SHEEKH SHARIIF TAARIIKHDA DIB U XASUUSO
Waxaan aqriyay wareysi uu ergayga jaamacadda carabta u qaabilsan arrimaha
Soomaaliya u siiyey shabakadda wararka carabta ee Al-Muxiid oo uu soo daabacday
websaydka Beerdhiga, waxuuna ergaygu wareysigaasi ku yiri laba qodob oo igu
xambaaray inaan maqaalkan qoro, tan hore waxuu yiri ‘30ka Juun waxaa lagu
balansan yahay shir awooda iyo khayraadka lagu qaybsan doono, waxuu kaloo yiri
ma jirto cid damaanad qaadaysa faragalinta Itoobiya’ ,ergaygan oo ka mid ahaa ka
qaybgalayashi shirka Jabuuti, waxaa warkiisa sii xoojinaya hadalka uu bixiyey u
qaybsanaha Q.M ee arrimaha Soomaliya oo yiri ‘shir ka dhici doona Sacuudiga ayaa
lagu soo afjaraya wadahadal kaasoo awooda lagu qaybsan doona.
Sheekh Shariifoow dib u xasuuso markii dagaalkii Tatarka dhulkii muslimiinta
lagu soo qaaday dadkii waxay noqdeen kuwa dhulkoodi ka carara oo yiraa colkan
cagtaada maahine si kale loogama badbaadi karo, kuwa yiri aan isu dhiibno, iyo
rag Ibnu Taymiya u horeeyo oo yiri aan la dirirno, taariikhdu waxay qortay in
raggii la diriray ay dhulkii muslimiinta ee la qabsadey xoreeyeen, balse in aad
maanta saaxadda keento hadalkii Meles dhihi jiray ee ahaa haddii ciidan caalami
ah ee ku filan la keeno waan ka baxaya Soomaliya ma ahayn mid laga sugayey ama
sidda warka labadda ergay ku cad aa tiraa iyaga in la raaco oo wax lala
qaybsado, ogow dhulalkii muslinka ee qaatay fikrada ah ha la raaco iyagii oo
dhan baa diintii laga badalay , kuwii yiri wax ha lala qaybsado sidda Turkina ,
dalkiina nidaamka diinta iyo siyaasadda lagu kala saaraya lagu dhaqay, dadkii
intiisi badnaydna dhaqan diineed oo dhan waa laga suuliyey.
Dib u xasuuso haweenaydii reer Laybeeriya ahayd ee tiri Charles Taylor aabahay
buu dilay, ninkaygii buu dilay, wiilkaygii buu dilay si uusan aniga ii dilin baa
doorashadda isaga codka siin, taariikhdu waxay warisay inuu iyadiina dilay
markuu xukunka qabtay, xasuusnow in Charles, Cabdullahiga aad u ordayso ay
calaamado badan wadaagan, isagiina kama danbaystii danbiile dagaal laga dhigay ,
xukunkiina laga qaday, ma qaanadaas baa la geli oo aad ku masaxaysa
taariikhdaadi qurxoonayd.
Dib u xasuuso Salad Gabayre laf dhabarkii kacaanka la dhaliyey Maxamed Siyaad
ayuu ahaa, isagana ugu horeeyay masuul kacaanku dilo oo lagu qaado Samadiidoow
dabin baa kuu dhigan lagugu dili doonee, marka adigu hal qof oo dulman u dood
hadaad is tiraa ama diinta wax loo dhibayo difaac, xukun deg deg ah baa kugu
dhici sababtoo ah waxa ka hor timid rabitaankii Zenawi iyo C/laahi.
Dib u xasuuso safarkii uu danbyeeyay ee marxuum Cigaal ku tago Mareykan isagoo
madax ka ah Somali land , markuu aqoonsi soo waayay , kaalmo caalami ahna waayay
waxuu yiri haddii ay na diideen dowladaha xooga lihi kuwa ay wax ka sheegaan
ayaan aadi, waxuuna ka degay Liibiya oo uu kula kulmay Qadafi, Qadafi waxuu u
soo bandhigay inuu noqdo madaxwaynaha Soomaaliya oo dhan , ina Caydiid iyo
Cabdulaahi Yuusufna kuxigeeno u noqdaan, wuu diiday waayo waxuu qiimeeyey inaan
dadka Somaliland ahayn kuwii uu lixdankii si fudud ku yiri aan raacno
Somaliwayn, hadda adigu ma qiimayn waysay in wiilasha jihaadka ku jira iyo
cullimadda wax kaala dhaxeeyan ay maqluuq adeecidiis ka doorten Alle adeecidis,
dulmigay ka dirireena aysan isu dhiibayn , miyaadanse dhagaysan ama kuwa kula
shqeeya kuu duubin C/laahi oo leh awalba diin u diriri mayne awood qaybsi bay
ahayd arrinkood warkii BBC ka baxay maalin afraad, kaasoo dad badan oo halgankan
u dhintay shahaada ay aaqira rajeynayeen ninka aad u socotaa ka dhigay kuwa
mansab u dirirayey een ALLE dartiis u dirirayn.
