Waa Sidee Xaalada ay ku Sugantahay
Tuuladii Caalamiga ahayd ee Istadio Muqdisho
Garoonka caalamiga ah ee istadio
muqdisho [Stadium Mogadishu] waxaa dhidibada loo tagay oo uu
howl galay dabayaaqadii 70aadkii, waxuna kamid ahaa Garoomada ugu
caalamisan Qaarada africa, istadio muqdisho waxaa ay ka koobneyd
garoomo dhowr ah sida, kan Basketka, laliska, teeniska dheer,
juudoowga iyo karateyga, Hotel aad uqurux badan iyo Garoomo lagu
almiinteeyo.
Mar aan booqday Qeybaha kala duwan
ee garoonka waxaan lakulmay waxyaabo farabadan oo aan aad ula yaabay
sida gaawiri dhowr midab leh oo lagu baranayo wadista Baabuurta,
sidoo kale waxaan gaaray bartamaha Gaaroonka Kubada cagta, waxaa
isheydu qabatay Tarabunkii Quraxda badnaa oo saqafkiisii sare oo
gabi ahaantii dhulka ku soo dhacay, markaasi, waxaan milicsaday
dhinaca Koofureed ee garoonka markiiba waxaan si dhab ah u eegay
muuqaalka saacada Garoonka oo aad u bur bursaneyd hase yeeshee waxaa
taagan oo kaliya qalfoofkeedii waxaana indhaheyga soo jiitay hadal
ku qornaa saacada hoosteeda halku dhig ahaa (DAL DADKIISA AYAA
DHISA).
Intii aan dhex taagnaa garoonka
sidoo kale waxaa ka mid ahaa wax yaabihii aan kala kulmay raxan Ari
ah oo dhex daaqeysa garoonka gaar ahaan goobtii ciyaaryahanadii ugu
cansanaa dalkeena eey ku hardami jireen, markiiba waxaan dareemay
ineey ku adagtahay shaqsi kasta oo yaqaanay heybadii iyo bilicdii uu
lahaa garoonkaasi iney ku adkaaneyso in laga dhaadhiciyo in istadio
Muqdisho ay isku rogtay goob baadiyo ah misne xoolihu ay daaqsin
uraadsadaan kuna foofaan.
Waxaa harqiyay qashin baaxad weyn,
dhir kala duwan oo uu ugu badanyahay geedka loo yaqaano (RABOWGA)
oo ah geed lagu arkayay soomaliya sanadihii ugu danbeeyay.

Suuqa Ganacsiga Muqdisho,
sannadkii 1882
Sawirka: E.Cerulli, Somalia, Scritti Vari Editi ed
Inediti, Vol. 1., Fig. XIV. Istituto Poligrafico dello
Stato, P.V., Rome, 1957 (5)
ISHA:
http://www.swan.ac.uk |
Waxaa dhamaan xididada loo siibay
Tubooyinkii Biyaha iyo xargihii korontada ee garoonka, sidoo kale
albaabadii garoonka barbaa xiran, iyadoo qaar kamida
jaranjarooyinkii laga soo fuulayay garoonka uu dushooda tiintiin
farabadani ka baxay, gees waliba oo garoonka ah waxaa kaaga
muuqanaya burbur baahsan iyo dhaawac xoog leh oo uu ka dhaxlay
sharci daradii ku habsatay dalka.
Waxaan
iyana ka dhicin oo dhinacooda ay ka gartay dhibaatadu hoolalkii waa
weynaa ee Basketka oo mar iyadoo burbursan noqotay Dugsi hoose dhexe
iyo garoonkii kale ee juudoowga iyo karateyga oo sida muuqata isu
rogay qashin qub, waxaa qashin iyo biyo wasaqeysana dhex ceegaagaan
garoonkii Dabaasha oo isna iskii dhaawac u ah.
Garoonka istadio muqdisho waloow uu
ahaa garoon aydhismihiisa gacan kageysatay Dowladii shiinaha isla
markaasina waqti iyo maal fara badan loo huray ayaa iminka aan
heysanin daryeel.
Sikastaba ha ahaatee xal uhelista
iyo dib udhiska garoonka istadio muqdisho waxa ay ka mid tahay
waxyaabaha looga fadhiyo dowlada dhawaan laga rajeynayo xarunta
Nairobi ee wadanka kenya, halkasoo uu kasocdo ku dhawaad laba
sanadood shirka dibu heshiisiinta soomaliyeed
W/Q: Xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com