SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SHEEKH SHARIIF TAARIIKHDA DIB U XASUUSO

Waxaan aqriyay wareysi uu ergayga jaamacadda carabta u qaabilsan arrimaha Soomaaliya u siiyey shabakadda wararka carabta ee Al-Muxiid oo uu soo daabacday websaydka Beerdhiga, waxuuna ergaygu wareysigaasi ku yiri laba qodob oo igu xambaaray inaan maqaalkan qoro, tan hore waxuu yiri ‘30ka Juun waxaa lagu balansan yahay shir awooda iyo khayraadka lagu qaybsan doono, waxuu kaloo yiri ma jirto cid damaanad qaadaysa faragalinta Itoobiya’ ,ergaygan oo ka mid ahaa ka qaybgalayashi shirka Jabuuti, waxaa warkiisa sii xoojinaya hadalka uu bixiyey u qaybsanaha Q.M ee arrimaha Soomaliya oo yiri ‘shir ka dhici doona Sacuudiga ayaa lagu soo afjaraya wadahadal kaasoo awooda lagu qaybsan doona.

Sheekh Shariifoow dib u xasuuso markii dagaalkii Tatarka dhulkii muslimiinta lagu soo qaaday dadkii waxay noqdeen kuwa dhulkoodi ka carara oo yiraa colkan cagtaada maahine si kale loogama badbaadi karo, kuwa yiri aan isu dhiibno, iyo rag Ibnu Taymiya u horeeyo oo yiri aan la dirirno, taariikhdu waxay qortay in raggii la diriray ay dhulkii muslimiinta ee la qabsadey xoreeyeen, balse in aad maanta saaxadda keento hadalkii Meles dhihi jiray ee ahaa haddii ciidan caalami ah ee ku filan la keeno waan ka baxaya Soomaliya ma ahayn mid laga sugayey ama sidda warka labadda ergay ku cad aa tiraa iyaga in la raaco oo wax lala qaybsado, ogow dhulalkii muslinka ee qaatay fikrada ah ha la raaco iyagii oo dhan baa diintii laga badalay , kuwii yiri wax ha lala qaybsado sidda Turkina , dalkiina nidaamka diinta iyo siyaasadda lagu kala saaraya lagu dhaqay, dadkii intiisi badnaydna dhaqan diineed oo dhan waa laga suuliyey.

Dib u xasuuso haweenaydii reer Laybeeriya ahayd ee tiri Charles Taylor aabahay buu dilay, ninkaygii buu dilay, wiilkaygii buu dilay si uusan aniga ii dilin baa doorashadda isaga codka siin, taariikhdu waxay warisay inuu iyadiina dilay markuu xukunka qabtay, xasuusnow in Charles, Cabdullahiga aad u ordayso ay calaamado badan wadaagan, isagiina kama danbaystii danbiile dagaal laga dhigay , xukunkiina laga qaday, ma qaanadaas baa la geli oo aad ku masaxaysa taariikhdaadi qurxoonayd.

Dib u xasuuso Salad Gabayre laf dhabarkii kacaanka la dhaliyey Maxamed Siyaad ayuu ahaa, isagana ugu horeeyay masuul kacaanku dilo oo lagu qaado Samadiidoow dabin baa kuu dhigan lagugu dili doonee, marka adigu hal qof oo dulman u dood hadaad is tiraa ama diinta wax loo dhibayo difaac, xukun deg deg ah baa kugu dhici sababtoo ah waxa ka hor timid rabitaankii Zenawi iyo C/laahi.

Dib u xasuuso safarkii uu danbyeeyay ee marxuum Cigaal ku tago Mareykan isagoo madax ka ah Somali land , markuu aqoonsi soo waayay , kaalmo caalami ahna waayay waxuu yiri haddii ay na diideen dowladaha xooga lihi kuwa ay wax ka sheegaan ayaan aadi, waxuuna ka degay Liibiya oo uu kula kulmay Qadafi, Qadafi waxuu u soo bandhigay inuu noqdo madaxwaynaha Soomaaliya oo dhan , ina Caydiid iyo Cabdulaahi Yuusufna kuxigeeno u noqdaan, wuu diiday waayo waxuu qiimeeyey inaan dadka Somaliland ahayn kuwii uu lixdankii si fudud ku yiri aan raacno Somaliwayn, hadda adigu ma qiimayn waysay in wiilasha jihaadka ku jira iyo cullimadda wax kaala dhaxeeyan ay maqluuq adeecidiis ka doorten Alle adeecidis, dulmigay ka dirireena aysan isu dhiibayn , miyaadanse dhagaysan ama kuwa kula shqeeya kuu duubin C/laahi oo leh awalba diin u diriri mayne awood qaybsi bay ahayd arrinkood warkii BBC ka baxay maalin afraad, kaasoo dad badan oo halgankan u dhintay shahaada ay aaqira rajeynayeen ninka aad u socotaa ka dhigay kuwa mansab u dirirayey een ALLE dartiis u dirirayn.

