hiiraale).
Golaha maxkamadaha
islaamiga Soomaaliyeed ayaa horay u sheegay inuu bur-buray heshiiskii
Khartoum kaddib markii ay dowladda ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen
go'aankii uu golaha ammaanka iyo nabad Afrika uu ku gaaray in ciidamo la
keeno dalka Soomaaliya dabayaaqada bisha October.
MAXKAMAD
ISLAAMI AH OO LAGA HIRGELIYAY TUULADA ILIGMADOOBE EE DEGMADA BALCAD
Maxkamad islaami ah
oo lagu magacaabo Al-birra ayaa laga hirgeliyay tuulada Ilid-madoobe ee
ka tirsan deegaanka Balcad.
Guddoomiyaha
siyaasadda Xamar iy oXamardaye Macallin Xaashi Max'ed Faarax iyo xubno
la socday ayaa halkaasi ka hadlay, waxayna sheegeen in ay deegaanka ka
furi doonaan maxkamado Islaamiga ah oo suga nabad gelyada.
Guddoomiyaha
maxkamadda Islaamiga ee Al-birra ayaa loo magacaabay Sheekh Yuusuf
Max'ed Yuusuf, halka guddoomiyaha shuurada loo magacaabay Sheekh Muriidi
C/qaadir Nuur, waxaana sidoo kale taliyaha ciidanka ee maxkamaddaasi loo
magacaabay Xasan Max'ed Hiraabe, waxayna maxkamadani ka mid noqoneysaa
maxkamado Islaami ah oo ay maamulka degmada Balcad ka hirgelinayaan
tuulooyinka hoos yimaada.
Dhinaca kale maxkamad Islaami ah ayaa shalay gelinkii dambe la furay
deegaanka God-doonfaar oo haatan loo bixiyay God-caano, sida uu sheegay
guddoomiyaha siyaasadda Xamar & Xamardaye ahna madaxa maamulka degmada
Balcad Macallin Xaashi Max'ed Faarax.
Macallimiinta
Dugsiyada Qur'aanka kariimka oo shir ballaaran ay la yeesheen maamulka
Degmada Balcad
Shir ballaaran oo
looga hadlayo tayeynta dugsiyada Qur'aanka, tarbiyada diinta Islaamka,
joojinta munkarka sida caweyska, qamaarka iyo cayaaraha kale oo ka hor
imaanaya diinta Islaamka ayaa ka dhacay xarunta warshadda dalka ee
Balcad.

Shirkan oo uu shir
guddoominayay madaxa maaliyadda degmada Balcad Max'ed Max'ud Axmed (Siliki)
aya waxaa ka qeyb galay macallimiin dugsiyo Qur'aan oo kala socday
deegaanada Xamar iyo Xamardaye, waxayna macallimiintu tiradoodu kor u
dhaafaysay 95 xubnood.
Shirkan ayaa looga
hadlay sidii waxbarashada kor loogu qaadi lahaa, isla markaana diinta
loo bari lahaa dadka looguna dadaali lahaa, sidoo kale ardayda Qur'aanka
dhameysa ayaa layskula soo qaaday shirkaasi in la baro cilmiga iyo
waxbarashada aasaasiga ah intaba, iyadoo gogosha shirkan ay dhigeen
maamulka degmada Balcad ayay macallimiintii ka qeyb gashay waxay soo
jeediyeen in laga hortago sidii loo joojin lahaa dhammaan waxyaabaha
munkarka ah oo uu ugu horreeyo caweyska.
"Xukun kasta oo
yimaada lalama tashan jirin culimada" ayuu yiri Macallin Axmed Sheekh
Ibraahim oo halkaasi hadal ka soo jeediyay, wuxuuna u mahad celiyay
maxkamadaha Islaamiga dadaalkooda ku aaddan sugidda nabad gelyada.
Muuse Maxamuud Jisow
musejisow@hotmail.com
MuqdishoSomalia
002521576666/002521653623
GAROOWE : DGPL oo sheegtay in Hay’adaha UN-ka aysan la socodsiin bixitaankooda puntland.
