SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin ku saabsan nin Somali ah oo laga masaafuriyay wadanka Canada

Nin Soomaali ah oo qaab Qaxooti ahaan ku joogay wadanka Canada ayaa laga masaafuriyay wadankaas Kadib markii lagu eedeeyay in uu dambi geystay islamarkaasna ka dhuuntay Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee Canada sida ay qortay Canada Border Services Agency.

Wiilkan oo saraakiisha Waaxda Socdaalka ee Canada ay ku sheegeen magaciisa Maxamed Hagi Maxamuud ayaa la masaafuriyay Todobaadkii lasoo dhaafay.

Maxamuud ayaa Canada soo galay sanadkii 1989,isaga oo jira 16 sano,waxaana la siiyay aqoonsiga qaxootinimada Canada.

2004dii, Maxamed Hagi Maxamuud ayaa waxa uu wajahay dhageysiga dacwad la xariirta dambiga lagu eedeynayo in uu geystay.

Muwaadinkan Soomaaliga ah ayaa lagu eedeynayaa in waqti uu xabsi ku jiray geystay labo weerar,waqtigaas oo lagu sheegay sanadkii 1997-dii.

Mohamed Hagi Mohamud were convicted of assaults in Ontario and British Columbia.
Maxamed Hagi Maxamuud |
ISHA Sawirka CBC TV

Kadib siideyntiisa ,Maxamuud ayaa dhuuntay,lamana arkin ilaa markale Police-ka ay soo xiraan isaga oo ku guda jira weerar uu ku qaaday Hooyooyin.

Waxa uu xabsi ku jiray Wiilkan ilaa iyo sanadkii 2006dii ,waqtigaas oo waaxda Socdaalka ay go'aansatay in si deg deg ah looga saaro wadanka Marka uu dhameystirto xabsiga.

Maxmed ayaa ka qaatay Labo ilaa Saddex xukunkii lagu riday oo ahaa ilaa afar sano iyo bar Xabsi ah Decembertii lasoo dhaafay,xukunkaas oo lagu riday kadib markii lagu helay in uu weerar ku qaaday hooyo 33 sano jir ah.

"waxa aan inta joogaa 18 sano,16 sano ayaan jiray waqtigii aan inta imid," ayuu Yire Wiilkan,waxa uuna sheegay in uusan garaneynin waxa ku dhacay oo uu dambeyadaan u geystay isaga oo qirtay dambiga.

"sidaas daraadeed waxa aan hadda diyaar u ahay waxkasta oo igu dhacay,waxa ayna ka ahaatay xag rabi," ayuu u sheegay Saraakiisha Waaxda Socdaalka sida laga soo xigtay Daphne Shaw Dyck oo ka tirsan waaxda Socdaalka.

Bishii February,Maxamed waxa uu diiday in uu ku noqdo Soomaaliya isaga oo u arkayay khatar,waxa uuna doordibay wadan kale sida DJabouti.

Leann King oo ah Gabar ka tirsan waaxda Socdaalka dhageystayna Dacwada Maxmed ayaa sheegay in wiilku codsaday dib u dhigista Masaafurintiisa.

King waxa ay sheegtay in la tuhunsan yahay in Maxamed asalkiisuba yahay Djabouti inkasta oo uu isku dhiibay Magac Soomaali maadaama aan sidaan loo kala saarikarin Soomaalida iyo Djabouti-yaan oo isku dad ah.

Sikastaba ,Dowlada Canada ayaa Sanadkii lasoo dhaafay Wadankeeda ka erisay 1,442 qof oo 313 ka mid ah ay ahaayiin dambeelayaanl wadanka Dambi ka galay.

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble
Nairobi,Kenya
Email: saadaam_7@hotmail.com

Somali refugee deported for assaults in B.C., Ontario

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 4, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com