SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CALIFORNIA

NIINKII UGU HORREEYAY OO SOOMAALI AH OO KU GUULEYSTAY DOORASHO KA DACDAY DALKA MAREYKANKA, “CALIFORNIA”

Faarax Dahir Sheikh-Noor
Faarax Dahir Sheikh-Noor

DOORASHADII:

Faarax Dahir Sheikh Noor waxaa loo doortay “BOARD of DIRECTOR, PANORAMA CITY NEIGHBORHOOD COUNCIL in LOS ANGELES COUNTY, CALIFORNIA.” [Eag Halkan (HTML) ama EXCEL] Doorashadan waxaa la qabtay bishii “September 2007” Waxaana ku tartamay dadweynaha Mareykanka ah oo deggan magaaladaas. Waxaa ku guuleystay dad Faarax ka mid yahay.

Faarax ma aha nin ku cusub siyaasadda Marykanka. Wuxuu ahaa ninkii ugu horreyey oo Soomaali ah ama “African” ah oo isu sharraxay “State Senator in Oregon State” tariikhdu markey ahayd “January 1996.” Ka dibna wuxuu u tartamay doorasho kale “City Council, Portland Oregon, July 1996.” Musharrax Faarax waxaa berigaas ku mahadiyey dad farabadan oo Soomaali iyo Africaan ah waxayna mar walba ugu hanbalyeynayeen sida uu ii sheegay in ay oranayeen mahadsanid taariikhda ayaad nagu qortay “You put us on the map”

Nasiibdarro intuusan doorashadii guda galin, waxaa geeriyooday aabbihii Shiikh-Dahir Shiikh Nuur Muxammad “ALLAH” ha u naxariistee.” Faarax wuxuu ii sheegay inuu markiiba u doofay dalka “Kenya.“ Doorashadii waxay dhamaatay intuu ku maqnaa “Kenya” Waxaa doortay 521 qof oo Mareykan ah. Waxaa lagu waday in uu ahaan lahaa ninkii koowaad ama kan labaad haddii uusan aadi lahayn “Kenya” sababtoo ah, Faarax waa nin caan ka ah “Portland, Oregon” ayna Soomaalida iyo Mareykankuba aad u xushmeeyaan. Faarax musharixiinta kale wuxuu dheeraa, markaas wuxuu dhigayay “University of Portland” iyo “Portland Community College” oo uu dhigaya maadooyinka kala ah “Mathematics and Economics.” Faarax wuxuu kale oo uu la shaqeeyay laba sano “Washington State Governor Mike Lowry”.

WAXYAABIHII FAARAX QABTAY:

Waxyaalaha waa weyn ee Faarax caanka ku yahay ee uu qabtay waxaa ka mid ahaa TIRAKOOBKII sannadku markuu ahaa 2000 “Decennial 2000” oo tobankii sanoba dadka maraykanka ah mar la tiriyo, Faarax wuxuu kamid ahaa “Statisticians” yadii ama xisaab yahannadii madaxda ahaa ee loo xilsaaray in ay tiriyaan, Faarax wuxuu tiriyay 35 malyan oo ku nool “California“, wuxuu kaloo tiriyay “State of Hawaii” maadaama Tira Koobka labadan gobol ay yihiin labada ugu dhibka badan Marykanka oo dhan, sidaa awgeed ayaa Faarax loogu dhiibay tiro koobkaas wuuna ku guuleystay inuu tiro koobo, halkaasna waxaa lagu gudoonsiiyey shahaadooyin fara badan iyo abaal marino.

QORAALADA IYO SHEEKOOYINKA FAARAX QORAY:

Warqadda Lot Partners.. halkan ka eeg

Warqadda sare oo Weyn halan
ama halkan (pdf)

Warqaddii Fox News..ka eeg halkan

Warqadda Fox oo Weyn halan
ama halkan (pdf)


Warqadda Xuquuqda ka eeg halkan...

Eeg warqadda oo weyn...

