SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirkan Jaraaid ayaa Axadii waxaa magaalada Nairobi ku qabtay Professer Dalxa

Gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Professer Dalxa Isaga oo baaq u jeediyey dowladaha South Africa, Tanzania, Libya iyo dowladaha kale oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed xabsiyadooda ku xiranyihiin inay sii daayaan, Waxa uuna si gaar ah u magacaabay dowlada South Africa inay magdhaw ka bixiso dadka u dhashay dalkeeda oo dhaca iyo dilka u gaystay somalida ku dhaqan dalkaasi South Africa.

Waa Masuulkii ugu horeeyey ee magdhaw weydiista dowlad dalkeeda dhibaatooyin loogu gaystay Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Proffesser Dalxa ayaa yiri “ Waxaan baaq u jeedinaynaa Bulshada Caalamka, Midowga Africa, Dowladaha Carabta, Ururka Islaamka iyo Dowlada Mareekanka inay ka qayb qaataan sidii dadka soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalaka Tanzania ee gaaraya in kabadan 600 oo qof inay ka qayb qaataan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dalkooda”
Waxaa uuna kusii daray hadalkiisa “in dowlada KMG ah ee Somalia aanan awood u lahayn inay dadkaasi dib ugu soo celiso Dalkooda.

Hase ahaatee arinkaan ayaa ku soo beegmaya xili dalka Somalia uu ka galay dunida kaalinta koowaada goobaha ugu qatarsan oo ay hay’adaha xuquuqul insaankana ay ku sheegan in Somalia aanan lahu aamini karin Nafsada bini’aadamka.

Sidoo kale waxaa Jira Muwaadin Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsiga Gu’antanamo in kabadan lix sanadood oo aysan jirin cid masuul ah oo ka hadashay xiritaanka muwaadinkaasi dalka Somalia u dhashay.

Dowlada South Africa oo kaliya ayaanan ahayn dowladaha dalalkooda loogu gaysto dhibaatooyinka muwaadiniinta soomaaliyeed hase ahaatee waxaa jira dowlado kale oo xarig, dil iyo boob loogu gaysto dalakooda kadin markii dad soomali ah ay si sharci daro ah kusoo galaan dalkooda iyaga oo kasoo cararaya rabshadaha ka oogan gudaha dalka soomaaliya.

Cabdikariin Muxsin
Somalitalk – Nairobi
Muxsin55@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 14, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS