SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO 2007

Goobaha Dadweynaha ee Magaalada Muqdisho oo ay Rabshadaha kusii kordhayaan.

Shaqaaqooyinka oo ku sii kordhaya Muqdisho !!!

(Warbixin dheer oo ay xaaladda Soomaaliya ka qoreyn qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka)

  • Tarjumadii Muxyadiin Axmed Rooble Qormadii November 20, 2007 ee Gwen Thompkins oo Bariga Afrika uga soo waranta NPR

Qeybtii koowaad


Qaar ka mid ah dadka ka qaxaya Muqdisho oo ku qaxaya Gaari dameero.. AFP

Todobaadyadii tagay, magaalada caasimada ah Soomaaliya ee Muqdisho waxa ay noqotay Goob ay ku sii faafayeen dagaalada iyo Rabshada, kadib markii la jiiday Meydadka Askarta Ethiopianka ah ee ka dagaalamay magaalada caasimada ah ee Muqdisho kuwaas oo wadooyinka Magaalada la dhexmarsiinayay.

Magaalada ayaa noqotay Qaabkii dhacdadii Blackhawk Down ee 1993 loogu geystay Askartii Maraykanka aheyd, xiligaas oo meydadka Mareykanka loogu jiiday Wadooyinka Magaalada caasimada ah ee Muqdisho, nasiib daradaas marlabaad ku dhacday Askarta Ethiopia ee Muqdisho soo gashay.

Xaalada magaalada ayaa Todobaadyadii tagay waxa ay aheyd meel aad looga qeylo dhaamshay, laakiin Natiijada ka soo baxday waxa ay noqotay mid aan lagu farxin, murugona leh,Soomaaliya waxa ay noqotay meel aysan tixgalin kalaheyn nolosho aadanaha iyo badbaadinta nafta, waxaana xitaa luntay Xushmada meydka.

Muqdisho oo Faaruq Noqotay.

Giuseppe Angelini waa mid ka mid ah madaxda Gudiga Xaquuqda Aadanaha uqaabilsan Midowga Yurub, isaga iyo saaxiibadiis hadda waxa ay dib ugu soo laabteen Magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, iyaga oo ka yimid dhanka magaalada uu dhiigu ku daadanayo ee Muqdisho.


Qaar ka mid ah haweenka Soomaaliya ee ka qaxay Muqdisho oo madaxa ku sida alaabo Afp

Magaalada waa ay kala qeybsantay shaqaaqooyinka ayaa kala xiray, dadkana waxa ay nafsadooda kala cararayaan dagaalada iyo xiisadaha Muqdisho iyaga oo isku dayaya inay la baxsadaan Naftooda sida uu warbixintiisa ku sheegay Masuulkan ka tirsan Gudiga xaquuqda Aadanaha ee Midowga Yurub.

Warbixinta Giuseppe Angelini iyo kooxaha kale ee Xaquuqda Aadanaha ay kasoo sheegayaan Soomaaliya waxa ay muujinayaan jiritaanka kooxaha iska caabinta iyo cakirnaashaha xaalada magaalada maxaa yeelay xalka Soomaaliya waxa uu yahay siddii biyo socda oo aan meelna istaageen, iyadoo carada ay saro us ii kaceyso, sidoo kale Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho oo aheyd goobta ugu dadka badneyn Soomaaliya ayaa iminka faaruq ah.

"Waa aynu soo aragnay Muqdisho waxa aynu ku sugneyna ilaa shalay, dadku waxa ay raacayeen baabuurta iyaga oo ka baxaya magaalada, " Angelini oo ka tirsan Gudiga Xaquuqda Aadanaha ee Midowga Yurub ayaa sidaas yare. " waxaa ku adkeyd qaadashada Boorsooyinka, kuma bay yihiin dadkaas, dadka aan la hadalnay, kali ma aysan aheyn, waa aynu la hadalnay midkoodna nooma sheegin sheeko." Ayuu hadalkiisa ku daray Hay'adaha Caalamiga ah ee Gargaarka ayaa ku qiyaasay ilaa iyo sanadkii 2003dii dadka Muqdisho ka qaxay inay aad u badan yihiin, iyada oo ay ku jirto tiro gaareysa 90,000 oo dad ah kuwaas oo in ka yar Todobaad Magaalada ka baxay, intaas oo ay dheerikatahay 145,000 qof oo todobaadyadii tagay ka cararay Magaalada.


