SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Maanta: April 2, 2008
  • Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadamiga waxay oo cambaaraysay weerarkii Lagu Qaaday Arday Dhigata iskolka Al-fatix
  • Qayla dhaan ka soo yeertey Hisbitaalka Dhimirka Xabeeb
  • Deeq la gaarsiiyay 80 Qoys oo aqoon ah oo Waalidiintooda ku waayeen dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho
  • South Afrika oo ku baaqay soo afjarista Khilaafaadka Soomaaliya
  • Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya
  • Musharax Professor Muxidiin Cali Yuusuf oo booqday London, UK. 

Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadamiga waxay oo cambaaraysay weerarkii Lagu Qaaday Arday Dhigata a iskolka Al-fatix

Ref: DIJHRO-007342/08                   April 1, 2008 

Ujeeddo: Warsaxaafadeed  

Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadamiga waxay cambaaraynaysaa weerarkii waxashinmo ee lagu qaaday arday dhigata iskolka Al-fatix eeku yaal degmada Dharkaynley ee magaalada Muqdisho. Hal Ardey ayaa ku geeriyooday 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii kooxo hubeysani ay 31/03/2008 rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen ardey ka soo rawaxday iskuulka oo marayay deegaanka xoosh ee magaalada Muqdisho. Ardayga dhintay ayaa waxaa lagu magacaabay Cabdulraxman Mahdi Ibrahim. 

Falkan argagaxa leh ayaa xadgudub ku ah: Shareecada Islaamka, Xeerarka Soo Jireenka Ah Ee Dhaqanka Soomaalida, iyo dhammaan shurucda caalamiga ah ee la isla wada oggolyahay oo idilkood reebaya xadgudubyada dhanka ka ah carruurta. 

Toddoba iyo toban sano kaddib oo shacabka soomaaliyed isu geysteen dhammaan nooc kasta oo xadgudub ah waxaa weli muuqata in ay jiraan dad u hammuun qaba daadinta dhiiga carruurta aan dambiga lahayn, taasoo caddeyn u ah saameynta ay colaadu ku yeesheen ummada Soomaaliyed. 

Haddaba, xarunta oo aad uga xun falkaas murugada leh waxay ugu baaqaysaa shacabka iyo dawlada Federalka KMG ah: 

  1. in loo hawlgalo dib u heshiisiinta dhab ah iyo soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta, taasoo la’aanteed ay iska caddahay in ay bulshada Soomaliyeed goobjog u noqon doonto xadgudubyo kale oo xanuun badan;
  1. in dadka geysanaya falalka noocan oo kale ah ee lagu waxyelaynayo caruunrta Soomaaliyeed in ay joojiyan xadgudubyada dhanka ah carruurta;

Waxaa xaqiq ah, ha dhowaato ama ha dheeraatee, in mar uun la xisaabin doono kuwa geystay fal dambiyeedkaas ee ay ku dhinteen kuna dhaawacmen carruur Soomaaliyeed oo an waxba galabsan. 

GUDDONKA XARUNTA DR. ISMACIIL
MARWO, MARYAM XUSEEN MAX’ED


Qayla dhaan ka soo yeertey Hisbitaalka Dhimirka Xabeeb Public Mental Hospital

Ujeedo:- Shir Jaraaid aay wada qabteen Hayadaha Wasaaradda caaqfimaadka Dowladda Federaalka, COGWO, Hayadda Dr. Ismaa-iil JImcaale Cosoble eexaquuqda aadanaha , Madasha Bulshada Rayidka, Elman Human rights, Habeb Public Mental Hospital . 

