Waxyaalaha kuu sahli kara diyaarinta khudbad wanaagsan
C/risaq
maxamed xussen-
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com
Qofku kolka uu khudbad jeedinaayo, ujeedada ugu balaaran ee uu leeyahay waxaa
weeyaan in uu fariinta uu xambaarsan yahay gaarsiiyo ama u gudbiyo dadka isaga
dhegeysanaaya. Fariintaasu waxa ay noqon kartaa mid diin ku saleysan , mid
siyaasadeed ama mid ku saabsan cilmiyada kale ee bulshada. Haddaba suŕasha
isweydiinta mudani waxaa weeyaan: Sidee ayey khudbadaadu ku noqon kartaa mid si
wanaagsan u fulisa ujeedadii aad ka lahayd? Sidee khudbadaadu ku noqon kartaa
mid soo jiidata dhegeystayaashii loogu tala galay?
Suŕalahaas jawaabtooda waxaan ka dhex heli doonaa qodobadaan kooban ee hoos
ku qoran.
Dhegeystayaasha khudbadu waa kuwa noocee ah
Waa inaad ugu horeyn si wanaagsan u deristaa dadka ku dhegeysan doonaa nooca ay
yihiin. Ma dad waayeel ah ayey u badan yihiin mise dhalinyaro? Aqoonta ay
leeyihiin waa mid noocee ah? Guud ahaan maxay xiisaynayaan dadkaas ku
dhegeysanaya? Isweydiinta Suŕalahani waxa ay kuu fududaynaysaa inaad khudbadaada
ku adeegsato erayo ay dadka ku dhegeysanayaa si wacan u fahmi karaan. Taas waxa
aan ula jeedaa iyada oo ay inta badan kala duwan yihiin erayada la isticmaalo
hadii lala hadlayo dad aqoon leh iyo hadii lala hadlaayo dad beeraley ah oo aan
wax aqoon ah laheyn.Qaybaha kala duwan ee cilmiga waxaa ay leeyihiin ereyo u
gaar ah oo ay fahmi karaan dadka qaybahaas cilmiga ku xeel dheer. Waxaa jira
waxyaalaha lagu magcaabo dhaqan luuqadeed.Tusaale ahaan ninka beeraleyda ahi
luqad buu leeyahay, kan farsamayqaanka ahi luqad buu leeyahay,ganacstadu luqad
bey leeyihiin.Sidaas darteed waxaa aad iyo aad muhiim u ah inaad warbixin buuxda
ka heshid dadka aad la hadleysid. Haddii kale waxaa aad khatar ugu jirtaa in
khudbadaadu noqoto mid aan la xiiseyneynin, dadkuna ku caajiso.
Ujeedada khudbada
Khudbada aad soo jeedineysaa waa mid ceynkee ah? Ma waxaad dooneysaa inaad
gudbiso akhbaar cusub (information)? Mise waxaad dooneysaa inaad dood abuurtid?
Mise ujeedadaadu intaas aan soo sheegnayba ma ahee, waxaad dooneysaa inaad wax
madadaaliso. Maxaa yeelay nooca ay tahay khudbadaadu waxaa ay saameyn weyn ku
yeelan kartaa qaabka aad u diyaarineysid khudbadaada.Waxaa kaloo ay saameyn ku
yeelan kartaa heerka luqada aad isticmaaleysid.
Haddaba kolkii ujeedada iyo nooca khudbadaadu ay kuu cadaato, waxaad kaloo
baaritaan ku sameyneysaa arimaha ay ka mid yihiin wakhtiga aad khudbada
jeedineysid iyo weliba meesha aad ka jeedineysid. Waa kala duwan tahay haddii
aad khudbadaada ka soo jeedineysid hool weyn oo dadku ka fog yahay iyo hadii aad
kasoo jeedineysid qol yar oo la is horfadhiyo.Wakhtigu siyaabo badan ayuu muhiim
u yahay.
Ma subax hore oo dadku weli hurdeysan yihiin baad khudbadaada jeedin doontaa
mise duhurkii mise intaasba maahee waxaad jeedin doontaa goor habeen ah.
Wakhtiga aad khudbada jeedineysid waxaa uu aad muhiim ugu yahay qaabka aad ku
bilaabi lahayd khudbadaada. Tusaale ahaan haddii khudbadaadu ku aadan tahay goor
aroor ah waxaa haboon inaad waxoogaa inta aadan khudbadaada rasmiga ah guda
gelin aad dadka kaftan iyo arar ku soo dhoweysid. Kolkii aad dareento in
caajiskii sii baxaayona aad muhiimada khudbadaada guda gashid. Waxaa kaloo iyana
muhiim ah inaad ogaatid wakhtiga khudbadaada loogu tala galay si aad u
qorshaysato waxii aad oran lahayd.
