Hagardaamada reer Yurub, Habacsanaanta TFG iyo Hurdada
Shacabka.
“Sir Culus”
AGREEMENT
between the European Union and the Somali Republic on the
status of the European Union-led naval force in the Somali Republic in the
framework of the EU military operation Atalanta
Shalay waxay ahayd iibka Xuduud-badeedka Soomaaliyeed ee soohdin beenaanka
aan la wadaagno Kenya, waxaa ku xigay khayaanadii Norway iyo UN ee ku aadanayn
dacwadii qalfoof badeed Xeebaha Soomaliyeed, taas oo loo adeegsaday dulaalo ku
jira dowlada shariifka huwana magaca wasiiro.
Hadaba waxaa intaas oo fadeexadood ka xun, kana dhibaato badan khiyaanada
qaran oo ay xambaarsan tahay waraqada ama heshiis beenaadka aad halkaan ka arki
doontaan, taas oo sajaran doonta sidaan isleeyahay ama dowguba yahay rag badan
oo masuuliyad ka soo qabtay TFG ama ilaa iminka ku jira haykalka dowladeed ee
Soomaaliya.
Fadeexadani waa mid lagu sifayn karo godob laga galay qaranka iyo shacabka
Soomaaliyeed, waa mid meel uga dhacaysa jiritaanka Soomaaliyeed iyo aayaha
jiilka soo socda, waa dulaalnimo iyo is been fariinmad saamaxday in lagu
xadgudbo badda, berriga iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.
Maqaalkaan iyo fariinta uu xambaarsan yahay maaha been abuur iyo dacaayad,
maaha kutiri ku teen, mana aha mid lagu doonayo in meel looga dhaco sharafta iyo
haybada shakhsi ama koox, balse waa qoraal lagu difaacayo Xuquuqda Muwaadinka
Soomaaliyeed, lagu soo noolaynayo sharafta iyo haybada dhimatay ee Shacabka
soomaaliyeed, dibna loogu soo celinayo karaamadii dhuntay ee Qaranimadii
Soomaaliyeed. Daliilka dhanbaalkaan waxaad ka heli doontaan kaydka lagu xifdiyo
heshiisyada iyo warqadaha muhiimka ah ee bahwadaagta reer Yurub ay la gasho
wadamada caalamka.
Balse inta aynaan guda gelin ama faahfaahin ka bixin warqadan ama heshiis
beenaadkaan waxaa haboon si aynu u fahamno silsilada soo taxnayd ee lagu
xaalufinayo khayraadka Soomaaliyeed, lagu daliilsanayo xadgudubka Xeebaha
Soomaliyeed, laguna dhaawacayo jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed iyo xuquuqda
Muwaadinka, inaan bal dib u yare jaleecno taariikhda iyo sababaha kalifay
khiyaanadan iyada ah, iyo dowrka ay Faransiiska iyo Isbayn arimahan iyaga ah.
Hagardaamada Reer Yurub oo ay hormuudka ka yihiin France & Spain:
Waxaynu ka wada dheregsanahay hagardaamada ay reer Yurub u gaysatay shacabka,
bay’adeed, bari iyo badeed ee Soomaaliya. Waxba kama soo wareeyin burburkii
haykalkii dowladeed 1991 kolkii ay cadaaday in Switzerland iyo Italy ay qashinka
warshadaha iyo suntan nugliyeerka ku aaseen meelo ka mid ah Soomaaliya sida
agagaarka muqdisho iyo meelo kale ee ka mid ah xeebaha Soomaaliya. Sidoo kale
waxaa nool oo jooga ragii Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay ficilkaas inay u
saxiixeen kana danbeeyeen, iyadoo aan ognahay in wariyeyaal isku deyay inay wax
ka ogaadaan arintaas lagu toogtay Muqdisho.
Waxaynu kaloo ognahay xaalufinta khayraadka badeed ee Dowladaha ay ugu
horeeyaan Spain iyo France ay ku hayaan xeebaha Soomaaliyeed. Waana taas mida
keentay in France iyo Spain ay yihiin dadka ugu qaylada iyo sawaxanka dheer
marka laga hadlayo burcad badeedka Soomaaliyeed, taas oo ka dhalatay hoos u dhac
wayn oo ku yimid Maalaayiinta tan ee kaaluun ee ay sharci darada uga qabsan
jireen xeebaha Soomaaliyeed. Taas oo ka dhalatay dagaalka ay qaadeen dhalinta
Soomaaliyeed kuwaas oo loo yaqaan burcad badeed, dagaalkaas ka dibna uu sicirkii
Tuunada ee aduunku uu kordhay 60%.
Taas waxaa ka sii daran indha adayga ay tuugada reer Yurub sheeganayaan inay
haystaan heshiisyo ay si sharci ah uga kaluumaysan karaan xeebaha Soomaaliya.
(waa xaqiiq in rag sheeganaya magacyo wasiir kaluumaysi ay jiraan kuwaas
caasumadaha aduunka wareeya heshiis hoosaadyo aan cidina ogayn la soo gala
shariikadahaas iyo dalalkaas iyaga ah)
- Oceana, the environmental group that focuses on threats to the sea, has
long been studying illegal fishing in the region.
- According to the group, within Somalia's exclusive economic zone waters,
or EEZ, EU-flagged tuna vessels, particularly from Spain, regularly headed
there to fish until 2006 when the pirate threat made it too dangerous. These
fishing firms engaged in such practices even though there had not been any
agreement negotiated between Somalia and the European Commission.
- The Spanish boats claimed what they were doing was legal because they
had signed private agreements with Somali "officials" or companies. However,
it is up to the European Commission to negotiate fishing agreements with
countries beyond the EU. This is currently the case with a number of African
countries. As a result, from an EU perspective, no European fishing should
be happening in Somali waters.
- Source:
http://euobserver.com/9/27966
Cilmi baaris ay samaysay khubaro Kanadiyaan ah ayaa waxaa lagu sheegay in
lacag ahaan in Kaluunka sharcidarada ay ee reer Yurub ay ka qabsadaan xeebaha
Soomaaliya ay shan goor ka badan tahay lacagta ay deeq ahaanta u siiso
Soomaaliya. (taasi waxay ka dhigan tahay hadii 1 milyan oo deeq ah ay siiyaan
Soomaliya waxay xadaan 5 Milyan oo Doolar kaluun u dhigma, inagoo og 1 milyan
laftigiisu inuusan sooba dhaafin Nayroobi oo uu dib ugu noqdo iyaga oo si magac
ururo aan dowli ahayn ku xada).
Sida ku cad cilmi baaris ay sameeyeen khubaro Ustaraaliyaan ah ayay ku
sheegeen in maraakiibta kaluumaysiga ee sida sharcidarada ah uga adeegta xeebaha
Soomaaliya ay xaga hore kaga jiraan France iyo Spain.
Bal nuqulkan aan ka soo mid guuriyay qormadaas iyada ah:
- A recent Canadian study estimates that the total value of current IUU
catch worldwide is between 11 and 26 million tonnes, and valued at between
$10 billion and $23 billion annually. The European Union alone is assessed
to import half a million tons of fish worth €1.1 billion. It is estimated
that illegal fishing by EU vessels has taken out of Somalia more than five
times the value of its aid to the country every year.
- The impact of such robberies on the high sea has been evident in
Somalia, where piracy of one kind begat another. In the chaos that engulfed
Somalia since the collapse of Siyad Barré regime in 1991, unlicensed foreign
fishing vessels moved in large numbers into the country's fish-rich waters.
In 2005, a UN agency estimated that 700 foreign fishing vessels were
operating in Somali waters, many employing illegal and destructive fishing
methods. A recent Australian study reported that vessels from France, Spain,
Japan, South Korea, Taiwan, Egypt, Kenya, Pakistan, Saudi Arabia, Sri Lanka,
Yemen, Belize and Honduras have exploited Somalia's fish stocks with virtual
impunity.
- Source:
http://www.policyinnovations.org/ideas/innovations/data/000147
Waxaa intaa ka sii xun in tuugadaas is biirsatay oo ay hogaanka u hayaan
France iyo Spain ay maanta ku doodayaan ama caalamka isku tusinayaan inay la
dagaalamayaan Burcad Badeeda Soomaaliya, taas oo ay uga danleeyihiin in diirada
laga dulqaado oo aan la arkin sharcidarada , xadgudubka iyo xaalufinta ay ku
hayaan khayraadka badeed ee Soomaaliya.
Sida cilmi baarista aynu kor ku soo aragnay taas oo ku salaysan xaqiiqo aan
laga been sheegi Karin , waxaa ku cad in Burcad Badeeda runta ah ay yihiin kuwa
xaalufinta ku haya badaha caalamka, kuwa sida sharcidarada ah uga kaluumaysta
xeebaha dalalka kale, xulafadaas tuugada ahna waxaa hormuud u ah Faransiiska iyo
Isbayn.
Wasiirkii arimaha dibada ee Faransiiska Mr. Kouchner, maqaal uu ku qoray
jariidada la yiraahdo “La Figaro” ayuu wuxuu ku tilmaamay cida ka danbaysa
xulafada reer Yurub ee la dagaalanka Burcad Badeeda, taas oo ku sheegay inay
tahay Faransiiska iyo Isbayn. Soomaalidu waxay tiraahdaa “maxaa waranka iyo
weedha kulmiyay” waxaan oran karnaa xulafadni waa mid aan barakaysnayn oo
ujeedo badan ah.
Soomaalidu waxay kaloo tiraahdaa “tuugaas lax ma ka dhaarsan lahayd” labada
dowladood ee France iyo Spain oo lagu tilmaamay aabayaasha xaalufinta iyo
xadista khayraadka badeed ee dalalka kale inay maanta caalamka ka dhaadhacshaan
waxaan la dagaalamaynaa burcad badeed Soomaaliyeed waxana oran kartaa waa
sheegaso lagu qoslo.
Fadlan fiiri nuqulkaan aan ka soo qaaday qoraalkii Mr. Kouchner.
- …..thanks to the French European Union presidency, we launched in
partnership with Spain the first European maritime operation under the
European Security and Defence Policy – "Atalante" – to provide security for
European ships passing through the Gulf of Aden.
- Source:
http://www.franceonu.org/spip.php?article3818
Waxaa intaa ka sii dan in maanta Spain ay caalamka ka codsato in cuna
qabatayn lagu sameeyo xeebaha Burcad badeedka, meesha Faransiiskuna uu heshiis
dowlado aan jirin saxiixo isagoo adeegsaday qowlaysato aan cidna matalin balse
ku qaraabta magaca Soomaaliya waa ayaan daro haysata Shacabka iyo Qaranimadii
duntay ee Soomaaliyeed. Taasi sowlama mid aha aan dhecee gacmaha ha la ii
qabto.
SIR CULUS:
Akhristow waxaan halkaan idiinku soo bandhigayaa cida iska leh ama ka
danbaysa heshiis beenaadka Yurub loogu saamaxayo soogelista xeebaha Soomaaliya,
ku xadgudibka xuduudaha bad iyo beri , u saamaxida dilka iyo xariga
muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ka cafiska waxkasta oo denbi ah oo ay
ciidamadaasi ku galaan beriga iyo badaha Soomaaliya. Inagoo og cida heshiiskaas
dhinaca Yurub u matalaysay ama kaba danbaysay waa France iyo Spain. Labadaas
dal oo soo huwanday Calanka midowga Yurub iyo NATO , kuna andacoonaysa inay la
dagaalamayaan waxa loogu yeero Burcad Badeeda Soomaaliyeed, labadaas dal oo sida
kor ku xusan ku soo xadgudbaan xuduudaha badeed iyo bari ee Soomaaliya,
gacmahoodana ay weli ka qoyantahay dhiigii dhalintii Soomaaliyeed ee ay ku
dhileen xeeba dalkooda hooyo, meesha ay qaarkalena ka sooo qabteen beriga iyo
badaha Soomaaliyeed laa maantana ku hayaan xabsiyadooda iyagoon horkeenin wax
sharci ah.
Waxaa xeer Caalamka u dhigan ah markii uu ciidan uu gelayo xuduud dal kale oo
xor ah inuu ku soo galaa ogolaansho iyo heshiis dhexmada labada dal, sidoo kale
markii qof danbi galay oo muwaadin ah loo gudbinayo dal kale oo uusan u dhalan
si sharci loo horgeeyo waa inuu jiraa heshiis ka dhexeeya labadaad dowladood oo
ah inay isku gudbin karaan maxaabiista (extradition treaty). Soomaaliya waxay
safka hore kaga jirtaa wadama aan weligeed saxiixin ama heshiis la gelin wadan
kale iyadoo la balan qaadayo in Muwaadiniinta Soomaaliyeed loo gudbin karo wadan
kale si loogu xabiso ama loogu maxkamadeeyo.
Hadaba inoo intaas og , sidoo kale og ficilada ay ciidamada Faransiiska iyo
Isbaanishku ka sameeyeen xeebaha Soomaaliyeed, iyagoo ilaa Bariga Soomaaliyeed
ka soo qabqabtay dhalinyaro kadibna hore u kaxaystay kuwana sidii xoolo la
xaraashayo hadba dowlad laga codsado inay xabsiyadeeda ku hayso sida Kenya,
Siishalis iyo Muritaaniya oo uu Faransiisku ka codsaday inay aqbalaan oo
xabsiyeeyaan Muwaadiniintaas Soomaaliyeed abaalmarina dhaqaalena uu u balan
qaaday hadii ay sidaas sameeyaan. Waxaa wax laga naxo ah inaynaan ogayn cida u
fasaxday ku xadgudubka intaa le’eg ee lagu hayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Baaritaan dheer oo ay sameeyeen dad ay weli ku hartay wadaniyad iyo dareen
dal iyo dad jacayl ayaa waxay soo heleen warqadii heshiiskaas isaga ah, kaas oo
ay dowladaha Midowga Yurub ku andacoonayso inay la gashay ama la xasiixatay
dowlada Soomaaliya.
Yaa Saxiixay heshiis Beenaadkaan:
Warqada heshiiskaas waxaa la kala saxiixday 31 December 2008, waxaana qalinka
ku duugay nin Soomaaliyeed oo loogu yeero Maxamed Cali Nuur, ninkaas oo dadka u
indha daloola xukuumada maanta jirta iyo tii ka horaysayba ay sheegeen in
ninkaasi yahay Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Kenya ninkaas oo loogu
yeero “Maxamed Cali Ameerika” . Hadaba akhristow waxaa su’aal ah maxaa sababay
in safiir Soomaaliyeed oo loo dirsaday Kenya uu galo heshiiska intaas le’eg ,
aaway wasiirkii Arimaha Dibada Mr. Jangeli, Aaway Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ,
aawayse Madaxweyne Cabdullahi Yusuf.
Fadlan warqada ka eeg halkaan: AGREEMENT between the European Union and the
Somali Republic on the status of the European Union-led naval force in the
Somali Republic in the framework of the EU military operation Atalanta.
http://eur-lex.europa.eu/LexUriServ/LexUriServ.do?uri=OJ:L:2009:010:0029:0034:EN:PDF
Go’aankii heshiiskaan gelistiisa oo uu shirgudoon ka ahaa Wasiirka Arimaha
Dibada ee Faransiiska Mr. Kouchner fadlan hakaan ka akhriso:
http://eur-lex.europa.eu/LexUriServ/LexUriServ.do?uri=OJ:L:2009:010:0027:0028:EN:PDF
29 December, 2008 ayuu iscasilay Cabdulaahi Yuusuf, sidaa awgeed dowladiisii
uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa Nuur Cadde iyo Golihiisa Wasiiradu sidaas ayay ku
dhaceen.
31 January, 2009 Ayaa Shariif Axmed loogu doortay Jabuuti inuu noqdo
Madaxweyne. Taas micnaheedu waxay tahay in wax dowlad Soomaaliyeed la yiraahdo
oo awood u leh saxiix heshiis aysan jirin intii u dhaxay iscasilistii Madaxweyne
Cabdullahi ee 29 Dec, 2008 iyo Doorashadii Madaxweyne Shariif 31 Jan, 2009.
Hadaba Heshiiska la saxiixay Dec 31, 2009 (Waxaana la faafiyey 15 Janaayo
2009), waa mid khilaafsan qaanuunada dowliga ah, waa mid khiyaano iyo isbeen
fariin ku salaysan, waa dulaalnimo iyo dal iibsi aan geed loogu soo gaban, sidaa
awgeed ciidamada reer Yurub ee Jooga xeebaha Soomaaliya, iyo dhamaan wixii ficil
ay sameeyeen intuba waa mid ka hor imanaysa mabaadida caalamka kala haga,
waxayna biyaha iyo bariga Soomaaliya ku joogaana waa xaqdaro iyo xoog.
Kuwa heshiiskaas ka danbeeyay ee masuuliyiin Soomaaliyeed sheeganayana waa
khaa’iniin aan dal iyo dad kala jeclayn balse dirham iyo diinaarka dulaalnimo
dhaafsiistay sharafkii iyo qaranimadii Soomaaliyeed.
Dadka aadka ugu dhuun duleela arintaas waxay aaminsan yihiin in Ra’iisal
Wasaarihii hore Mr. Nuur Cadde arintaan ka danbeeyay, maadaama uu dareensanaa
inuu xilkiisii dhacayn laga soo bilaabo 30 Dec, 2008na, wuxuu u xilsaaray
saxiixa heshiiskaas Maxamed Cali Nuur. Mr. Nuur Cadde abaal marintii arintaasna
wuxuu maanta ku mutaystay inuu noqdo safiirka Yurub iyo Itaaliya u fadhiya
Soomaaliya si howlihii wixii qabyo ahaa ay meeshii uga sii socdaan. Ama hadaan
hadalka sida kale u dhigo “Haku socoto sidii loogu tala galay” .
Hadaba akhristow su’aasha furan waxay tahay dowllada uu hogaanka u hayo
Sh.Shariif Axmed talaabo caynkee ah ayay arintaan ka qaadi doontaa, ma sidii
Dulaal Ibbi iyo Shariif Sakiin ayuu xaga danbe marsan doonaa oo ku tilmaami
doonaa muwaadiniin aamin ah oo howlkar ah mise Labada Nuur (Nuur Cadde iyo M.A.
Nuur Ameerika) talaabo geesinimo ayuu ka qaadi doonaa. Sidoo kale Baarlamaanku
ma qaadi doonaan talaabo la mid ah tii ay ku diideen iibsiga badeed, mase
horkeeni doonaan baarlamaanka hortiisa Labadaas masuul iyo intii kale oo arinta
ku lug lahayd, sidoo kale ma la xisaabtami doonaan Madaxweyne Shariif iyagoo dib
u eegi doona wixii uu balan qaaday inuu sameeyo iyo wixii ay dowladiisa,
wasiiradiisa iyo safiiradiisu sameeyeen taas oo meel ka dhac dhaawan u gaysatay
qaranimadii iyo jiritaankii Soomaaliyeed ah. Shacabka Soomaaliyeed aqoon yahan
iyo indheer garadba ma midnimadii iyo difaacii ay ka muujiyeen khadiyadii
xuduuda badeed lagu iibsanayay ayay samayn doonaa mise sheekadu waxay noqon
doontaa “Afkii baa juuqda gabay”.
Ma Dhulkan dhanee tagay baa nina dhagax u tuuraynee!!!! Uurku taalo
waynaayee!!!!
Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | November 18, 2009 |