Nin Somali ah oo ku dhaawacmay Muqdisho Isbitaalna ku jira AFP

Taas waxaa ugu wacan Dagaalada Magaalada Muqdishoo kontoroolkoda lunshay, sarena usii socda maalinba maalinta ka dambeysa.

Ciidamada dagaalada wada ee Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwo Ethiopianka ah ayaa dagaal kula jira kooxaha Islaamiyiinta ah oo xili soo maamulijiray Magaalada Muqdisho, daacadna u ah Xooga maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo la rumeysanyahay inay ka dambeeyeen Dilalka Askarta Ethiopianka ah iyo waliba jiidista meydadkooda, inkastoo waxa meydadka jiidayay ay ahaayeen dad u badnaa caruur iyo haween careysan.

Shaqaaqooyinka waxaa ka dhashay in la gowraco dadka, kuwaas oo qaarkood ahaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan laguna tuhmayo Askarta Ethiopia inay gowraceen. Aadrian Sullivan oo ah ka tirsan madaxda Gudiga xaquuqda Aadanaha ee Midowga Yurub ayaa dib ula soo noqday Sawiro cadeyn u noqonaya dhibaatada ka dhacday Muqdisho, laakiin waxa uu sheegay in sawirada ay ka wanaagsantahay in xaalada la soo arko oo indha la soo saaro.

"Hadda halkan waxa aynu ku aragnaa wiil yar oo afar sano jir uun ah, waxa uu la ciyaarayay afar kale oo ay saaxiibo ay ahaayeen, afartii kale oo uu la ciyaarayay waa ay geeriyoodeen, isaga oo kale ah ayaa noqday Qofka badbaaday, laakiin qeybo ka mid ah jirkiisa ayaa dhaawacyo jiraan sida lugtiisa oo kale, Isha oo kale, laakiin waxa uu ku hanweynyaya in uu badbaadidoono, hadda xaaladaas oo akle aya ka jirta halkaas," ayuu yiri Sullivan.

"Dad badan ayaa magaalada ka qaxaya, iyaga oo u dhaqaaqaya goobaha aysna dagaalada ka jirin sidoo kale, iyaga oo u tagaya ehaladooda dagan Goobaha ka baxsan Magaalada Caasimada ah ee Dagaalka ka bixila ee Muqdisho,Ehelada nafsadooda waxaa horay u saameysay Cunto la'aan ,biyo la'i iyo Abaaro saameeyay , " Davidson ayaa sidaas yiri . "sidoo kale, waxaa jira dad badan oo dhanka Xadka Kenya usoo dhaqaaqay Iminka ku xayiran ." ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Idil ahaan dadka magaalada ka qaxaya waxa ay yihiin dad isku mid ah oo aan dhaqaalo buuran aan heysan,waxa ayna u baahanyihiin Gargaar aadaninimo.

"Dad badan ayaa ka cararaya magaalada, waxa ayna u socdaalayaan Deegaanada ay qaraabadooda daganyihiin ee Muqdisho ka baxsan,iyada oo deegaanada Qaarkood ay horay u haleeleyn Dhibaatooyinka dhanka Cuntada iyo biyaha ah,"ayuu yiri Davidson oo ka hadlayay Xaalada Soomaaliya ee iminka kadib safarkii uu ku tagay. "sidoo kale waxaa jira dad kale oo aad ubadan oo dhanka xadka kenya usoo dhaqaaqay ." ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xadka Kenya waxa uu xiranyahay Bilooyin, taas oo ka dmabeysay Markii Askarta Ethiopia ay galeen Muqdisho islamarkaasna ay soo afjareen xukunkii Maxkamadaha, iyadoo xiligaas wixii kadambeeyay ay sare usii kacey dadka Qaxaya ee kabaxaya Muqdisho.