Ujeedada Shirka Jaraaid :-  

  • In qayladhaan loo sameeyo bukaano tiradoodu gaareeyso 867 oo isugu jira caruur dadoodu ka yar tahay 5 sano, haween, iyo ragba, oo gabi ahaanba ka go-aday Daawadii aay u qaadan jireen cudurka qalalka daawadaasi oo kolkii hore aay bixisay Mahadi ha ka gaartee Hayada Caafimaadka Adduunka WHO.
  • In dadaalka dhinaca Caafimaadka Maskaxda ee bulshada (Mentasl Health Activity in community) ee uu waday Habeb Public Mental Hospital kaligii, uu maanta wixii ka danbeeyaa aay ka wada qayb galaan Hayadaha sere ku xusan aayna yihiin Mental health Task force, iyagoo hawsha dhinaca caafimaadka maskaxda ay fuliyaana, ayna fadhi kulan ahna ka yeelan doonaana Bilkasta maalinimada khamiista ugu danbeysa, shirkaasi oo bilaha ah, goobta lagu qabanaaya waxa aay ahaan doontaa mid meerta ah oo kolba Hayad, Qabato, ama marti geliso.
  •    waxaa uu yeelan doonaa Gudiga  Mental health task forces,        Gudoomiye, ku xigeen,Xogheeyn iyo xubno fulineed, Bacdamaa mudo 17 sano dalkeena aay ka jireen waxyaabaha sida dhabta u sababa cudurada dhimirka sida:- dagaalada, shaqo la-aanta, furiinka, Muqaadaraadka sida Jaadka, Xashiishka iwm

In looga  Mahadceliyo  Hayada caafimaadka aduunka (WHO) Doorkii aay ka soo qaadatay Daryeelka caafimaadka bukaanada la il daran cudurada dhimirka ee uu gacanta siiyo Habeb Public Mental Hospital, lagana codsado in aay kordhiso gacantii aay horay u siin jirtay bacdamaa, marka laga hadlaayo, mashruuca kahortaga iyo daweeynta cudurada ku dhaca maskaxda, aay san qaban Karin ama fulin      Karin Dawlad aayna u baahan tahay kaalmo wax ku ool ah.

     BAAQ:- Waxaan Baaq si wadajir ah ugu soo jeedineeynaa dhamaan      Hayadaha,United Nationka, wadamada Deeqaha bixiya (EECda), iyo Afartanka (40) HAyadood ee caalamiga ah ee haatan ku sugan somaaliya, Waxaan cod mideeysan ugu baaqeeynaa:-

    in Loo Dhiso Habeb Public mental hospital dhismayaal cusub, ee uu ku daryeelo bukaanka, daweeyn ahaan dhaqan celin ahaan, waxbarasho ahaan, sports iwm.

In aay Hayadaha samafalka ah ee AFARTANKA ah ee ka howlgalo somaaliya waxaan, xusuusineeynaa in dadka dhimirka la, aay ka midyihiin dadka aay usoo gurmadeen, leeyhiina xaquuqda ugu horeeysa, sidaa darteed waxaan, ka codsaneeynaa, in aay soo booqdaan labada isbitaal ee lagu dawaeeynayo bukaanadaasi, oo aay haatan jiifaan 154 bukaan, Qiimeeyna aad ku sameeysaan Xaalada dhabta ah ee ka jirta, ma,aha in la fiiriyo dhaqaalaha faraha badan ee ku  baxaaya, ee waa in aad fiirisaan xaqa aay u leeyhiin, in aay helaan daryeel caafimaasd oo dhameeystiran.

           Xubnaha ka qaybgaley shirka Jaraaid waxay kala yihiin

1-     Sahro Maxamed Nuur (Cogwo)
2-     Maryan Xuseen Owreeye (Dr  Ismaaciil Jimcaale)
3-     Axmed Diini ( Bulshada Rayidka )
4-     Jaylaani Shiikh Cismaan ( Wasaarada Caafimaadka )
5-      Dr Cabdiraxman Cali Cawaale (Habeb Public Mental Hospital . 

Mahadsanidiin

Waxaa soo tebiyey Amiin Yuusuf


Deeq la gaarsiiyay 80 Qoys oo aqoon ah oo Waalidiintooda ku waayeen dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho

Iyadoo ay socoto kaalmada Caalamiga ee dadka Soomaalida ku dhaqan Dibadda siinayaan Walaalahoda Soomaaliyed ee ku dhibaataysan gudaha dalka ayaa Qaar ka mid ah gabdhaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Ingiriiska Magaalada London Gaar ahaan South East wool wich oo ay hor kaceysay Raxmo Maalin Xasan waxay kaalmo lacageed soo gaarsiiyeen qoysas Waalidiintooda ku waayeen dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho.

Raxmo Maaalin oo soo gaarsiisay Lacagtaan oo dhan 800 $ C/llaahi Ibraahim Aadan Dhagey oo joogo magaalada Muqdisho waxaa uu deeqdaas gaarsiiyay dadkaas oo ku dhaqan degaanka Tiida ee Xaafadda Dayniile ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Lacagtan oo saaka Waaberigii loo qeybiyay Qoysaskan oo gaarayay ilaa iyo 80 Qoys, waxay lacagtan u heleen min 200 oo Shillin Soomaali, iyadoo 12 kamid Si gaar ah loo siiyay min 500 oo Shillin Soomaali ah. Daruufo jira awgeed

“Hadda ka hor sidan oo kale ayay deeq u soo direen dadkaas ku nool London, waana uga mahad celinayaa”ayuu yiri C/llaahi Ibraahim Aadan Dhagey oo markii Lacagtaas ka dib la qeybiyay la hadlayay saxaafadda.

Mr Cabdulaahi ayaa sidoo kale ugu baaqay Dadka somaalida ah ee oo jooga dibadaha in ay ku daydaan gabdhahaan walaalahood ah ee ka damqaday dhibaatada heysata dadka somalida ah jooga Muqdsiho

Xaalada Soomaaliya ayaa ah mid daran oo lala yaabay maadama dalka dagaalo ka socdaan waxaa dagaaladaas barbar socda abaaro kulul oo saameeyay nolosha dadka Soomaaliyed.

Sawirada halkan ka daawo...

Muuse Maxamuud Jiisow
Musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002521653623


South Afrika oo ku baaqay soo afjarista Khilaafaadka Soomaaliya

New York,1 April,Balcad Times – Dowlada South Africa ayaa ku baaqday in lasoo afjaro rabshadaha dabo dheeraaday iyo khilaafaadka Soomaaliya ka jira kuwaas oo geystay tacadiyo ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha.

Wakiilka Dowlada South Afrika u fadhiya Jamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa oo la yiraahdo Dumisani Kumalo oo qabanaya Hogaanka 15-ka dal ee Golaha Amaanka ee Jamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa bishan April ayaa sheegay Isaga oo ku hadlaya Magaca Dowlada South Afrika in uu ku baaqayo in lasoo afjaro Khilaafaadka ku saleysan Gacan isku adeegsiga ee ka jira dhulal badan oo dunida ah gaar ahaan Soomaaliya oo rabshaduhu ay qeyb ka noqdeen Nolol maalmeedka Bulshada Soomaaliyeed.

Mr Dumisani Kumalo waxa uu codsaday Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay si loosoo gabagabeeyo Dagaalada Soomaaliya, laakiin Xubnaha kale ee Golaha Amaanka ayaa muujinaya in wali aan Soomaaliya loo dirikarin Ciidamo ka Socda Qaramada Midoobay.

Hay'ada Xaquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch la yiraahdo ee fadhigeedu yahay New York ayaa Warqad ay u dirtay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowlada South Afrika Mr Nkosazana Dlamini-Zuma ku sheegtay in South Afrika ay ku hogaamiso Golaha amaanka siddii hormar cad looga sameyn lahaa Wadamada ay ka jiraan xadgudubyada ka dhanka ah Aadanaha sida Wadanka Soomaaliya.

South Afrika Hogaanka ay u qabatay Golaha Amaanka

Kenneth Roth oo ah Agaasimaha Hay'ada Human Rights Watch ayaa yire:"Golaha Amaanka waa in ay noqotaa rajada dadka dhibaateysan,laakiin waxaa si cad loogu guuldareystay samata bixinta dadka Soomaaliyeed,Kuwo Darfur iyo Reer Burma".

"South Africa waa in ay ku hogaamisaa Golaha Amaanka dadaal weyn oo heer caalami ah si loo soo afjaro xadgudubyada ka jira dhulalkaas islamarkaasna loo badbaadiyo Noolaha."

Human Rigts Watch waxa au ku baaqday in South Afrika ay dhisto Gudi Caalami ah oo baaritaano ku sameeya Dambiyada Dagaalka ee Soomaaliya ,iyada oo la xoojinayao xigashooyinka Kooxaha Xaquuqda Aadanaha u orda ee Soomaaliya Jooga.

"South Afrika waa in ay tilaabo xoog leh ugu sheegto Golaha Amaanka baahiyaha Deg deg ah ee qasbaya in Tilaabooyin laga qaado Xaalada Xaquuqda Aadanaha ee Soomaaliya," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ururo kala duwan oo aan Dowli aheyn ayaa Isniintii ku baaqay gargaar deg deg ah oo Soomaalida lala soo gaaro,iyagoona Golaha Amaanka ka Codsaday in ay gaaraan go'aan adag oo lagu soo afmeero Xiisadaha Soomaaliya oo la tuhunsan yahay in ay lug ku leeyihiin Dowlado ka tirsan Quwadaha Koowaad ee Dunida.

Barakacayaasha aan nasan oo gaaray 700,000 oo qof.

Safiirka Britian John Sawers oo la kulmay Ururadan ayaa sheegay in loo baahan yahay in qorshaha Siyaasadeed qeyb ka noqoto Dib u heshiisiin iyo tilaabooyin dhab ah oo looqaado dhanka soo afmeerista dhibaatada dabo dheeraatay ee Soomaaliya.

John Sawers waxa uu sheegay in Golaha Amaanka ay ka doodidoonaan tilaabooyin laga qaado dhanka xalka Soomaaliya inta lagu guda jiro Bishan April.

Hay'ada Fadhigeedu yahay New york ee Human Rigts Watch ayaa ku qiyaastay dadka ku barakacay Muqdisho in ay gaarayaan 700,000 oo qof sanadkii 2007dii ,iyadoona Dagaalada ay sii socdaan iyaga oo qeyb ka noqonaya Nolol maalmeedka Bulshada Soomaaliyeed,Hay'adaha gargaarka waxa ay muujinayaan baahiweyn.

Kooxda Xaquuqda Aadanaha waxa ay sidoo kale ku baaqday in la qaado tilaabo lagu soo afjaro tilaabooyinka ka dhanka ah ee Xaquuqda Aadanaha ee ka jira Gobolka Darfur ee Suudaan iyo waliba wadanka Myanmar,halkaas oo muddo ay maamulayaan Militry xoog isticmaalaha.

"South Africa waa in ay Sudan ku cadaadisaa in la geeyo Gobolka Darfur Ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda meelo ka baxsan Afrika si dhibaatada loo xaliyo,"ayeey hadalkooda kusoo afmeertey Human Rights Watch.

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble
Nairobi,Kenya

Email: saadaam_7@hotmail.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
01 April 2008.


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya

Waxyeellooyin ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha.

Banaanbax weyn oo ka dhacay xerada qaxootiga ee Ifo-Dhadhaab-Kenya.

Nolasha guud ee xeryaha qaxootiga ee Kenya.


======================

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya

In ka yar labo toddobaad gudohood waxaa ciidammada gumaysiga laga dilay in ka badan 150 askari, ka dib dagaallo badan oo muddadaas dhexdeeda dhex-maray iyaga iyo CWXO, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay inta la ogyahay 34 askari. Waxaa ciidammada gumaysiga muddadaas dehxdeeda laga gubay labo baabuur oo Uuraal ah, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;

30/03/08 Jiir-guduud, oo Dhagaxbuur dusheeda ah, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 30/03/08 dagaal ka dhacay Ananu waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/03/08 dagaal ak dhacay duleedka magaalada Xamaro waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

29/03/08 dagaal ka dhacay Dig waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

28 iyo 29/03/08 weerarro gaadmo ah oo ciidammo gumaysigu leeyahay loogu gaystay Cawl-ku-dhal waxaa lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

27/03/08 Gurraati, oo Dig u dhaw, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 27/03/08 waxaa labo mar oo kala duwan weeraro lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee Dig ku sugan, waxaana isu gayn laga dilay 5 askari, 6 kalana waa laga dhaawacay.

