Wararkii: Sept 8, 2007
-
Ciidamadii Dowladda Federaalka oo
gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
-
Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay
Ganacsada Abuukar Cumar Caddaani
-
Kulan deg deg ah oo ay isugu
imaanayaan kooxda Contact Group ee arrimaha Soomaaliya
-
Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka
mid ah Magaalada Muqdisho
-
Shirka Asmara oo laga yaabo in ay ka
qaybgalaan kooxda Contact G.
-
Daahir Riyaale oo diiday in uu la
kulmo C/llaahi Yuusuf
-
Safaaradda Liibiya ku leedahay
Muqdisho oo kulan qado ah u sameysay qaybaha Warbaahinta
Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay
deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
Shalay 4:00 Galabnimo ayaa Ciidamada
Dowladda Federaalka eek u sugan SOS, Shaneeno Cabdi Waayeel iyo
Warshaddii Barafuunka ay isaga soo baxeen, waxaana la arkayey
ciidamadaasi oo watay Gawaaridda Tiknikada ah oo qaaday wadada hor
marta hoteel Ramadaan. Ciidankaasi markii ay baxeen ayaa waxaa
wadooyinka buuxiyey dadweyne aad u fara badan oo dhigay banaanbax ku
aadan Shucuurta ku Aadan ka bixitaanka Ciidamada Dowladda
Federaalka, waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Diinta
Islaamka ayaan ku dagaalameynaa”.
Mudo bil iyo bar ku dhawaad ah waxaa
deegaankaasi ka socday dagaalo goos goos ah oo xoggooda ka dhacayeen
habeenkii, taasina waxay keentay in deegaankaasi si aad ah looga
barakaco, iyadoo dadweynuhu sheegeen in ay ku dhib qabeen
joogitaanka ciidamadaasi, sidoo kale waxaa deegaankaasi ka xirmay
dugsiyadii iyo Iskuulaadkii, sidoo kale waxaa xirmay ganacsigii iyo
isku socodkii Gaadiidka iyo dadka. Bixitaanka Ciidamaani ayaan la
ogeyn sababaha keenay, hase yeeshee habeen hore ayaa waxaa halkaasi
ka dhacay dagaal aad u qaraaraa oo la isku adeegsaday hubka
noocyadiisa kala duwan. Afhayeenka Ciidamada Booliiska iyo xiriirka
Saxaafadda ayaa waxa uu caddeeyey in halkaasi ay ciidamada khasaare
ka soo gaartay.
BAAFIN:
waan idin salaamay marka hore dhamaantiina salaan ka dib
waxaan halkaan ka baafinayaa nin aniga awoowgeyga ah oo reer
kismaayo ah oo magaciisa la yiraahdo NUUR MAXAMED MUUMIN oo
ku magacdheer NUUR SHIGSHIGOOW markii iigu wardambeysay
awoowgeyga wuxuu joogay wadanka SWEDHAN laakiin hada waxaan
maqlay inuu usoo guuray wadanka ENGLAND UK hadii aqbaartiisa
la helo waxaa baafinaayo wiil uu awoow u yahay oo layiraahdo
MAXAMED JEELLE XASAN oo ku magacdheer HADAAFOOW runtii aniga
waxaan ku suganahay wadanka imaaraadka carabta gaar ahaan
magaaladiisa DUBAI wuxuuna igala soo xiriiri karaa taleefoon
lambar 00971502186524 ama email address
maxamedjeelle@hotmail.com intaas ayaana uga baxay
waadna mahadsan tihiin
|
Deegaankaasi waxaa weli ku sugan gaar
ahaan warshadda Baastada ciidamada Itoobiya oo iyaguna shalay oo
dhan ku jiray feejignaan aad u weyn. Saraakiisah sare ee Dowladda
Federaalka ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin waxa soo dedejiyey ka
bixitaanka ciidamada ee deegaanadaasi.
Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Abuukar Cumar
Caddaani
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxay sheegayaan in halkaasi ay
ku kulmeen Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Ganacsade Abuukar
Cumar Caddaani oo xiligaasi la sheegay in uu Ganacsaduhu ku sii
jeeday dalka Ereteriya si uu uga qaybgalo shirka maalintii shalay
ahayd ka furmay.
