Qormadii hore
waxaan kaga
hadlay Taarikhda
dadka
Soomaaliyeed iyo
nolosha
barlamaan, iyo
marxaladihii ay
soo martay, laga
soo bilaabo
1951kii markii
UNto ku
wareejisay
Talyaaniga
maamlka Somalia
iyada uu dusha
ka ilaalnayo
Guddi WISAAYO,
oo UNka wakiil
ka ah kana
koobna dalalka
Masar, Colombia
iyo Filipine.
Waqtigaas oo la
dhisay Golihii
Teritorial
Consul, oo ahaa
mid la soo
magcaabay,
awooddiisuna ku
ekayd talo bixin
Waxaan soo
sheegay Golihii
ku xigay ee ahaa:
Legislative
Assemably ee
1956, kaas oo
ahaa kii ugu
horeeyay ku
yimaada doorosho
guud oo dalka oo
dhan laga
qabanqaabiyay,
wuxuuna lahaa
awood buuxda oo
sharci dejineed.
Doorashadii taas
ku sii xigtay ee
1959kii, waxaa
lagu soo dhisay
Barlammanii
qaranka (
National
assembly )
Golihii ka
dhashay waa kii
ansixisay
madax-banaanidii
Somalia Luuliyo
1960 kii iyo
Dastuurkii
Qaranka 1961.
Waxaa ugu
danbeeyay nolol
Barlamaaneedkii
Somaalida,
golihii la soo
doortay 1969 kii
waana kii uu
inqlaabay
M.S.barre isla
sannadkaas.
Qormada maanta
waxaan ku
ballamiyay
akhristayaasha,
in aan ku soo
qaadnno
barlamaanka
sannadkii hore
dhamaadkiisii
lagu dhisay
magaalada
Nairobi,
hase-yeesho eh,
way ila
qummanaan-wayday,
in aan ka
tallabsado ama
ka dul-boodo 20
sano ka mid ah
cimriga iyo
taarikhda
Somaalida.
Sida la ogyahay,
mararka qaarkood,
waxaa ku
xukumaya
Mawduuca ee
adugu ma xukumi
kartid. Taas aya
khasab iiga
dhigtay in aan
maanta
qormadeena ku
soo bandhigno
Nidaamka
kacaanka iyo
habkii
sharci-dejinta
ee ka jiray
waddanka intii
uu nidaamkaasi
maamulka dalka
hayay,
NOLASHA
BARLAMAAN IYO
KACAANKA.
Qaybtaan oo ah
muddadii u
dhaxausay
Inqilaabkii
MILITARY ee
xukanka dalka
qabsaday
1969-1991, dadka
qaarba magaca ay
jecelyiihiin bay
ugu yeeraan,
Sida Xukunkii
Askarta,
Kacaanka ama
Nidaamkii
Hantiwadaagga
iyo xukunkii
M.S. Bare.
Waxaan qabaa in
uusan
magaca.bixinto,
aysan macna-wayn
la hayn, ee waxa
macnaha keenayaa
yahay Nuxurka ka
dhashay magaca.
Waxaase la isku
waafaqsanyahay
in ay tahay
marxaladdii
Nidaamkii
S.Barre , magac
iyo astaana
iyada ayaan u
qaadanayaa.
Labaatankii sano
ee nadaamkani
dalka maamulayay,
waxaa caddan ah
in aan la
filayninin in uu
dhasho, wax
Barlamaan lagu
magaccabi karo,
oo waxayba ka
soo horjeedaa
Dabeecadda
nidaamka dalka
laga dhisay, oo
ahaa XUKUN
ASKAREED.
Wuxuuna ahaa
hal nooc oo
keli-talis ah amse
hal marxalad oo
laba magac loogu
kale yeeray,
balse waxaan
oran karnaa
halkii magac ayaa
laba loo sii
bxiyay.
Muddadan
kacaanka waxaan
u arkaa in aysan
wax-badan innaga
qaadanhaynin,
haddu yahay waxa
lag hadlayaa
Barlamaan iyo
noloshiis.
Inkasta oo hal
marxalad lagu
magacaabi karo,
haddana waxaan u
kala qaadayaa
seddex marxalood
oo uu soo maray
Nadaamkii
S.Barre, kuwaas
oo aan midba si
kooban u eegi
doonno. waana:
1- GOLAHA SARE
EE KACAANKA:
Markii ciidamadu
inqilaabka ku
rideen Dawladdii
la doortay
Oktoobar
1969kii, waxay
dhiseen Golihii
Sare ee Kacaanka
, oo ka koobnaa
25 sarkaal, oo
isgu jira 20
Xoogga dalka ah
iyo 5 Poliska
ah, oo madax uu
u noqday M.S.
Barre oo markaa
ahaa Taliyaha
Xoogga dalka
Soomaaliyeed.
Golahaasi wuxuu
la wareegay
Awooddii Dalka
oo idil, tii
Sharci-dejinta,
( Barlamaan) tii
Fulinta (
Xukuumadd) iyo
tii garsoorka.
Waxaa kale oo ka
mid ahaa
tallaabooyinkii
ugu horeeyay uu
golahaasi ku
dhaqaaqay kala
diriddii
Barlamaankii la
soo doortay,
baabi’intii
Dastuurkii
Qaranka 1961 kii,
Mamnuuciddii
dhammaan
Axsaabtii
siyaasadeed, iyo
ururadii
madaniga ahaa ee
ka jiray
waddanka.
Mar haaddii
Awooddi oo dhan
ay ku ururtay
hal hay’ad oo
waliba askar ah,
waxaa Soomaliya
u bilaabatay
cahdi
Dektaatooriyad,
oo la mid ah
kuwii ka jiray
meelo kale oo
addunka ka
tirsan siiba
Laatiin America,
bariga dhexe iyo
africa.
Billawgii
Kacaanka waxuu
lahaa golaha
Sare awood
wadaag, wax lagu
timaami karo,
laakiin sannad
ka dibba
awoodaas waxay
ku ururtay
gacant
Madax-waynihiisii
M.S.Baree,
golihiina waxaa
u soo haray
magac qur ah. Waqtigaas
meeshaba ma
oollin wax
barlamaan iyo
noloshiisa ah oo
aan ka haddalla
2- XISBIGA
HANTI-WADAAGGA
KACAANKA S.
1976 dii waxaa
la asaasay
Xisbiga
Hanti-wadaagga
Kacanka
Soomaaliyeed.
Waxaana ka soo
qayb-gelay
shir-waynihii
lagu asaasay
xisbiga 3000 qof
oo la isugu
geeyay meel Xero
ciidan ah.
Dadkaas waxa
baddi laga soo
xulay,
degmooyinka
Dalka, xaafadaha
magaalooyinka
iyo hay’adaha
dawladda
meelihii lagu
magacaabi jiray
Xarumaha
Hanuuninta iyo
ururada balshada.
Dadkaas
intooda badan
waxay ahaayeen,
dad aan aqoon la
hayn, oon waxna
qorin waxna
akhriyin.
Waxaana shirkaa
asaasidda
Xisbiga lagu
magacaabay
Gole-dhexe oo ka
kooban 42 qof,
oo bar ka mid
ahi yihiin
golihii sare ee
kacaanka, inta
kalana
wasiiradii
markaa jiray iyo
saraakiil
ciidamada laga
keenay. Waxaa
lagu soo daray
tiro yar oo la
keenay Ururadii
Bulshada, sida
ururada
shaqaalaha,
Hawaynka,
Dhallinyarada
iyo
Iskaashatooyinka
Golahaas-dhexe,
wuxuu u doortay
M.S. Baree
Xoghayaha Guud
ee xisbga,
Waxaa la
baabi’iyay
Golihii Sare ee
Kacaanka,
Seddexdii
Awoodood ee
qarank, ayaa mar
labadd loo soo
raray Golaha
Dhexe ee xisbiga
Magac ahaan,
dhab ahaanna
waxay mar kale
loo soo raray
gacanta Xoghayah
Guud. Oo isku
darsaday
jagooyonkii Dalk
ugu sareeyay
dastuuri ahaan
oo kala ah_
1- Xoghayaha
Guud ee XHKS.
2- Madax-waynaha
jumhuuriyadda
3- Ra’iisu-wasaaraha
Xukuumadda.
Xisbiga waxaa
loo dhisay
habkii
Nidaamyada
xisbi-kaliyeedka
ah ee ka jiray
Waddamada
Shuuciga ah (
One Party
system). Oo aan
la ogolayn
xisbi kale iyo
Ra’yi kale oo
siyaasadeed.