Xukuumada DGPL ayaa markii ugu horeysey ka hadashay ka bixitaanka Hay’adaha UN-ka ee Puntland Waxayna sheegeen in Hay’aduhu aysan la socodsiin ka bixitaankooda Puntland oo ay ku xaskudbeen xukuumada puntland taasina ay ahayd tilaabo aan loo baahnayn ee ay haayaduhu iskood u qaateen.
Wasiirka warfaafinta DGPL C/raxmaan Bankax ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in Hay’aduhu aysan la socodsiin in ka baxayaan Puntland ayna iyaku iskood u baxeen , wuxuuna sheegay in ay qoraal u direen oo ay ka sugayaan sababta ay uga baxeen Puntland maadaama ay Puntland ay tahay meel ammaan ah oo u nabad badan guud ahaan dalka Soomaaliya , wuxuu sheegay in ay ka fiirsan doonaan jawaabta ay ka soo bixyaan qoraalka loo diray.
Wasiirka warfaafinta puntland ayaa intaas ku daray in aysan haayaduhu markay rabaana aysan iska bixi karin markay rabaana aysan imaankarin puntland, puntland waa nabad magaranayo sabab ay hada haayaduhu uga baxeen waana arin nagayaabisay in ay haayaduhu iska baxaan oo xataa aysan na qadarin oo aysan nala soo socodsiin bixitaankooda.
Ka bixida Hay’adaha UN-ka ee Puntland ayaa ka dambaysay kadib markii qoraal digniin ah loo soo galiyay bog Internet xafiiskooda nirobi kaasi loo looga digayay in dhamaan haayadaha UN ku ay isaga baxaan Somalia hadii kale lalabegsan doono xarumahooda iyo shaqaalahodaba Qaraxyo la mid ah kii ka dhacay Magaalada Baydhabo oo kale, waxaana qoraalkaasi loogu sheegay in lalayn doono Hay’adaha UN-ka ee ka hawlgala Soomaaliya haddii aysan si degdeg ah uga bixin gudaha Soomaaliya tasi oo dhalisay in ay isaga baxaan puntland.
Waa markii ugu horaysya ee sidan ay somalidu u adeegsato aadala internetka iyaga oo hanjabaado u diray haayadaha UN-ka ee ka hawlgala Somalia hadii arinkan uu meel maro waxaa jiridona hanjabaado badan oo loo gaysnayo shaqsi, haayad, iyo maamulba, waxayna tani noqonaysaan arin ku soo cusboonaata Somalida.
Hanjabaadaha noocaani oo kale ah waxay ka jiraan wadamada Iraq, Afghanistan, iyo meelo kale lakiin Haayadaha UN-ka waxa ay ku andacoonayaan in ay tani la dhigan tahay hanjabaadihii nooga yimid wadamadaasi Irqa iyo Afghanistan oo ay haayadaha UN- ay dhagaha ka furaysteen isla markaana qaraxyo lala beegsaday xarumahooda shaqaalahoodana la afduubtay iyaga oo taas qiil uga dhiganaya ayay tan Hanjabaada Somalida ay u hogaansameen oo ay puntland durba ka baxeen.
Hanjabaada haayadaha UN- ka loogu hanjabay in ay ka baxaan somalia waxaa kale oo iyana ka baxay puntland NGO kuwasi oo iyaguna ka baqanaya in qaraxyo lalabeegsado lamarankaro saamaynta ay somaliya ku yeelankarto arintaani.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Munaasabad
lagu furayo sanad dugsiyeedka jaamacada Kismaayo oo ka dhacday xarunta
jaamacada Kismaayo
Munaasabad balaaran oo ay ka soo qeyb
galeen masuuliyiin ka soocota maamulka dooxada jubba kan degmada
kismaayo ururada bulshada rayidka ah aqoonyahono iyo waliba culumaaidiin
oo lagu furayay sanad dugsiyeedka jaamacada kismaayo ee 2006 2007 ayaa
maanta ka dhacday xarunta jaamacada kismaayo ee gudaha magaalada
kismaayo.

