Dhaarintii Golaha Wasiirrada Cusub ee Xukuumadda Col. Nuur
Cadde
-
Waxaa isku soo dubbaridey:
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) SomaliTalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com |
Sabti, Jan 5, 2008
Baydhabo: Waxa Sabtidii [Jan 5, 2008] Magaalada Baydhabo lagu
dhaariyey 12 ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumadda uu col. Nuur Cadde ku
dhawaaqay. Goobtii lagu dhaariyey waxaa mar labaad magacyada wasiirada iyo
wasiir xigeennada akhriyey Col. Nuur Cadde.
Dhaartii iyo Magacyada Golaha Wasiirada Col. Nuur Cadde:

Jan 5, 2008: Dhamaan Golaha Wasiiradda Cusub iyo Gudoomiyaha
Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha, labada Godoomiye ku xigeen
iyo Ra'iisul Wasaare ku xigeenada..
Sawiradii dhaarta hoos ka eeg....

Cadde, R/wasaare |

Tarrax, Boostada |

C/risaq, Horumarinta |

Muuse, Amniga |

Khadiijo, haweenka |

Saalaim, Garsoorka |

Mustafa, Beeraha |

Xaamud, Maaliyadda |

iidow, Hawlagha Guud |

A.C/salan, Warfaafinta |

Muumin, W/X,Maaliyada |

C/kariim, W/x,A.D |
Magacyada Golaha Wasiirrada Xukuumadda Col. Nuur Cadde
BAYDHABO: Golaha Xukuumadda ee Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Col. Nuur Cadde
uu Jimce Jan 4, 2008 ku dhawaaqay waxay ka kooban yihiin 23 xubnood
(18-wasiir & 5 w/xigeen], magacyaddooduna waa:
Magacyada Wasiirrada la magacaabay:
- Muxyiddiin Maxamed Xaaji Ibraahim... Wasiirka Gaashaandhigga
- Xuseen Ceelaabe Faahiye.... Wasiirka Ganacsiga, Wershedaha iyo
Dalxiiska
- Ceydiid Cabdullaahi Ilko-Xanaf.... Ra'iisul Wasaare ku-xigeen, Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha
- Maxamed Cali Xaamud.... Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta
- Saalim Caliyow Ibrow... Ra'iisul-Wasaare xigeen, Wasiirka
Garsoorka iyo Arrimaha Diinta
- Maxamed Ibraahim Xaabsade... Wasiirka Gaadiidka, Duulimaadyada
iyo Dekedaha
- Cali Axmed Jaamac Jangali... Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo
iskaashiga Caalamiga ah
- Cabdirisaaq Ashkir Cabdi.... Wasiirka Horumarinta Gobollada,
Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta
- Maxamuud Cali Saalax (Kaanje).... Wasiirka Macdanta & Tamarta
- Cabdi Maxamed Tarrax.... Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
- Muuse Nuur Amiin... Wasiirka Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha
- Axmed CabdiSalaan Aaden... Ra'iisul Wasaare Xigeen,
Wasiirka Warfaafinta, Arrimaha Dhallinyarada iyo Isboortiga
- Mustafa Sheekh Cali "Dhuxuloow"... Wasiirka Beeraha, Biyaha, iyo
Horumarinta Dhulka [waa Dhulka, ee ma aha Degaanka ama
environment-tiga]
- Nuur Iidoow Beyle... Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyanta iyo Dib
u dhiska
- Khadiijo Maxamed Diiriye... Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo
Arrimaha Qoyska...
Wasaarado Kumeel Gaar ah:
- Wasaaradda caafimaadka - Waxaa sii hayn doona Ceydiid Cabdullaahi Ilko-Xanaf
oo ah Ra'iisul Wasaare ku-xigeen, Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha
- Shaqada iyo Arrimaha Bulshada - Waxaa sii hayn doona Saalim Caliyow Ibrow
oo ah Ra'iisul-Wasaare xigeen, Wasiirka
Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.
- Xannaada Xoolaha, kalluumaysiga iyo Bey'adda (Deegaanka) - Waxaa
sii hayn doona Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Horumarinta
Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
Col. Nuur Cadde waxa uu sheegay in boqolkiiba 50% uu xubnaha golaha wasiirada
ka keenay baarlaamaanka bannaankiisa. Waxana uu aad u dhiman golihii
hore ee ka koobnaa 73-da xubnood, uuna
kusoo koobay 23 xubnood (18-wasiir & 5 w/xigeen]...
Wasiir Ku Xigeennada:
- Carab Cali Diiriye...W/x/Wasaaradda Horumarinta Gobolada,
Arrimaha Ferderalka
- Cabdikariim Axmed Cali... W/x/Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo
Iskaasdhiga caalamiga ah
- Cali Muumin Ismaaciil.. W/x/Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta
- Fahma Axmed Nuur... W/x/Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Arrimaha
Gudaha
- Cabdikaafi Macallin Xasan... W/x/Wasaaradda Hawlaha-Guud,
Guriyeynta iyo dib u dhiska
Col. Nuur Cadde oo Akhrinaya magacyada Wasiirada iyo wasiir xigeenada uu magacaabay:
Golihii hore ee Xukuumadda Col. Nuur waxay ka koobnaayeen 73 xubnood, linkig
ahoose ka akhri magacyadoodii:

Guuddomiaha baarlamaanak DFKMG iyo ra'iisul wasaaraha oo wada tashanaya

bidix Horumarinta, Arimaha Federaalka iyo Dibuheshiisiinta Cabdirisaaq Ashkir,
Midig Boostada iyo Isgaarsiinta Tarrax

bidix Mustaf, Dhexda Muuse Nuur, Midig Cabdikariim Axmed Cali

bidix Muuse Nuur Midig Saalim Caliyow

Qaar wasiirada oo la dhaarinayo

5-ta wasiir ku xigeen oo la dhaarinayo

waa Wasiiradda Dibada laga keeney bidix Gaashaandhiga, dhexda Macdanta iyo
Tamarta, midig Horumarinta Gobolada, Arimaha Federaalka iyo Dibuheshiisiinta

Bidix Fahmo, midig Khadiijo

Fadhiga Guud
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2008


|