SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA


Barack Obama

Barack Obama oo Guul Kale ka soo Hooyey Tartanka Isreeb-reebka Madaxtinimada Maraykanka...

  • Barack Obama oo ku guulaystey tartankii Gobolka Wyoming ....

Doorashii isreeb reebka [caucus] ee tartanka madaxweyna-nimada Maraykanka ee [Sabti, Maarso 8, 2008] kacday Gobolka Wyoming ee xisbiga dimoqraadiga waxaa guushii raacday Barack Obama oo ay tartan kula jirto Hillary Clinton.

Wararka ugu horreeyey ee ka soo baxay tirinta codbixintii Sabtidii ee Gobolka Wyoming ayaa tibaaxay in uu Obama helay boqolkiiba 59%, halka ay Clinton ka heshay 40%. [CNN waxa uu tiradaas ka dhigay in Obama helay 61%, halka Clinton ay heshay 38%.]

Sidaas daraadeed waxa uu Obama gobolkaas ka helayaa 7 wafti, halka Clinton ka heshay 4. Tartankii ilaa hadda la soo maray waxaa ku horeeya Obama oo haysta ilaa  1,578 wafti, halka Clinton ka haysato 1,468, sida ay sheegtay hay'adda wararka ee AP. Waxaana loo tartamayaa musharaxii hela 2,025 wafti in uu noqonayo musharaxa u taagan xisbiga Dimoqraadiga ee ka qayb geli doo doorshada guud ee November 2008.

Tartanka xiga waa maalinta Talaadada Maarso 11, waana  gobolka Mississippi.

Taas kaddib Gobolka tartanka xoogga leh ka dhici doona waa Pennsylvania, April 22 , waxaana loo tartamayaa 158 wafti ah.

Gobollada uu ilaa hadda ku guulaystey Obama - eeg sawirka hoose qaybat buluugga tikhda ah:


Isha sawirka: http://origin.barackobama.com/resultscenter/

:::DOORASHADA USA-2008:::
usa
Macluumaad ku saabsan Doorashada USA 2008 iyo shirarka hore ee axzaabta (Caucuses)

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 8, 2008

Sawir Barack Obama oo Ku Lebisan Dharka Soomaalida oo Muran Weyn ka dhilyey Siyaasadda tartanka Madaxweynanimada Maraykanka....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com