SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Siciid Diiriye"Dastuurka Cusub ee Puntland ma aha mid Xalaal ah"

Siciid Diiriye oo ka mid ah Waxgaradka iyo Ganacsatada ugu waaweyn Degaanada Puntland ayaa ka hadlay Dastuurka Cusub ee Puntland oo ay soo bandhigeen Gudigii loo xilsaaray Diyaarinta Dastuurka Cusub ee Puntland.

Siciid Diiriye waxa uu dhaliilay Dhowr Qodob oo ka mid ah Dasuurka la soo bandhigay, kuwasoo uu ku tilmaamay inayhiin kuwo lagu jaha wareerinayo Dadweynaha gaar ahaan waxa uu cambareeyay Gudiga loo xilsaaray soo diyaarinta Dastuurka oo ku dhaliilay in aysan kala tashan dadkii loo baahnaa inay ka qayb qataan Diyaarinta Dastuurka sida Aqoonyahanada,Waxgaradka,Culimada iyo qaybaha kale ee Bulshada..

Siciid Diiriye"Waxaan arkay Dastuurka Buuga lagu qoray oo boga ugu danbeeya lagu lifaaqey qoraal sheegaya in Gudiga Doorashooyinka oo ka kooban 9xubnood in 5-ka mid ah u soo Magacaabyo Madaxweynaha halka 4-ta kale Baarlamanka ay soo sharaxayaan tasoo aan macquul ahayn." ayuu yiri Siciid Diiriye.

Siciid waxa kale oo Dastuurka uu ku dhaliilay in taladiisa aan laga qaybgelin dadweynaha Puntland oo dhan sida Gobolada Bari,Nudug,Sool iyo Sanaag oo dad yar oo aan khibrad lahayn oo keliya lagu soo koobay.

Siciid Diiriye ayaa ku baaqay in isbedel lagu sameeyo Dastuurka oo laga saaro qodobada aan danta u ahayn Dadweynaha laga saaro.

Siciid Diiriye oo ka mid ah Xildhibaanada Cusub ee Puntland ay dhowaayn yeelaneyso ayaa ugu danbeyntii sheegay in Puntland oo xaaladeeda hada tahay mid liidata in dabo qabasho ay ku sameynayaan Baarlamanka Cusub iyo Xukuumada Cusub ee la dooranayo.

Cawaale Jaamac
Garoowe,Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS