SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QAAHIRA

Xaflad muhiim ah oo lagu qabtaya magalada qahira oo ay soo qaban qaabiyen naadiga aradayda somaliyed iyo jaaliyadda qaahira

Waxa malintii sabtida ahyad galabnimadedi lagu maamusay xaflad aad u balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen naadiga ardayda somaliyeed iyo jaaliyadda somaliyeed ee ku dhaqan wadanka masar gaar ahaan magaalada qaahira xafaladaas oo lagu abaal mariyay   aradayda   jamacadaha ka barta  magaalada qaahira iyo  caruurta  somaliyeed ee ka soo laabtay  wadamada yurub iyo maraykanka  iyo Canada   iyo wadamada kale ee reer galbeedka, loona keenay halkan si ay ugu bartaan diintooda islamaamka  iyo  ku dhaqankeeda.

ardayadaas oo  wadanka masar aad uga faa ii daysatay  kuna baratay  kitaabkal alle  ee qur aan ka kariim ka ah iyo diinta islaamka dhinacyadeeda kala duwan .


Waxa u suurtay gashay naadiga ardayda somaliyeed ee qahira iyagoo gacan ka helaya jaaliyadda somaliyeed ee ka soo laabatay qurbaha   inay fuliyaan tartanka qur'aanka kariimka ah ee la qabtay bishii ramadaan ee barakaysnayd ee la soo dhaafay taariikhdu markay ahayd 23-25 ramadaan.   taran kaan oo ahaa kii ugu horreeyay ee ay qabtaan iskana kaashadan naadiga iyo jaaliyadda somaalida ee ku dhaqan wadanka masar. xafladdaan oo ahayd mid si hab sami ah  loo soo agaasimay ayaa ka dhacday hoolka shirararka ee jaamacadda al-azhar qaybteeda dhaqaalaha  malintii sabtida ahayd ee ku aadanayd  20/10/2007 xafladaas oo lagu gudoon siiyay abaal marinno  arday gaaraysaa boqol iyo shan arday oo ka qaybgalay  tartan kii quraanka kariimaka ah  abaal marimaha ardayda oo ahaa kuwa aad u qiima badnaa, si waynna ay ugu farxeen waaliddiintii iyo ardaydii ka soo qayb gashay tartanka , ayadoo abaalmarimaha la wada gaarsiiyay ardayda dhammaantood.

Xaflada ayaa waxa ka soo qaybgalay dad gaaraya ilaa shan boqol oo qof  dad kaas oo ay kamid ahaayen macalimiin,waalidiin,   iyo aradayda ka qaybgashay tartanka  iyo  dhalinyarada jaamacadaha ka dhigata magaalada qaahira  dadkaas oo dhamaan xafalada u xiisaynayay si wayn  oo ay ka muuqato xurmaynta qur.aanka kariimka .

Xafladda waxa hadalo ay qiiro ku dheehantahay ka soo jeediyay cabdi deeq  shire oo ku magac dheer (ILAAHOW NA ILAALI ) cabdi deeq oo ah nin aad iyo aad kaalin aan la ilaawi Karin ka qaatay isku dabbaridka iyo meel marinta tartanka quraanka kariimka iyo   xafladdaba  , cabdi deeq ayaa ku boorriyay waalidinta  inay  ilmahooda ay kala soo carareern dhulka reer galbeedka inay kula dadaalaan quraanka iyo xifdintiisa iyo kor u qaadista   kitaabka alle  iyo inay sii wadaan tartankaan  sanad  walaba  si ay hawshaani horay ugu kacdo .  kuna dadaalan  meel marinta tartanka kor u qaadista qur'aanka kariimka ah.

 ILAAHAOW NA ILAALI ayaa isaga oo hadalkisa sii wata waxa uu uu yiri  : "waxan ku waalanahay kor u qaadista quraanka kariimka ah ilaa muddo 11  sano ah marka igu dayda"   .