25/03/08 Jidhacle, oo degmada Fiiq ka tirsan waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay labo baabuur oo Uuraal ah, ka dib markii cutub ka tirsan CWXO uu weerar qorshaysan ku qaaday kolonyo baabuur ah oo ciidammada gumaysigu wateen oo halkaas marayay. Waxaa ciidammada gumaysiga weerarkan lagaga dilay in ka badan 100 askari oo labadaas baabuur saarnaa, waxaa sidoo kale halkaas ku gubtay hubkii iyo saanaddii ay askartaasi wateen.

19/03/08 labo dagaal oo ka dhacay duleedka magaalada Xamaro waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay isu gayn 17 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay inta la ogyahay.

16 iyo 18/03/08 waxaa weerarro mir ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tagay meesha lagu magacaabo Baarta, kuwaasoo loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Sidoo kale 16/03/08 dagaal ka dhacay Gurracan waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/03/08 Ananu waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tagay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Waxyeellooyin ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha.

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itooiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin. Waxyeellooyinkani waxay isugu jiraan dil iyo xidhay, waxayna u dhaceen sidatan;

29/03/08 magaalada Dig waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Axmed C/qaadir Sarhaye.

28/03/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen labo gabdhood oo lagu kala magacaab;

1- Dulmar oo magaceeda oo buuxa aanaan halin iyo
2- Khadra Maxamed

Dhinaca kale deegaanka Dhagaxtuur, oo degmada Awaare ka tirsan waxaa 29/03/08 harraad ugu dhintay labo qof oo shacab ah oo ayna noo suuragalin inaan magacyadooda helno.


01 April 2008

C/nuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari


Ogaysiis Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah Musharax Madaxtinimada Puntland ayaa shir ku qabanaya UK

London:- Waxa la ogaysiinayaa Dhamaan Bulshada Somaliyeed ee Degan Dalka Uk inuu Dalkaasi joogo Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah Musharax u taagan Madaxtinimada Maamulka Puntland,isaga oo kulamo is daba joog ah doonaya inuu Dalka Dibadiisa ku qabto Shirar kaas oo rajaynayo inuu Somalida Degan qurbaha u soo bandhigo Barnaamijkiisa hadii Ra doorto.
OGEYSIIS MUSHARAXA MADAXTINIMda puntland
waxa uu shir ku qabanayaa sabtida April5, 2008
shir weyne ay isugu imaanayaan Soomalaida deggan UK
uuna qabanayo Prof. Muxyadiin Cali Yusuf

CINWANK SHIRKA

SOUTHALL COMMUNITY ASSOCIATION
20 MERRICK ROAD SOUTHALL, MIDDLESEX
TEL 020 8574 3458

Musharax Professor Muxidiin Cali Yuusuf, Oo Qorshihiisa Madaxtinimo Kusoo bandhigay Hotel Campanila ee Magaalada Leicester UK. 

Shir ay kasoo qeybgaleen dhammaan jaaliyadda reer Puntland ee ku nool Magaalada Leicester iyo agagaarkeedaba ayaa waxaa kusoo bandhigay Qorshihiisa madaxweynenimo Musharax Muxiyadiin Cali Yuusuf, oo ka mid ah Musharixiinta ugu cad cad Puntland, kana yimid magaalada Boosaaso. Shirkaasoo ka dhacay maalinimadii Sabtida ay bnishuna aheyd 29/03/08 Hotel Campanila oo ku yaala magaalada Leicester. Shirkaas oo ay kasoo qeyb galeen dad aad iyo aad u tiro baddan oo ka kala socda qeybaha ay buslshadu ka kooban tahay Aqoonyahano, ganacsato, arday iyo weliba  Culumaa’udiin. 




Musharaxu ugu horeyn waxaa uu si cilmiyeeysan uga hadlay marxalada ay imminka ku sugan tahay Puntland iyo sida loogu baahan yahay in la sameeyo isbadal ( Change ), iyadoo ay dadku aad ugu riyaaqeen cabbiraada uu ku sameeyay xaalada imminka taagan. Waxaa kaloo uu ka hadlay waxyaabihii ku dhaliyay inuu noqdo musharax u soo istaago  jagada madaxtinimo ee Puntland. 

