SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Warshadii Kaluunka ee Laasqoray oo la xidhay ka dib Kalluun yaraan Deegaankaasi ka jirta...
  • Safiiro ay magacawday Madaxtooyada DFKMG...
  • Dagaalo Faraha Lagaga Gubtay Oo Laysu Gabal Dhacsaday Oo Ka Soconaya Magaalada Muqdisho
  • Sh,Cabdirixiin Muudeey :Ethiopia Haku Dhex Dhexaadiso Waa Waraabe Hilib Ku Raro .

Dagaallo Faraha Lagaga Gubtay Oo Laysu Gabal Dhacsaday Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaalo Faraha laysula tegey oo Bilowday barqanimadii Sabtidii [Maarso 1, 2008] magaalada muqdisho, gaar ahaan deegaano kala duwan oo ay mid yihiin wadada dheer ee jidka sodonka islamarkaana laysu gabal dhacsaday iyadoo laysu adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan .

Dagaalkan oo gaystay Qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa u dhexeeyey kooxaha kasoo Horjeeda Ciidamada shisheeye iyo weliba siyaasada dowlada KMG ah iyo ciidamada xukuumada ethiopia ayaa la sheegay inay ku dhinteen 4-qofood oo isugu jira dad rayid ah iyo weliba ciidamada ethiopoia oo 2 kamid ah yihiin ciidamada ethiopia .

Sida ay saxaafada u xaqiijiyeen Goob joogayaal ku sugmnaa aagaga dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada thiopia lagaga xoog roonaaday dhinaca ciidamada dhulka islamrkaana ay kadib adeegsadeen Qoriga ka dhaca Taangigaga tasoo ay soo buux dhaafiyeen deeganada baar ubax ,black sea iyo agagaarka NBC oo ahaa meelihii dagaalka xoogiisu ka socdey .

Goob joogayaasha ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay inay arkayeen agagaarka baar ubax oo ay yaalaan dhaawaca iyo dhimashada qaar ka tirsan ciidamada Ethiopia oo ay Qaadan kari Waayeen Ciidamadu waloow ay adeegsanayeen madaafiicda ka dhacda Qoriga Taangiga islaamrkaana ay kooxaha dagaalka kala soo horjeeday Ciidamada Ethiopia ay iska caabin xoogan ku sameeyeen Ethiopianka oo usoo Gudbi waayey dhinaca suuqa weyn ee bakaaraha .

Waxaa weli soconaya (galabnimadii Sabtidii) Rasaasta teelk teelka ah oo ka dhacysay meelihii ay isku fara saareen ciidamada Ethiopia iyo kooxaha wax iska caabinta tasoo ay isku gabal dhacsadeen islamarkaana aysan jirin Cid xaqiijin karta Goobaha sida loo kala haystey taasoo uu dagaalku galay xili habeenimo ah.

Dagaalada ka soconaya magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa kusoo Beegmaya xili ay marba marka kasii dambeeya uusii kululaanayaan dagaalku taasoo laga dheehanayo meelaha qaarkood kooxaha wax iska caabinta ee kasoo Horjeeda dowlada KMG ah iyo weliba Ciidamada Ethiopia oo Hubkooda banaanka kula dagaalamaya islamarkaana ay soo ban dhigayaan Qoryaha iyo Tikinikada ay wataan .

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com


Warshadii Kaluunka ee Laasqoray oo la xidhay ka dib Kalluun yaraan Deegaankaasi ka jirta...

Laasqoray:- Sida ay sheegeen Maamulka warshada Kalluunka ee Laasqoray waxa la xidhay warshadaasi ka dib markii uu gabaabsi galay Kalluunkii, Maamulka ayaa sheegay inay sababtaasi awgeed ay u xidheen warshadaasi,iyaga oo sheegay inay Fasaxeen Shaqaalihii ka shaqayn jiray warshadaasi.

Cali Fara Dheere oo ka mid ah hawlwadeenada warshada Laasqoray ayaa warbaahinta u sheegay inay xidheen warshadaasi isla markaan la furidoono xiliga ugu horaysa ee la helo Kalluun, Cali Fardheere waxa uu sheegay inay mudo wadeen uruurinta Kaydi ah Kalluun kaasi oo hadhaw dib loo farsamayn lahaa Balse xitaa kii kaydka ahaa uu gabaabsi galay.

"Warshadii waa xidhantahay Shaqaalihii badi waa Fasaxnaya marka laga reebo Ilaalada gaarka ah ee Warshada,waayo mudo ayaanu ka dhursugaynay Kalluunka balse waxa uu noqday mid gabaabsi galay"Saas waxa yiri Cali Faradheere.

Maamulkaasi warshada Laasqoray waxay kaloo sheegeen inaanay sanadkaba warshadu soo saarin Kalluunkii badnaan ee lagu yaqaanay taasi oo ay ku til maameen inay ka danbaysay Kalluunkii oo yaraaday.

Kaluun yaraantaasi ayay waxay ku eedeeyeen inay log wayn ku leeyihiin Doonyo Carbeed oo ka jilaabta xeebaha Deegaanka Laasqoray kuwaasi oo sharci daro Kalluunka uga jilaaba xeebahaasi iyaga oo hadhawna Dalka dibadiisa u iib geeya, in ta badan Doonyahaasi waxa wakiil ka ah dad deegaanka Sanaag u dhashay kuwaasi oo aan Garanayn dhibta ay leedahay Khayraadka Dalkiisa ee uu Gacmihiisa ku dhoofinayo.

Hadaba Shabakada Laasqoray ayaa uguur kashay inay wax wayn ka ogaadaan xaalada ka jira xeebaha Deegaanka Laasqoray,anaga oo dad badan ka dhegaysany warbixno waxana noo soo baxaday inay Xeebta Laasqoray haatan ku sugan yihiin 32- Doonyood oo ah kuwa doonaya inay Ka jilaabtaan khayraadka xeebahaasi ku jira kuwaasi oo Masuul ka yihiin Shakhsiyaad yar oo deegaankaasi u dhashay.

Waxa jira Dadaal dheer oo bilaabeen waxgaradka deegaanku kuwaaso oo doonaya inay wax ka qabtaan dhibaatadaasi ay wadaan kuwa aan aqoonta saasi u fog lahayn, waxay sheegeen waxgaradku inay gacan bir ah ku qabanayaan kuwa doonaya inay dabar jaraan khayraadka Bada.

Warshada Kalluunka soo saarta ee Laasqoray Tuna Fish ayaa waxa horaantii sanadkii aan soo dhaafnay la wareegay Ganacsato cusub kuwaasi oo kala wareegay kuwii horay warshada u maamuli jiray, kadib markii uu soo kala dhex galay Khilaaf daba dheeraaday oo mudo soo jeetamayay ayaa lagu taliyay inay Gacantooda ka wareejiyaan warshada.

Maamulka cusub ee hataan Gacanta ku haya warshada ayaa la sheegayaa inaanay wax saasi oo la taaban karo ku soo kordhin warshada oo ay wali yaaliin qalabkii lagu hirgaliyay markii la taagay warshadaasi horaantii sanadkii 2001, iyaga oo markii ay warshada la wareegayeen sheegay inay wax wayn ka bedelayaan qalabka iyo Shaqada warshada labada.

Jaamac Ayaanle Feyte
Somalitalk.com
Feyte37@hotmail.com


Safiiro ay magacawday Madaxtooyada DFKMG...

madaxtooyada DFKMG dalka Somalia ee magaalada Muqdisho ee Villa Somalia xafladaasayaa lagu soo  magacaabay afar dal safiiro Dawlada Somalia ufadhiyi doona kuwaas oo kala ah Turkey,Qatar,Sudaan & Switzerland.

Magacyada safiirada afarta Dal ee maanta la magaaabay:-

  • Gen: Ismaaciil Qaasim Naaji Taliyihii hore ee ciidanka Dawlada KMG ah hadana loo magacaabay safiirka Dawlada Somalia ufadhiyi doona Qatar.
  • Yuusuf Bari Bari Safiirka UN-ka ufadhiyi doona Dalka Somalia gaar ahaan Geneva Amp ee Switzerland.
  • Prof: Mahdi Abuukar safiirka Dalka Somalia ufadhiyi doona Sudan.
  • Hilaal Maxamed Aadan safiirka Dalka Somalia ufadhiyi doona Turkey-ga.

Hadaba safiiradan uu magacaabay madaxwaynaha DFKMG Somalia C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxa la sheegay in ay si dhaqso leh ugadan doonaan shaqadooda iyadoo uu madaxwaynaha DFKMG C/laahi uu kula dardaarmay inay kasoo baxaan waajibaadka ka saran dalkooda una taagnaadaan danta umada.

Sh,Cabdirixiin Muudeey :Ethiopia Haku Dhex Dhexaadiso Waa Waraabe Hilib Ku Raro .

Sh. Cabdi-Rixiin Muudeey Oo kamid ahaa masuuliyiintii Golaha maxaakiimta u Qaabilsanaa Qaybta warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay Waraabe Hilib ku raro tahay hadalka kasoo baxay Xukuumada Ethiopia ee oranaya Waxaanu Heshiisiin doonaa kooxaha soomaaliya isku haya .

Sheekha ayaa ayaa xusay inay ethiopia tahay dhibaatada ku kala dfhex jirta Umada soomaaliyeed islamrkaana hadii ay ka dhex bixi lahayd ay umadu Heshiin lahayd waa siduu hadalka u dhigaye isagoo intaasi raaciyey inay Ethiopia wadanka Gugihiisa ku hayso shacabka xasuuq Balaaran.

