C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa Ku Guuleystey Madaxweynaha DGPL
Madaxweyne ku xigeenna waxaa loo doortay Gen. Cabdisamad Cali Shire...
 
Dr. Faroole & Gen. Shire
Doorashadii
maanta Jan 8, 2009 lagu qabtay Garoowe waxaa ku guulaystey C/raxmaan Maxamed
Faroole. Wareegii u dambeeyey waxa uu Faroole helay 49 cod, halka musharaxa ku
soo xigey oo ahaa Ilkajiir uu helay 17 cod.
Hambalyo faraabadan ayaa durbadiiba loo diray madaxweynaha cusub ee DGPL Dr.
Faroole.
Madaxweynihii hore ee DFKMG, C/laahi Yuusuf ayaa khudbad ka jeediyey kaddib
markii la doortay Faroole.
Khudbadii C/laahi
Yuusuf Dhegeyso (mp3)
Isreeb reebkii Doorashada Madaxweynaha DGPL iyo qaabkii codbixinta:
Wareegii koowaad ee doorashada Dr. Faroole waxa uu helay 25 cod, halka
C/laahi Ilka jiir uu ka helay 14 cod, Nuuradiin Aadan 8 cod, Gen. Cadde Muuse 8
cod, Aadan Gaadaale 4 cod, Awaare 3 cod, Farjac oo aan wax cod ah helin iyo Eng.
Nuur oo isagu ka tanaasuley musharaxnimada.
Waxaa wareegaas ku haray Awaare, Siciid Raage iyo Farjac.
Wareegii Labaad waxaa Dr. Faroole helay 30 cod, halka Ilkajiir uu ka
helay 18 cod, Nuurudiin Aaden 11 cod, iyo Gen. Cadde Muuse oo helay 4 cod.
Halkaas waxaa ku haray Nuurudiin Aaden iyo Gen. Cadde Muuse.
Waxaa Wareeggii saddexaad codkii aqlabiyaddaa oo ah 49 cod helay Dr.
Faroole, halka Ilkajiir helay 17 cod. Xildhibaanada codeeyey waa 66 xildhibaan.
Sidaas ayaa C/raxmaan Maxamed Faroole waxaa loogu doortay madaxweynaha DGPL ee
4-ta sano ee soo socota.
        
Bidix: Cadde, Ilkajiir, Nurudiin, Farjac, Faroole, Gaadaale, Nuur, Awaare, Raage
Markii ay dhammaatay doorashadii Madaxweynaha ayaa waxa abilaabatay
doorashada madaxweyne ku xigeenka, waxaana wareegii koowaad codadka ugu badan
waxaa helay:
Cabdisamad Cali Shire... 26 cod
Dr. Saleebaan Ciise Xagla-Toosiye... 19 cod
Cabdiraxmaan Xirsi Faarax.... 8 cod
Cali Baashi Xaaji .... 6
Madaxweyne ku xigeenkii hore Xasan Daahir Afqurac ayaan helin wax cod ah,
sidaasna ku haray.
Wareegii labaad ee madaxweyne xigeenada Cabdisamad Cali Shire uu helay 34
cod, halka Dr. Saleebaan Ciise uu ka helay 22 cod, waxayn au gudbeen wareegga
saddexaad. Waxaa markaas codka aqlabiyadiisii helay Cabdisamad Cali Shire
oo helay 43 cod, halka Dr. Saleebaan uu helay 23 cod. Sidaas waxaa madaxweyne ku
xigeen ku noqday Gen. Cabdisamad Cali Shire.
Xildhibaanada DGPL iyo Musharaxiinta oo Isugu Tegey Xarunta Doorashadu ka
Dhacayso ee Garoowe...
Subaxnimadii (Jan 8, 2009) ayaa waxaa xarunta baarlamaanka DGPL ee Garoowe
isugu yimid xildhibaanada DGPL iyo musharaxiinta u tartaamaya madaxweynaha iyo
ku xigeenkiisa. Meesha doorashadu ka dhacayso waxaa loo diidey weriyaashu in ay
si toos ah wararka u baahiyaan, iyagoo maamulka Puntland uu arrintaas ku
tilmaamay in ay la xiriirto xagga amaanka. Waxaana loo ogolaaday 15 weriye oo
keliya in ay galaan xarunta waxaana loo sheegay in ay warka duuban kaaraan oo ay
baahin karaan kaddib marka la doorto madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Caydaruus
Xaaji Xersi oo ah taliyaha u xilsaaran ammaanka goobta doorashadu ka dhacayso
ayaa amarkaas bixiyey, waxaana la diidey in telefoonada lala galo goobta
doorashada. Waxaana laagu soo waramay in qaar weriyaasha laga tuuray qalabkoodii
ay wax ku duuban lahaayeen, arrintaas oo lagu tilmaamay mid xadgudub ku ah
xoriyadda.
Dhanka kale ammaanka dariiqyada magaalada Garoowe ayaa aad loo sugay ayadoo
lagu dhex arkayey gawaari hubaysan oo ay wataan ciidamada DGPL.
Xarunta doorashadu ka dhacaysey waxa kale oo yimid madaxweynihii hore ee
DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed. Waxaana codka bixinaya 66 xildhibaan oo dooranaya
madaxda DGPL ee 4-ta sano ee soo socota (2009-2012).
Qiyaastii (10 subaxnimo oo daqiiqado dhiman) ayaa xarunta baarlamaanka waxaa
ka bilowday codbixintii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaana loo gudbey
wareegii labaad ee doorashada.
Doorashada Puntland oo La Qabanayo Maanta... Janaayo 8, 2009
Maanta oo taariikhdu tahay Khamiis Janaayo 8, 2009 (oo ku beegan Muxarram 11,
1430), waxaa magaalada Garoowe lagu qabanayaa doorashada madaxweynaha iyo
madaxweyne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland.
66 xildhibaan oo uu ka kooban yahay Golaha Wakiiladda Puntland ayaa u codayn
doona madaxweynaha DGPL iyo ku xigeenkiisa. 66 Xildhibaan waxay ka kala
yimaadeen Gobolada: Bari/Karkaar (21), Sool/Cayn (15), Sanaag (11), Mudug (10)
iyo Nugaal (9).
Musharaxiinta u taagan madaxweynaha waa: Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde
Muuse), Gen. Cabdullaahi Axmed Ilka-jiir, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole,
Nuuraddiin Aaden Diiriye, Cumar Xaashi Farjac, Eng.Nuur Xasan Farax, Aaden
Maxamed Ciise "Gaadaale", Siciid Maxamed Raage iyo Cali Cabdi Awaare.
        
Bidix: Cadde, Ilkajiir, Nurudiin, Farjac, Faroole, Gaadaale, Nuur, Awaare, Raage
Sidoo kale xubnaha u taagan madaxweyne ku xigeenku waa: Xasan Daahir Afqurac,
Maxamed Xaaji Aaden, Saleebaan Ciise Axmed "Xagla-Toosiye", Muxiyaddiin Cali
Yuusuf, Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Cali Baashi.
Musharaxiinta madaxweynaha ayaa midkiiba waxaa laga qaaday lacag dhan $5000
doolar, halka musharaxiinta madaxweyne xigeenka laga qaaday $2500 doolar.
Lagactaas oo la sheegay in lagu fulinayo hawlaha doorashada.
Khudbadihii Musharaxiinta Madaxwqeynuhu ay ka jeediyeen Baarlamaanka DGPL,
Jan 7, 2009: (CODKU WAA MP3)
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2009
MA KU QOSASHAY KHUDBOOYINKII MUSHARIXIINTA PUNTLAND
Sida aad la socotaan Arbacadii (Jan 7, 2009) oo ahayd maalintii ugu danbaysay ee ol olaha
Doorashooyinka puntland,hadana ahayd maalintii ay musharixiintu soo bandhigi
lahaayeen wax qabad kooda siyaasadeed iyo sida majaraha ay u qaban lahaayeen,
Waxaase meesha ka marnayn in ay is baraan shacabka ay rabaan in ay Hogaamiyaan
ayada oo musharax kasta ka waraamay taariikh noolaleed kiisa
Iyo aqoontiisa, NIN BA CEESAANTIIS CEEL KEEN. Waxaa xusid mudan in ay Musharaxiinta Jagada Madaxweyninimada Puntland
Ay ahaayeen 9 Qof, waxayna kala ahaayeen
- Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde)
- Cabdullaahi Axmed Jamac (Ilkajiir)
- Cabdiraxmaan Maxamed Faroole
- Nuuradiin Adan Diiriye
- Cumar Cali Farjac
- Aaden Maxamed Ciise Gaadaale
- Siciid Maxamed Raage
- Nuur Xassan Faarax
- Cali Cabdi Awaare
Sidoo kale jagada Madaxweyna ku xigeenka ayaa waxaa u tar tamayey
7 Musharax oo ayaguna rag ah oo qof dumara ku jirin
waxay kala ahaayeen sidaan
- Xassan Daahir Afuqrac
- Muxyadiin Cali Yusuf
- Cabdisamad Cali Shire
- Saleebaan Axmed Ciise (Xagla Toosiye)
- Cali Baashi Xaaji
- Cabdiraxmaan Xirsi Faarax
- Maxamed Xaaji Aadan
Wakhtiga ayaa Daqiiqado isku guraya una sii siqaya is badal ay madaxa ku hayaan
Dadweynaha ku sugan gudaha maamul gobaleedka Puntland iyo Dabadiisaba
Haddii aan idin leexiyo hadaladii ay jeediyeen Musharixiintu oo iskugu jiray wax
Qabad is badal siyaasadeed iyo Aqoontooda ama Tacliinta ay leeyihiin Sidoo kale waxaan shaki ku jirin in ay dad weynuhu il gaara ku ee gayaan Wax
Qabadka ayag oo inta badan fiirinaynin aqoonta uu leeyahay Musharaxu
laakiin tixraaxaya wax qabad kiisa siyaasadeed taas ayaana laga dareemayey
Sacabka Xildhibaanada u dhacayey dhanka wax qabad ka
Wax qabad ka Musharixiintu soo bandhigeen ayaa ahaa sidan
walow la oran karo wakhtiga ayaa ku yaraa oo Hal kii Musharaxba loo qabtay
15 Daqiiqo (1) Musharax Nuradin: waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:
Waxaan Guno iyo lacag siinayaa ama maal galinayaa
Xildhibaanada Gobalada laga soo doortay, iyo Dagma kasta ooay ka soo jeedaan
Baarlaamnkana waxaan ku Xirayaa Baarlamaanada Caalamigaa, Aamaanka iyo
Cadaaladda, Waxaan Codsanayaa in aad Codkiina i siisaan, Tahriibka, Burcad
Baradeed ka, Si aan u ilaaliyo in aan wadanka la qabsan waxaan saddex Jibaarayaa
Mushaarka Ciidamada, Waxaan dhisayaa Laamiyada Airport rada
Iyo Maal gashiga shasheeye
(2) Abdilahi Ahmed ilka Jiir: waxaan dib u aruurinayaa Ciidamadii
Somaliyeed markii la helo agabkii iyo dhaqaalihii Militariga ayada oo la iskugu
Gayn doono Xiryihii horay u jiri jiray sida Gaas, ama Guuto
Waxaan samaynayaa Bank si loo la dagaalamo musuq maasuqa
Waxaana dar yeelayaa Xoolaha nool oo baadiyah ku dhibaataysan
ka dib markii ay ka fogaadaan biyaha
(3) Abdirahman M Faroole: Hal ku dhigaygu waa nabad cadaalad
Waxan balan qaadayaa in aan sameeyo Hay'ad Samafal oo u adeegta Dan yarta
Sida Naafada Curyaamada ku waas oo nagu badan, Xiriirka Dowlada Federalka
Waxuu ku dhisnaandoonaa sida uu yahay waa marka ay soo dhistaan
Maamul u dhigma Puntland ama la mid ah
(4) Cadde Muse Xirsi : Waxaan wax ka qabanayaa in aan soo Celiso
Gobalada naga maqan, 4 tii sano wax weyn ayaan qabanay
Khaladaad kii aan galnay waan saxaynaa khalaadka waan sheegnay
Waana sixidoonaa Maxjar ayaan dhisnay Airport Takada waan
Saxiixay dhismahiida wax qabad kayag war qad ayaan ku qoray waa la akhrin Doonaa
(5) Cali Cabdi Awaare: Maraakiib dagaal waa in la helaa
Ciidamada ayaan dhisayaa Golaha wakiilada iyo Xurunta Xildhibaanada
Ayaa dhisayaa waana og tahay in aan tababar ku soo qaatay
Mushaarka ayaan u kor dhinayaa iyo gunada Wasaaradaha
(6) Dr Adan Ciise Gaadaale Amaanka Soo celinta Gobalada maqan iyo
Ilaalinta Badadaha, Tacliin in ay helaan Gabdhaha Puntland iyo dhismaha
Hospitalo Ku waas oo tuulo kasta laga dhisidoono
(7) Siciid Mohamed Raage Amaanka iyo Caafimaadka
(8) Cumar Ali Farjac, waa musharaxii ka qosliyey Xildhibaanada iyo
Isimada iyo dadweynihii goobtaas joogay, Xildhibaanadu wax ha barteen
Jaamacadda ha aadeen, sharciyada ha barteen Specialy Law School,...Doorta qof u qalma
.
(9) Nuur Hassan Faarax, Amaanka dhisida Ciidamada
Ciidamada Badda waxaan ku jaheeyey badda, Cid kasta waxaan ku soo Dhaweynayaa in
ay Maalgashadaan,
Waxaa soo koobay: Ustaad Dalboon
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009
Golaha
Wakiillada Puntland oo La Ansixiyay
Golaha cusub ee Wakiiladda DGPL oo ka kooban 66 xubnood magacyadooda
halkan ka akhri...
Gen. Cadde Muuse oo soo Bandhigan Barnaamijkiisa
Musharxnimo ee 2009-2012
|