Faham Xumida Abu Ciise ee Diinta Islaamka
Abu Cise ayaa isku dayay in uu wax ka sheego maqaal aan
kaga hadlay sida xal loogu helayo dalkeena hooyo sababna uga dhiga qabiilka iyo
quursiga haweenka iyo gudniinka iyo Malaaqyada iyo Isimada taloda loo dhiibtay.
Inta aan u gudagelin dulucda hadalkiisa iyo hadalkayga aan
marka hore iftiimiyo khaladaadka qalinkiisa ka soo daatay:
Wuxuu la baxay Abu Cise Tirmid,marka hore dad badan oo
Soomaalida ka mid ah waxay magacyada u qaataan iyagoo aan ka fiirsan,Tirmidi
magac ma'ahane waa magaalo,qofkii loogu nisbeeyayna Imaamkii caanka ahaa ee
Tirmidi axaadiista rasuulkana sallallaahu calayhi wasallama soo weriyay,dadka
qaarkoodna magaalooyinka ay ka yimaadeen ayaa loogu nisbeeya sida Salmaan
Al-Faarisi,Suhayb Arruumi,Bilaal Al-Xabashi iyo kuwa la mid ah, aniguna waa lay
oran karaa Zahra Soomaali haddii aan tago magaalo keli ku ahay ama wax la mid ah
laakiin layma oran karo Zahra Kenya ama Zahra Sucuudiya ama Zahra Ameerika maxaa
yeelay ma'ahi Kenyan mana ahi Sucuudiyaan mana ahi Mareykan.
Midda kale Abu Cise waxaan u sheegi lahaa in marka magaca
rasuulkeena Muxammad la sheego la raacsiiyo sallallaahu calayhi wasallama ama
calayhissalaatu wassalaamu ee ma'ahan in lagu soo koobo (SCW) oo noqon karto wax
kasta oo qofka markaasi u fahmi karo,guddigii fatwada ee Sucuudiya kuna jiray
culumada ahlu sunna waljamaaca madaxna u ahaa Allaha u naxariiste Bin Baz waxay
soo saareen fatwo ah in marka magaca nebiga la qorayo aan la oran oo aan lagu
soo koobin sida dadka qaar ay sameeyaan xarafka
Saad ama xarafka
Salcam oo carabi ahaan loo qoro.
xadiis ku xusana sunnooyinka Tirmidi wuxuu nebiga sallallaahu calayhi wasallama
uu yiri: Bakhaylku waa qofkii agtiisa lagu xuso magacayga iguna sallin,
xadiiskani wuxuu kaloo ku xusan yahay saxiixa Ibnu Xibbaan,waxaana xadiiska
saxiixiyay sheekha caanka ah e Albani wuxuuna ku soo qaatay kitaabkiisa saxiixu
Tirmid iyo Al-Irwa' iyo saxiixul jaamic,waxaa kaloo xadiiska saxiixiyay Ibnu
Xajar wuxuuna ku soo qaatay kitaabkiisa qayimka ah ee la yiraahdo Al-Futuuxaat
Al-Rabbaaniya,waxaa kaloo xadiiska saxiixiisa ka hadlay culumo kaloo badan.
Intaas waa iga hordhacee aan u soo laabto dulucda
qalinkiisa soo degdegay lagana soo fiirsan waxa la qorayo iyo sida loo qorayo,
labada sheekh ee Bukhari iyo Muslimna waxaa saxiixooda ku xusan in nebi
Muxammad sallallaahu calayhi wasallama uu yiri:qofkii rumaysan Allah iyo
maalinta danbe, yacni maalinta aakhiro wax khayr aha ha sheego ama ha iska
aamuso,Soomaaliduna waxay tiraahda hadal aan fiirsi loo oran iyo caano aan
fiiqsi loo
cabbin labaduba feeraha ayay wax yeelaan, ma laha Abu Cise waxaa dhib ku
noqotay naag baa hadashay oo waliba diin ka hadashay oo waliba xaqii iftiimisay,
isagoo laga yaabe in uu aaminsan yahay in aysan naag hadli karin wax khayr ahina
aysan sheegi karin, taasi ay dhacdana oo uu laabta ku hayo waa laga soo gudbay
oo haweenkii cilmi adduun iyo mid aakhiraba wey barteen, haweenkii xaqii baa u
iftiimay, haweenkii qaalallaahu iyo qaalarasuulu sallallaahu calayhi wasallama
bay ku joogaan kuwooda shaydaanka duubsaday mooyaane oo iyagu Isimada hortooda
ku boodbooda oo ku cayaara, xaqa Allah tusee iyaga iyo kuwa hortooda lagu
cayaarayo.
