SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Fuje weli faraa u taagan!!!

‘Lugo iyo Gacmo midna ma leh, waa 47 jir ay nolol ka sugayaan 10 qofood’

fujeMaxamed C/lle Wardheere  (Fuje) waa Nin Naafo ah oo ku nool Magaalada Muqdisho, waxaa saameeyey Duruufaha adag ee Muqdisho ka Jira, wuxuu dhibka, qaxa, qaraxa, Sicir bararka, ammaan darida inta badan la wadaagaa reer Muqdisho, waxaase u gaar ah waa Nin da’ah oo Cuuryaan ah  waana Nin wax Addimo ah laheyn, Gacmo uu ku xoogsado ama wax ku qabsadana ma leh, Lugo uu ku cararo ILAAH-ba ma siin, Haddana Naf iyo Nolol sideenoo kale ayuu doonayaa.

      Fuje waa Xaasle leh dhowr Caruur ah, waa isu doonasho ILAAHEE Xaaskiisuna waa Cuuryaan aan lugo laheyn, Waxaase Mahad ILAAH ah dhashii Cuuryaamiinta ka farcantay Lixdooda Lixaad ILAAH waa u dhamestiray, waxaa Fuje la nool dhowr dhallinyaro ah oo isaga la dhalatay, isku dar 10 qofood oo Caruur u badan ayuu isagu oday u yahay oo quud ka sugaya.

      Fuje oo aan kula kulmay Xafiiskeyga ayaa ii sheekeeyay waxuuna igu yiri “waxaan ahay Aabbe Cuuryaan ah oo Caruur badani nolol ka sugayaan, aroor walba ayaan u qaraab tagaa oo wixii ALLE iigu soo dhiibo ayaan ula soo hoydaa, dhab ahaantii intii aysan dhibaatooyinkaan Muqdisho ku soo kordhin waa nagu filnaayeen Xoogaaga ILAAHAY dadka walaaleheen ah inooga soo qaado, balse hadda maya!!!”

      Duruufaha adag  ee xilligan Muqdisho ay ku jirto saameyn Xoog leh ayey ku yeelatay Nolosha Fuje iyo Qoyskiisaba, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yiri  “Muqdishaan ku dhashay kuna soo barbaaray, waxaana u soo joogay dhammaan isbedelladii dalka ka dhacay guud ahaan, midda maanta aan ku jirno oo kale weli ima soo marin, Madaafiicdii Muqdisho, Qaraxyadii iyo kala cararkii dhinaceyga ayuu  iga saameeyey, waxaa intaas oo dhan iiga daran Qaraxyada iyo is rasaaseynta Muqdisho ka jirta oo runtii caqabad ku noqotay soo aadistayda magaalada si aan dadka wax u waydiisto, waxaan xasuustaa in maalin Khamiis ah anigoo gaarigeyga xunkaa la igu riixayo, una socda Suuqa Bakaaraha ayaa meel noo dhoweyd  qarax ka dhacay, markiiba Ciidamada Booliiska ayaa rasaas nagu furay wiilkii ila dhashay ee gaariga ii riixayey naftaa u run sheegtay oo wuu iga cararay isagoo darbi uu rasaasta kaga gambado raad sanaya, aniga iyo holicii rasaasta ayaa goobtii ku soo harnay, runtii waan ciishooday, oo cabsida rasaasta waxaa ii wehliyay feker daqiiqada socday anigoo ku taamay haddii uu ALLE lugo I siin lahaa rasaastaan waad ka baxsan lahayd, arrintaas kuma fekeri jirine waxaa iga keenat cabsida iyo dhimashadii oo albaabka ii soo istaagtay, ILAAH ayaan markiiba u toobad keenay oo nasiib wanaag iga badbaadiyay rasaastaas”.

      Fuje waxaa lagu riixaa Gaari yar oo luguhiisu dhammaad yihiin ayna adag tahay sida lagu wado Magaalada bubursan ee Muqdisho oo u qeybsan waddooyin bacaadku xiray iyo kuwo laami ah oo burbursan oo labadaba midna uusan saamaxeyn in si raaxo leh loogu riixo gaarigaa duugoobay, taasina waxay ka mid tahay waxyaabaha welwelka ku haya Fuje oo uu markaan wehliyo walaalkiis oo isagu leh shaqada riixidda gaariga Fuje.

      Ismaaciil Cabdulle Wardheere wuxuu la dhashay Fuje, waana wiil daqiiqad ka maqnaan walaalkiis Fuje, wuxuu ku riixaa gaariga isagoo albaab kasta mar hor istaajinaya, wuxuu ku dhibban yahay riixida gaariga walaalkiis, balse dantaa biddoo meel uu uga baxsado ma jirto. “Shaqo kale ma hayo, waxaaan aroortii soo kexeeyaa walaalkey anigoo ku riixaya gaarigaan dhibka badan, Galabtii ayaanna dib ugu celiyaa guriga iyadoo gacmaha iyo garbahaba idikaamayaan” ayuu yiri Ismaaciil oo ka cabanaya dhibaatada ba’an ee uu kala kulmo gaari ku riixidda walaakiis curyaanka ah.

