SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 DAREENKA DADWEYNAHA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Dareenka Dadweynaha iyo Toddobaadkan

 
mohamud.jpg (11221 bytes)WD. Maxamuud Yuusuf Garre

Yusuf22@lycos.com 

March 17, 2003    

Qodobada Toddobaadkan:

  • Cabdiqaasim Madaxweyne Debeda Ku Magac Roon
  • Meeye Ciidankii Qaranka Soomaaliyeed?
  • Morgan Kama Quusto Kismaayo    

Moorgan Kama Quusto Kismaayo

Waxaa beryahan soo baxayey warar sheegaya in Gen. Morgan ku jiro abaabul dagaal uu doonayo inuu dib ugu qabsado magaalada Kismaayo. Jeneraalka ayaa magaaladaas  gacanta ku hayey mudo dheer walow ay jireen dhowr goor oo horay looga qabsaday mudana laga haystay.

Jeneraalka oo mudaba qaxooti ku ahaa magaalooyin kala duwan oo ay kamid yihiin Baydhabo, Garowe iyo Boosaaso ayaa xaqiiqsaday in meesha keliya ee uu magaca iyo maamuuska ku yeelan karo ay tahay magaaladii uu mudada ka talinayey ee Kismaayo.

Morgan wax soo dhoweyn ah kama uusan helin shirka ka soconaya Kenya halka Barre Hiiraale oo ah ninka iminka ka taliya Kismaayo yahay nin soo dhoweyn wanaagsan ka helay shirka isla markaana ku gorgortama gobolka uu gacanta ku hayo ee Jubada Hoose.

Morgan ayaa isaga tegey Shirka Kenya bibna u bilaabay abaabul dagaal, isagoo taageero ka haysta Col. Cabdullaahi Yusuf. Jeneraalka ayaa doonaya inuu dib u qabsado magaalada Kismaayo kahor inta aan lasoo gabagabeyn shirka ka soconaya Nairobi si markaa uu gorgortan ugu galo gacan ku haynta gobolka Jubada Hoose kadibna uu jago uga helo Dowlad La Sheegay iney kasoo bixi doonto Shirka Ka soconaya Nairobi.

Hadaba dad badan ayaa qaba in Morgan aanu marna ka quusaneyn dib u qabsashada Kismaayo, balse inuu ku guuleysto qorshahiisan la arki doone.

Meeye Ciidankii Qaranka Soomaaliyeed?

Waxaa beryahanba soo baxayey warar sheegayey in ciidamo Itoobiyaan ah laso dhoobay xuduuda Soomaaliya taasoo argagax ku noqotay guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed marka laga reebo hogaamiye-kooxeedyo dhowr ah oo ka amar qaata Adis Ababa.

Hadaba DKMG ayaa sheegtay iney heegan gelisey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed si ay u difaacaan weerar laga yaabo inuu ka yimaado cadawga Itoobiya. Ma xuma in heegan la geliyo ciidamada Qarankeena balse su'aashu waxey tahay ma jiraa Ciidan Qaran Soomaaliyeed oo dhisan.? 

Jawaabta su'aashaasi waa mid aan cidna ka qarsooneyn  waana MAYA, balse taliska naf la caariga ee Itoobiya oo aqoon u leh umada Soomaaliyeed ayaan ku deg degi doonin weerar ay kusoo qaadaan gudaha Soomaaliya, waayo goorey noqotaba waxaa hubaal ah in la heli doono Qaran Soomaaliyeed leh Dowlad iyo ciidan kaasoo la xisaabtami doono falalka argagixisanimo ee ay dowlada Adis Ababa kula kacday shacabka Soomaaliyeed intii aaney dowladu ka jirin dhulka Soomaaliyeed.

Madaxda DKMG ayaad moodaa kuwo riyo ku jira isla markaana marin habaabinaya beesha caalamka maadaama ay sheegayaan jiritaanka Ciidan Qaran Soomaaliyeed.

Cabdiqaasim Madaxweyne Debeda Ku Magac Roon

Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan oo ah Madaxweynaha DKMG ayaa dhowrkii Todobaad ee lasoo dhaafay ka qeyb galay shirar badan oo ay kamid ahaayeen shirkii Ururka Islaamka, Kii Jaamacada Carabta, Kii Afrikaanka, kii wadamada siyaasadoodu dhex dhexaadka tahay ee ka dhacay magaalada Kuala Lumbur ee wadanka Malaysia  iyo shirkii wadamada Saaxil iyo Saxaraha ee Todobadkan lagu soo geba gebeeyey dalka Niger.

Cabdiqaasim ayaa sidoo kale socdaalo ku kala bixiyey wadamo ay kamid yihiin Senegaal, Qatar, Masar, Sacuudiga, Liibiya iyo wadanka Kuwait oo uu iminka booqasho ku marayo. Dhamaan dalalka uu socdaalka ku tegey ayaa si diiran usoo dhoweeyey Cabdiqaasim iyagoo dhamaantood balan qaaday iney dadaal ka geysan donaan xal u helida dhibaatada ka taagan Soomaaliya.

Hadaba Cabdiqaasim ayaad moodaa Madaxweyne Soomaaliyeed oo laga aqoonsan yahay debeda balse aan laga aqoonsaneyn gudaha Soomaaliya maadaama aysan jirin meel uu ka taliyo ama cid ka amar qaadata marka lagu daro ilaaladiisa gaarka ah oo markii ay doonaan rasaas ku fura aqalka Madaxweynaha.

Waa ayaan daro in Cabdiqaasim ka qeyb galo shirar lagu xalinayo dhibaatooyinka dunida isagoo aan xal u hayn dhibaatada wadanka uu  magaciisa huwan yahay.

I  I  D  H  E  H

QORMADII TODDOBAADKII HORE WAXAA KAMID AHAA:
Sahanka Somaliland ee Sool iyo Sanaag iyo Saadaasha Dadweynaha
Cabdiqaasim Waa Caqabada Shirka Dib u Heshiisiinta
Cabdullaahi Yusuf oo Caadeystay "Car Yaa Hadla"
Xaaji Muuse Xabada Jooji
GUJI HALKAN...

WD. Mohamud Yusuf Garre
Yusuf22@lycos.com 

AFEEF: Qoraaladan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk.com.

XUSUUSO CINWAANKA QORAALKA..... WIXII JAWAAB AHNA KU HAGAAJI QORAAGA.... 

FAAFIN: SOMALITALK.COM

QORAALADII HORE EE MAXAMUUD Y. GARRE:
  AKHRI HALKAN iyo HALKAN


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

WARARKA UK
Britain oo Soo saaray Sharci Cusub 
London: waa sharci ay UK ku xadideyso xuquuqda Qaxootiga soo gala Wadankeeda  .. GUJI 13/1