Xaflad lagu furayay dugsiga New Amoud Secondry
oo maanta ka dhacday magaalada Borama.
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu furayay
dugsiga sarre ee New Amoud ayaa maanta ka dhacday
xarunta dugsiga ee magaalada Borama.
Xafladaan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin
iskugu jirta Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland,
Maamulka magaalada Borama, Ganacsato, Culumaa’udiin,
Suldaano, Waalidiin iyo kuwo kale oo aad u fara
badan.
Waxaa ugu horey xaflada ka hadlay Maamule
K/xigeenka dugsigaan Cabdisalaan waxa uuna sheegay
inay muddo ku taamayeen inay furaan dugsigaan New
Amoud balse markii dambe ay ku guuleysteen.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay dugsigaan fureen
08-08-2007 in muddo ahna uu soo jiitamayay, waxana
uu sheegay inay dugsigaan furitaankiisa ka qeyb
qaateen mas’uuliyiin dhowr ah oo gobalka Awdal ku
dhaqan.
“Afar Arday ayaan aheyn oo kasoo baxday Jaamacada
Camuud, kadib markaan Jaamacada dhameynay ayaan
go’aansanay inaan wax u faa’iideyno gobolkeeda,
taasi ayaana nagu dhalisay inaan furto dugsigaan
sare oo aan ugu magac darnay New Amoud Secondary
School” ayuu yiri Cabdisalaan.
Cabdisalaan waxa uu u mahadceliyay Maamulaha
Shirkada Telesom Cabdiqaadir Aadan Nuur oo uu ku
tilmaamay geesi ku dayasha mudan, mar walbana u
howlan sidii uu hormarin lahaa gobalka.
Waxa uu sheegay in C/qaadir Aadan Nuur dusgiga ka
qeyb galay dhismahiisa gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha
oo mar walba u heelanaa sidii uu dugsigaan u hormari
lahaa gobalkana faa’iido badan ugu soo kordhin
lahaa
Sidoo kale, waxaa xaflada maanta ka hadlay
Guddoomiye K/xigeenka Jaamacada Camuud Prof. Axmed
Cabdilaahi Boqore oo sheegay inay aad ugu faraxsan
yihiin ardaydoodii ka baxday Jaamacada Camuud inay
maanta gobalka Awdal wax weyn kusoo kordhiyaan.
Waxa uu sheegay inay dhowr mar kala tashteen
afartaan Arday furitaanka dugsigaan isla markaana uu
aad ugu farxay hamigooda uuna ku booriyay.
Sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay Duqa magaalada
Borama Mudane Cabdiraxmaan Bille Shide oo sheegay
hadii ay yihiin maamulka magaalada Borama inay aad
ugu faraxsan yihiin hormarka uu gobalka ka gaaray
dhinaca waxbarashada, isagoo ku booriyay Jaaliyadaha
dibadaha ku dhaqan inay ku daydaan afartaan Arday ee
gobalka u dhalatay kuwaaso Iskuul kusoo kordhiyay
gobalka.
Waxaa isna halkaan ka hadlay oo qudbadiisa dadka
kasoo qeyb galay oo dhan dhowrayeen maamulaha
shirkada Telesom ee gobalka Awdal Mudane Cabdiqaadir
Aadan Nuur oo sheegay inuu maanta aad ugu faraxsan
yahay xafladaan uu kasoo qeyb galay.
“Aniga ma jecli in la I faaniyo, howsha aan
qabtayna waa howl cid kasta oo u dhalatay gobalka u
taala, waana howl ii faa’iida ah, u faa’iida ah
ubadkeena, u faa’iida ah dhamaan danaha gobalka oo
dhan” ayuu yiri Cabdiqaadir Aadan Nuur.
Waxa uu sidoo kale sheegay inuu mar walba daneeyo
horumarka Waxbarashada, isagoo ku booriyay Ardayda
dhiganeysa iskuulkaaan cusub inay ixtiraamaan
macalimiintooda isla markaana ka faa’ideystaan
jaaniskaan soo maray.
Qudbadaha halkaasi laga jeediyay oo aad u
dhaadheeree ayaa waxaa markii dambe iskuulka xariga
ka jaray Aabaha Waxbarashada Gobalka Awdal Prof.
Faarax Shuun oo aad loogu soo dhaweeyay xafladaan.
Si kastaba ha ahaatee, magaalada Borama ee
xarunta gobalka Awdal waxaa horey ugu jiray 5 dugsi
Sarre iyadoo dugsigaan sarre uu noqonayo kan lixaad
ee magaalada ku yaala.
Abdifitahaam Ahmed
Email:
abdifitahaam@gmail.com