Waxaa kaloo halkaasi Musharaxa lagu weydiiyay su’aalo fara baddan oo la xiriira qorshihiis madaxtinimo, waxa uuna uga jawaabay si qancisay dhammaan dadki kasoo qeybgalay kulankaas. 

Waxaa kaloo kulankaas ka hadlay dad fara baddan oo ay ka mid ahaayeen Cabdifataax Guure, oo isagu barnaamijka xiriirinayey iyo Cabdullahi Muuse Guuto , oo ka mid ah waxgaradka  reer Puntland ee ku nool Leicester. 

Sidoo kale markuu kulanku dhamaaday waxaa musharax gacan qaaday dhammaan dadkii kasoo qeyb galay kulankaas, oo aad ula dhacsanaa qaabkii uu musharaxu wax usoo bandhigay iyagoo u duceeyay una mahad celiyay. 

By: - Cabdixakiim Jaamac Jooje. 
saicentadv@yahoo.com


OGEYSIIS OGEYSIIS: Ku socda Soomaalida Denmark

Dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Denmark waxaa la ogeysiinayaa in wasiirada armimaha qoyska iyo hormarinta haweenka DGPL ee Soomaaliyeed. Drs. Caasha Geelle Diriye ku imaaneyso dalka Denmark safar shaqo. Wasiiradu Denmark waxeey u imaaneysaa howlaha hormarinta dalka hooyo, waxeey kulamo la yeelan doonto qeybaha kala duwan ee heyadaha dowlada Denmark.

Wasiiradu waxeey kaloo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Copenhagen iyo Århus la yeelan doontaa kulamo.

Ajandayaasha kulamadaas:
•warbixn guud ee somaliaya gaar ahaan dhinaca horumarka nolosha
•Isku xirka qurba-joogta iyo dadka gudaha
•sidee looga faaiideysan karaa,xirfadaha dadka qurba- joogta ee wax bartay?
•Hadii qurba-joogtu dalkii ku noqdaan maxaa

fursado ay heli karaan

• Su’ aalo iyo jawaabo
• Iyo wixii kale ee suurtagal ah hadii waqtigu saamaxo

Kulamaadaas waxaa lagu qabanayaa cinwaanada hoos ku qoran:

Magaalada Copenhagen
Maalinta khamiista 10/4-2008
Verdenskulturcenter
Nørre Allé 7,
2200 København N
Saacadaha 16.00-20.00


Magaalada Århus
Maalinta Jimcaha 11/4-2008
Tausgårdsladen
Edwin Rahrsvej 6B
8220 Brabrand
Saacadaha 16.00-20.00

Kulamdaas waxeey ufaran yihiin dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed cidii daneyneyso ajandayaasha shirka ee kor kuxusan.

FG: Cidii fikrad, su’ aalo gaar ahaneed, talo iyo tusaaleyn qabto waxeey kusoo hagaajin karaan ururka Puntland Aid Service (PAS)

Wixii faahfaahin dheeraad ah, la xiriir Ururka Puntland Aid Service (PAS)

Saalax Siciid Diiriye (Gudoomiyaha ururka PAS)
(+0045) 28 50 55 31
www.puntland.dk
Email: puntlandaidservice@puntland.dk
Email: puntlandaidservice@hotmail.com


Senator Coleman oo tacsi ku saabsan Dahir H. Osman (SYL) u diray ummadda Soomaaliyeed

Senator Coleman oo ah senator laga soo doorto Minnesota oo ay degan yihiin soomaalida ugu badan maraykanka ayaa dhambaal tacsi ah u direy shacabka soomaaliyeed ee ku nool Minnesota/Soomaaliya iyo dhamaan dunida dacaladeeda. Senator Coleman waxaa uu tacsidaas umadda Soomaaliyeed u sii mariyey wiilka uu dhalay Dahir Haaji Osman (Dhego weyne) wiilkaas oo la yiraahdo Abdiaziz Dahir Haaji Osman oo degan Minnesota.