Ma qiimayn waysay in 13 shirarkii hore ee Soomaali loo qabtay ay u fashilmeen
madax aan cadaalad ahayn, mabda aan xalaal ahayn iyo shisheeye faragalintood oo
hal abuurayaashu ka qoreen dal dad waayey iyo duni damiir beeshay, waadiga kuwii
17 sano wax ka socon waayeen inaad saxadda ku hayso rabee.
Dib u xasuuso markii xubnihii SYL ee C/laahi ciise hor kacayay tageen Q.M iyagoo
xoriyadda u doodaya in rag SYL ka mid ahaa yiraahdeen 30 sano maxmiyad dalka ha
lagu hayo hadaanan anigu madax ka noqonayn, haatan C/laahi oo inta xilkii dalka
u sareeyay qabtay ka doortay in Gabre xukumo waadiga bad iyo bariba UN ha
qabsado u saxiixaye adigana ma Axmed Walad Cabdalla ku xukumi.
Dib u xasuuso markii Axmed Guray amxaaro jabiyay sida reer asxaabul fiilka dagan
Itoobiya loo ilaashanayo Portaqiis baa u soo gurmadey, markii 1977 xukumadi
Somaliya jabisayna Waarso u soo gurmatay, markii jabhadii Tigreegu Addis Ababa
ku soo dhawaatayna 1991 dii, sidayadiiyoo kale la iskuma fasixine Mingistaa la
qaaday, iyagiina amniga iyo maamulka hagajiya la yiri, haatan oo ay gudaha
Soomaaliya ku jabeen iyadoo dunidda kuwii ugu quwadda waynaa hor kacayo in
heshiiska aad wadato gurmad u yahay sow kuma xisaabtamin.
Dib u xasuuso markii Hadraawi xabsigii Qansaxdheere laga soo daayey ee la yiri
xil, xoolo waxaad rabto sheego waxuu yiri kali ah baabuur shidaal iigu shub aan
ku soo booqdo dadkii xabsiga igula jiray, adigu ma garan waysay inaad tiraa
taldan gudaha iyo dibadda raggii ay igala dhaxaysan u celin ama nooma qadanto,
waadiga la durduriyeye.
Dib u xasuuso in mansabka aad manta hayso uu ka soo bilowday maxkamadii Sii Sii
ee ku abuurtay wiil yar oo la afduubay soo furashadiis, xaqii sidaad u najaxay
inaad garab marto , oo aad saxiixdo kuwii aad dhiigood wax ku noqotay haday
Itoobiya xabad ku ridaan waa la cambarayn mid taariikhda meel uga qoran ma ahan.
Eeg maanta in Xamas ay Israa,il xabad joojin la saxiixatay tiiyoo aysan
jiritaanka Isr,ail aqoonsan, dib u xasuuso in waagii Falastin doorashadda loo
qabtay ay Xamas ku adkaatay, Bush markas waxuu yiri sababta loo doortay waa
Xamas tuugo ma ahan, adna rag xoolo iska daaye qarankii oo dhan gataad u socotaa
inaad wax la qaybsato, Isra,il danbaa ku qasabtay in Xamas wax la saxiixato,
waxad ogaata ragga halganka sii waddi doona adoon magac iyo mansab ku lahayn baa
lala heshiin.
Xisaabta ku darso dadka Mareykn u shaqeeya ileen howshan U.N ku wado Mareykan
baa loogu shaqayne in ay isagu jiraan mudane sidda Karazi oo kale, dulaal sidda
hadda howsha la qabanayo kale oo markii danta laga leeyahay dhamaato calaamadda
cas la siiyo siddii kuwii u danbeeyey ee la dagalanka aragagixisaddo iyo basaas
meelaha wararka ka soo aruuriya, ogow kuwii mudanaha noqon lahaa kala jabinta
Asmara jidkay u sii xaaqi.
Dib u xasuuso erayo ku jiray gabay uu tiriyey Bacadle’ Allana diidyey inay nagu
digtaan ducuful iimaanku, annana diidnay doofaar inaan dalka ku sii dayno’ dib u
xasuuso heesta uu alifay Xuseen Ow Faarax uuna ku luuqeeyo C/laahi Qarshe’ Tuled
geela oo maqan baad tira dad ah u laysaane , ma dhulkeeni oo maqan baan nina
dhagax u tuuraynine’ ama heesta Qadra Daahir ku luuqayso ‘ cudurka gala fardaha
, haddii laga gubo dameer dawadda lama gaaraye’ ama hal abuurkii Cabdi Muxumud’
Ciyigii waa ka bariyey qofkii cunay baa ka liita’
WQ CAANAGEEL
caanageel@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2008