Faarax waa nin qoraa ah wuxuuna qoray 12 sheekooyinka filimada laga sameeyo “Movie Feature Scripts” Wuxuu kaloo qoray labo “Reality Shows” oo intaba uu ku haysto xaq sharci ah “Copyright” oo loo yaqaan “Intellectual Property” Markaad qortid sheeko loogu tala galay “Hollywood” magaca “Title” kaad u bixisaa muhim ma aha, laakin waxa muhim ah nuxurka sheekada. “Hollywood” waxay caan ku tahay in la iska xado sheekoonyinka (scripts) oo marka la iska xado loo yaqaan “Copyright Infringement.”

Haddaba, Faarax wuxuu ku shaaciyay oo geliyey qoraaladiisa shabakada loo yaqaan “Internet” oo ragga filimada sameeyaa ka soocdaan kuwa ugu tayada fiican lacag badana laga heli karo markii la sameeyo, sheekooyinkiisii “Reality Show” mid ka mid ah sidii loo heli lahaa qolooyin dooneysa in ay sameyso. Wuxuu kaloo la xiriiray “Mark Burnett” oo ah ninka ugu magac dheer dhinaca “Reality Show” yada, waa nin Ingriis ah oo military ahaan jiray waana ninkii sameeyey “Reality Show“ gii caanka ahaa” “Survivor“. Sheekadan, Faarax wuxuu sharciyeeyey “Copyright” taariikhdu markey ahayd “May 10, 2006” wuxuuna u bixiyay “The Next American Movie” oo ku saabsan in la doorto filimka ugu fiican kaddibna la sameeyo. Faarax waa nin aad u caqli badan waayo wuu ka tabaabusheytay haddi laga xado in uu dhinac walba ku daro qoraalkiisa, waxaa ka mid ah in uu ku daray qoraalkiisa in la dooran karo “The Next American Actor” “The Next American Director” “The Next American Producer” “The Next American Writer”

“Mark Burnett” wuxuu min guuriyey sheekadii Faarax uu u haystey sharciga “Copyright” isagoo la kaashanaya ninka ugu sarreeya maamulka filimada “Movie Director” “Stephen Spielberg” “Reality Show” gooda waxay ula baxeen “On The Lot (OTL)” waxaa la dooranayey “The Next American Director” oo la siinayo hal malyan oo doolar ninkii shekadiisu ugu fiicnaato “One Million Dollar” uu ku sameeyo filimka la doortay, “The Next American Movie” waa sheekadii Faarax oo dhab ah oo laga beddelay magaca. “Reality Show” gooda waxaa laga daawan jiray “FOX TV” waxuuna bilowday “May 22, 2007” sanad ka dib markuu Faarax sharciyaystay sheekadiisa (Copyright May 10, 2006.) Haddaba, sida Faarax ii sheegay waxaa cad oo aan is weydiid lahayn in Faarax ka hor qoray sheekada sharciyeystana “Protected Copyright Idea (May 10, 2006.)” isaguna leeyahay fikradaas.

Faarax markuu ogaaday in sheekadiisii laga xaday, isla markiiba wuxuu la xiriiray “Mark Burnett, Stephen Spielberg, and FOX TV” Kulligoodna way beeniyeen in ay xadeen sheekadii Faarax, waxayna yiraahdeen anagaa si madax bannaan “Independently” ula nimid fikradda. Faarax wuxuu u caddeyey inuu haysto “Copyright” ilaa tariikhdu markey ahay “May 10, 2006” uuna shaaciyay intay iyagu suuqa keenin sheekadooda. Haddana waxaa wali u socota waan waan heshiis. Waxaa laga yaabaa in ay dhici karto in maxkammad la isla aado. Fadlan, ka akhriso hoos xiriiradii ay wada yeesheen. [Aaam eeg dhanka midig ee boggan]

