Horuumarinta Beeraha & Miyiga Puntland. Qalinkii Musharax Prof. Farjac
Horuumarinta Beeraha
Maqaalkani wuxuu si kooban u dulmarayaa wax qabadka Musharax Farjac,
dhanka horuumarinta beeraha, miyiga iyo xabkaha.
Dad badan baa u riyaaqay maqaalkii "Biya la'aanta Puntland Xal Loo Hel".
Hadaba hadii biya la helo maxaa lagu qabsan karaa? Maqaalkaani waa
beeraleyda iyo reer miyigu sidii ay uga faaiidaysan karaan biyaha.
Hadii beeraleyda loo hela biyo ay ka haqa beelaan maxay ku samaysan
karaan? Waxay ku waraabsan karaan beeraha iyagoo isticmaalaya dhowr nooc
oo beera waraabinta ah. Midi waa rushaynta iyagoo isticmaalaya qasabado
biyaha qaada, una isticmaalaya matoorada korontadooda laga dhaliyo
quwadda qorraxda. Waxay abauurikaraan noocyada badan ee khayraadka
beeraha, dhowr goor sannadkiiba.
Sidoo kale waxay isticmaali karaan nooca biya fatahaada. Iyadoo ay u
samaynayaan kelliyo qaada biyaha una qaybiya beerta dhinacyadeeda. Sidoo
kale waxay rabaan bay beeri karaan. Hadba noocaan waraabinta beeraha
waxaa u shardi ah in dhulku badanaaba simanyahay ama in yar kala sarayo.
Kuma fiicna dhulka janjeera.
Dhulka janjeera waxaa loo samayn karaa dhul googo'an oo sallaan ah
(terrace farming), iyadoo biyaha lagaga soo bilaabayo dhanka sare. Ama
waxaa loo isticmaalayaa nooca biya rushaynta.
Waxayna abuuri karaan khudaarta cagaaran oo nooc walba ah sida begelka,
carmada, raasow, koostada, kabashaka, barbarooniga, basasha, reexaanta,
kabsarta, kaamuunta, toonta, basbaaska iyo cagaarka la cuno.
Waxaan intaa sii dheer in ay ka dhinac abuuri karaan geedaha miraha
dhala sida cambaha, babayga, canuuniga, cananaaska, liinta ugunjiga,
dhanaanta, bambelmada, liin xaali, zeytuunka, canabka, mooska kala
noocyada ah (moos sokorow, moos Somaliga, dameeriga, bakeeniga),
xamarta-raqayga, qaraha (xab-xabka), kiiwiga, fragolaha (Ststrawberry),
duflaha, tufaaxa, darayga, canjeelka, jicibta, hohobta, timir busirida,
qoonaha, qumbaha iyo wixii la mid ah. Dhulka qaarkiis wuxuu ku fiican
yahay in lagu abuuro dacarta, toombaakhda, Xaskusha, cawda, cawaagta,
iyo wixii la mid ah.
Waxaanu diirada u qabanaynaa sidii loo tacbi lahaa loona badin lahaa
dhulka lagu talaalo galeyda, haruurka, qamadida, heeda, sarreenka,
digirta cagaaran, salbukada, lauska, sisinta, gabaldayaha, yaamka,
moxogga, sinjibiisha, baradhada nooc walba, gocosada, yaanyada, bocor
katiitowga, batiiqa, qorafuulka, qorfaha, jawsul hindiga, haylka,
qajaarka, yaaqa, beydaanka,, murcoodka iyo khayraadka fara badan ee ka
baxa dhulkeena.
Waxaase muhimad weyn maamulkayagu siinayaa sidii wadanku uga haqab beeli
lahaa wax soo saarka beeraha uuna u noqon lahaa mid bedela cunnada
dibadda laga keeno, ayna Puntland u gaari lahayd heer ay khayraadka
beeraha u dhoofiso dibadda
Waxaanu dhiiri gelinaynaa sidii lagu dhisi lahaa warshada yar-yar oo
warshadaya kheyraadka beeraha. Si loo soo jiito maalgelinta gudaha iyo
maalgelinta qurba joogta, waxaanu u fidineynaa canshuur dhaaf 10-15 sano
ah, jidad isku xidha warshadaha iyo beeraha.