Mowduuca khudbada
Mowduuca aad ka hadleysaa waa mid sidee ah? Aqoontaada ku saabsan mowduucanse
imisa ayey dhan tahay? Waxaa kaloo iyana aad u haboon inaad qorto mawduucaaga
adigoo u sameynaayo ciwaan sida: Maxaa keenay hoos u dhaca suuqa lacagaha?
Intaas dabadeed waa inaad raadiso xaqiiq dhab ah oo ku saabsan mowduucaaga.
Meelaha aad warbixinta ka raadsan karto waxaa ka mid ah buuggaagta horay loo
qoray iyo weliba aaladda Internetka hadii ay taasi suurtogal kuu tahay. Waxaad
kaloo warbixin mowduucaaga ku saabsan ka heli kartaa adigoo waraysi la yeelanayo
dad xog ogaal u ah arinta aad ka hadleysid. Waxaa kale oo iyana muhiim ah intii
aad ku dhexjirtid ururinta akhbaarta inaad eegtid buugaagta aad adeegsaneysid
wakhtigii la qoray. Marwalbana waxaad dooraneysaa warbixiniba mida ay ka
dameysey. Arintaasi waxay kuu suurto gelineysaa in wabixintaadu ay noqoto mid
cusub oo xiiso leh.
Kala hormari hadalkaaga
Kolkii aad halkan soo gaartid waxaa kuu dhan boqolkiiba sagaashan
khudbadaadii.Waxaad haysataa mowduucii, isla markaasna waxaad soo akhrisay wax
badan oo mowduucaas ku saabsan, warbixintii aad u baahnayd ayaad soo urursatay.
Waxaa kaloo haddaba lagaa rabaa inaad goŕan ka gaartid sidii aad hadalkaaga u
kala hor marin lahayd, Adigoo eegaayaa ujeedada khudbadaada, dadka ku
dhegeysanaya iyo weliba arimaha kale ee aan horay uga soo hadalay.
Waxaa iyana haboon inaad khudbadaada u sameysid meel bilow ah, meel dhexe iyo
meel dhamaad ah. Taasi waxay dadka ku dhegeysanaayo u fududayneysaa iney si aan
hakad lahayn ay khudbadaadii ula socdaan.
Intaas ka dib, isku day inaad tababar wacan ku sameysid khudbadaada. Waxaa aad u
wanaagsan hadii ay kuu suurtawdo inaad qof ama dhowr qof ka codsatid iney ku
dhegeystaan ka dibna kula socodsiiyaan wixii dhaliil ah iyo wixii kale ee laga
bedeli karo khudbadaada.
Waxyaalaha kale oo iyaguna muhiimka ah waxaa ka mid ah hadba heerka codkaagu
yahay kolka aad hadleysid. Ma waxaa haboon inaad codkaaga waxoogaa kor u qaadid
mise waxaa haboon inaad yara gaabiso. Taasi waxay run ahaantii ku xiran tahay
hadba meesha aad khudbadaada ka mareysid iyo xaaladaha kale ee kugu meeraysan.
Dhaqdhaqaaqa xubnaha kale ee jirka ayaa iyaguna muhiim ah sida gacmaha , lugaha
iyo wajigaba.
Waxyaalaha khudbada dhaawaca waxaa ka mid ah kusoo celcelinta erey halqabsi
kuu ah, YACNI YACNI, ama Maxaan ku iraahdaayeey, ama adeer iwm. Waxyaalahaas oo
dhan ka nadiifi khudbadaada. Waxaa kaloo muhiim ah inaad ku koobnaatid luqada
aad ku hadleysid ee aadan dhowr luqadood isku qasin. Haddii taasi dhacdo waxaa
ay wax u dhimaysaa adiga hadlaaya shakhsiyadaadii iyo weliba kudbadii aad
jeedineysey. Haddii aad isticmaasho erey aan ahayn luqada aad ku hadlesid waxaa
haboon inaad macnihiisa sheegtid.
Arimahaas oo dhan kolka aad ka fekerto waxaa ay khudbadaadii noqoneysaa mid
xiiso leh oo dadku u riyaaqaan. Waxaa ayna dhalin kartaa in lagaa casumo meelo
badan oo khudbad laga jeedinaayo.
Mahadsanidin
C/risaq maxamed xuseen, Eskilstuna, sweden
habdirisak@hotmail.com
Akhri: Suuqyada
lacagaha iyo siyaabaha ay u shaqeeyaan.. Suuqa badeecadaha
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2008
|