“Mark Burnett” wuxuu caan ku yahay in uu min guuriyo sheekooyinka ku saabsan ‘Reality Show” yada. “Mark Burnett” wuxuu sameeyey ilaa hadda “Survivor, Apprentice, Are You Smarter Than Fifth Grader, Contender, On The Lot, Rock Star, etc.” Waxaa maxkammad lagu saaray in uu xaday fikradaha kala ah, “Survivor, Apprentice, Rock Star” dhammaantood hoos ayuu kala heshiiyey. Isaguna wuxuu ka sameeyey malaayiin doolar oo faa’iido ah oo uu ka helay xayeysiiska loo yaqaan “Commercial Revenues”

Maadaama hadda “Hollywood” ay ku jirto mudaaharaad oo dadkii qoraaga ahaa oo dhami mudaaharaad ku jiraan, waxay baahi weyn u qabaan wixii haysta “Reality Show” yo sharciyeysan (Copyright.) Faarax waxaa la soo xiriiray “National Broadcasting Corporation (NBC)” oo dooneysa qoralkiisi kale oo ahaa “Reality Show” Faarax aad ayaa “Hollywood” ula dhacsan yahay, una dhageytaa hadda, maadaama sheekadiisii uu xaday mamulaha filimada “Hoolywood” ugu caansanaa “Stephen Spielberg” oo faa’iido fara badan laga helay sheekadii Faarax uu qoray.eyna ku guuleysteen.

Markaan weydiiyey Faarax sababta ku kaliftay inuu ka mid noqdo qorayaasha “Hollywood” inuu wax u qoro wuxuu ii sheegay inuu aad ugu hanweynyahay inuu maatada Soomaaliyeed ee dhibaataysan wax u qabto isagoo qalinkiisa qoraalka Ilaahay hibada u siiyey kaashanaya.

Qoraalada Faarax oo ku saabsan sheekooyinka filimada “Movie Feature Scripts” Waxaa ka mid ah:

TITLE GENRE REMARKS

1. Unfortunate Loss Thriller
2. Underworld Adventure/Romance
3. Galaxy III and Super Hero Kid Science Fiction Environment
4. De Soto Drama Homeless
5. Friendship Comedy Love
6. The Lost Star War True Story (Somalia)
7. Shame On You Documentary True Story (Slavery)
8. The Little King of the Jungle Animation Cartoon
9. The Stranger Action Mafia
10. Wrong Priority Action True Story
11. Not Without Me Science Fiction
12. Irreconcilable Differences Drama Family, True Story

SU‘AALO iyo FAALO:

Markaan dhinaca siyaasadda Faarax wax ka weydiiyey wuxuu ii sheegay inuu Faarax tageersan yahay una u ololeeyo “Hillary Rodham Clinton” Wuxuu ka mid ahaa dhowrkii qof ee ay “Hillary” soo wacday Isniintii taariikhduna ahayd “December 10, 2007” Faarax wuxuu aaminsan yahay kuna guubaabinayaa Soomaalida Mareykanka deggan in lala shaqeeyo “Democratic Party” siddeeda sano ee soo socota (2008-2016), sababtoo ah, waxaa la saadaaliyay in Madaxweynaha iyo Baarlamankaba aqlabiyaddu raacidoonto “Democratic Party” Faarax wuxuu carrabka ku dhuftay, “Haddii Soomaalidu ay doonayaan in wax loo qabto dadka iyo dalka Somaaliyeed ee dhibaateysan waa in ay wax la qabsadaan dowladda Mareykanka.

Mar aan wax ka weydiiney waxa uu kula talinayo dhinaca siyaasadda Soomaalida qurbaha joogta wuxuu ku booriyey in ay u codeeyaan musharixiinta u tartamaya Xisbiga Dimoqraadhiga ah oo ay codkooda siiyaan waana in ay ku dadaalaan in ay ka qeybgalaan oo caawimaan dadka u sharraxan Xisbiga Dimoqraadhiga ama madaxweyne ha ahaado ama baarlamarka ha ahaado.”

Faarax wuxuu aasaasay “Somali-American Democratic Party” oo uu jecelyahay in Soomaalidoo dhami ka soo qeyb galaan sidii aan ugu ololeyn laheyn Xisbiga Dimoqraadiga ah.

