Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod Aqlabiyad ah ku diidey
Heshiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya
SomaliTalk.com | August 1, 2009
Kulankii baarlamaanka waxaa soo xaadiray 347 xildhibaan..
Saddexda qodob ee loo codeeyey:
IN LA DIIDO IS-AFGARADKII: In Is-afgaradkii Xukuumaddu la soo
gashay Dawladda Kenya in la diido oo arrintaas laga dhigo waxba kama jiraan,
oo la yiraahdo xukuumada is afgaradkii aad keenteen baarlamaanku waa
diidey.. oo Heshiiskii xukuumaddu keenta in gebigiisba la diido.. (waxaa
u codeeyey: 334 xildhibaan oo diidey heshiiskii is afgarad).
IN DIB LOO DHIGO: In dooda dib loo dhigo oo loo yeero wasiirkii
heshiiska soo galay oo marka wasiirkii yimaado laga wada hadlo, oo la arko
waxa wasiirku ku difaacayo oo kaddib go'aan arrintaas laga gaaro.. (waxaa
u codeeyey: 9 xildhibaan).
IN GUDDI LOO SAARO: In Guddi loo saaro oo ay guddigaasi la
kulmaan wasiirka, xukuumada, khubaro iyo ciddii ay doonaan oo ay taas
baarlamaanka kusoo celiyaan, kaddibna go'aan laga gaaro.. (waxaa u
codeeyey: 4 xildhibaan).
Daawo Qaybta Somalitalk Youtube doodii baarlamaanka ee heshiiskii Is-Afgarad
Muqdisho: Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya oo tiradoodu
gaarayso 334 xildhibaan ayaa diidey heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo
Kenya ee muranka gelinayey badda Soomaaliya, kaddib markii cod loo qaaday
heshiiskaas.
Guddoomiyaha baarlamaanka Sheikh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) ayaa
xildhibaanada u soo bandhigay saddex qodob oo la xiriira heshiiskaas oo ay tahay
in ay kala doortaan, saddexdaas qodob oo ahaa: 1. In ay diidaan heshiiska. 2.
In guddi loo saaro heshiiska. 3. ama in dib loo dhigo heshiiska. Waxana uu
xildhibaanada weydiistey in ay cod gacan taag ah ku caddeeyaan codkooda.
Xildhibaanada goobjooga ahaa oo tiradoodu ahayd 347 xildhibaan ayaa u
codeeyey sidan: 334 xildhibaan ayaa diidey heshiiskaas, halka 9
xildhibaana ay u codsadeen in guddi loo saaro heshiiska, halka 4 xildhibaan ay u
codeeyeen in dib loo dhigo heshiiska. Ma jirin wax xildhibaan ah oo ka aamusay.
Sidaas ayaana heshiiskii dhexmaray kenya iyo Soomaaliya, ee muraanka
gelinayey badda Soomaaliya uu ku noqday Waxba kama jiraan "NULL & VOID".
Tallaabada la gudboon baarlamaanka waa in go'aankaas baarlamaanka si degdeg
ah loo gaarsiiyo guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Xadaynta badaha, ka hor
Agoosto 10, 2009 oo ay
ka dhiman tahay maalmo kooban.
Faahfaahinta warka hoos ka akhri, sidoo kale hoos ka dhegeyso hadaladii
Qanyare iyo Isloow.
Xildhibaanada barlamanka oo maanta is hortaagay heshiiskii is afgarad dhinaca
badda ee Somaliya iyo Kenya
ku dhawaad 400 oo xildhinaanda barlamanka dowlada KMGS ka tirsan oo maanta
(Agoosto 1, 2009) shir aan caadi aheyn ku yeeshay xarunta gobolka banadir ayaa
si rasmi ah uga soo horjeestay in uu meel maro heshiiskii dhinaca badda ahaa ee
dowladaha kenya iyo somaliya .
Shirkaan aan caadiga aheyn oo ay isugu yimaadeen in ku dhow 400 oo xildhibaan
oo ka dhacay xarunta Mamulka Gobolka baandir ee Magaalada Mugadishu ayaa waxaa
si rasmi ah ay uga soo horjeesteen heshiiskii is afgarad ee muranka badan
dhaliyey ee u dhaxeeyey dowladaha somaliya iyo kenya ee xaga badda ahaa .
Shirka ayaa waxaa looga doodayey waxa uu yahay heshiiska is afgarad ee badaha
kenya iyo somaliya, xildhibaanada qaar ayaa laga dareemayey sida ay uga xun
yihiin heshiiska badaha ee lagu macneeyey is afraga waxaana la isla meel dhigay
in uu dhamaantiis ahaa mid ay ku khaldantahay dowlada KMG Somaliyeed, waxaana si
cad loo tilmaamay in lagu tagri falay oo la lunsaday dhul biyood aad u balaaran
oo ay leeyihiin shacabka Soomaliyeed.
Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa Xildhibaanada fikirkooda ku soo
bandhiga shirka ayaa ka dalbaday xildhinaabda kale in ay ka soo horjeestaan
heshiiskaas wuxuuna farta ku fiiqay in dhulbiyood dhan 38- kun oo isku wareeg
dhinaca badaha ah la lunsaday wuxuuna ka mid ahaa qanyare xildhibaanada ka soo
horjeeday heshiiska is afrad ee dhexmaray somaliya iyo kenya .
Dhanka kale xildhibaan Cumar Max’ed Islow "barlamaanku waa ku fuduudaaday
mooshinkaan waxaana codsanayaa in wasiirkii heshiiska saxiixay barlaamanka la
horkeeno arintaana lagu celiyo golaha wasiirada" wuxuuna aad uga careysnaa
heshiiska iyo sida uu u dhacay intii uusan dhameysan hadalkiisa ayaa lagu oriyey
wuxuuna shegay in aan golaha wasiirada la geynin .
Ugu danbeyntii Afhayeenka golaha Barlamanka Sheekh Aadam Max’ed Nuur (adan
Madoobe) ayaa Mudanayaasha Barlamanka wuxuu hordhigay in ay kala doortaan 3
qodob waxayna kala ahaayeen 1-in ay diidaan heshiiskaasi 2- in gudi loo saaro
heshiiskaasi 3- iyo in dib loo dhigo heshiiskaasi, wuxuuna ku soo afjarmay
kulankii maanta in cod gacan tag ah u qaaday xildhibaanada isaga oo natiijadiina
ku dhawaaqay oo yirina . kulanka oo ay ka soo xadireen 347-xildhibaan waxaana
diiday heshiiska badahaha ee is afgarad 334-xildhibaan halka 9-xildhibaan oo
kaliye ay codsadeen in gudi loo saaro heshiiska sidoo kale 4-xildhibaan ay
dalbadeen in dib loo dhigo.
Dood kulul oo Golaha Baarlamaanka uu ka yeeshay heshiiska
Badda ee dhex maray Kenya iyo Soomaaliya.
(Waa in Xasaanadda laga qaado oo Maxkamad la soo taago
kuwii ka dambeeyey Heshiiskaas)
Maalintii Arbacada ahayd ayaa waxaa Xarunta Gobolka Banaadir ka furmay
Kalfadhigii Baarlamaanka, waxaana halkaasi looga dooday qoraal ay soo gudbiyeen
Dowladda uu Madaxda ka yahay Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, kaas oo la doonayey
in ay Golaha Baarlamaanka ay ansixiyaan.
Markii la soo hordhigay Baarlamaanka arrintaasi ayaa waxaa markiiba is
diiwaangeliyey ilaa iyo 30 xildhibaan kuwaas oo 18 ka mid ah ay markiiba
dhiibteen doodoodii ku aadaneed heshiiskii Badda. Xildhibaanada Baarlamaanka ee
halkaasi ka dooday waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax oo yiri
“Waagii Heshiiska uu dhacay ayaa Wasiirkii saxiixay waxa uu yiri ‘arrintaan
baarlamaanka wax ugama jiraan’,waa yaabee Abooraa Dudun dhisay,Dhulkii baa qaar
Darfaha la goostey ma baddii baa loogu darayaa marka anigu waxaan leeyahay uma
baahna in laga doodo oo xildhibaanada la daaliyo, hadalkeygana waxaana ku soo
gunaanadayaa hal mar aan dhahno heshiiskaas waxba kama jiraan”, Xildhibaan
Salaad Cali Jeele oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Anigu waxaan soo
jeedinayaa in raga aqoonta u leh sida Gen. Faarax Qare lagu wareejiyo kana soo
diyaariyaan heshiiskaasi warbixin si aan u helno macluumaad dheeraad ah”, waxaa
kale oo ka mid ahaa xildhibaanadii doodooda dhiibtay Xildhibaan C/rashiid Aadan
oo isna yiri “Kenya dhul baa nooga maqan, maanta ma ahan in la yiraahdo
Baddeenii nagala xaajoo, waxaana Baarlamaanka u soo jeedinayaa in ay arrintaasi
ka hortagaan oo diidaan in heshiiskaasi uu dhaqangalo”.
Saddex ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyana waxay soo jeediyeen in
raggii ka dambeeyey heshiiskaasi maxkamad la soo taago, waxayna tusaale u soo
qaateen, hadda ka hor ayaa wasiir ka tirsanaan jiray dowladdii rayidka ee
lixdameeyaddii heshiis aysan ka warqabin baarlamaanka waxa uu la siixday
Dowladda Itoobiya, wasiirkaas markii uu soo laabtay xabsiga ayaa la dhigay
waxaana markii dambe soo daayey Max’ed Siyaad Barre, xildhibaano kale ayaa iyana
waxa ay sheegeen in aysan ansax noqoneyn in dowlad saddex bilood jirta ay
heshiis la gasho dowlad kale, walibana laga heshiiyo arrimaha badda ee
Soomaaliya.
“Heshiiskaas waxa uu dhigayaa in Jasiirado ku dhow Gobolka J/hoose ay la
wareegeyso Dowladda Kenya, marka waa in aan si taxader leh oo feejignaan ku
jirto aan uga hortagnaa, waayo carruurteena dambe yaanan u horseedin aayo xumo”
ayay yiraahdeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka.
Shirkaan oo uu shirgudoomainayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Max’ed Nuur
(Sheekh Aadan Madoobe) ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada waxay aad uga caroodeen
in nuqulka ay dowladdu soo gudbisay uu yahay midkii ay iyadu saxiixday oo
Afsoomaali ku qoran, balse loo baahnaa inay soo gudbiso midkii ingiriiska ku
qornaa ee Dowladda Kenaya saxiixday si laysku barbardhigo midka Af-Soomaaliga ah
iyo midka kale, iyagoo sheegay in ay dareemayaan in wax la qarinayo, waxayan
Xildhibaanada qaarkood u mahadceliyeen dadkii Soomaaliyeed ee isku taxlujiyey in
ay qoraalo ka sameeyaan heshiiskaas iyo waxa uu keeni laro, maanta ayaana lagu
wadaa in dib la isugu soo laabto kullankii Baarlamaanka si loo dhageysto.