SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

GEEDI TEGYE MAXAA TAAGAN?

W.Q. Xildhibaan Ibrahim Maxamed Deeq

imdeeq@hotmail.com

Baydhabo | Soomaaliya

Oct 30, 2007


Muddo labo sano iyo dheeraad ah oo, uu hayey xafiiska raysal wasaarenimada kaddib, mudane Geeddi wuxu go'aansaday inuu xilkaas ka tanaasulo oo iska casilo. Taas oo ay sababtay caddaadis xoog leh oo, kaga yimid beesha caalamka iyo madaxweynaha Soomaaliya oo isku waafaqay inaan la khasaarin karin labada sano iyo bilaha weheliya oo ka hadhsan wakhtigii loo cayimay inay dawladda federaalku dalka Soomaaliya ku soo dabaasho nidaam iyo kala dambayn, loogu gogol xaarayo siyaasad deggan iyo nabad waarta oo, ummadaha bariga, iyo geeska afrika ku nooli ay kaga bugsoodaan holac si, is daba joog ah uga soo kaahayey Soomaaliyada colaadaha iyo nadaam-darradu halakeeyeen ee inay dadkeedu is maamulaan ku guul-darraysatay.

Qabashadii shirkii dib-u-heshiisiita ee dhowaan Xamar ku dhamaaday oo, inay soomaalidu caasimaddooda ku shiri karaan dhabaha u xaaray, wuxu ka mid ahaa dariiqooyinkii loo maray in Geeddi lagaga takhaluso. Sidoo kale in la fuliyo natiijada shirkaas ka soo baxda horay ayaa beesha caalamka looga gaday. Cali-geedina taladaas waxba kuma lahayn. Itoobiya oo ciidamo badan dawladda federaalka ah ku caawisay, raysal wasaaruhuna sheegan jirey inuu kalsooni buuxda ka haysto tabo siyaasadeed oo, uusan waxba ku lahayn baa looga fur-furay. Qab-qablayaashii dagaalka oo maalmihii ugu dambeeyey xildhibaankan da'da yar ee af-tahanka ah difaacayey xitaa waxaad mooddaa in loo diyaariyey qaab ay xubnaha baarlmaanka iyo shacabka soomaaliyeedba uga didaan. Dawladda xoogga badan sheegata ee Maraykanka oo, siyaasadda Soomaaliya beryahan si joogto ah indhaha ugu haysa oo, aan marnaba hab-maamulka Geeddi ku farxin ayaa isbaaro culus iyaduna ku hor gooysey inuu Cali Geeddi Soomaaliya talo fulineed hogaamiye uga sii ahaado. Wax-qabad la'aanta iska muuqatay, ee xukumaddiisu eersatay iyo wakhtigii oo, isa soo guray, ee duqa dawladdu ceebteeda inuu sii eegto ka xishooday ayaa lagu kordhin karaa sababaha inuu Geeddi galbado soo dedejiyey.

Hadal badani haan ma buuxshee "Ayax teg, eella reeb, maanta ma taallo" "war ratigu teg, anna igu tumayna, ma jirto" murtida taallaase waxay isugu biyo shubanaysaa: "golihii tayada la'aa tegye, sidee xeedho loo xagtaa, ilkana ku nabad galaan". Macnaha ku qarsooni wuxu yahay in la helo hogaamiye xukumadeed ka-gun-gadhista yoolka la tiigsanayo ka midha dhaliya, oo wax-qabadkiisu ummaddan daashay, si sharci ah u saameeyo. Madaxweynaha oo sharciyan ah: astaanta midnimada qaranka oo marka lagu xisaabtamo jagada culus ee uu hayo aan laga filayn inuu magacaabo qof aan u qalmin kursigan weyn ee horay loogu fashilmay ka sokoow, xubnaha baarlamaanka ayeey shaqadoodu tahay inay kalsooni siiyaan ciddii ay u arkaan inay fulin karto waajibaadka loo igmaday ama diidaan qofkii ay uga shakiyaan inuusan adeegaas fulin karin. Waana waajibaad u baahan in si deggan oo masuuliyadi ku dheehan tahay looga fekero.

Si kastaba, magacaabidda raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ha ku yimaaddee, waxaa marag ma doonta ah inuusan sharciyan, Geeddi oo keliyihi qaadi karin masuuliyadda wax-qabad la'aaneed ee isaga iyo xukumadiisaba fashilka guul-darro ee uu isku casiley sababtay. Xubnihii golaha wasiiradda ee astaanta wax-qabad la'aanta horay loogu naanaysay, ayaan marnaba mudnayn in xitaa hal xubin laga soo celiyo haddii la doonayo inay hir-gasho xukuumad meesha ka saarta siyaasaddii dhabaqday ee Soomaaliya xilliyo hore iyo haatanba bur-burka iyo sirgacnaanta u horseeday. Waayo laba sano iyo dheeraad, cid ummadda Soomaaliyeed ee dhibataysan xil hungo ah u haysey oo weliba lugooyo iyo musuq-maasuq loo badheedhay ugu dartay, laguma abaal-marin karo in shaadh buluug ah oo xiddig cad dhexda ku leh loo geliyo. Axdiga dawladdu ku dhisan tahay siduu qabo golaha wasiirada oo ah barta ay dawladdu ka dhaqaaqdo waajibaadkoodu waa masuuliyad wadreed, sidaa awgeed waa isku dembi kii tegey iyo midka ka soo hadhay ee inuu wasiir sii ahaado u sii hanqal taagaya. Sidaa darteed, wasiirada la magacaabi doono oo xubin kuwii hore ka tirsan laga dhex arkaa waa mid tilmaan cad ka bixinaysa wax-qabad la'aan mar kale loo badheedhay iyo musuqmaasuq la dhiirri gelinayey oo natijadoodu noqonayso jug-jug meeshaada joog iyo libaax yuurura, oo aan yurta aqoon oo hab-sami u socodka hawlaha dawladda laga sugayo lagu ragaadinayo.