Waxaa maamulkayagu sahlayaa sidii loo taageri lahaa beeraleyda looguna
fidin lahaa deeq iyo deyn beereed anagoo dhisayna bangiga beereha deynta
siiya (Banco del credito agricolo/Agricultural credit bank).
Waxaa jira togag iyo waadiyo badan oo markuu roobku da'o biyohooda ku
fataha badaha. Waxaa qorshaha noogu jira in togagaas loo samayo biya
xireenno iyo dhul ballaaran ee lagu keydiyo biyaha. Aaga biyaxireenada
waxaa laga samaynayaa mashaariic beereed lagu abuurayo bariiska iyo
khayraad kale ee beeraha.
Waxaanu qorshaynay in miro badan oo ka baxa wadama kale, cimilad ahaanna
ku haboon in ay ka baxaan Puntland iyo Somalia aanu soo gelino.
Mirahaasi waa kuwa ka baxa wadamada aynu isla cimiladda nahay.
Maamulkayaga waxaa qorshaha ugu jira in la samayo warshado yaryar oo
qaabilsan warshadaynta khayraadka beeraha. Warshadaha qaarna waxaa
yeelanaya dawladda, qaarna shicibka, qaarna waxay noqonayaan isla wadaag
shicib iyo dawlo.
Horuumarinta Dhirta Miyiga.
Waxaanu mamnuuc ka dhigaynaa dhoofinta dhuxusha. Ha ahaato mid gobolla
kale loo qaado iyo mid dibadda loo dhiifiyaba, sharci adagna waa laga
soo saarayaa. Midda gudaha laga shito waxaa lagu bedelayaa shidaalo kale
oo wax logu karsado iyadoo la isticmaalayo jikooyinka qorraxda iyo
korontada qorraxda laga dhaliyo ku shaqaya. Hadaba inta aan dadku ka
wada sinaan isticmaalidda jikooyinkaas, waxaa la shidan dhuxul, hase
yeeshee iyadana waxaa la soo saarayaa sharciyo adag oo mamnuucaya in la
gooyo dhir nool oo la shido. Waxaa keliya oo la fasaxayo waa gubidda
dhirta dhimatay oo loo isticmaalayo adeegsiga gudaha.
Waxaa maamulkayagu ku dadaalayaa sidii loo abuuri lahaa dhir aad u
farabadan annagoo samaynayna kaymo aan la geli Karin. Kaymahaas waxay
gaar u noqonayaan ugaarta sida gumburiga-dameer farowga, cawsha,
biciidka, deerada, sagaarada, goroyada, geriga, daayeerka iwm. Waxaanu
abuuraynaa Wasaaradda Xannaanada dhirta iyo Horuumarinta Miyiga.
Waxaanu sharci adag ka soo saareynaa dadka ugaarta laaya, iyadoo loo
taxaabayo xabsiga qofkii lagu helo dembi la xiriira laynta ugaarta.
Waxaanu manaahijta dugsiyada hoose/dhexe ku dareynaa barnaamij ah
xannaanaynta Dabiicadda. Waxaanu ku dareynaa barnaamijyada idaacadaha
iyo televisionada barnaamij lagu boorinayo dadweynaha Puntland sidii ay
ku abuuri lahaayeen dhir fara badan miyi iyo magaalaba. Waxaa la
gaarayaa heer ay guri walba ku hareeraysan yihiin dhir aad u farabadan.
Waxaa reer miyiga la barayaa sidii dhulka loogu talaali lahaa dhir
farabadan oo manaafac badan u leh xoolaha sida beeridda lablabka,
alfa-alfaha, yicibta, quraca, qandalka, hambaruurka, gobka, gomoshaha,
qansaxa, sarmaanta, jeerinka, dharkaynta, mareerka, dhafaruurta,
mayrada, qalowga, xamurka, gumarta, cadayga, iyo dhirta noocyada badan
ee xaabka iyo xayga leh, iyo kuwa qobcada dhala.
Dhirtaas iyo kuwa kale oo manaafacaad u leh xoolaha ayaa sida loo beero
iyo sida loo waraabiyo la barayaa reer miyiga. Hadii aanu dhirta
manaafacaadka leh laba ka soo qaadno sida alfa-alfaha iyo lablabka.
Alfa-alfuhu waa cagaar aad ugu ballarta dhulka oo nafaqa badan u leh
xoolaha.