Waxa kaloo hadalo ka jeediyay xafladda gudoomiyaha naadiga ardayda soomaliyeed  cabdu qaadir khayrre oo isaguna aad uga waramay sida barnaamijkaan loogu dhibtooday iyo hadafka laga lahaa oo ah in la badbaadiyo ubadaka somaliyeed e lagala soo cararay qurbaha si aysan uga tagin dhaqan kooda iyo diintodaba kuna boorriyay dadka dibadda ilamaha ku haysta inay la soo gaaran  dhulalaka islaamka ay ka mid tahay wadankaan masar .

Waxa kaloo halakaas ka hadalay  guddoomiye ku xigeenka naadiga ardayda somaliyeed cabdi xakin cali gooni oo aad uu faah faahiyay   qaabka ay xafladda iya tartanku  isugu dubba dhaceen, waxa uuna ka waramay sida ay dhaqaalaha u helin iyo qaabka ay u maareeyen .mar uu waalidiinta la hadalay waxa uu yiri:(WAXAN IDINKA QAADANAY DHAQAALE, LAKIN WAAN IDIIN SOO CELINAY ILMIHIIINI OO AAD IYO AAD MAANTAY U FARAX SAN ).

waxa ku guulaysaty kaalimaha hore ee aradaydii tartanka quran ka kariimka ah  aradayda kala ah :

ARDAYDA  YARYAR SODONKA JUS EE QURAN KA

KAALINTA KOWAAD WAXA GALAY :  KHAALID AXMAD JAAMAC OO  JIRAY 12 SANO  JIR AH

KAALINTA LABAAD WAXA GALAY  WALALKIIS :CABDU LAAHI AXMAD JAAMAC OO 13 SANO JIR  AH

KAALINTA SADDEXAAD WAXA GALAY  JAMIILA CUSMAAN NUUR OO 13 SANO JIR AH

ARDAYDA WAA WAYN  SODONKA JIS EE QURAANKA :

KAALINTA KOWAAD WAXA GALAY SHUCAYB  MACALIN BUULLE

KAALINTA LABAAD WAXA GALAY CABDI SAMAD MACALIN SHIIKH

KAALINTA  SADDEXAAD WAXA  WAXAA GALAY   CABDI MAALIK

Waxa kaloo iyana jiray  araday ku tarnatay qaybaha kala duwan ee 20 ka jus iyo 15 jus iyo 10 jus iyo 5 jus iyo 3 jus iyi hal jus .

Waxaana dhammaantood la guddoonsiiyay abaal marinno kala duwan kooxkata sadexda ugu horaysa .

 waxan wax ilaah loogu mahdiya ah in ay somalida qaahira ku nool shanta somaliyed ba ay ku midaysan yihin naadiga aradyda somaliyeed ee qaahira oo aan   lakal saarin  shantii somaliya  .

Waxaa  uu mahad gaara u celinyaa naadigu waalidinta iyo shakhsiyaad ku dhaqan wadanka UK oo iya gu ka qayb qaatay iyagaoo ka maqan   mesha lagu qabtay .

Waxa kaloo naadiga ardayada somaliyeed iyo jaaliyada somaliyeed tahniyad halkaan u marinayaan waalidiinta ay ilma hoodu ku guulaysten kaalimaha hore waxayn ku boorinayan inay halkaas ka sii wadan xifdinta qur"aanka   iyo ku dhaqan kiisa

MAHAD SANIDIN DHAMAAN AKHRISTA YAASHA

NAADIGA ARDAYDA SOMALIYEED IYO JAALIYADA SOMALIYEED EE KU DHAQAN WADANKA MASAR

GUDOOMIYE KU XIGEENKA ARDAYDA SOMALIYEED EE MASAR

CABDIXAKIN CALI GOONI

EMAIL: qardhood@gmail.com

qardhood@hotmail.com

TEL:002010093120

IYO

 cabdi deeq shire (ILAAHOW NA ILAALI)

TEL:0020121956618

WABI LAAHI TOWFIIQ

Faafin: SomaliTalk.com Oct 22, 2007

:::KASOO HORJEED DAGAALADA LAGA HURINAYO SOOL
:::BAAQ WADAJIR AH: Waxgaradka Somaliland Iyo Puntland

:::BAYAAN TAAGEERO  EE JAALIYA PUNTLAND EE JEDDAH


Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...

Geeddi oo Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo
baydhabo
Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan

C/llaahi iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 21

OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii Itoobiya loo dhiibay

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com