SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Salad Gaab “Isboorti iyo Qabiil meel ma wada geli karaan” 

      Waxaa inoo suurta gashay in aan wareysi la yeelano Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Salaad Macalin Maxmed (Salaad Gaab) oo muddo dheer ku soo dhex jiray isboortiga gaar ahaan K/cagta.

      Salaad haddii aan dib u qooraansano Taariikhdiisa wuxuu ahaa Macalin ka mid ah Macalimiinta Soomaaliyeed wuxuuna maamul ku xigeen ka soo noqday Dugsiga hoose dhexe 21-November iyo Dugsigga Hoose Dhexe ee Axmed Gurey wuxuuna ahaa Macalin si weyn ugu soo dhex muuqan jiray bahda waxbarshada, wuxuuna si aad ah u jeclaa Isboortiga gaar ahaan K/cagta wuxuuna ka mid noqday Junyariska Qaranka Soomaalyeed.

      Salaad Gaab waxuu abaabulay Tartamo badan oo dhanka K/cagta ah gaar ahaan kuwa Dugsiyadda mar aniga oo u shaqeenaya Taleefishinka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaan waxaan Barnaamij ka sameeyay Tartan ka socday Dugsigga 21-November wuxuuna ahaa Tartankaa mid uu si weyn u soo abaabulay Salaad Gaab waxaana u soo daawasho tagi jiray Tartanka dad aad u fara badan oo xiiseynayay Tartankaa,

      Dagaaladii sokeeyay markii ay dhaceen Salaad Gaab kama uusan hari n Isboortigii wuxuuna tartankii ugu horeeyay Ka abaabulay Garoonka Horseed ee Degmadda Hoddan kaasoo si weyn u soo jiitay Dadweynaha Soomaaliyeed oo markaasi xoogaa ka yare nestay Dagaaladii sokeeye.  

      Salaad Gaab waxuu ka mid noqday xubnihii boorka ka jafay Garoonka  Muqdisho oo xiligaasi ay xireen dagaalo ka socday Muqdisho wuxuuna halkaasi ka abaabulay Tartankii loogu magac daray Tartankii Xiddigaha, wuxuuna xiligaasi Salaad Gaab Kharash badan ku bixiyay Tartamo ka dhacay Garoonka Muqdisho, Salaad Gaab kama uusan harin dhinacii waxbarashada wuxuuna Garoonka Muqdisho ka furey Dugsi dhinaca waxbarashada ah.

      1997-dii Salaad Gaab wuxuu ka mid noqday Xiriirka Soomaaliyeed ee K/C agta, wuxuuna ka mid noqday Xubnihii ugu  firfircoonaa ee Xiriirkaasi, 2001-dii Salaad Gaab wuxuu  noqday Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta,

       2003-dii Salaad Gaab wuxuu noqday Gudoomiyaha Xiriirka Soomaalyeed ee K/Cagta, 20-kii May 2004-tii Salaad Gaab wuxuu hogaamiyay Wafdi ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qeyb galayay Baqol Guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Xiriirka K/Cagta ee Aduunka, waxaana Salaad Gaab la gudoonsiyay Bilad Dahab ah.

      2004-tii Bisha October 8-dii FIFA waxey Salaad Gaab iyo xubna kale oo la socday ku marti qaaday Dalka Switzerland, wuxuuna halkaa kula kulmay masuuliyeen ka tirsanaa Xiriirka K/Cagta Aduunka, isagoo markaa kala hadlay sidii loo hormarin lahaa K/Cagta Dalka Soomaaliya isla markaana loo qalabeyn lahaa Kooxaha Soomaaliyeed iyo kuwa Gobalada Dalka.

      Salaad Gaab waa nin aaminsan in K/Cagta ay qeyb ka qaadan karto dhinac nabadda, wuxuuna sheegay inaysan meel wada gali Karin Isboortiga iyo Qabiilka, isagoo sheegay inay haboon tahay in la kala madax banaaneeyo Qabiilka iyo Isboortiga, taa ayaana lagu gaari karaa hormar la taaban karo oo dhinaca Isboortiga ah.

      Salaad waxuu ka qeyb galay doorashadii Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta ee Magaalada Beydhabo 16-kii May 2006-dii, waxaana mar kale loo doortay Gudoomiye ku Xigeenka Xiriirka Soomaalyeed ee K/Cagta, isagoo Bishii hore hogaamiyay Wafdi iyo cayaartoy oo ka qeyb galeyay Tartan ka dhacay Dalka Burundi, kaasoo ay ka soo hoyeen Guul la taaban karo.

      Salaad Gaab waxa uu haatan wadaa qorista Buug uu kaga h adlayo wixii dhacay 17-Sano ee Dagaalka Sokeeye ee dhinaca Isboortiga, isagoo Buugaani kaga hadli doono arrimo badan oo ka dhacay Dalka iyo Dibadiisa , mar aan wax ka weydiyay waxa ku kalifay Buugaasi wuxuuna sheegay Salaad Gaab inuu doonayo inuu ururiyo siyaabaha lagu hormarin karo Isboortiga iyo Nabadda.

      Salaad Gaabo oo Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ku leh sumcad weyn ayaa waxa uu halkaan ku soo bandhigayaa Ciwaanadiisa si ay ula soo xiriiraan Ardaydii uu Macalinka u ahaan jiray oo haatan ku nool Dalka Dibadiisa, waxaana lagala Xiriiri karaa Salaad Gaab.

Tel: 2521-0762270048 ama  2521-5566149, ama 2521-219998.   

Email: Saladshort@hotmail.com
 
 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

Email: amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com Oct 22, 2007

Geeddi oo Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo
baydhabo
Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan

C/llaahi iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 21

OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii Itoobiya loo dhiibay

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com