Angelini oo Ka tirsan Gudiga Midowga Yurub ayaa waxa uu soo arkay ku tilmaamay Dhacdo ama sheeko Dheer waxa uuna yiri"haddii xaalka sedan sii ahaado waxa ay noqondoontaa sheeko aan dhamaan oo sii socota".


Qaybta 2aad: ee Shaqaaqooyinka oo ku sii kordhaya Muqdisho !!!

Hoggaan Lumiyay Doorkooda...

A Somali boy wheels his older brother's body
Wiil somalai ah oo Meydkiisa lagu wado Gaari gacan...AFP

Bishii November 19 sanadkan 2007 waaxda Socdaalka ee Mareykanka ayaa didgniin ka muujisay Xaalada uu xiligan marayo wadanka Soomaaliya, waxa ayna Dowlada ay muujisay in xaalka Soomaaliya iminka Muuqaalkii Filimkii Hollywoodka uu ka sameeyay xaalada Soomaaliya,wadankaas oo noqday goobta ugu khatarta badan ee Geeska Africa ,iyadoo ay sare ugu sii kaceen dirirta Qabaa'ilada iyo waliba afduubka ,shirqoolada xariirka la leh Argagixisinimada, sidoo kale kooxaha Al-Qaeda xariirka la leh iyo Burcad badeed qafaalata Maraakiibta.

Mareykanka waxa uu ku tilmaamay Soomaaliya meel ay ka jirto khatar weyn, waxa ayna iskudayayaan in wadanka Geeska Africa ku yaal ay ka ilaaliyaan in uu gabbaad u noqdo kooxaha Argagixisada ah ee Aduunka sida ay sheegeyaan masuuliyiinta Maraykanka ,laakiin dad ka dhaliilsan Siyaasadda Maraykanka ee wadanka Soomaaliya ku aadan waxa ay leeyihiin Maraykanka waxa uu taageero siiyay Qabqablayaal dagaal oo musuq maashuq iyo dhiig daadin ku caanbaxay halkii uu taageeri lahaa Islaamiyiinta dhexdhexaadka ay uyaqaanaan Reer galbeedka ee horkacayay maamulkii maxkamadaha Soomaaliyeed,waxa ayna kooxahaan ay daliil usoo qaadanayaan kharashkii uu ku bixiyay Isbaheysigii ka dhanka ahaa Maxkamadaha ee ay ku midoobeen hogaamiyayaashii waqti yar ku fashilmay ,xukunkoodiina uu sabab u noqday inay ku waayaan kharashaad ka dhan ah Islaamka.

 Map of Somalia

 Soomaaliya ma aysan laheyn wax Dowlad dhexe ah oo shaqeysa wixii ka dmabeeyay sanadkii 1991dii ,xiligaas oo lasoo afjaray Xukunkii military-ga ahaa ee uu horboodayay Maxamed Siyaad Barre, Dowladaan hadda saddex sano jirka ah ayaa waxa ay maamushaa Qeyb yar oo mid ah Wadanka Soomaaliya ,iyadoo qaar kale oo ka mid ah Gobolada Soomaaliya ay sheegteen maamul ka madaxbanaan Soomaaliya sida Soomaaliyaland oo kale oo ah qeyb ka mid ah wadanka Soomaaliya ee uu gumeysanjiray Gumeystihii Britian, iyada oo hadda sheegatay madaxbanaani guud.

Khabiirada waxa ay leeyihiin Soomaaliya hadda waxa ay heystaa rajo wanaagsan oo madaxdii ay ku badbaadinkaraan.

Jawaabta Xaalada


AFP:Caruur Soomaali ah oo ku sugan Bartamaha Koofurta Soomaaliya oo saf ugu jira Cunto loo qeybinayo 28 Novembar 2007

kooxaha Caalamiga ah ee Xaquuqda aadanaha waxa ay sheegayaan in xiligan masiibo ay ka dhacday Soomaaliya ,iyaga oo xaalka Soomaaliya xiligan la mid dhigay kan Gobolka Darfur ee wadanka sudaan ,iyadoo ay intaas dheertahay Tiro dad Somali ah oo guryahooda ka barakacay ,cunto la'ina ay heysto, iyadoo ay intaas u dheertahay Daawo la'aan iyo hoy la'i, Jamciyada Quruumaha ka dhaxeysana waxa ay khatar ka muujisay in ciidamo ka socda ay u dirto Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan Ciidamo xasaliya xaalka wadanka,waxa ay Qaramada midoobay ogolaatay Koox gargaar Bini aadanimo oo kale ah ,Maraykankana waxa uu ku celcelinayaa in Wadanka Soomaaliya uu noqdo goob ay ku ganbadaan Argagixisada.

Somali families lead their donkey-laden carts
Haween Soomaali ah oo hogaaminaya Dameero ,iyaga oo ka dhaqaaqaya Guryahooda... AFP

Dowlada Maraykanka ayaa lagu eedeynayaa inay xaalada Soomaaliya ay sii qaseyso, dhaleeceymaha ayaa tilmaamaya in wixii ka dambeeyay 11 Sept sanadkii 2001 oo ah waqtigii Daarihi dheer dheeraa ee Maraykanka la qarxiyay ,in Maamulka Bush ay xooga saareen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ,iyaga oo ku xadgudbay xeerarka Dagaalka inta ay ku maqnaayeen dagaalka waxa ay ugu yeeraan Argagixisada, sidoo kale waxa uu maamulka Bush ku tuntay xeerarka caalamiga ah oo Xaquuqda aadanaha.


Haween Soomaaliya ah oo Qaxooti ah ..AFP

Ku luglahaanshaha Soomaaliya ee Maraykanka waxa uu yahay mid dhowr jeer soo noqnoqday waxa uuna soo bilowday Dagaalkii Qaboobaa ee Dunida ,markaas oo Maraykanka iyo midowgii Soviet ay isku qabsadeen gobolka,laakiin waxa ay aheyd 1992 markii ugu horeysay ee Askar Mareykan ah ay howlgal ka fuliyaan gudaha wadanka Soomaaliya howlgalkaas oo fashilmay 1994-tii markii askar Maraykan ah Muqdisho lagu laayay ,iyadoona dhacdooyinkii Maraykanka ku qabsaday Soomaaliya laga sameeyay flim la magacbaxay Blackhawk Down .


October 3 - October 4, 1993, Mogadisho - Wikipeadia

Wadanka Soomaaliya waa waxyeeleeyay oo la dagay Dagaalada ku saleysan Qabyaalada iyo iskooxkooxeysiga, taasna waxa ay dhalisay Macluul, Cunto yari taas oo maanta heysta dad badan oo Soomaaliya ah, Beesha caalamka hay'adaheeda Gargaarka waxa ay bixinayaan Cuntooyin ay u qeybinayaan dad Somali ah oo dhibaateysan iyo qalabyo kale oo ay u baahanyihiin ,laakiin dhibaatooyinka dhanka amaanka ayaa xadiday Howlahii hay'adaha gargaarka ee ka howlgalilahaa Soomaaliya .iyadoo cuntooyinka deeqda ahna ay noqdeen kuwo la xado oo ay xadayaan ama ay dhacayaan maleeshiyooyin beeloodyo hubeysan ,kuwaas oo markastaba sheeganaya Awood hub .


Yusuf oo ka hadlaya shirjaraa'id oo uu ku qabtay Isbitaal ku yaal Nairobi Kenya oo lagu daweynayey --- Dec 7, 2007 - AP

1992-dii Madaxweynaha Wadanka Maraykanka ee xiligaas George H.W. Bush ayaa ciidamadiisa u diray Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho si ay uga Qeybqaataan Howlgal Qaramada midoobay ay ka fulineysay Soomaaliya ,waqtigii xigay imaanshahooda Soomaaliya 18-askari iyo boqolaal Soomaaliya ah ayaa geeriyootay kadib markii uu dagaal ka dhexqarxay kooxo Soomaaliya ah iyo askartii Maraykanka aheyd.

Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi (l) is welcomed by Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi (r) on his arrival at Mogadishu airport, 05 Jun 2007

Maraykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya sanadkii 1994-tii oo ah labo sano kadib markii ay imaadeen Muqdisho,wixii markaas ka dambeeyay Maraykanka Howlahiisa waxa uu ku soo koobay mucaawino uu bixinayay oo kali ah, iyadoo arinkaasna ay qaar ka mid ah dublumaasiyiinta Maraykanka ay ku tilmaameyn mid laga wanaagsanaa, Jennifer Cooke oo ah xariiriyaha Barnaamijyada Africa ee Hay'ada Center for Strategic and International Studies ayaa ku tilmaamtay inay aheyd qalad siyaasada Maraykanka ee Soomaaliya wixii ka dambeeyay Markii Muqdisho lagu jiidjiiday Meydadka Askarta.

cooke waxa ay sheegtay in xariirka Maraykanka iyo Soomaaliya si qaldan loo wajahay islamarkaasna la lumiyay Fursadahii lagula xaajoonlahaa Islaamiyiinta dhexdhexaadka ah waxa ay ugu yeeraan Maraykanka ,iyaga oo kala jeeda Maxkamadaha islaamiga soomaaliyeed.

Ethiopia's president, Meles Zinawi and the TFG leaders
Meles,Geedi Iyo Yusuf ka horta aysan kala tagin - googlesearch

"muhiimada waxa ay aheyd in Maraykanka ay la hadlaan kooxaha jihaadiyiinta Soomaaliya oo qaarkood migrado kala duwan heystay," ayeey tire Cooke.

Ishortaagii Maraykanka uu ku sameyay Maxkamadaha.

Dowlada Maraykanka ayaa ishortaagtay Maxkamadihii islaamiga soomaaliyeed kuwaas oo ay ku tilmaamtay inay yihiin kooxo Argagixiso ah oo ka soo ifbaxaya wadanka Geeska afrika ku yaal ee Soomaaliya ,iyagoo Maxkamadaha ay ahaayeen kuwo isugujira Hogaamiyo diineedyo dhexdhexaad ah ama Qunyar socod ah iyo xagjiriin ay ku tilmaameen inay ku dhaganyihiin Diinta Islaamka sida ay sheegayaan Maamulka Maraykanka, intii ay maxkamadaha ay ku jiraan Qunyar socodkana taageerilahaayeen ayaa waxa ay abuubuleyn oo ay taageero u fudiyeen koox Qabqablayaal Dagaal ah oo aan heysan Shacbiyad xoog leh kuwaas oo ku midoobay Isbaheysigii ay Muqdisho ka dhiseen ee kooxdii lamagac baxay Argagixiso la dirir.


Geedi iyo Yusuf  kahor kala tagoodii,Geedi oo sumcad xumo ka tagay Afp

"waxa aynu luminay Fursad aan kula hadli karnay dad muuqaal wanaagsan lahaa ee qabsaday Soomaaliya,"sidaas waxaa yire Ken Menkhaus oo ah prof Political Science ka dhiga Davidson College.


Wiil  20 sano jir ah oo 3 Dec 2007 ku dhaawacay Madaafiic ethiopia ay ku garaacaday Hiliwaa - googlenews

Bishii June 2006-dii Maxkamadahii Islaamiga Soomaaliyeed ayaa dagaal ay lagaleen Qab-qablayaasha Dagaalka Ee Muqdisho kaga adkaaday ,iyaga oo gacanta ku dhigay Magaalada Muqdisho iyo Deegaano ku dhow dhow Muqdisho iyo inta badan Koofurta Soomaaliya ,waxa ayna amaan iyo Nabadgalyo ka hirgaliyeen Deegaanada ay gacanta ku dhigeyn. Menkhaus waxa uu sheegay in Maraykanka ay ku fashilmeen Siyaasada Soomaaliya ,waxa uuna sidoo kale xusay in lagu guuldareystay in la iskudayo in lawadahadlsiiyo Dowlada Soomaaliya iyo kooxaha kasoo Horjeedo si loo heli Dowlad Midnimo Guud.