Haddii aan hadalkii Abu Cise sidaas lagu daayo oo aan
waxba laga oran waxa dhici karta in ay ku wareeraan dadka caamada ahi kuna
jahawareeraan runa u maleeyaan waxa uu isku quuray in uu dad ku
dhalleeceeyo,ninka la baxay Abu Cise waxaa isaga khaldamay oo uu ku wareeray
farqiga u dhexeeya:
Qabiilka, qaraabada, diyada iyo dhaxalka iyo rixinka, qodob kastana
definition u gaar ah ayuu leeyahay,macnaha macne u gaar ah ayuu xanbaarsan
yahay,qodob qodob ayaana uga hadli doona qormadayda danbe inshaa Allah,waxaana
ugu horraysiinaya diyada haddii Allah idmo,macnaha shucuuban wa qabaa'ilana oo
Allah ku xusay suuradda Al-Xujuraat aayadda 13,mana ahan sida uu Abu Cise ku
sheegay in ay tahay aayadda 12 iyaduna waxaa loo baahan yahay in la dhuuxo loona
fahmo
sida ay culumada ahlu tafsiirka ah u fasireen ee ma'ahan sida ay nala tahay
ama nala muuqato,waa in la ogaado immisa meelood baa qur'aanka ku xusan yahay
erayga qabiil maxaana loola jeeda?.
Xadiiskii Abu Ciise uu ku sheegay waxaan filaya in uu
warinayo Imaam Muslim, erayga filaya waxay keeni karta shaki xadiisku waa saxiix
waxaana soo weriyeen Bukhaari iyo Muslim iyo Abu Daawuud, waana sida uu sheegay
rasuulkeena sallallaahu calayhi wasallama shan waxay ka mid tahay
fitrada,shantaasina qaarna ragga ayay u gaar tahay qaarna wey wadaagaan raga iyo
haweenka, xadiis kalena ay soo weriyeen Muslim iyo Abu Daawuud wuxuu rasuulku
sallallaahu calayhi wasallama uu sheegay in toban ay ka mid tahy fitrada qaarna
ragga ayay u gaar tahay qaarna ragga iyo dumarka wey wadaagaaan,xadiiska shanta
waxay ka mid tahay fitrada gudniinka waa ku jiraa,laakiinse tobanka waxay ka mid
tahay fitrada gudniinka kuma jiro.
Sida aan uga soo hadli doono inshaa Allah qabiilka iyo
qaraabada iyo diyada iyo dhaxalka iyo rixinka ayaan uga soo hadli doona
gudniinka
Horudhac gaaban ee qabiilka ku saabsan aan ka
hadlo,qabiilka macnihiisi ma'ahan loolamana jeedo sida uu Abu Cise u qaatay
kaasoo ku fasiray in laysku xiriiryo, labada sheekh saxiixooda ee Bukhari iyo
Muslim waxaa ku xusan in Aws iyo Khazraj uu dagal dhexmaray waxayna ka
bilaabatay labo nin oo ka kala socdeen Aws iyo Khazraj in uu dagaal dhex maray
nin kastana qolodiisa ayuu u yeertay sida kuweena jaahiliinta ahiba ay sameeyaan
manta markii nin tuug ah wax soo dhaco ama wax soo dilo uu leeyahay tol beelay
waxaana durba u soo carara dadka uu aaminsan yahay Abu Ciise ee Isimada iyo
Ugaasyada iyo kuwa la mid ah, labadii nin ee Aws iyo Khazraj markii ay isku
habar wacdeen baa nebiga sallallaahu calayhi wasallama soo baxay markaasuu
yiri:maxay tahay isku habar wacshadan jahligii looga yimid, ka taga waa wax
uraye,qabiilka uu aaminsan yahayna Abu Cise wuxuu nebigeena sallallaahu calayhi
wasallama uu ku tilmaamay in uu yahay wax urayo, Salman Al-Faarisi Allaha ka
raalli noqdee
baa la weydiiyay ina ayaa tahay? wuxuu ku jawaabay:ina islaam,Cumar bin
Khadhaab Allaha ka raalli noqdee markuu maqlay wuu ooyay markaasuu yiri:aniguna
waxaan ahay ina islaam.