Markasta oo dembi la la galay la isku ciqaabo, waxaa yaraada fadqalalada iyo fawdada loo badheedho ee ummadaha rebshadaha iyo qalalaasaha u horseeda. Mararka qaarkood dembiyada halkan laga gelayaa kuma filla xil-ka-qaadis ee waa inay jiraan cid u qaybsan masuuliyadda dembiyada la galo oo wixii gef qaran la yimaadda abaal marin deg-deg ah oo, sharci ku dhisan ku qaadi karta

Hebel baa yiri, halkaasaan rabaa iyo huuhaa horay loogu hungoobey waxba tari maayaane waxay talo taagan tahay maandeeq hadday dihin tahaye, yaa maali jirayeey iyo wax-qabad muuqda oo laga midho dhaliyo oo la isugu tago. Marka talada laga wada buuxsado, sharciga ha la beegsado, oo axdiga inoo yaal awood uu wax iskaga celiyo ma lahe, dadka degsadey baa awood iyo xoog lagu ixtiraamo u yeelee, inta nuxur iyo tamar tixgelineed loo yeelo ummadda Soomaaliyeed noloshooda ha la bad-baadiyo oo horumar nololeed iyo aayatiin dhaxal gal ah oo mustaqbalka wax-tara sidii loogu samayn lahaa yoolka koowaad ha noqdo. Waxaana taas lagu xaqiijin karaa, dhamaanteen oo wada dhawra qawaaniintii aynu ku soo heshiinay iyo shuruucdii aynu ku soo dhaaranay ee dalkeena baaba'ay in lagu soo nooleeyo loo dejiyey. Ballan-qaad kasta oo adeegga danta guud ee qaranka soomaaliyeed ka hor-imanaya ama waxyeello ku ah, cid inay fuliso ku khasbani ma jirto. Waa inaan ka gudubnaa inaynu dhabarka u ridano masuuliyad aynaan qaadisteeda awood u lahayn oo ceeb iyo fool xumo qarankeena taban-taabada u baahan ku ah.

.....si, is-bedel taam ah iyo waa cusub oo Soomaaliya u berya loo xaqiijiyo golaha baarlamaanka waxaa waajib ku ah inay si dhaqso ah u sharciyeeyaan in golaha wasiirada oo dhan, laga soo xulo dadka soomaaliyeed oo dhan, halkii markii hore gudaha baarlamaanka oo qudha laga magacaabi jirey....

Hadal badan dan baa dhaantee, hadduu Geeddi is casiley wuuba nastay oo wuxu ahaaba teg, awooddii fulinta ee loogu goodiyi jireyna wuu ka huleelay. Waxaadna mooddaa inuu xubnaha dawladda ku sagootiyey: "nimay ku hadhay, hawli haysaa" waxaase taagan, talo aan marnaba laga wahsan karin oo middii shacbiga soomaaliyeed loo hayey ka turjumaysa. Wajibaadkani ma aha mid si fudud iyo is yeel-yeel looga gun gaari karo, waxayna u baahan tahay in la helo gole wasiiro ah oo caqli iyo garasho ay aqoon dhab ahi ku lamaan tahay kaashanaya oo, sharciga iyo hantida qaranka ilaalin kara in loo igmado inay buuxiyaan golaha fulinta oo, ah halka ay wax ka dhaqaaqi karaan ama ka curyaami karaan. Sidoo kale si, is-bedel taam ah iyo waa cusub oo Soomaaliya u berya loo xaqiijiyo golaha baarlamaanka waxaa waajib ku ah inay si dhaqso ah u sharciyeeyaan in golaha wasiirada oo dhan, laga soo xulo dadka soomaaliyeed oo dhan, halkii markii hore gudaha baarlamaanka oo qudha laga magacaabi jirey,. tallaabadaas oo golaha sharci dejintu qaadaana waa mid wax-qabadka iyo karaamada dawladda federaalka ah kobcin karta. Isla markaana faa'iido weyn ummadda soomaaliyeed u yeelan karta. Mar kasta oo uu baarlamaanku qadariyo hadafkii iyo mabaadii'dii ay u dhaarteen, ee inay Soomaalya soo noqota beegsanayey, waxaa hubaal ah inaan tegitaanka Prof. Geeddi loo dhutinayn oo, ay hubin karaan cidda ninkan is casiley bedelaysa iyo wasiirada iman doonaa ee umadda u khidmaynaya. Hir-gelinta arrintan waajibka ah ayaan looga maarmi karin inay baarlamaanku marka horeba dan gaara iyo cadifad-qabiil, dhinac isaga riixaan oo ku waana qaataan sanadihii aan wanaagsanayn ee Soomaaliya ka khasaaray, oo ay dan-guud iyo taabba-gelin qaran soomaaliyeed ku talo goostaan.

W Q. Xildhibaan Ibrahim Mohamed Deeq
imdeeq@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2007


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com