Ma qiimayn waysay in 13 shirarkii hore ee Soomaali loo qabtay ay u fashilmeen madax aan cadaalad ahayn, mabda aan xalaal ahayn iyo shisheeye faragalintood oo hal abuurayaashu ka qoreen dal dad waayey iyo duni damiir beeshay, waadiga kuwii 17 sano wax ka socon waayeen inaad saxadda ku hayso rabee.

Dib u xasuuso markii xubnihii SYL ee C/laahi ciise hor kacayay tageen Q.M iyagoo xoriyadda u doodaya in rag SYL ka mid ahaa yiraahdeen 30 sano maxmiyad dalka ha lagu hayo hadaanan anigu madax ka noqonayn, haatan C/laahi oo inta xilkii dalka u sareeyay qabtay ka doortay in Gabre xukumo waadiga bad iyo bariba UN ha qabsado u saxiixaye adigana ma Axmed Walad Cabdalla ku xukumi.

Dib u xasuuso markii Axmed Guray amxaaro jabiyay sida reer asxaabul fiilka dagan Itoobiya loo ilaashanayo Portaqiis baa u soo gurmadey, markii 1977 xukumadi Somaliya jabisayna Waarso u soo gurmatay, markii jabhadii Tigreegu Addis Ababa ku soo dhawaatayna 1991 dii, sidayadiiyoo kale la iskuma fasixine Mingistaa la qaaday, iyagiina amniga iyo maamulka hagajiya la yiri, haatan oo ay gudaha Soomaaliya ku jabeen iyadoo dunidda kuwii ugu quwadda waynaa hor kacayo in heshiiska aad wadato gurmad u yahay sow kuma xisaabtamin.

Dib u xasuuso markii Hadraawi xabsigii Qansaxdheere laga soo daayey ee la yiri xil, xoolo waxaad rabto sheego waxuu yiri kali ah baabuur shidaal iigu shub aan ku soo booqdo dadkii xabsiga igula jiray, adigu ma garan waysay inaad tiraa taldan gudaha iyo dibadda raggii ay igala dhaxaysan u celin ama nooma qadanto, waadiga la durduriyeye.

Dib u xasuuso in mansabka aad manta hayso uu ka soo bilowday maxkamadii Sii Sii ee ku abuurtay wiil yar oo la afduubay soo furashadiis, xaqii sidaad u najaxay inaad garab marto , oo aad saxiixdo kuwii aad dhiigood wax ku noqotay haday Itoobiya xabad ku ridaan waa la cambarayn mid taariikhda meel uga qoran ma ahan.

Eeg maanta in Xamas ay Israa,il xabad joojin la saxiixatay tiiyoo aysan jiritaanka Isr,ail aqoonsan, dib u xasuuso in waagii Falastin doorashadda loo qabtay ay Xamas ku adkaatay, Bush markas waxuu yiri sababta loo doortay waa Xamas tuugo ma ahan, adna rag xoolo iska daaye qarankii oo dhan gataad u socotaa inaad wax la qaybsato, Isra,il danbaa ku qasabtay in Xamas wax la saxiixato, waxad ogaata ragga halganka sii waddi doona adoon magac iyo mansab ku lahayn baa lala heshiin.

Xisaabta ku darso dadka Mareykn u shaqeeya ileen howshan U.N ku wado Mareykan baa loogu shaqayne in ay isagu jiraan mudane sidda Karazi oo kale, dulaal sidda hadda howsha la qabanayo kale oo markii danta laga leeyahay dhamaato calaamadda cas la siiyo siddii kuwii u danbeeyey ee la dagalanka aragagixisaddo iyo basaas meelaha wararka ka soo aruuriya, ogow kuwii mudanaha noqon lahaa kala jabinta Asmara jidkay u sii xaaqi.

Dib u xasuuso erayo ku jiray gabay uu tiriyey Bacadle’ Allana diidyey inay nagu digtaan ducuful iimaanku, annana diidnay doofaar inaan dalka ku sii dayno’ dib u xasuuso heesta uu alifay Xuseen Ow Faarax uuna ku luuqeeyo C/laahi Qarshe’ Tuled geela oo maqan baad tira dad ah u laysaane , ma dhulkeeni oo maqan baan nina dhagax u tuuraynine’ ama heesta Qadra Daahir ku luuqayso ‘ cudurka gala fardaha , haddii laga gubo dameer dawadda lama gaaraye’ ama hal abuurkii Cabdi Muxumud’ Ciyigii waa ka bariyey qofkii cunay baa ka liita’

WQ CAANAGEEL
caanageel@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2008
 

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS