SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

In ku dhow 20 ruux ayaa ku geeritootay tiro kale oo aan la-ogeyn wey ku dhaawacmeen madaafiic isdaba joog ah oo hoobiyeyal ah markii lagu garacay gobo dadku ay ku badan yihiin oo ku taal  gudaha suqa baakaraha ee magalada muqdisho...

Cod laga duubay Goobta Madaafiicdu ku dhaceen ee Suuqa Bakaaraha:

Muqdisho, SABTI, Maarso 29, 2008:  Sideed ruux oo ka mid ah dadkaan wexey ku dhinteen sarif yaraha dollarka markii ay ku habsadeen laba madfac oo isdaba joog ah waxaana wararka intaas ku dareen in ay  ku dhaawmeen  isla gobtaas 3 ruux oo kale waxaana ay dhamaantood ahaayeen dad rayid ah oo aan ku jirin wax dagaal ah. 

Madaafiic kale ayaa waxay ay ku dhaceen goobo kale oo suuga ka mid ah waxaana ka mid ahaa suuqa badarka oo ay ku dhinteen tirada la ogyahay ilaa 5 qof oo ay ku jiraan haween galley ku iibinayey halka ay ku dhaceen madaafiicdu. 

Madafiiicda Sabtidii ayaa waxay ahaayeen kuwo is daba joogo oo ku soo dhacayey Suuqa suuqa kabaakaha ee Muqdisho. 

Waxaana muuqata in ay  sii socdaan rabshdaha ka dhacaya gudaha suuqa bakaaraha waxaan hoobiyeyaal si toos ah loogu soo  liishaamay suuqa bakaaraha iyada ay  geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac meelo kala duwan oo suuqa ka mid ah waxaana  la ogeyn kuwa ku dhacay madaxtooyada inta u la egyahay qasaaraha ay geysteen waxaana la maqlayey dhawaqa hoobiyeyaasha u socday dhanka villa somaliya oo ay joogeen wafdi uu hogaaminayey wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia siyum msivin oo maanta [Sabti 29/3/2008] soo gaaray magalada muqdisho, madaafiicdaan ayaa tiradooda lagu qiyasay ilaa 7 hoobiye waxeyna ku dhaceen gudaha madaxtooyada, sida wararku sheegeen, iyada oo la sheegay qaarna in ay ku dhaceen hareeraha sidoo kale  goob dadku uu ku badan yahay isla markaana ah suuq lacagaha lagu kala badasho ayaa waxaa ku nafwaayey ilaa 9 ruux hal goob ah, halka meelo kala duwana ay dad ku dhinteen. 

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
0025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2008

qaasimWasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lagu Eedeeyey Laaluush in uu ka Qaatay Shirkadaha Batroolka..

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com