Rabbi wuxuu qur'aankiisa kariimka ah ku
yiri:dadow,waxaan idinka abuurnay lab iyo dheddig (suuradda alxujuraat,aayad
lambar 13),macnaha waxaan idinka abuurnay Aadam iyo Xaawo,bacdamaa uu Rabbigeenu
hal yahay,hal odayna aanu ka nimid maxaynu qaarkeen qaarka kale u takoora,ma
waxaan qofka ceeb uga dhigayna midabkiisa, ma innagaa abuurnay mise Allah?
dadkoo dhan waxay ka yimaadeen Aadam iyo Xaawo,asal ahaana dhammaan xagga Allah
waa laga siman yahay,nin iyo naagna lama kala soocin,kan ugu fadli badana xagga
Allah waa kan la yimaada taqwe sugan,is-addoonsiga iyo adeegsiga qabiilkana
wuxuu ka mid yahay waxyaabaha uu bani'aadanka ka yimid, looguna soo tegay
casrigii jaahiliyada.
Rabbi wuxuu yiri:Dadow,ma oran Carabow ama
Cajamow,dadkana waxaa loola jeeda bani'aadanka oo dhan oo aan ka ahayn
xawayaanka iyo jinniga,erayga dadkana waxaa soo galaya lab iyo dheddig, Rabbi
kor ahaaye wuxuu nebigiisa sallallaahu calayhi wasallama uu ku yiri: waxaad
dhahdaa waxaan ka magangalay Rabbiga dadka barbaariya, dadka xukuma, ee ah
Ilaaha dadka (suuradda annaas,aayad lambar 1,2, 3),nebigana sallallaahu calayhi
wasallama wuxuu yiri isagoo Mina jooga oo dadka u khudbaynaya:dadow,Rabbigiina
waa hal,aabbihiina waa hal,carab kama fadli badna cajam,cajamkuna kama fadli
badna carabka,madowguna kama fadli badna casaanka, casaankuna kama fadli badna
madowga, taqwada mooyaane,
Ma idin gaarsiiyay arrintaasi? waxay yiraahdeen:haa,rasuulku wuxuu yiri:qofka
jooga ha gaarsiiyo qofka maqan, xadiiskan waxaa soo weriyay Al-Bayhaqi,Imaam
Axmedna wuxuu ku soo saaray Musnadkiisa,sheekh Albanina wuxuu ku saxiixiyay
kitaabkiisa al-targhiib.
Imaam Axmed xadiis uu soo saaray sanadkiisuna uu saxiix
yahay,wuxuu rasuulka sallallaahu calayhi wasallama uu yiri:labo nin oo xilligii
nebi Muuse nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ayaa isku nasab sheeganayeen qof baa
yiri:anigu waxaan ahay hebel ina hebel ilaa uu ka gaarsiiyay sagaal,adiguna
ayaad tahay,hooyo miyaadan lahayn, markaasuu yiri:anigu waxaan ahay hebel oo ina
hebel ah oo ina islaam ah,nebi Muxammad wuxuu yiri:Rabbi baa u soo waxyooday
nebi Muuse: labadan qofood ee nasab sheeganaya, adigu iyo sagaalka aad u nasab
sheegatay waxaad galaysiin naarta, adiga iyo labada qofood aad u nasab
sheegtayna waxaad ku sugan tihiin jannada, xadiiska waxaa saxiixiyay sheekh
Albani wuxuuna ku soo qaatay labadiisa kitaab ee caanka ah kalana ah saxiixul
Jaamic iyo silsilada axaadiista saxiixda ah, innagu haddii aan iska warrano
waxaa qaarkeen dhici karta in ay dusha ka hayaan ilaa iyo awowgooda boqolaad
lagana yaabe in uusan qofkaasi shan magac oo ka mid ah magacyada Allah
subxaanahu watacaala uusan dusha ka haynin,Subxaanallaah.
Abu Cisow qabiilkaygu waa Soomaali waliba muslim yahay
hadduusan ahayna ehel iima ahan,saxiixul Bukhari waxaa ku xusan in nebiga
sallallaahu calayhi wasallama uu adeerkiisa Abi dhaalib u tagay markuu
sakaraatul mowdka ahaa wuxuuna ku yiri adeerow dheh: laa ilaahu illallaahu waa
tii uu ka diiday naarta ayuuna ku hoyday,waa kii nebi Nuux calayhissalaamu
baryay Rabbigiisa,wuxuuna yiri:Rabbiyow wiilkayga wuxuu ka mid yahay
ehelkayga,Rabbi wuxuu ugu jawaabay:Nuuxow,wiilku ehelkaaga kama mid
ma'ahan,waana camal aan wanaagsanayne ha i weydiin waxaadan cilmi u
lahayn,waxaan kaa waaninaya in aad jaahiliinta ka mid noqoto (suuradda Huud
aayadaha 45 iyo 46) Allahu akbar, xaggee buu Abu Cise ka jooga aayddana macaanka
badan leh.
