SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin ku saabsan Qaxootiga Soomaalidda ee ku Nool Dalka yaman

TAHRIIBKII GEERIDA
'warbixin Muruga Xambaarsan'


Daruufaha adag iyo Dagaaladda sokeeye ee ka jira Dalka soomaaliya waxii ka danbeeyay Markii uu dhacay Nidaamkii Siyaad bare 1991

waxey kumaanan soomaali ah ku qasbanaadeen in ay raacaan hirarka Badaha una soo cararaan xeebaha Yemen ayigoo ka cararaayo xabad, Qaajo, Nabadgelyo xumo ka jirto Dalkooda raadinayana Nolol ka wanaagsan tan ay ku jiraan

Tahriibkan waxuu wataa Qatartiisa waxuuna Noqday Ganacsi ay lacag fiican ka helaan kooxaha dadka soo Tahriibiyo waxaana lugu tilmaami karaa in uu yahay ganacsi akhlaaq la,aan ah, maxaa yeelay ka cararka dhibaato waxey ka dhigaan kooxaha dadka tahriibiyo u carar dhibaato ka fool xun tii laga soo cararay.
Qaxootiga Soomaaliyeed Qaar kood waxey si dhib ah fursad ugu helaan in ay soo gaaraan xeebaha Yemen gaar ahaan xeebta Caddan, Abyen iyo shabwa ayigoo ka faa'iideysanaayo xeebta Yemen ee dhirirka badan ee uu gaaraayo dhirirkeedda 2400 Km ee Badda Cas ee Carabta, waxeyna noqotay Safaradda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ay Yemen kusoo aadayaan Kuwa Isbuucle ah gaar ahaam markii ay Baddu degan tahay.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan ayaa waxey u kala Qeybsamaan labo Qeybood, Qeybta kowaad waa Qeybta Degan sidexda Kaam ee Qaxootiga oo Kala ah: Xearada Qaxootiga Kharaz ee xaafadda Laxaj, Xerada qaxootiga Meefcah ee xaafadda Shabwa, kaamka Basaatiin oo ku yaalo Magaaladda Caddan.

Qeybta labaad waxey ku noolyahiin kaamamka Ka banaanka waxeyna u badanyahiin Xayil Basaatiin,xayil Saafiyah ee Caasimadda Sanca, waxeyna Tahriibayaasha ka fakada Ciidamadda Badda Yemen ay si Toos ah u aadaan magaalooyinkaan maadama ay ku noolyahiin dad ay Qaraabo yahiin waxaana labadaan Magaalo lugu tilmaami karaa Magaalooyin soomaaliyeed marka aad fiiriso sida Soomaalidda u buuxdo.

Qeybta Kowaad ee ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku Nool kamamka ayaa waxey ku noolyahiin daruuf nololeed oo aad u liidata aadna u adag sida uu sheegay Wasiirka Iskaashiga Holand Beyruut Konderz oo booqday kaamka Kharaz, inkasatoo Qaxootigaani ay ka qaataan kaalmooyiin isug jiro Cunto iyo Daawo Ha'yadda Qamadda midoobey u Qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee Marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNCHR.
Nuuca labaad ee ku Nool ka banaanka Kaamamka ayaa waxey ku ku tashadaan Naftooda ayidoo aysan jirin Cid kaalmo siisa waxeyna ka shaqeeyaan shaqooyin yarar, dhalinyaradda waxey ka shaqeeyaan dhaqinta Baabuurta, Dhisadda Guryaha Dadka waayeelkana waxey Dantu ku kaliftaa in ay gacantooda taagtaan (Tuugsi) ama dawarsi.
Gabadhaha ayaa waxey ka shaqeyaan Guryaha, Gabdhaha Qaar ayaa waxey daruufta adaga ku kaliftaa in ay halaabaan ayigoo jirkooda Ka ganacsadda.

Mudane.Maxamed Diiriye oo ah madaxa Gudiga Qaxootiga xaafadda Caddan ayaa waxuu sheegay in Qaxootiga u Qoran Caddan kaliya uu Bilowga sanadkaan 2008 kor dhaafay 22 kun oo Qaxooti ah waxuuna intaas ku daray in Qaxootiga Soomaaliyeed markii ay Soo gaaraan Yemen Qaar ka mid ah ay usoo gudbaan xaduuda Dalka Sacuudiga ayigoo sii raadinaayo Nolol ka Wanaagsan Mida adag ee Yemen.
Maxamed Diiriye waxuu u kala qeybiyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan laba Qeybood.
Qeyb kasoo carartay Markii Dagaalka Ahliga ah Soomaaliya ka dhacay lana Riday Xakunkii Siyaad Barre
iyo Qeyb Kasoo carartay labo sano ka hor Markii ay Ciidamadda Itoobiya Soo galeen Dalka Soomaaliya,waxuuna sheegay Maxamed Diiriye in ay u badanyahiin Qeybtan danbe dhalinyaro sanadoodu u dhaxeyso 20-25 kuwaas oo noqday kuwa ka badan Caruurta iyo hooyayaasha oo uu badnaa xiligii hore Qaxootiga usoo carari jiray Dalka Yaman.