Waxaa kale oo la
mamnoocay wax
Organisation ah
nooc kastaba ha
ahaado eh,
haddoosan ahayn
ku Xisbiga ku
xiran ama sidii
loo yaqiin
Baalasha Xisbiga.
Dhamaan ururadii
bulshadana waxaa
si toos ah loo
hoos keenay
Xisbiga oo waxay
u shaqaynayaan
waaxyihiisa oo
kale
Marxaladdana way
iska caddahay
iyadana, inaysan
meeshaba oollin
wax Barlamaan
iyo noloshiis ah
oo laga hadlaa.
3- DAGAALKII
XABASHIDA:
Markii laga
soo noqday
Dagaalkii
1977-1978, ee
soomalida iyo
Xabashida, waxaa
dalka soo
foodsaaray
dhibaatooyin
dhaqaale,
Siyaasadd iyo
Habbiso gudaha
ah.
Xagga dhaqaalaha,
waxa si
xad-dhaaf ah u
batay, deenkii
Dibadda iyo kii
gudaha, waxaa
mesha ka baxay
gabi ahaanba
kaalmadii
dhaqaale iyo
Military ee
Midawga Sofyeeti,
oo ahayd midda
uu run ahaan ku
tiisanyahay
dhaqaalaha dalku.
Waxaa si aad u
kurdhay
kharashkii
ciidamada, waxaa
qiima_jabay
shilinkii
Soomaaliga, oo
intii Dagaalkaa
ka horaysay
ahaan jiray
lacag-adagg,
waxaa ciriiri
gelay
maciishaddii
dad-waynah.
Xagga siyaasadda
waxaa mesha ka
baxay
taageeradii
Sofyeetka oo
ahaa quwadda
Calami ah,
firaaqo ayaa
halkaa ka
dhashay,
quwaddii kale ee
reer-galbeed ma
booxinin
kaalintaa
banaanaatay,
marka laga reebo
diplomaasiyadd
Afka-baarkiisa
ah.
Gudaha Dalka
waxaa bilaamay
guux-dadwayne
iyo caro xagga
ciidanka ku
baahday, Guud
ahaan la liqi
waayay
natiijadii
dagaalka.oo loo
arkayay in
Soomaalidu
military ahaan
guulaysatay,
laakiin siyaasad
ahaan fashashay.
Dareenkaa guud
wuxuu dhaliyay,
isku day
Inqilaabkii 9
abriil 1989kii
ee uu
hogaaminayay
Col. Maxamuud sh.
Osmaan ( CIRO).
Dilkii
toogashada ahaa
ee lagu laayay
Saraakiishii ka
qayb-gashay
Inqilaabkaa,
waxaa ku
burburtay
midnimadii
Xoogga dalka
Soomaaliyeed iyo
tii Qabaa’ilka
Somaaliyeed ee
uu ka
koobanyahay
shacabku.
Dhaawicii soo
gaaray
midnimadii
ciidanka iyo
shacabka, waata
abuurtay
Jabhadaha
qabaa’ilka ku
dhisan, oo
taageero ka
helay Dalkii
Itoopia ee dagaalka
lagu la jiray,
waana tan ay
manta la
dhutinhayso
Umadda
soomaaliyeed.
LABA KACLAYNTII
:
1980kii ,markuu
arkay
dhibaatooyinka
dalka ka jira ee
dhaqaale,
siyaasad. Iyo
bulshu, ayuu
M.S.Bare ku
dhawaaqy waxa uu
ugu yeeray Laba
kaclayn iyo
turxaan-bixin.
Uu sheegay in ay
Kacaankii 21
oktobar, ka
leexisay
jidkiisii,
haddana dib
loogu soo
celinayo.
Waxaase ku ku
dhamaatay
khudbado ayaamo
socday kaddibna
isku demay
4- GOLAHAYAASHA
SHACBIGA:
Waxaa golaha
dhexe eeXHKS,
go’aamiyeen in
la qabto
Doorashin, guud
oo lagu soo
dooranayo:
1- Madaxwne.
2- Barlamaan.
3- Golayaal-Degaan,
Kuwaas oo lagu
tilmaamay in
yihiin
tallaabooyin
lagu
xaqiijijnayo
Diimoqraadiyadda,
isla markaana ay
Ciidamada
qalabka sidaa ku
oofinayaan,
ballan-qaadkoodii
21 Oktoobar 1969
kii ee ahaa in
ay Awoodda dalka
dib-ugu-celin
doonaan shacabka
marku uu u
bislaadu.