      Ismaaciil oo hadalkiisa sii wata ayaa isbarbar dhig ku sameynaya Muqdishadii hore iyo tan manta iyo sida ay ugu kala fiicnaayeen gaari riixidda iyo amaanka wuxuu yiri “anigoo yar ayaan walaakey gaari kanoo kalaa ku soo riixi jiray waxaana si raaxo leh u soo marsiin jiray waddooyinkii Muqdisho oo aan wax god ah lagu arag, waxaan keeni jiray Afar irdoodka halkaas ayaan uga tegi jiray oo aan ka soo daneysan jiray, Dadkuna Qamdiga qoorta ugu jira ayey lacagta ugu ridi jireen, Cid wax siisa mooyee Cid wax u dhibta ama wax ka qaadataa ma jirin, taasi nolo macaan oo na soo martay ayay ahayd, waxaan kaloo soomarnay xilli wixii ay dadku nagu soo sadaqeystaan ay mooryaan inta waddada noo gasho ay naga qaataan. hadda nolol kale oo cusub ayaa galnay oo cabsi darteed ayaan maalmaha qaarkood u soo aadi weynaa Suuqa Bakaaraha qaraxyada iyo is rasaaseynta aawadood” .

      Ismaaciil wuxuu kaloo ii sheegay in qoykooda uu culayska badani imminka saran yahay “Markii hore wiil dhallinyaro ah oo madax bannana ayaan ahaa, haddase waan guursaday taasina waxay sii kordhisay culayskii saarnaa walaalkey Fuje oo wixii lagu soo sadaqeysto aan wada quudan jirnay Qoyska oo dhan”. 

      Dhowr Sano ka hor ayuu Fuje isku dayey inuu raadiyo nolol midaan dhaanta wuxuu soo bandhigay Mashruuc yar oo Dukaan loogu abuurayo reer Fuje si ay noloshooda u maareeyaan, isaguna uu uga nasto tuugsiga dhibka badan, mashruucan ayuu u soo bandhigay dadka  Soomaaliyeed ee muxsiniinta ah ee dalka iyo dibadaba ku nool, waxaana baahinta akhbaartiisa si wacan uga qaybqaatay Web site-ka Somalitalk oo runtii arrimaha noocaan ah amman ballaran ku leh. 

Dhowr todobaad kaddib lacago ayaa ka soo gaaray dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana u suurogashay inuu Suuqa Bakaaraha ka furo dukaan yar oo lagu iibiyo maacuunta uuna xilkiisa u dhiibay walaalkiis Ismaaciil, isguna dugsi quraan ayuu galay si uu waqtigii dhaafay u soo caymiyo quraankana uu si fiican u barto. 

Dhowr sano ayuu reerka masruufanayey dukaankaas, nasiib darose dhibaatooyinka is xigxigay ee Muqdisho ka jiray ayaa hoos u dhac ku yimid wax soo saarkiisa dukaankii ilaa markii dambe uu xirmo wixii ka harayna la xaraasho.

      Maanta Fuje wuxuu dib ugu soo laabtay noloshii adkayd ee tuugsiga ahayd oo weliba markaan nolol iyo geeri u dhexeysa, waxaan la kulmay isaga oo magaalada la dhex marinayo, markii aan arkay Runtii waan ka naxay oo noloshii Ganacsiga ayaan ku ogaa, markii uu ii sheegay sida ay wax u jiraan, waxaan ku iri war ka waran haddii aan arrintaada sidii kal hore aan muxsiniinta Soomaaliyeed u bandhigno, wuxuu igu yiri taas waan ka xishoonayaa waayo dadkii aan mar hore u ballanqaaday in haddii dukaan la ii furo aan tuugsiga joojinayo, ee isoo wada caawiyey ma garan karo sida aan mar kale u oran lahaa “war dukaan kale hala ii furo”

      Si kastaba ha ahaatee walaalkiin Fuje wuxuu mar kale dhowr sano kaddib idinka codsanayaa in aad mar kale u maalgelisaan dukaan kale si uu dhowr sano oo kale uga nasto wareega dhibka badan iyo tuugsiga Joogtada ah.

Biluhu kal kheyr bade markaana waxaa lagu jiraa bishii kheyrka badnayd ee ay sadaqadu aadka u ajirka badnayd ee soo taageer walaalkaa, qorshahana ku darso sakada aad bixinaysana aad ku soo caawini kartid.

      Haddii aad taageereyso walaalkaaga gacantaada u baahan si toos ah ula xariir kana wac Fuje Taleefanada 969010,  969999, ama Mob: 62287792  ama emailkiisa oo ah.

Email: Fuje2@hotmail.com  
 

Waxaa Diyaariyay:

C/llaahi Black

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com