SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

1-da May: Maalinka Doorashada.  
 

                CODBIXINTA 1-da MAY 2008

1-da May 2008d-a “haddii Eebbe Idmo” waxaa dhici doona doorashada qaybta Kawnsollada Golaha magaalada Birmingham (councilors to Birmingham city council). Haddaba, si aad codkaaga u bixiso waa: in aad haysato MUWAADANA (Muwaadin) BUUXADA (FULL CITIZENSHIP).

Yaa ah Muwaadin buuxa?.

Muwaadin Buuxa waxaa ah:

  • Ruuxii dagan UK ama qaxooti ku ah.
  • Da’diisu gaadhay 17 sano (16 jir waa yeelan karaa xaqa diiwaangalinta)
  • Qaatay Jinsiyadda Britisha-ka.
  • Qaatay Jinsiyadda dal ka mid ah (Baasaboorka) Midawga Reer Yurub
  • Wata Jinsiyadda (Baasaboor) dalalka ku jira.(Communwealth-ka)

Markaad noqota MUWAADIN BUUXA, durba waxaad xaq u lee dahay doorashada Kawnsollada Magaalada (councilors to Birmingham city council) inaad ka qayb gasho.

Tusaale: haddad tahay Soomaali sita jinsiyadda (Baasaboorka) Nederland (Dutch) dagan Uk, xaq waxaad uleedahay codbixin iyo ka qayb galid doorashada (council-ka) ee1-da May 2008. 

Hase yeeshee, si aad u codayso waa in aad isdiiwaan galiso.

Diiwaan galintu waxay ku egtahay 16-ka April 2008

Foomka Diiwaan galinta kala xiriir Xafiiska: 150 Great Charles Street, Birmingham, B3 3HS.Tel 0121 303 2731/ E-Mail: elections@birmingham.gov.uk ama wac:

          Mobile: 07946627428 – 07939940990 - 07968986231

Maxaan u codaynayaa?

Bulshada Soomaaliyeed, inkastoo ay muddo gaaban ku nooshay Birmingham (UK) haddana dhinacyada nolosha sida: ganacsiga, waxbarshada, iyo dad la dhaqanka waxay ka soo hoyisay, magac wanaagsa iyo muuqasho degdeg ah.

Balse, xuquuqdii mawaadinka oo buuxda ma helin, qaybo nolosha ka mid ahna, waxaa ka jira dib u dhaca, sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah degdeg in caqabadahaa looga gudbo. Caqabadaha waxaa ka mid ah:

  • Guryo liita oo caafimaadka wax u dhimi kara.
  • Ubabaka oo dugsiyada aan hore u helin, tarbiyaddoodana waaridka lala fara galiyo.
  • Dhallinyarda  oo goobo ay ku kulmaan aan lahayn suuqyadana (city center-ka) dhooban.
  • Fursadaha shaqada oo hooseeya lacagta oo yar, sidoo kale fursadaha tababaridda oo yar.
  • Maandooriye iyo Qaad lagu habsaamay, qoysaskana is-afgarad la’aan ka dhex abuuray
  • Masaajidda iyo Dugsiyada Qaybidda Qoraanka  oo xoojin iyo taageero u baahan.
  • Dhallinyaro fara badan oo xabsiyada lagu hayo oo daryeel iyo ka warqab mudan.
  • Intaa waxaa dheer soomaaliya oo dhibo fara badan dhex maraysa in farriinteeda la gaarsiiyo dhagaha Bulshada Caalamka, isla markaana lagu baraarujiyo waxa ka qabad degdeg ah iyo u hiillin dadka la xasuuqay, la barakiciyay ee dacdarraysan.

Caqabadahaa waxaad ku jiiri kartaa xuquuqdaadana ku heli kartaa

    • Cod bixinta oo aad isu diiwaan galiso 16 April 2008 ka hor.
    • Codka oo aad bixso 1-da May 2008.

DEGDEG U GAAR GOOBAHA DIIWAAN  GALINTA IYO CODBIXINTA

WAAJIBKAAGA GUDO - XAQAAGANA WAYDIISO

Waxaa diyaariyey: Cabdiwali Sh.

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 4, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com