Haddaad dooneysid in aad ka qeyb gashid Kala xiriir Faarax: halkan:
somaliamericandemocraticparty@yahoo.com 

Markaan Faarax wediiyay mustaqbalka Soomaaliya wuxuu yiri, “Waddankii idinka ayuu idin sugayaa, waa inaad maaliyaddiina galisaan sidii shaqo loo abuuri lahaa. Markaad dibadaha timaadeen waad wada aragteen sidey dowladaha reer galbeedka ahi u dhisteen wadamadooda, haddaba idinkana sidaas oo kale ayuu waddankiinu idiin sugayaa in aad dhistaan waxna u qabataan idinkoo isku duuban.”

Faarax wuxuu ka soo jeedaa dad diinta ku dheer oo culumaa’u diin ah, wuxuu yiri waxaan ku ogahay Somaalida in ay qabsadaan waligoodna aysan siideyn “AL-CURWATIL WUTHQAA” Dhabtii, anigu aqoon uma aan lahayn kalmadahaas quraanka ah oo Faarax soo daliishay. Markaan weydiiyay culumadana waxay ii sheegeen in ay ku soo aroortay suuradaha kala ah “AL-BAQARA 2:256 iyo LUQMAAN 31:22”

Faarax waa “professor” siyaasi ah, qoraa ah, cilmi weyna u leh dhaqaalaha iyo xisaabtaba. Waana nin aamusan oo af gaaban.wuxuuna leeyahay xaas, Qamar Faarax Baashane oo ah Madaxa ku Xigeenka Iskuulka dhinaca maamulka miisaniyadda “School Site Council, Vice-President” iyo saddex carruur ah, Ayan, Sagal, iyo Sugaal.

Faarax waa nin aad u safar badan oo mashquul ah wayna adagtahay in la arko lalana kulmo, waxaan in muddo ah raadinayey in aan la kulmo waraysina la yeesho ugu danbayntiina waxaan nasiib u yeeshay inaan waraysi la yeesho lana kulmo, maqaalkana aan ka qoro. Aad ayaan ugu faraxsanahay in uu jiro nin Soomaali ah oo Ilaahay siiyay Hibo Faro badan (Multi-talent.)

Halkan Faarax kala xiriir:
somaliamericandemocraticparty@yahoo.com 

Abdi Hassan Gurre
Ahgurre@yahoo.com 
Hoos ka akhriso nuqulladii “On The Lot”:


Synopsis or Treatment of the Reality Show

The Next
American Movie


This Reality Show project is about choosing the next American movie, actors, writers, producers, and directors. The main idea of this reality show project is to select the next American movie, the best female and male leading actors, and the best script.

This reality show can be divided into several different and separate shows, such as “The Next American Movie,” “The Next American Actor,” “The Next American Writer,” “The Next American Producer,” or “The Next American Director.”

A panel of directors, producers, writers, casting group, and literary agents will choose scripts of every genre among all the scripts presented by the contenders. Then the best actor and the best script will be determined by adding the votes of the judges, the panel, the American public including the calls coming from the rest of the world.

Since the American public and the world were involved in the selection of this movie, then they are most likely to go and see this movie when it is released to the theater. We might not need to advertise it because the public was following all the steps of this reality show. Our target audiences are those who called and voted in the selection of the best actors and the best movie script for the next film feature.

For the last few years, the theatrical revenues were declined drastically because the public and the world did not like the movies that the directors, producers, and literary agents chose for them. Thus, this reality show will give the opportunity for the public and the world to pick the movie that they are most likely to see it. I strongly believe that this reality show is one of the solutions for the public to get interested to be moviegoers again and at the same time it will increase the theatrical revenues considerably.

Therefore, I am looking for producer, agent, sponsors, and investors who are interested in this reality show “The next American Movie or Actor”

(Please note that the content of this writing is more important than the title.)

Faarax Dahir Sheikh-Noor

PO Box 8138
Van Nuys, CA 91409-8138


Waxaa isku soo dubaridey, lehna fikradda qormadan:
Abdi Hassan Gurre
Ahgurre@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com