Rabbi wuxuu yiri:Muxammad ma'ahaanin aabbaha qof
raggiina ka mid ah,laakiinse waa rasuul Allah iyo anbiyada nebigii u danbeeyay
(suuradda al-xsaab,aayad lambar 40),sida ku xusan labada saxiixaynkuna wuxuu
nebi Muxammad sallallaahu calayhi wasallama uu ku amray ciidankii u socday
dagaalkii Mu'tah in uu ciidanka hoggaamiyo Zeyd bin Xaaritha, markuu
geeriyoodana wuxuu nebigu amray in hoggaaminta ciidanka la wareego Jacfar,haddii
uu Jacfar geeriyoodana waxaa ciidanka hoggaaminaya Cabdullaahi bin Rawaaxa,bal
eeg hadduu qabiil wax tarayo Zeyd madax looguma dhigeen Jacfar bin Cabdimudhalib
iyo Cabdullaahi bin Rawaaxa.
Waxaaa wax lala yaabo ah in Abu Cise meesha uu ka keenay
in islaamku uu tixgeliyo sheekhul cashiira waliba intuu talax tegay buu nasuusta
u saaray,subxaanallah ma sidaas baan diinta u naqaana mise sida ay nala tahay
baan u fasirna,sheekhul cashiira ama sheekhul qabiila ama magacyada ay hadda
Soomaalida qaarkood la baxeen waa jiri jiray islaamka ka hore hayeeshe markuu
soo if baxay nuurka islaamka sheekadu waxay noqotay qaalallaahu iyo qaala
rasuulu sallallaahu calayhi wasallama,culumada aan wax ka soo xiganaynaya waxaa
ugu horreeya sheekhul Islaam Ibnu Taymiya Allaha u naxariiste iyo ardaygiisa
Ibnulqayim Allaha u naxariiste iyo sheekh Albani Allaha u naxariiste iyo
culumada ahlu sunna wal jamaaca Allaha u naxariiste,malaha Abu Cise Isimada iyo
kuwa Salaadiinta loo yaqaano ayuu hoos fadhiya talo iyo tusaalana ka
qaata,meeshii laga rabay in uu talo tusaale ka soo qaato nebigeena sallallaahu
calayhi wasallama,ma laha Abu Cise waxaa murugo ku noqotay naag baa xaqa ka
hadlaysa wuxuuna rabay in uu yiraahdo naaguhu iyo carruurta iyo kuwa maangabka
ah waa isku caqli,
Subxaanallah sidee baan talo uga soo qaadanayna sheekhul cashiira oo dadka ku
hoggaaminaya qabiil, sidee baan talo uga soo qaadanayna,kaabo qabiil doonaya in
dadka lagu hoggaamiyo qabiil dalkana lagu dhiso qabiil,sidee baan talo uga soo
qaadanayna nin u bareeray in korkiisa caano ay dadka ka oomman yihiin korkiisa
lagu shubo,sidee buu tusaale noogu noqon karaa nin hortiisa ay ku cayaarayaan
naago iyo niman aan xishoonayn?
Aayadda 25 ee suuradda Al-Isra' kama hadlayso qabiilka
malaha Abu Cise wuxuu u jeeda aayadda 26 ee suuraddaasi iyaduna kama hadlayso
qabiilka ma laha wuxuu is yiri dadka kani xaafidul qur'aan ma'ahan ama kalamaba
furaan kitaabka,aayadda 22aad ee suradda Muxammad waxay ka hadlaysa rixinka ee
kama hadlayso qabiilka mana ahan sida uu ninkaasi sheegay ayadaa 21,malahan
sidii aan soo sheegnayba wuxuu is yiri dadka kani xaafidul qur'aan ma'ahan amaba
kalamaba furaan kitaabka qur'aanka kariimka ah,waa la hadlaa looma hadlee hadal
xikmad leh baa haraa loo hadla.
Arxaam oo jamaca raxim ah wuxuu Allah qur'aankiisa kaga
hadlay 13 meelood meelna kuma tilmaansana qabiilka,jahawareerkaasina waxay
keentay in dadkii loo sharciyeeyo qabiilka oo looga dhigo sida rixinka loona
sharciyeeyo in ay hoos fadhiistaan Ugaasyada iyo Isimada iyo kuwa la mid ah iyo
in ay hoos fadhiistaan kuwa ahlu bidciga ah si looga fogaado culumada ahlu sunna
wal jamaaca.
Waa inoo qaybta labaad
iyo ka hadalka diyada
Zahra Abdi Hirsi
-Holland
umubakar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2007
Qoraalkii:
. Hakanoqoto hadalka ay sooqortay (Zahra
Abdi Hirsi) | Tirmidi
. Jawaab
Kusocoto
maqaaladii Abuu ciisa tarmadi iyo Zahra | camaar

