SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

DMD/MAD/WS-11                 02/April/2008   

War Saxaafadeed

Shirkadda Dahabshiil oo u Hurtay 50 kun oo Doolar Gurmadka Biyo-Dhaamiska 

Iyada oo gebi ahaanba baad iyo biyo la’aani ba’ani soo foodsaartay dad iyo duunyoba deegaamada Soomaalidu degto, ayaa waxa, marka hore, dhammaanba madaxda iyo  hawlwadeennada shirkadda Dahabshiil waxay Allaha Weyn ee Deeqsiga uga baryayaan inuu ka dul faydo ummadda abaaraha ku riiq dheeraaday, Raxmaadkiisana u shubo, isagaa badbaaado lehe. 

Marka xigta, waxa shirkaddu go’aansatay inay qayb muuqata oo mug leh ka qaadato gurmadka dadka iyo duunyada waxyeelladu ka soo gaadhey abaaraha. Madaxda Shirkaddu waxay guddoomiyeen in  loo qoondeeyo lacag gaadheysa ilaa Konton Kun oo Dollar’ka Maraykanka si loogaga qayb qaato gurmadka biyo-dhaamiska loo fidinayo goobaha harraadka ba’ani ka jiro, iyada oo loo qaybiyey deegaamada ugu sii daran. 

Goobaha qaylo dhaantu ka soo gaadhey Shirkadda, oo durba qarkood la gaadhsiiyey qoondooyinkoodii, waxa ka mid ah deegaamo badan oo ka kala tirsan Gobolka Maroodi-Jeex, Hargeysa, Burco, Ceel Afweyn, Cayn, Laascaanood iyo deegaamada Shirkaddu xafiisyada ku leedahay ee Beledweyne, Gaalkacayo, Garoowe, Dhuusamarreeb iyo Baydhabo. 

Waxa shirkaddu ku boorrineysaa cid walba oo kaalin ka geysan karta gurmadka walaalahood - ha yaraato, hase badnaatee - in loo huro oo si deg deg ah loo taakuleeyo dadka, duunyada iyo deegaannada dhibtu soo gaadhey, Ilaahayna waxay u baryaysaa inuu Raxmaddiisa innaga waraabiyo dhammaanteenba. Aamiin.

Wa Billaahi Tawfiiq

Hassan M Jama "Hassan Heiss"
Manager,
Dahabshiil Marketing Department

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 3, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com