Sidoo kale Cabdirixiin Muudeey ayaa Xukuumada Ethiopia ku eedeeyey Inay tahay dhibaatada keliya ee wadanka soomaaliyeed la degi la, yahay hadii ay maanta Tiri waxaanu heshiisiin doonaa kooxaha isku haya wadanka soomaaliya waxay ka dhigan tahay Waraabe Hilib ku raro oo Areerina Dacay Uga dhig.

"Ethiopia iyadu dhibaatada dadka iyo dalka soomaaliya hakala tagto Dadka soomaaliyeed iyagaaba heshiin kara oo Gogol isugu Filan " ayuu yiri Sh.C/rixiin Muudeey.

Sheekh cabdiraxiin Muudeey oo ahaa madaxii warfaafinta Golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed oo la hadlayey saxaafada ayaa Gaashaanka ku Dhuftay Hadalka kasoo yeeray Xukuumada Ethiopia ee Oranaya Gogol ayaanu isugu yeeraynaa Kooxaha isku haya siyaasada soomaaliya .

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya Xili ay magaalada caasimada ah ee muqdisho iyo meelo kale oo kamid ah Gobolada dalka soomaaliya ay ka jiraan dagaalo u dhexeeya Kooxaha Diidan Joogitanka ciidamada Ethiopia iyo weliba siyaasada dowlada KMG ah iyo Ciidamada isaku Dhafka ah ee dowlada FKMG iyo Ethiopianka .

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
01 March 2008.

Dagaallo si wayn loogu jabiyay ciidamada cadowga Itoobiya.
Dhibaatooyinka Wayaanaha loo gaystay labadii bilood ee tagay.
Dhibaatooyin uu gumaysigu dadwaynaha u gaystay
Khasarooyin iyo Aqallo ciidamada gumaysigu gubeen.
Xafiiska HAD jwxo ee Norway oo la kulmay W/arimaha dibada ee Norway.
Gudoomiyayaasha unugyada jwxo ee Maraykanka oo kulan isugu yimid.
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Shirqoolada Gumaysiga)Q2aad
======================


Dagaallo si wayn loogu jabiyay ciidamada cadowga Itoobiya.

Wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu naafeeyay ciidammada gumaysiga, kuwaasoo meelo kala duwan ka dhacay. Dagaalladu waxay u dheceen sdatan;

28/02/08 dagaal ka dhacay Dhuurre, oo ka tirsan Qabridaharre, waxaa ciidammada gumaysiga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin. Dagaalkani wuxuu ahaa weerar gaadmo ah oo loo gaystay ciidammada gumaysiga oo geyigaas hawlgal u tegay.

Sidoo kale 28/02/08 dagaal ka dhacay War-gaadsan, oo degmada Gunagado ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari.

Isla 28/02/08 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Gafuuro-xun, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

27/02/08 dagaal ka dhacay Qoboley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari.

26/02/08 magaalada Galaalshe waxaa isku dilay sargaal ka tirsan ciidammada gumaysiga. Sargaalkan ayaa is-dilay, ka dib markii uu ka biya-diiday hawgal ciidan oo loo diray.

25/02/08 weerar ciidammada gumaysiga loogu gaystay meesha lagu magacaabo Huuraalayowga, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Sidoo kale 25/02/08 dagaal isaguna ka dhacay Maygaag-wayne, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 9 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 25/02/08 dagaa adag oo isaguna ka dhacay Gabro-gosololey, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 25 askari, 27 kalana waa lagaga dhaawacay.

24, 25 iyo 27/02/08 seddex dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Dhanqa, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 24/02/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u joogay La-helow, oo ka tirsan gobolka Doollo, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

20/02/08 dagaal ka dhacay Qudhac-maydal, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 20/02/08 Bullaale waxaa isku dilay askari ka tirsan ciidammada gumaysiga ee halkaas ku sugan. Askarigan ayaa is-dilay, ka dib markii uu u adkaysan kari waayay dhibaatada ka haysata dagaallada ay Wayaanuhu kula jiraan CWXO.

19/02/08 Gujufka, oo Dhagaxmadow ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari inta la ogyahay.

17/02/08 dagaa ka dhacay meesha lagu magacaabo Qaali-xasarad, oo Dhagaxbuur dusheeda ah, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

16/02/08 dagaal ka dhacay Raybada, oo Sagag ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/02/08 dagaal ka dhacay Dhaqaya-boor, oo Nusdariiqa u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari.

Isla 13/02/08 dagaa isaguna ka dhacay Lix-irridoodka Shilaabo, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/02/08 Laas-galool, oo Dhagaxbuur ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhibaatooyinka Wayaanaha loo gaystay labadii bilood ee tagay.

