SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii April 5, 2008

  • Doon Dalxiis oo lagu Afduubay Badda u Dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen
  • Mudaaharaad aad u weyn oo ay Soomaalida ku nool wadankan Switzerland ku doonayaan Xuquuqdooda Qaxootinnimo.
  • Afhayeenka Golaha midowga maxaakiimta islaamka ayaa sheegay dhankooda in aaynay wax lug ah ku laheyn eedeyn ay u soo jeediyeen hay.addaha xaquuqda aadanaha u dooda
  • Qarax miino dhulka lagu aasay oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac laba askari

Doon Dalxiis oo lagu Afduubay Badda u Dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen


Le PONANT, isha sawirka: AP

Dooni laga leeyahay dalka Faransiiska oo ay saarnaayeen ilaa 30 shaqale ah ayaa Jimce April 4, 2008 lagu afduubay xeebaha la olloga ah dalka Soomaaliya, sidaas waxaa laga soo xigtey mulkiilayaashii doontaas oo ah shirkadda CMA-CGM. Waxaana wararku sheegeen marka doonta la afduubay in aysan saarnayn dad dalxiisa yaal ah, balse ay saarnaayeen shaqaalaha doontaasi.

Doontaas oo magaceedu yahay "Le Ponant", dhereeduna yahay 288-ft, waxay ka timid jasiiradaha Siishelis (Seychelles) iyada oo kusii jeedey badda Mediterranean-ka, laakiin intii aysan gaarin ayaa lagu afduubay Gacanka Cadan.

Mudaaharaad aad u weyn oo ay Soomaalida ku nool wadankan Switzerland ku doonayaan Xuquuqdooda Qaxootinnimo.

Waxaa shalay oo khamiista ahayd 03/04/2008 ka dhacay magaala Madaxda dalkan Switzerland Mudaaharaad aad u ballaaran oo ay isugu soo baxeen Jaaliyadaha Soomalida ku nool Gobollada dalkan, kuwaasi oo tiradoodu lagu qiyaasay dad gaaraayey ku dhawaad ilaa 1000 qof oo Somali ah, iyagoo ka cabanayeen sida ay xaquuqdooda rasmiga ah ku heli laheeyaan guud ahaan Soomalida ku nool wadankaan Switzarland.

Mudaaharaadkan oo ka dhacay guriga Baarlamaanka hortiisa (Bundesplatz) magaala madaxda dalka Switzerland ee Bern ayaa waxaa hadalo ka jeediyey rag ka tirsan guddigii soo qaban qaabiyey Banaanbaxaasi oo ay kamid ahaayeen, Gudoomiyaha Jaaliyadda Bern Aadan Ibraahim / C/qadir Qalimow / Bashiir C/qaadir iyo C/salaan Barqadle /Xasan Basri / Walash / Maxamed Daahir / Sh. Axmed / Axmed C/llaahi (Amxaar) iyo Odayaal iyo dhalinyara kala oo fara badan, waxayna sheegeen in ay muhiim tahay in Soomaalida ay si wadajir ah uga doodaan xaquuqdooda ayna ka caajisin ilaa ay ka helaan xaqa ay leeyihiin.

Dowladda waddankan Swiss-ka ayaa waxay Soomaalida ku nool wadankeeda siisaa aqoonsi ku meel gaar ah oo loo yaqaan (F) oo ah sharci bini‘aadanimo oo uu qofku uu ku joogi karo wadankeeda ilaa uu nabad ka noqdo qofka wadankiisa, hase ahaatee sharcigaas ay adag tahay in qofka uu shaqo ama waxbarasho ku helo, ha yeeshee uusan wadanka kaga bixi karin.

Goobta bannaanbaxa waxaa heeso dhiiro galin ah ka qaadey Cabdow Muuri oo ka mid ah fanaaniinta kunool wadankan Switzerland, iyadoo uu ku dhamaadey Bannaanbaxaasi jawi dagan.
Ugu dambeyn gudiga qaban qaada Bannaanbaxa ayaa waxay warqad u gudbiyeen qaar ka tirsan xubnaha Baarlamaanka wadankan Switzerland, taas oo laga rajeynayo iney ka soo baxaan jawaab qancisa Soomaalida ku dhaqan dalkan Switzerland.

Balse sida ay sheegeen ka soo qaybgalayaasha waa markii ugu horeysey ee uu ka dhaco Mudaaharaad noocan oo kala ah Dalka Switzerland, hase yeeshee wuxuuna kan uu uga duwanaa kuwii hore, waa mid Soomaalida oo dhan ay ku mideysnaayeen, waayo Bannaanbaxan ayaa ka turjumayey danahooda guud ahaaneed.

SomaliSwiss Yusuf Garabey, Berna
SomaliSwiss@hotmail.com


Qarax miino dhulka lagu aasay oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac laba askari

Apr 4, 2008: Laba askari ayaa ku dhintamay inta la ogyahay ilaa 5 qof oo qaarkood shacabyihiina waa ku dhaawacmeen qarax miini lala beegsaday Jimcadii gaari boyad biyo u dhaaminaysay ciidanka Ethiopia oo marayey inta u dhaxaysa hotel kaah iyo hotel ramadaan ee magaalda Muqdisho

Galinkii hore ee Jimcadii ayaa qarax xoogan lala beegsaday gari booyad biyaha u dhaamisa ciidanka Ethiopia ee fariisnka ku leh gudaha warshadii hore ee baastada booyadaan ayaa markii ay maraysay inta u dhaxaysa hoteelada ramadaan iyo kaah ee magalad amuqdisho

Joogooyalaa ku sugnaa halka qaraxu ka dhacay ayaa saxafada u xaqiijiyey in ay ku dhinteen laba askari oo ka tirsanaa ciidanka DF waxaana uu dhawac ka soo gaarya mid kale iyada oo gaarigii booyada ahaana ay soo gartay burbur xoogan

Warku wuxuu intaa racinayaa in sidoo kale ay dhawacyo kala duwan ka soo gareen dad rayid ah oo goobta ka agdhawaa waxaana loola cararay 4 rruux oo ka mid ahaa ispitaalka keysanay ee magaalada muqdisho

Waraku waxay sheegayaan dagaalkaan ku saabsan in qaraxaasi uu geystay qasaare xoogan oo naf iyo maal ah waxaana dhawaca sii balaariyey rasaas ay fureen ciidamada Ethiopia ka dib qarax iyo jaqafyadii iyo firirkii qaraxa uu sababay

Waqti ka dib ayaa goobtii qaraxu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo isugu jira Ethiopia iyo Somali waxayna ka imanayeen warshii xayla bariise iyo isgoyska fagax oo ay dagan yihiin iyaga oo iska so hormarinayey rasaas xoogan oo la racinayey wadada lamina garanayo qasaaraha ay geysanaysay iyo sababta ay wadada u raqcinayeen rasaasta nool nool waxaana iska markiiba hakad galay isu socodka dadka iyo gadiidka waxaana markii danbe la arkayey dhawaca hal ruux oo shcabka ah balse markii danbe ayey wadadii dib u furantay ka dib markii ay farujiyeen cidamadii halkaa ku soo fafay

Arintaan ayaan ahayn mid ku cusub indhaha iyo dhagaha dadka somalida ah waxaana ay tahay mid ku soo noqnoqotay balse loo caal waayey in la joogiyo

Afhayeenka Golaha midowga maxaakiimta islaamka ayaa sheegay dhankooda in aaynay wax lug ah ku laheyn eedeyn ay u soo jeediyeen hay.addaha xaquuqda aadanaha u dooda

Apr 4, 2008: Afhayeenka midowga maxaakimta islamaka somaliyeed Sheikh Maxmuud Sheikh Ibraahin Suuley ayaa jawaab ka bixiyey eedeyn uga timid qaar ka mid ah hay.addaha xuquuqda aadanaha u dooda kuwaas oo dhaleeceyn dusha uga tuuray dhinacyada ku dagaalamaya somaliya

Hay.addaha human rights iyo amnesty international Isaga oo sidoo kale diiday in ay qeyb ku leeyihiin eedeymaha in la galay danbiyo dagaal ee gudaha somaliya

Afhayeenka ayaa iska diiday in ay haba yaraatee wax lug ah ku leeyihiin danbiyo dagaal oo ka dhcay dalka somaliya gaar ahaa kuwii ugu danbeeyey ee dhacay intii ka danbeysay bishii January ee 2007 dii

Afhayeenka midowga maxaakimta islamaka somaliyeed Sheikh Maxmuud Sheikh Ibraahin Suuleya yaa sheegay wixii ka danbeeyey markii iyaga xukunka laga qaaday wax mas.uul ah ka aheyn waxa ka dhacayaa dalka waxaana loo racanayaa hadii ay jiran wixii ka dhacay goobihii ay ka talinayen oo kaliye balse waxaa loo raacanayaa wixii qaladad ahaa oo dhan dowlad aethiopia iyo ciidanka DF ee u yeertay ayuu yiri afhayeenka golaha midowga maxaakiimta islaamka somaliyeed oo saxafada la hadlayey


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 5, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com