Allah ha u naxariisto Mudane Dahir Dhego weyne waxaa uu dhowaan ku geeriyooday magaalada Qardho. Maanta 13kii dhalinyaro ee asaasay SYL waxaa ka nool Mudane Ali Barduuro oo keliya. Dad badan oo soomaaliyeed ayaa aaminsan in jiilka 13kii aas aasay SYL ay ahaayeen jiilka ugu mudan jiilasha soomaalida sababtoo ah jiilkii Soomaaliyeed ee waqtigaa jirey waxay ahaayeen Soomaali qabiil ka xorowday oo han weyn oo u sabab noqday xornimadii soomaaliya 1960. Senator Coleman waxaa uu u rajeeyey Soomaalida in himiladii SYL ee ahayd xornimo, nabadgelyo iyo madax banaani Soomaaliyeed mar uun rumoobi doonto.

Dear Abdiaziz

I extend my deepest sympathy to you and your family on the death of your father, Dahir Haji Osman. I know you and all Somali people have suffered a great loss. He was truly a pillar for Somali independence and a man deserving of great respect. He will be deeply missed.

May the memory of your father live on through you, your family and all Somalis. It is my prayer that his work in the Somali Youth League towards a free, safe and independent Somali will someday be realized.

Please know that you are all in my thoughts and prayers as you deal with the sadness of his passing.

Norm Coleman
United States Senator


United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) 
 

For Immediate Release 

PRESS RELEASE 008/2008 

Nairobi, 2 April 2008 - The UN Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah has expressed satisfaction with the visit by the top leadership of the Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS) saying they had shown a determination to work together and to look to the future. 

He said he was looking forward to receiving the list of names both from the TFG and from the opposition of those who would be involved in future talks. He stressed once again that he was pleased with the Reconciliation Strategy put forward by the President, Speaker and Prime Minister.  

“These are very encouraging new developments and a positive sign of a commitment by the Somalis to rebuild their country and start again,” said Mr Ould-Abdallah. 

“I call on all friends of Somalia both in the region and outside to support these latest moves coming both from the TFG and the opposition,’ he said. 

“I know that due to the length of the crisis, some people are still unable to imagine Somalia at peace. However they must now join the peace efforts or they will find themselves shut out of the process altogether.” 
 

For more information please contact: Susannah Price, Public Information Officer, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel. +254 20 762 1192 (o) or

    +254 733 902020 (m).  Please visit: www.UN-Somalia.org


UNITED NATIONS NATIONS UNIES

Office of the United Nations Resident & Humanitarian Coordinator for Somalia
Springette, Off Lower Kabete Road, P.O. Box 28832, 00200, Nairobi, Kenya
Tel. (254 20) 4183640, 4183642/3/4; Fax (254 20) 4183641

MEDIA INFORMATION


UPDATE ON FOREIGN WORKERS ABDUCTED IN SOUTHERN SOMALIA

1 April 2008

Two foreign nationals – a Briton and a Kenyan– were abducted this morning by unknown gunmen between Saakow and Bu’aale in Middle Juba, southern Somalia.

Both men are employed by Genesys International Corporation Ltd of Bangalore, India, which was working for FAO, carrying out a survey of the Juba and Shabelle rivers for purposes of flood control and irrigation management.

Witnesses on the ground say there was gunfire when the men were taken, but there is no information to suggest that any serious injury was sustained by either man.

Latest information suggests they are being held around the town of Jilib, and that clan elders and community leaders who do not condone such abductions are putting pressure on the perpetrators to release the men.

Ends

Further statements will be released as information becomes available.

For further information please contact Sue Morrell on +254 720 204 992 sue.morrell@undp.org or Dawn Blalock on +254 734 210 102 blalock@un.org.


Sue Morrell
Communications adviser
UNDP Somalia
Tel:+254 020 4255209
Mob: +254 0720 204 992


Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2008

qaasimWasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lagu Eedeeyey Laaluush in uu ka Qaatay Shirkadaha Batroolka..

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com