Furitaanka sanad dugsiyeedka jaamacada
kismaayo oo sanadkan la filayo in ay fariistaan ugu yaraan 150 ardey oo
ka kala yimid ama ka soo baxay durgsiyada sare ee kala duwan ee ku yaala
gudaha magaalada kismaayo ayaa waxay inta badan baranayaan kulyada
maamulka iyo dhaqaalaha iyo kulyada waxbarashada taasoo ay aad haatan
ugu riyaaqayaan ardeyda reer kismaayo ee haatan ay u suuro gashay
helitaanka jaamacad maadaama ay jaamacada kismayo tahay jaamacadii ugu
horeysay ee gobolada jubooyinka laga hirgaliyo.
Munaasabadii Furitaanak sanad
dugsiyeedkan oo sida aanu sheeganay ay ka soo qeyb galeen bulshada
heerarkeeda kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn halkaasi hadalo kooban oo
baraarujin ah ka soo jeediyay gudoomiye ku xigeenka jaamacada kismaayo
Pro Xasan gaarane oo halkaasi ka sheegay hadalo xasaasi ah oo quseeyo
nasiibka manta ay ardeyda reer kismaayo u heleen helitaanka jaamacada
maadama ay dhib ku ahayd helitaanka jaamacad marka ay dhameeyaan dugsiga
sare sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Pro Xuseen Cabdi Aadan oo
isaguna ka mid ah maamulka jaamacada kismaayo ayaa isaguna waxaa uu
munaasabadaas ka soo jeeidyay hadalo qiiro leh oo lagu baraarujinayo
dhalaanka somaliyeed ee maanta jaanis u helay dhigashada jaamacad taasoo
ay markii hore u raadsan jireen gobolada kale sida banaadir iyo wadanka
dibadiisa,waxaa kale oo halkaas ka hadlay Ustaad: Cabdiraxman Sahal iyo
Ustaad Xamze Cabdi oo katirsan Maamulka Jaamacadda Kismayo.
Ugu danebyntii waxaa furay sanad
dugsiyeedka jaamacada kismaayo gudoomiyaha degmada kismayao alxaaji
Daahr maxamed cilmi daahir carabey asagoo aad ugu mahadceliyay
macalimiinta iyo pro jaamacada ee ayagu isu taagay xiligan in ay
gobolkan jubbada hoose ka hirgaliyaan jaamacad taasina ay tahay guul u
soo hoyatay reer kismaayo iyo guud ahaan reer gobolada jubooyinka.
Ugu danbeyntii waxaa halkaas ay
maamulka jaamacada Kismayo ka sheegeen in ay ku deeqeen deeq waxbarasho
oo gaareysa ilaa iyo 20 qof ayna kala siiyeen
5 ardey oo ay siyyeen dugsiga sare
jubba 5 ardey oo ay siiyeen dugsiga sare ee axmed binu xambal 2 arday
oo ay siiyeen dalada waxbarashada gobolkan ee JEN 2 arday oo ay siiyeen
bulshada rayidka ah 2 arday oo ay siiyeen maamulka degmada kismaayo
daraasada Jaamacadda ayaa si toos ah u
socota laga soo bilaabo waqtiga la furay munaasabadada Sanad dugsiyeedka
Jaamacadda Kismaayo.