Inkastoo saxaafadda
aysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin ka soo baxay, haddana warar
waxay sheegayaan in labada mas’uul ay kulankaasi la iskula soo
qaadeen sidii ganacsade Abuukar Cumar Caddaani uu dib ugu soo laaban
lahaa Muqdisho oo uu ganacsigii uga sii wadan lahaa, warar ayaa
waxay sheegayaan in Geedi uu ballanqaaday in Dowladdu ay bixineyso
wixii khasaare ahaa ee ka soo gaaray dagaaladii ka dhacay Muqdisho.
Waa markii labaad oo ay
isugu yimaadeen Ra’isul Wasaare Geedi iyo Ganacsade Abuukar Cumar
Cadaani kulan, waxaana kulankaan dambe ka soo shaqeeyey Dowladda
Jabuuti.
Warar kale ayaa waxay
sheegayaan in kulankaani uu hordhac u yahay kulan la doonayo in ay
isugu yimaadaan kooxaha Mucaaradka ah iyo Dowladda Federaalka.
Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact Group ee
arrimaha Soomaaliya
Waxaa Maalintii Isniinta
ah la filayaa in ay Magaalada Roma kulan deg deg ah isugu yimaadaan
kooxda Contact Group ee daneeye arrimaha Soomaaliya ee uu hor
boodayo Mareykanka.
Kulankaan ayaan la ogeyn
waxa soo dedejiyey qabashadiisa, hase yeeshee kulankaan ayaa lagu
sheegay in uu yahay mid looga arinsanayo wajiga cusub ee la soo
baxday arinta Soomaaliya, kadib markii shir balaaran ay isugu
yimaadeen Askara dhamaan mucaaradka Dowladda Federaalka.
Kulanka kooxda Contact
Group ayaa la sheegayaa in looga arrinsayo sidii ciidamo ka socda
Midowga Afrika loogu diri lahaa Soomaaliya si ay gacan u siiyaan
Dowladda Federaalka, warar kale ayaa waxay qeexayaan in kooxdaani ay
soo saari doonto codsi loo jeedinayo Qaramada Midoobey oo ah in
Soomaaliya loo diro sanadkaan dhamaadkiisa Ciidamo hoos taga
Qaramada Midoobey si ay uga qayb-qaataan xaaladda nabadgelyo ee
dalka Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya oo walaac ka muujisay mas’uuliyiin ka
qaybgashay shirka Asmara
Dowladda Itoobiya ayaa
waxaa la sheegay in ay walaac weyn ka muujisay markii shirkii Asmara
lagu arkay rag ay si aad ah u baadi goobeysay kuwaas oo u haysatay
in ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.
Raga sida aad ah ay
walaaca uga muujisay waxaa ka mid ah Sheekh Xasan Daahir Aweys oo
aan la ogeyn qaabkii uu ku tagay dalka Ereteriya, iyadoo dhowr jeer
wareyso laga qaaday uu ku sheegay in uu ku sugan gudaha dalka
Soomaaliya.
Sheikh Xasan Daahir
Aweys oo mudo 9-bilood ah aan lagu arag meel fagaare ah, kadib
markii 29-kii December 2006 isgaa baxeen Magaalada Muqdisho una
kicitimeen dhinaca deegaanka Kudhaa.
Afhayeen u hadlay
Dowladda itoobiya waxa uu sheegay in shirka Asmara uu yahay mid
qalalaase hore leh u keeni doona wadamada Geeska Afrika, hase
yeeshee kooxaha halkaasi ku shiraya ayaa dhowr jeer waxay ku
celceliyeen in aysan marnaba ogolaan doonin in ciidamada Itoobiya ku
sii jiraan gudaha dalka Soomaaliya.
Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho
Xalay fiidnimadii ayaa
qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay qaraxyo iyo
israsaaseyn u dhexeysay ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo aan
la garaneyn deegaanka Carwo Idko.