Demonstration in front of the office of the new British Prime Minister, Gordon Brown at #10 Downing Street
Dibad baxayaan somali ah oo Jooga London - sawirada amiin caamir

Cooke waxa ay carabka ku dhufatay Kormeerayaasha Soomaaliya ee Maraykanka ah ay waxyeeleesay taageerista Dowlada Maraykanka ay taageertay Dowlada Ethiopia inay ciidamadeeda u dirto Soomaaliya si ay meesha uga saarto Xukunkii Maxkamadaha Islaamiga soomaaliyees ee lasoo afjaray Bishii December 2006 ,Dowlada Maraykanka waxa ay duulaanka Ethiopia ku taageertay Diyaaradaha xanbaaraha Gantaalada oo ay ku duqeeyeen deegaano ay u baxsadeen Madaxdii maxkamadaha iyo rag ay Sheegaan Maraykanka inay xariir la leeyihiin Al-Qa'eda caalamiga ah.

Jennifer Cooke  waxa ay shaacisay in hogaanka Soomaaliya iyo Ethiopia la rumeysanyahay in Maraykanka uu ugu yeeray inay kooxaha askarta ah ee Ethiopia ay galaan Soomaaliya.

 Dabo ka riixista Dowlada KMG ah.

Inkastoo Maamulka Bush ay dabada kariixayaan Dowlada saddex sano jirsatay ee aan wali maamul xitaa qeyb ka mid ah wadanka,hadda Mrs Cooke ayaa tiri "Dowlada Qudheeda waa lagu guuldareystay in laga dhaadhiciyo ama lagu cadaadiyo inay noqoto Dowlad furan oo ay qeyb ka noqonkaraan Kooxaha Mucaaradka ah".

Waxa ay kale oo ay ku tilmaamtay iscasilaadii Ra'iisul wasaarahii xilka ka tagay ee Geedi inay aheyd fursad weyn oo Dowlada Soomaaliya unoqon kartay inay si wacan ushaqeyso haddii laga faa'iideysanlahaa, Geedi iyo Madaxweyne (DFKMG) Yuusuf oo labaduba kasoo kala jeeda Qabaa'ilo dirirsan ayaa waxa ka dhextaagnaa khilaafweyn iyo isfahmiwaa kaas oo aakhirkii saameeyay Dowlada Soomaaliya.


Sharif PM,Shiekh sharif ICU iyo Xasan Dahir aweys Xidigaha asmara -- foxnews

Menkhaus waxa uu isagana rajo xumo ka muujiyay Waxtarka ra'iisul wasaaraha cusub inay noqonkarto mid Dowlada hirgalisa.


John Holmes oo ah madaxa Bini'aadninimada ee UN-ka oo la kulmay Ra'iisul wasaaraha Cusn Nuur Cadde , Baydhabo Dec 3, 2007... Reuters

"erayga aan leeyahay waxa uu yahay in la helo Kooxaha Mucaaradka ah," ayuu yiri Menkhaus, "haddii ay qalanto noqoto in la taageero oo lala hadlo Mucaaradka ,taas waxa ay muujineysaa in aan ladooneynin in la arko TFG-da oo guuleysta ."ayuu Menkhaus hadalkiisa raaciyay.


sheikh Daahir Aweys
oo Maraykanku ku tilmaamay "Argagixiso"

Sikastaba Dagaalka Soomaaliya hadda waxa uu sababay in kumanaan Soomaaliya ah ay Guryahooda ka cararaan ,Kooxaha Gargaarkana sida Hay'ada Care waxa ay xustay dagaalka sii socdo uu sababay Masiibo Biniaadnimo oo Soomaaliya badan saameysay.

Corpses of Somalis killed by the occupying Ethiopian forces in Mogadishu, the capital city of Somalia
Tiro meydad somali ah oo ay laayeen Askarta Ethiopia.

Soomaaliya ayaa Dagaalo iska socda waxa ay ka dilaaceen wixii kadambeeyay markii ay Ciidamada Ethiopia ay soo galeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ,iyaga oo soo afjaray Xukunkii Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya.

 dhamaad


W/D:Muxyadiin Axmed Rooble
E-mail: muhudin01@yahoo.com 
Nairobi, Kenya.

Dagaalka Soomaaliya waa uu sii kordhayaa ,xalna waa uu adkaaday!! AKHRI..

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2007 | Updated: Dec 9, 2007

Sawirada: NPR, Google search, wikipeadia, AP, AFP, Reuters, yahoonews

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com