Jaamacadda Kismayo waxaa lagala xiriiri
karaa:
jaamacaddakismayo@hotmail.com
Maalinta Nabada oo laga xusey
Magaaladda Muqdisho
Waxaa maalintii shaley ahayd dalka laga xusey Maalinta Nabada Adduunka
waxaana xaflad arrintaa ku saabsan lagu qabtey Xarunta SSWC waxaa ka
qayb galey masuuliyiin ka socotey Bulshada Rayidka ardeyda wax ka barata
Xarunta SSWC . waxaa ugu horeyntii halkaas ka Hadley Aamina Xaaji Cilmi
oo ah xiriiriyaha Xarunta SSWC waxay sheegtey in Nabada ay tahay midda
furaha u ah Horumarinta Bulshada waxay u soo jeedisey Bulashada
Soomaaliyeed in la adkeeyo Nabadda la heysto isla markaana laga
faa’iidaysto, waxaa kaloo ka hadlay C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow oo
isagu ka hadlayey Magaca Bulshadda Rayidka ah wuxuuna sheegay in Nabadda
ay tahay mid ay u baahan yihiin Ummadda Soomaaliyeed la ‘aanteedana aan
la gaari Karin wax horukac ah “u mmadda Soomaaliyeed waxay soo martay
lix toban sano oo Nabad la ‘aan ah maanta waa inaan ka faa’iideysannaa
Nabadda aanu helnay.
Xafladaasi waxaa kaloo erayo ka soo jeediyey, C/Nuur Xaaji Maxamed
wuxuuna halkaas ka tirayey erayo ka hadlaya dhinaca Nabdda waxayna
erayadaasi ku qornaayeen Afka Ingiriiska waxaana laga dhandhansanayey in
ay isku xiran yihiin Nabadda, Caddaaladda, Jecaylka, CNuur ayaa ka
qaybgalyaasha Xafladda waxa uu weydiiyey Cidda fasirta Nabadda Qof baa
istaagay wuxuuna yiri” waa markaad hesho Xorriyo, iyo Nolol, mid kale
ayaa isna istaagay oo wuxuu yiri” Nabaddu macnaheedu waa markaan
Gurigayga si Nabad ah ku tago, mid kale sii raaciyey” waa markaan helo
wax barasho walwal la ‘aan ah” Gabar baa istaagtay oo waxay tiri”
Nabaddu waa markaan cajiinka reerka si Nabad ah ku geeyo guriga”.

Xaflad la mid ah midaan ayaa waxa lagu qabtay Magaalada Baydhabo waxaa
lagu muujiyey Banaanbax oo mid lagu taageerayey in Dalka la keeno
Ciidamo shisheeye midna waxa uu ahaa mid lagu xusayey maalinta Nabadda
ööAdduunka waxaana lagu cambaareeyey Qaraxii la damacsanaa in lagu dilo
Madaxwayne C/llaahi Yuusuf waxaana ka hadlayey Wasiirka Gaadiidka Cirka
iyo Dhulka Max’ed Ibraahim Xaabsade.
Ururka SOYWA oo qabtay siminaar ku
saabsan Xaquuqda
Maalintii shalay ahayd ayaa xarunta Ururka SOYWa waxaa lagu qabtay
siminaar ay soo qabanqaabisay Ururka SOYWA iyadoo gacan ka heleysa
Hay’adda NOVIB, waxaana ka qaybgalay ilaa iyo 20 qofood oo ka socday
ururada dhallinyarada.

Siminaarkaan oo lagu baranayey cashiro la xiriira xaquuqda Haweenka ayaa
waxaa cashiro ka bixinayey AVV. Sakeriye, C/llaahi Shaashaale iyo C/Naasir
Yuusuf Macallin (Ganey), waxayan dhamaantood si aad ah ugu dheeraadeen
tacadiyada loo gaysto Haweenka Soomaaliyeed.
Xabiibo Max’ed Guutaale oo ah madaxa tababarada Hay’adda SOYWA ayaa soo
xirtay siminaarkaasi, waxayna u soo jeedisay in xubnihii ka qaybgalay
siminaarkaasi ay casharadii ay halkaasi kabarteen uga faa’iideeyaan
gabadha kale ee Soomaaliyeed, siminaarkaan oo socday mudo labo maalmood
ayaa aheyn midkii ugu horeeyay oo uu qabto Ururkaasi
W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
DAGMADA
BALCAD OO NASIIB U YEELATEY IN LAGA FURO DUGSI SARE
Saminaar Socon Doono Mudo Sadax Cisho
Ah Ayna Ka Qeyb Galeen Macalimiintii Ugu Horeysay Oo Wax Ka Dhigaya
Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ayaa Si Rasmi Ah Uga Furmay Xarunta Cayaaraha
Kubada Teeniska Ee Dagmada Balcad ,

Saminaarkaan Oo Furitaankisii Ay Ka
Qeyb Galeen Mas.Uuliyiinta Dagmada Balcad .Qaarka Mid Ah Ganacsatada .Waxgaradka
.Iyo Culumaa.Udiinka Ayaa Waxaa Ugu Horeyntii Ka Hadlay Gudoomiyahay
Siyaasada Xamar Iyo Xamar Daye Ahna Gudoomiyaha Dagmada Balcad Macalin
Xaashi Macalin Farax , Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Islaamiga Ah Ee Dagmada
Balcad Sh : Cali Sh: Maxamuud Shuuriye .Gudoomiye Ku Xigenka Dagmada
Balcad Abuukar Adan Celi .Ugaaska Dagmada Balcad Ugaas Maxmuud Weli
Ugaas Xuseen .Nabadoon Tahliil Axmed Ceynte .Iyo Ganacsade Maxaaday Cali
Waranle Iyo Mas.Uuliyiin Kale Iyaga Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Baahida
Loo Qabo In Dib Loo Yagleelo Hanaankii Waxbarasho Ee Dagmada Balcad Oo
Xaalada Murugaleh Ku Jiray Mudo Lix Iyo Toban Sano Ah Iyo Baahida Ay U
Qabaan Dadka Ku Dhaqan Dadka Degan Balcad Dhinaca Waxbarasgada Iyaga O
Xusay In Dagmada Balcad Ay Haatan Fursad Qaali Ah U Heshey In Ay Ka
Bilowdaan Howlihii Waxbarasha Aasaasiga Ahaa Ka Dib Markii Maamulka
Dagmada Balcad Iyo Dadweynaha Oo Kaashanaya Jaaliyadaha Somaliyeed Ee Ku
Abtisada Dagmada Balcad Ay Iska Kashadeen In Ay Dib U Distaan Una
Dayactirteen Goobihii Waxbarashada ,Maantana Ay Tahay In Macalimiintii
Ugu Horeysay Ee Wax Ka Dhigi Laehyd Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ee Dagmada
Balcad Loo Furo Saminaarkii Ugu Horeeyey Oo Ay Ka Qeyb Galaan 12 Macalin
Waxyna Ka Codsadeen In Ay Ka Faaiidaystaan Mudada Uu Saminaarkaan Socdo
Iyaga Oo Si Gaara Ugu Mahadceliyey Qaarka Mid Ah Jaaliyadahaas Oo Ay Ka
Mid Yihiin Yasiin Maxi Iyo Abuukar Cali Geedi Oo Iyagu Si Gaara Isaga
Xil Saaray In Uu Najaxo Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ee Dagmada Balcad ,


Mas.Uuliyintaas Oo Ka Hadashay
Furitaanka Saminaarkaas Oo Uu Ka Mid Ahaa Macalin Xaashi Maxamed Faarax
Ayaa Ugu Baaqay Jaaliyadaha Ku Dhaqan Dalka Dibadiisa Ee Ka Soo Jeeda
Deegaanka Balcad Iyo Nawaaxigiisa Iyaga Oo Ka Faaiidaysanaayo Nabada
Haatan Ka Jirta Dalka Gar Ahaan Tan Balcad In Ay Dalkooda Iyo
Deegaanadooda Ay Maalgashadaan Una Abuuraan Fursado Shaqo Iyo Kuwo
Waxbarasho Sida Haatanba Ay Talaabad Koowaad Ay U Qaadeen Ayna Ku Ekaan
Oo Keliye Waxbarashada Ee Ay Xooga Saaraan Dhinacyada Kale Ee Cafimaadka
.Ganacsiga Wax Oosaarka Warshadaha .Xoolaha Yo Beeraha ,
Gudoomiyahay Maxkamada Islamka Ah Ee
Dagmada Balcad Sh: Cali Sh: Maxamuud Shuuriye Ayaa Isne Ku Dheeraaday