Lablabku ma aha mid ka baxa wadankeena hase yeeshee waa geed cagaar
badan oo u roon dhulka iyo xoolaha. Dhulka oo dhan wuxuu ka dhigaa
cagaar il-qabad fiican leh, aadna ugu wanaagsan dhulkeena, wuxuuna
dhulka ka celiyaa qorraxda xoogeeda si aanay u wax yeelayn bacraminta
dhulka. Wuxuu kaloo dulka u duxiyaa bacramin sida lauska (Arachide).
Lablabku wuxuu kordhiyaa xoolaha miisaankooda iyo caanohooda,
durbadiiba xooluhu way ku naaxaan. Waxaa geedkaan lagu talaalay oo aad
loogu badiyey wadamada aynu jaarka nahay sida Ethiopia, Kenya, Sudan,
Uganda, Tanzania, iyo wadama kale sida Egypt, Nigeria iyoTurkey. Sidoo
kale waxaynu ku abuuri karnaa yicibta oo aad ugu fiican xoolaha.
Waxaanu isku hawlnay sidii aanu u heli lahayn shirkadaha ugu fiican ee
soo saara xirfadaha lagu hodmiyo dadweynahooda, gaar ahaan kuwa ku xeel
dheeraaday horuumarinta wadamada soo kobcaya. Waxaanu xiriir wanaagsan
la soo yeelanay afar shirkadood oo qaabilsan cilmi baaridda iyo
abuuridda dhirta miraha ganacsiga dhasha iyo dib u hagaajinta dhulka
xaalufa.
Beeyada, Maydiga iyo Xabkaha Kale- Gums and Rasins
Waxaa maamulkayagu horuumar ku samaynayaa sidii loo beeri lahaa cawda,
beeyada (olibanum) geedaha xabkaha sida mal-malka (myrrx), qaroonta,
xagarka, muqlaha, dharkeynta, hadiga ee wadankeenu ku can baxay waagii
faraaciinta, oo la inoogu bixiyey Puntland (Dhulkii Ilaah-Land of God),
ama dhulka uduga ee boqortooyadii shanaad ee Shiinaha. Waxaa kaloo ka
mid ah horuumarinta dhirta dhacaankeedu yahay dawada dadku isku da'
yarayaan sida dacarta (aloe), hadiga (opoponax), diisiga oo si dabiici
ah noogu baxa. Qiimihii ay waagii hore lahaayeen waa sara kacay haddeer,
waxayna khayraadkaasi soo gelinayaan lacag adag wadanka.
Walowba aanu soo bandhigeyno maqaal u gaar ah horuumarinta xabkaha iyo
dhirta udugga ee Puntland, waxaan halkaan ku xuseynaa in aanu wadanka si
toos ah ugu soo xirayno shirkadaha isticmaala iyadoo aanu dhexda ka
saareyno dhex yaalka sicirka hoose kaga gada dadkeena, qaaligana uga
iibiya shirkadaha isticmaala. Waxaa wada hadallo noo socdaan afar
shirkadood oo Mareykanka ah, laba shirkadood oo Spanish ah, hal shirkad
oo Shiina ah oo si toos ah u isticmaala beeyada iyo maydiga. Waxaanu ka
dhalinaynaa xiriir toos ah iyadoo aanu ku casumayno wadanka shirkadahaas
si ay u doortaan noocyada ay doonayaan ayna nooga caawiyaan beeridda iyo
badinta dhirta xabkaha. Waxaanu ka furaynaa laba machad oo qaabilsan
daraasadaha xabkaha Puntland iyo beeritaankooda.
Ilaahay dhul ballaaran oo wanaagsan buu inoogu deeqay. Puntland way ka
badan tahay Somalida o dhan. Hadaba aynu Ilaah ku mahadino oo aynu iska
deyno colaadda, aynuna ka gaashamano dawladaha isku diraya Somalida
ujeedadooduna tahay in aan Somaliya meel gaarin. Aynu Ilaah barino in uu
naga qabto dadka dhibaatada ka shaqaynaya ee shishayuhu ku aqdaamanayo.
Ogaada shishayaha idinku shaqaysanayaa ogaa in aad doqomo tihiin mar
haduu dadkiinii soo laaya idin yiri, idinkuna aad ka yeesheen. Xuma
doonow, Somali kala dilow Ilaahay naga kaa qabey. Aamiin Ilahow Qaadir.
W.Q. Prof. Cumar Farjac