Dagaalkaan oo socday mudo dhowr daqiiqo ah ayaan la garaneyn
khasaarihii uu keenay, hase yeeshee dadweynaha ayaa sheegay in
rasaas habow ah ay dad ugu tagtay guryahooda.
Dagaalkaan ayaa waxa uu
ku soo beegmay xili maalintii shalay ahayd ciidamo ka tirsan
Dowladda FEderaalka ay isaga soo baxeen xerooyin ku yaala deegaanka
SOS, Warshaddii Barafuunka iyo Shaneemada Cabdi Waayeel, waxa uuna
bixitaankoodii uu keenay in dad fara badan ay isugu soo baxaan
wadooyinka, kuwaas oo ku dhawaaqayey ereyo looga soo horjeedo
ciidamada Dowladda iyo Itoobiya.
Shirka Asmara oo laga yaabo in ay ka qaybgalaan kooxda Contact
G.
Warar aanu ka helnay
magaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxay sheegayaan in shirkaasi ay
ka soo qaybgali doonaan maalmaha soo socda kooxda lagu magacaabo
Contact Group ee Mareykanku hor kaco.
Marka ay dhameystaan
kulanka ay kooxdaani isugu imaaneyso Magaalada Roma ayaa la filayaa
in go’aanada ka soo baxa shirka ay u gudbiyaan shirka Asmara.
Warar ayaa waxay
sheegayaan in kooxdaani ay doneyso in ay isku soo dhaweyso Dowladda
Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda, si la isugu yimaado
shirweyne qaran Soomaaliyeed oo awood qaybsi ah.
Maalinta Isniinta ah
waxaa sidoo kale kulan ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaana xoogga la saari doonaa sidii
Soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo hor leh oo ka qayb-qaata hawlaha
nabad sugida ee Soomaaliya la doonayo in laga sameeyo.
Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Dowladda Federaalka ayaa
martiqaad u fidisay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya
C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxwey-naha maamulka Somaliland Daahir
Riyaale Kaahin, waxaana durbadiisa aqbalay casuumaa-daasi Madaxweyne
C/llaalhi Yuusuf, hase yeeshee Daahir Riyaale ayaa la sheegay in uu
diiday in uu kulan kula yeesho Adis-Ababa C/llaahi Yuusuf, kadib
markii uu cadaadis kala kulmay aqalka Wakiilada iyo Mucaaradka
maamulka Somaliland.
Dowladda Federaalka iyo
Maamulka Somaliland ayaa xiriir buuxa waxay la leeyihiin Dowladda
Itoobiya, hase yeeshee Dowladda Itoobiya ayaa waxay ku cadaadineysaa
Daahir Riyaale in uu ka soo qaybgali kulankaasi.
Safaaradda Liibiya ku leedahay Muqdisho oo kulan qado ah u
sameysay qaybaha Warbaahinta
Safaaradda Liibiya ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa maalintii
khamiista ahayd waxay kulan qado ah ugu sameeyeen dhamaan qaybaha
warbaahinta sida Idaacadaha, Wargeysyada iyo Web-Site-yada.
Kulankaan oo ahaa mid
isbarasho ah ayaa safaaradda Liibiya waxay bahadda saxaafadda kaga
tacsiyeysay dilkii loo gaystay mas’uuliyiinta idaacaha Horn Afrik
iyo Capital Voice Cali Iimaan Sharmaake iyo Mahad Axmed Cilmi.
Maalinta Axadda ayaa
waxaa hoteel Shaamow ka dhici doona kulan lagu xusayo sanadguurada
38-aad ee Kacaanka Wadanka Liibiya, waxaana la filayaa in ay ka soo
qaybgali doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada
Safaaradda ayaa sanad kasta dhigta xuska
Kacaanka Liibiya, waxayna safaaradda Liibiya tahay safaaradda keliya
ee 17-sano la soo dhaafay ku sugneyd Soomaaliya, waxa uuna safiirku
ka carooday markii dhawaan warbaahintu sheegeen in safaarado dhawaan
la furay ay noqdaan kuwii ugu horeeyey ee dalka laga furo dagaal
sokeeye kadib.
W/D: Amiin Yuusuf KHasaaro.