[somali] Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU,
23ka Bisha 8aad, 2007
Gacaliyeyaal,
Waxa halkan ku lifaaqan Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo
Nafaqada ee FSAU taasoo ka kooban natiijooyinka ugu muhiimsan ee
Qiimaynta iyo Falanqaynta Guga 2007 Kadib ee FSAU iyo hay’adaha ay
isbahaystaan, oo ay ku jirto falanqaynta qaybaha iyo gobollada. Waxa
kale oo aad warbixintan ka heli kartaa Websaytka FSAU marka aad gujiso
xidhiidhiyahan:
Warbixintan gaarka ah waxay tilmaan ka bixinaysaa natiijooyinka
qiimaynta oo muujinaya in tirada dadka u baahan gargaar bina-aadamnimo
ay korodhay 50%, iyadoo ka korodhay 1 malyuun oo qof waxana ay gaadhay
1.5 malyuun oo qof. Tiradan ah 1.5 malyuun ee qof, 295,000 waxay ku
jiraan Gurmad Bina-aadamnimo (GB) dadkaasoo u baahan wax-qabadyo lagu
badbaadinyo noloshooda 490,000 qofna waxay ku jiraan Xiisad Cuntada iyo
Hab-nololeedka ah oo Aad u Xun (XCHAX) dadkaasoo u baahan taageero
hab-nololeedka ah. Waxa intaas dheer, waxa jira 325,000 oo qof oo cusub
oo ka soo barkacay Muqdisho oo u baahan wax-qabadyo lagu badbaadinyo
noloshooda iyo hab-nololeedkooda labadaba.
Sidii ku tilmaannayd war-saxaafadeedkii FSAU iyo FEWSNET ay soo
saareen 14kii bishii 8aad, Warbixintan Gaarka ahi waxay fiirada dadka ku
soo jeedinaysa xaaladda sida degdegga ah u sii xumaanaysa ee hubinta
cuntada iyo nafaqada ee gobollada Shabeellada Hoose iyo Dhexe oo la
ciiraya culayska saamaynta waxyaabo naxdin leh oo keenay inay jiraan
heerar sare oo nafaqa darro xun iyo mid aad u xun iyo in si degdeg ah ay
u galeen Gurmad Bina-aadamnimo. Waxa lagu qiyaasay inay jiraan dad ka
badan 600,000 oo qof oo jooga gobollada Shabeellada Hoose iyo Dhexe iyo
Muqdisho oo degdeg ugu baahan wax-qabadyo.
Natiijooyin kale waxay xaqiijinayaan xaaladda ka sii daraysa ee
hubinta cuntada ee dhulka webiyada iyo beera-iyo-xoola-dhaqatada ee
gobolka Hiiraan. Dhinaca wanaagsa, qiimayntu waxay muujinaysaa horumar
ah qaybo ka mid ah gobollada Jubbada Hoose iyo Dhexe, iyo waliba gobolka
Gedo maadaama ay bulshooyinku ku wadaan inay dib uga soo kabanayaan
saamaynta abaartii 2005/6 iyo daadadkii Deyrtii 2006/7.
Warbixintan waxa aad ka heli karta Websaytka FSAU marka aad gujiso
xidhiidhiyahan: http://www.fsausomalia.org/fileadmin/uploads/1157.pdf
Sidaas iyo nabadgelyo, Cindy
Cindy Holleman
La-Taliyaha Sare ee Farsamada
Hay'adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka
Qaybta Falanqaynta Hubinta Cuntada ee Soomaaliya (FSAU)
Tilifoonka: +254-(0)20-3745734
Cinwaanka: P.O. Box 1230; Post Code: 00621,
Village Market, Nairobi, Kenya
Website:
http://www.fsausomali.org