Faaiidada Waxbarasgada Iyo In Aysan Iku Mid Aheyn Ruuxa Waxyaqaan Iyo
Ruxa Aan Waxba Aqoon Uuna Ku Guubaabiyey Macalimiinta Uu Siminaarku U
Furmay Xiliga Duruustu Ay Socoto ,
Munaasibadaas Oo Aheyd Mid Si Wanaagsan
Loo Soo Agasimay Ayaa Waxaa Lagu Wadaa In Maalinta Bei Ah Loo Soo
Gabagabeeyo Macalimiintaas Iyada Oo Todobaadka Soo Socdana Lagu Wado In
La Furo Dugisga H/Dhexe Ee Dagmada Balcad
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
0025215766663/002521653623
Safaaradda
Liibiya ee Soomaaliya oo qabatey xuska Sanad guurada 37 aad ee kaacaanka
Liibiya
Waxaa habeenkii xalay ahaa hotel shaamow ee Magaaladda Muqdisho lagu
qabtay Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay waxaana lagu xusayey
sanad-Guuradii 37aad ay ka soo wareegtay kacaankii Liibiya,waana markii
uu xukun la wareegay Hogaamiyaha Liibiya Macamaral-Qadaafi waxaana ka
qaybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Maxkamadaha Islaamiga ah, Aqoonyahanno,
iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horreeyntii halkaas warbixin ka soo
jeediyey safiirka Liibiya ee Soomaaliya Mudane Idiris wuxuuna sheegay in
Shacabka Liibiya iyo Shacabka Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo
jireen ah waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay gargaar balaaran siisay
Shacabka Soomaaliya gaar ahaan waqtigii ay socdeen dagaalada sokeeye,
Mudane Idiris waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay weli diyaar u tahay
in ay sii wado gacansiinta Shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Idirs wuxuu sheegay in Hogaamiyaha Liibiya uu haatan wado sidii
afrika isugu keeni lahaa oo ay u yeelan lahayd, Gole Baarlamaan,Ciidamo
qura, lacag kaliya , Baasaboor kaliya, wuxuuna sheegay in
Hogaamiyayaasha Afriga ay si aad ula dhacsanyihiin qorshayaas uu wado
Hogaamiyaha Liibiya.

Wax kaloo halkaaas ka hadlay Dr. Max’ed Cali Ibraahim oo ku hadlay
magaca Maxkamadaha Islaamiga waxa uuna sheegay in Dowlada Liibiya ay
waligeed garab taagneyd Shacabka Soomaaliyeed asagoo sheegay Dowlada
Liibiya ay tahay Dowlada kaliya ee safaaradeedu ka furan tahay
Soomaaliya xilli ay Shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen dagaalo sokeeye,
waana mid Mahadeedu uu leeyahay Hogaamiyaha Liibiya, waxaa kalo ka
hadlay Shiikh Axmed dhicisow oo ku hadlayey Magaca Culuma’uddiinka
Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in Dowladaha Liibiya iyo Suudaan ay
ahaayeen kuwa kaliya waligood garab taagnaa Shacabka Soomaaliyeed, xilli
ay ummadda Soomaaliyeed ay ku jirtay dhibaato.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Dr. Maxamed
dheere uu ku hadalyey magaca aqoonyahannada Soomaaliyeed wuxuu sheegay
in Dowlada Liibiya aysan horay u helin dad la macaamilooda balse maanta
wuxuu sheegay in ay heystaan dad ay la Macaamili karaan asagoo ula
jeeday Maxkamadaha Islaamiga ah. Ugu dambeyntii waxa Toortihii xuska si
wada jir ah u wada jary Shiikh Yuusuf Max’ed siyaad indhacadde, Safiirka
Liibiya Mudane idiris, iyo Dr. Max’ed Cali ibraahiim, waxayna xafladaasi
ku dhamaatay sidii loogu talagalay.
W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com