Ciidammada Wayaanaha ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya ayaa mar kastaba dhibaatooyin kala duwani ak soo gaadhaan dagaalka ay kula jiraan CWXO, iyadoo six un loogaga itaal-roonaado dagaal kasta oo ay la galaan CWXO. Qaar badan oo ka mid ah saraakiisha ciidammada Wayaanaha ayaa iyagu is-dila ama ku dhinta xabbad dhexdooda ah, ka dib markii dhibaatooyinka dagaalka ka soo gaadha ay u dakaysan waayaan, ka dibna ay iyagu isku cadha baxaan.

Afhayeen u hadlay CWXO ayaa noo sheegay in labadii bilood ee u denbaysay dagaallada dhexmaray CWXO iyo kuwa gymaysigu ay gaadhayaan 252 dagaal, oo 54 ka mid ahi ay ahaayeen weerarro mir ah oo CWXO ku qaadeen kuwa gumaysiga.

Ciidammada gumaysiga waxaa dagaalladaas lagaga dilay inta la ogyahay 823 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 688 askari. Waxaa ciidammada gumaysiga labadaas bilood dhexdooda laga gubay 4 gaadhi oo Uuraal ah oo ay ku dhinteen askaratii saarnayd oo isu gayn gaadhaya in ka badan 200 oo askari.

Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysigu labadaas bilood dhxdooda dileen ugu yaraan 47 qof oo shacab ah oo aan waxba galabsanin. Waxaa iyagana aan la haynin meel ay ku denbeeyeen 75 qof oo shacab ah. Waxay muddadaas dhexdeeda u taxaabeen dadwayne rayad ah oo kumayaal gaadhaya.

Dhibaatooyin uu gumaysigu dadwaynaha u gaystay

Ciidammada nolol-diidka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya, meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.

25/02/08 Gabro-gosololey, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Cabdi Cumar Amaadin. Waxaa sidoo kale la waayay oo la filayaa inay ciidammada gumaysigu la tageen Maxamed Xuseen-dheere oo isaga iyo labo Awr oo uu watayba la la’yahay.

Khasarooyin iyo Aqallo ciidamada gumaysigu gubeen.

Isla taariikhdan kor ku xusan waxay deegaankaas ciidammada gumaysigu ku gubeen 10 Aqal, waxaana kala lahaa dadka kala ah;
1- Maxamed Xaashi Boos
2- Faadumo Maxamed Xaashi
3- Hooyo Faa’isa Col-haye
4- Cumar Aw Yuusuf
5- C/risaaq Maxamuud
6- Maxamed Amiin Xasan
7- Ruqiya C/risaaq
8- Xasan C/llaahi Hurre
9- Axmed Cabdi Dhigane iyo
10- Hooyo 80 jir ah oo magaceeda aanaan haynin
Waxay ciidammada gumaysigu Aqalladaas ku dhex gubeen Xoolo ay tiradoodu gaadhayso 53 Neef.

26/02/08 Abeesaale waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Axmed Maxamud Cabdi
2- Sugra Faarax
3- C/llaahi Cabdi
4- Amaal oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin oo iyada 3000 oo Birna ka dhaceen
5- Mukhtaar Cabdi oo isagana 1000 Bir ka dhaceen iyo
6- Faarax Cabdi oo 800 ay ka dhaceen.

25/02/08 Laag-qudhac, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu qoryo kaga dhaceen labo nin oo shacab ah, oo kala ah;
1- Yuusuf Bari oo ay 1 Qori ka dhaceen iyo
2- Ilma Xaashi Cabdi oo ay iyagana 1 Qori ka dhaceen.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu Aqalkeedii ka gubeen Bishaaro Muxumed Cabane.

24/02/08 degmada Gunagado waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Rooda Xasan Nuur iyo
2- Hodan Maxamed
Isla taariikhdan waxay ciidammada gumaysigu magaalada Galaalshe ku xidhxidheen seddex qof oo shacab ah, waxaanan magaciisa helnay Muxumed-xubi Sh Cali.

23/02/08 Jugle, oo Dhanaan ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ka qaqabteen dadka kala ah;
1- Qalinle C/raxmaan Axmed iyo
2- C/raxmaan Na’iib. Labadan nin waxaa lagu xidhxidhay magaalada Dhanaan.

21/02/08 Gunagado waxay ciidammada gumaysigu u gaysteen dhibaatooyin isugu jira dhac hantiyeed iyo jidhdil ninka lagu magacaabo Xasan Daahir oo ay ka dhaceen lacag gaadhaysa 20,000 oo Bir, isla markaana ay jidhdil ba’an u gaysteen.

15/02/08 Dhagaxbur waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen nin shacab oo lagu magacaabo Cabdi Shukri Cumar Xasan.

12/02/08 Sagag waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Suleekha Deeq Wali iyo
2- Cali Maxamed Hurre


01 March 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 2, 2008

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com