Waxaa la qabtay
doorashu,
madaxwanne1981dii,
mana ahyn mid
lagu tilmaami
karo doorasho
Arimahan hoos ku
qoran darteed:
1- Ma jira wax
tartan ah uu
ogolaanayay
nidaamkii
Xisbiga u
dagsanaa, oo
ahaa oo uu yahay
hay’adda kaliya
ee xaq u leh
inay soo
rashaxdo
Madaxwaynaha.
Xisbiguna wuxuu
soo Rashaxay
Xoghayihiisii
Guud M.S. Bare.
2- Hal
musharax hadday
arinto ku
koobantahay lama
dhihi karo wax
baa la kala
dooran, saa
meeshaba lama
ogola in wax la
doorto, waana
tii ay ku sooo
baxday shiribkii
ahaa( Nin dooran
, ay dooro
leeyihii, ya hoy,
way danbaajiha).
3- Waa afti
dadwayne oo dadka
waxaa loo ogolaa
in ku codeeyaan
HA iyo MAYA
midkood.
Natiijadiina
waxay noqotay
sidii lagu
yiqiin
nidaamyada
hal-xisbiyeedka
kali-taliska, oo
ah 99,99
boqolkiiba ,
waana mid la sii
wada ogyahay
inta aan la
qabanin cadaynta.
Haddan wax-yar
ka tilmaanno
golihii shacbiga
ee qaranka(
Barlamaan) iyo
golayaashii
degaannada (
Dawladaha Hoose),
waxaannu
markiiba isha ku
dhufanhaynaa
arimo yaab leh
oo aan weli
adduunka soo
marin , waxayna
ahaa-yeen kuwo
uu soo hindisay
M.S. Bare.
Uma jeedo
arimaha la
xiriira, habka
doorasha iyo si
caddaalad ah ma
dhacday mase
maya? Ee waa
kuwo khuseeya
nuxurka macnaha
wakiilnimada
xubinta
golayaasha,
Waana kuwan
tilmaamahaasi
qaarkood:
1- Golaha
Qaranka oo ka
koobna 150
xildhibaan-magaca
markaas baa la
bixiyay- waa
tiro isku duuban,
oo waddanka oo
dhan wakiil uga
ah si duu-duub
ah, loo ma kala
saarin gobol iyo
degmo. Marka
lama yaqaan
qofka Xamar
wakiilka ka ah,
kan Baydawo,
Kismaayo Saylac…iwm.
2- Waddanka
magalooyinkiisa
, goboladiisa,
iyo
degmooyinkiisa,
lama yaqaanno
tirada
xildhibaan uu
midba leeyahay.
Balse waxaa la
oran karaa midna
waxba ma ma laha.
3- Golayaasha
dagaanka oo
degma kasta loo
qoondeeyay,
degmana kama
xigto demooyinka
kale ee dalka,
oo waxaa looga
codaynayaa dalka
oo dhan .Tusaale
ahaan Golaha
dawladda hoose
ee Zaylac, waxaa
u codeenaya
dadka kismaayo
deggan oo ayna
badankood arkin
Saylac wligood
haddana u socon.
Waa nidaam aan
weli sheekana lagu
maqal.
Falsafadda ka
danbaysay
Fikraddaas waxay
salka ku haysaa
in meesha laga
saaro, in
xubnaha
goliyaasha ay
wakiil ka yihiin
Magaalo, Degmo
ama Gobol. Si
uusan
xildhibaanku u
dareemin in uu
ku soo galay
golaha,
abtirsiinta uu
ku abtisanayo
gobolkaa,
degmadaa ama
magaaladaa. Taas
waxaa lagu
bedaly fikradda
ah, Xubinimada
Golaha waxaa kuu
gartay: ku
abtirsiga
Xisbiga iyo
Xughayihiisa
Guud.
5- AWOODDA
GOLAHA SHACBIGA:
Golahaan oo ka
dhigna barlmaan
wuxuu lahaa,
awood dastuuri
oo ballaaran
marka la eego
xagga Dastuurka
siiba sharci
dejinta iyo
kormeerka
hay’adaha
dawladda. Lakiin
marka laga eego
xagga waqica
dhulka yaal,
wuxuu iska ahaa
Magac-u-yaal.
Waana kan habkii
uu u hawl-gali
jiray :
1- Goluhu
waxuu yeenlan
jiray laba
KAL_FADHI
sannadkii, oo
middiiba yahay
Saddex casho.
Xubnihiiso waxay
ahaayeen dad
Mas’uuliin ka
aha hay’adaha
kala duwan ee
dawladda,
wasiiro. Xubno
golaha dhexe ee
Xisbiga,
sarakiil ciidan.
Hawl-wadeenno
dawladeed ,
madax ururo
bolsho … iwm.
Xubin kastaa
wuxuu mashquul
ku yahay
hawshiisii
caadiga ahyd, ee
mushaharka uu ku
qaato, tan
goluhuna waxay
ahayd iska
sharaf iyo magac
qur ah..
2- Goluho
waxuu lahaa waxa
lagu yiraaho
GUDDIGA JOOGTADA
ah, oo ka kooban
ilaa 18 qof , oo
ay ku jiraan
Goddoonka iyo
xoghaynta. Wixii
sharciyo ah
guddigaan ayaa
loo soo gudbiyaa,
isagaana waafaqa
oo golilhii
wakiil ka ah.
3- Kal-fadhiga
marka la isugu
yimaado waxaa la
waafaqaa,
sharciyadii uu
sii ogolaaday
G.Joogtada ah,
muddadii u
dhaxaysay labada
ka-faddhi.
4- Waxaa ka
mid ahaa
rashaxaadda
madaxwaynaha,
laakiin waxaa
hortiis soo
rashixi jiray
G.dhexe ee
xisbiga , wax
dood ahna marna
kama dhicin.ee
waa laga ASIXIN
jiray, tartanna
warkiba daa
5- Xubnaha
goluhu ,
dhammaatood
waxay ahaayeen
mas’uuliin
dawladeed, mana
jirin wax-qabadd
muuqda, oo ay ku
la haayeen
hawlaha golaha,
inta aan ka
ahayn guddiga
joogta ah.
6- Maamulka
kacaanka u lama
jeedin dhismaha
golayaasha
shacbiga, ku
siqid dhinaca
diimoqradiyadda,
ee waxay ka
ahayd buuxin
kaalin ka
bannaan qayb
wayn oo ka mid
ah qaybaha
Hay’adaha qaranka
iyo ku dayasho
Nadaamyayadii
shuuciga ahaa ee
ku wareegayay
giraanta
Midawgii
Sofyeeti. Kuwaas
oo
barlamaanadoodo
ku ekaayeen
magac iyo
muuqaal,
runtiina aan
lahayn awood
dhab ah oo la
taaban karo.
7- Golihii
shacabku sidaas
buu u ahaa magac
u yaal , ka
maran nuxur
barlamaan, Mana
jirin wax lagu
sheego nolo
barlaman ee
wuxuu iska ahaa
Ansixiye. Ama
waxa loo yiqiin
Rabar-stamp.
Gabagebadii
waxaa oran karaa
waqtigii
Kacaanka ma
jirin barlamaan
iyo noloshiis
waaqica dhulka
yaallay, dadkuna
weligi ma
dareemin
jiritaankooda,
ka mana hadlin
ku mana hadaaqi
jirin.
Taas macnaheedo
ma aha in 20
sano ee Kacaanku
Dalka maamulayay,
aan waxba la
qabanin, mana
jiro qof wax
garannaya oo
taas ku addacoon
karo, waxaanse
ka hadlay oo
kaliya hal
dhinac, oo ahaa
kii inoo soo
taxanaa ee
barlamaan iyo
noloshiis.
Kacaanka waxa
lagu xusuusta
laba arimood oo
iska soo
horjeeda. Tan
hore waa
Dhismaha Dalka,
tan labaadna waa
cadaadinta Dadka.
Labada arimoodba
, waxuu ku
leeyahay
raad-wayn oon
cidina inkiri
karin.Waase labo
arimood oo ka
baxsan
mawduuceenna
maanta.
Barlamaannadii
hore ee awoodda
buuxda lahaa ee
ka jiray dalka
kacaanka ka hor
iyo kii Kacaanka
ee magacu-yaalka
ahaa, labaduba
waxay lahaayeen
DAL IYO DAWLADD.
Waxaa hadda inoo
dhisan Barlamaan
Qaxooti ah, oo
aan Dal iyo
Dawladd midna la
hayn. Waana
Mawduuceena
toddobaadka
danbe, haddii
Alle yiri.