Maxamed Diiriye waxaa uu sheegay in ay Sabab u tahay in ay u badnaadaan xiliyaddan danbe Qaxootiga Yemen soo gelaayo Dhalinyaradda, Ciidamada Dfk Soomaaliya oo dhalinyaradda ku eedeeyo in ay kasoo Horjeedaan Ciidamadda Itoobiya, Taas oo keentay in aabayaasha Dhalinyaradda kula taliyaan in ay Dalka isaga cararaan, ayigoo ugu baqaayo in wiilashooda Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Dfka ka Dilaan ama jeel la dhigaan.
Warbixino la helaayo ayaa waxey sheegayaan in Dumarka soomaaliyeed la kulmaan Kufsi kaga yimaada dhinaca Kooxaha soo Tahriibiyo inta ay Tahriibka ugu soo jiraan Xeebaha Yemen, Lakiin Madaxa Gudiga Qaxootiga Magaaladda Cadan waxuu sheegay in uusan Hubin arinkaas lakiin waxuu sheegay in jiraan dad ay liis gareeyeen kuwaas oo ay jirdil iyo dhaawacyo ugu geesteen lashashka Ama Doomaha Tahriibka dhexdooda Kooxaha dadka Tahriibiyo .

Arinta ku saabsan in Gabadhaha Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Dalka Yemen jirkooda Ka ganacsadaan ayna u Gudbiyeen Cudurka HIV Aids-ka ah Rag Yemeniyiinta ah, ayaa waxuu sheegay Mr. Diiriye in ay yahiin xaalado aad u yar waxuuna sabab uga dhigay Hadii ay jiraan gabdho Soomaaliyeed ee Jirkooda ka Ganacsadda iyo dhalinyaro soomaaliyeed oo xaafaddaha qaar lugu eedeeyay in ay ka geestaan dhac ayna xadeen Mobiledda gacanta faqriga iyo dhibaatadda ku heysata Dalka Yemen.

Xiliyaddan danbe kumaanan Soomaali ah ayaa waxey ku dhinteen badda korkeeda ka hor inta aysan gaarin xeebaha Yaman, waxuuna sabab uga dhigaa Gudoomiyaha Jaaliyadda soomaaliyeed ee magaaladda Cadan labo Arimood mida waa kooxaha ka shaqeeyo Tahriibka oo Doomaha soo saara Qaxootiga xili ay baddu kacsantahay kuna rara wax ka badan Doonta Tankeedda taas oo keenta in ay doonto Qalibanto

Arinta Labaad waxaa ay tahay kooxaha Dadka tahriibiyo oo Naxariisa Laawayaal ah oo dadka ku Qasba in ay bad weynta dhexdeeda ku dadaataan kana boodaan Doomaha,ayigoo ka baqanaaayo in ay gacanta u galaan Ciidamadda Badaha Yemen

Qaar ka mid Qaxootiga soomaaliyeed ee Soo gaaray xeebaha Yemen ayaa waxey sheegeen in ay dhibaan 50 Doolarka Mareykanka ah si looga soo Qaado Dekadda Boosaaso loona keeno Xeebaha Yemen
Golaha Qaranka Yemen ee arimaha Qaxootiga ayaa waxey ogolaadeen maalmo ka hor in ay sameeyaan waax Gooni ah oo shaqadeed tahay Dejinta iyo fulinta siyaaddaha ku aadan Arimaha Qaxootiga

Dr.Cali Mithny Xasan oo ah ku xigeenka Wasiirka Arimaha Dibadda Ahna Gudoomiyaha Gudigan ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Yemen uu culees badan kasoo wajahay Qaxootiga soomaalidda hadii ay ahaan laheed culees dhaqaale,culees bulsho,culees Aqoon, waxuuna Wasiirku sheegay in maalinba maalinta ka danbeyso uu kor usii kacaayo Qaxootiga soo gelaayo Dalka Yemen Arinkoos oo uu sheegay in aysan Yemen kaligeed Qaadi karin
Wasiirka ayaa waxuu sheegay in uu aad u yaryahay dhaqaalaha aduunweynuhu ku bixiyo qaxootiga inkastoo caalamka arinkooda la socdo.

Tirakoob rasmi ah oo ay sameeyeen dowladd Yemen iyo UNCHR-ta ayaa waxaa lugu sheegay in uu gaaraayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Ku sugan Dalka Yemen 113,000 Kun oo Qaxooti ah, Lakiin ku xigeenka Wasiirka Arimaha Dibadda Yemen waxuu aaminsanyahay in tiradad Qaxootiga ku sugan Dalka uu yahay taas laba jibaarkeed asigoo sabab uga dhigay in Qaxootiga dhan aysan iska Qorin xafiiska Hay'adda Qaxootiga Aduunka, wasiirku mar uu ka hadlaayay Dhaqaalaha Dowladda Yemen kasoo Gaar Dhanka UNCHR-TA ayuu waxuu sheegay in sanadkii lasiiyo Dowladda Yemen lacag gaareyso Hal millyan oo Doolar asigoo sheegay in sanadaha soo socdo laga yaabo in Lacagtaasi kor u kacdo

Waxaa soo baxay Maalmaahan Danbe Ururo iyo Kooxo Yamaniyiin ah oo kasoo Horjeedo Joogitaanka Qaxootiga African ah Gaar ahaan Qaxootiga Soomaalidda ayigoo ku eedeeyay Qaxootiga soomaalidda in ay u gudbiyaan dadka reer Yemen Cudurka HIV Aids-ka arinkaas oo Qaxootiga Soomaalidda ku dhaliyay Cabsi.
Haddaba waxaan shaki ku jirin in Dadka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan dhibaato ku heysato waxaana lugu tiriyaa Qaxootiga Yaman ku nool in ay yahiin kuwa dhibaatadda ugu badani heysato waxaana loo baahanyahay dadka Soomaaliyeed ee wax heesta meel walboo ay joogaan in ay Gargaaraan walaalahooda Daruufaha adag ku heysato Dalka Yemen, waxaana Nasiib daro ah in maamulka Cadde muuse uusan waxna ka qaban kooxaha dadka sida naxariis daradda ah dadka ugu daadiyo badda ayna xur yahiin ayidoo aysan jirin cid cadaaaladda la hor keenay oo Ka tirsan Kooxahan Dadka ka Ganacsadda, Arinkaas oo dad badani u arki karaan arin qorsheysan oo uu lug ku leeyahay Maamulka Cadde muuse, Waxaa la hubaa haddii uusan Maanta Cadde Muuse kooxahan Cadaaladda hor keenin in La hor keeni Doono Maalin Dalka Soomaaliyeed ay jirto Dowladda Cadaaladda ku Dhisan oo la xisaabtami karo loona qaadi Doono Masaakiinta kamamka Yemen ku jiro Xaqoodda

Mar hadii aysan wax ka qabaneyn xakuumadda Cadde muuse arintaas oo la hubo in ay wax ka qaban karto waxaa looga baahanyahay Dadka Soomaaliyeed in aysan naftooda Haligin oo aysan isku dayin in usoo Tahriibeen Dalka Yemen ayigoo u jeedo dhibaataddan heysata kuwii hore usoo Tahriibay, waxaa cad Nolosha Yemen oo xitaa Soomaalidda loo diiday in ay tuugsadaan in aysan dhaamin Nolosha Adag ee Soomaaliya oo ka jirta oo hadii wax kale la waayo anan Tuugsi luguu xireyn.

Waxaa Hubaal ah in ay joojin doonaan Dagaaladda Kooxaha Kursi doonka ah ee ku Dagaalamaayo Soomaaliya Hadii ay leeyihiin Qalbi Naxariista Marka ay arkaan dhibaatadda heysata dadka Daradood Baddaha usoo maray oo intii ay heli lahaayeen Nolol wanaagsan loogu bedelay Rafaadkii Soomaaliya in Qaarna la Adoonsado Qaarna lugu eedeeyo in ay jirkooda gataan Qaarna loo diido xitaa in ay Tuugsadaan

Ugu Danbeyntii Maamulka Puntland ayaa la dhahi karaa waxuu Dusha saaran doonaan mas'uuliyada tahriibinta dadkaan Masaakiinta ah hadii uusan wax ka qaban arintaan waxaana ugu dambeyn wanaagsan in laga wacyi geliyo dadkaan nafsadooda halista Badweynta kusii daynayo ayagoo galaya nolol ka dhibaato iyo xanuun badan tii dalkooda ay ugu soo Qaxeen

Ismaaciil Saxaaf
saxaaf@hotmail.com
Xigasho:Maqaaladda dhacdooyinka isbuuca jariiradda Sharqel Awsat

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2008

qaasimWasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lagu Eedeeyey Laaluush in uu ka Qaatay Shirkadaha Batroolka..

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com