Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho
Garoonka caalami ah ee
Diyuuraduhu ay ku soo caga dhigan jireen waxaa uu ahaa mid ay
soo caga dhigtaan noocyada kala duwan ee duyuuradaha, markii ay
dagaaladu ka qarxeen Soomaaliya waxaa uu shaqeeyay waxoogaa
sanada ah hase yeeshee masii saconin shaqadiisu, Garoonka oo ku
fadhiya masaafo dheer ayaa xiligaan waxaa uu u muuqdaa mid la
ildaran diiftii dagaalada sokeeye waxaa ka qodmay Boholo waa
weyn, waxaa is dhaafaya Gawaarida loo yaqaano (ISKA ROGA YAASHA)
ku waasi oo mashquul ku ah daadgureynta caradii, jaygii, iyo
dhagaxaantii Garoonka.
Garoonka waxaa uu noqaday mid
kala qeybsan oo lakala heyto, waxaana hada Gacanta ku kala haya
qaar kamid ah ciidamadii Cirka ee Soomaliya oo iyagu halkoodii
ku sugan, ciidamo Boolis ah iyo kuwa Hogaamiye kooxeedka Cumar
finish.
Mar aan lakulmay saddex xarigle
Maxamed Cabdi Maxamuud oo katirsan ciidamada cirka ee xooga
dalka soomaliyeed ayaan weydiiyay xaalka Garoonka iyo in iyagu
ay qaataan qadar lacageed oo gaaraaya 10kun sh.so halkii gaari
ee caro ama dhagaxaan kasoo doonta Garoonka, inkastoo uu iska
fogeeyay eedeemahaasi loo soo jeediyay hadane waxaa uu qiray in
meelo kamida Garoonka laga qaato Baabuurta lacag si loogu raro
carrada iyo jaayga ay doonayaan, wuxuuna intaas ku daray in
goobta ay joogaan ay wanaagsantahay gaar ahaana waddada RUN-WAY-ga
Milatariga oo uu sheegay inay Badqabto.
Gegida Diyaaraha ee Muqdisho
waxaa hareeraheeda camiray Qubuuro aad u farabadan iyo
dhismayaal cusub, taasoo laga yaabo in mustaqbal dhaw iyo midka
fogba uu isu rogo bartamaha Garoonka meel deegaan ah oo dad
farabadani ay ku hoydaan kana soo shaqa tagaan subax waliba.
Inkastoo ay adagtahay in
sharaxaad Guud laga bixiyo xalada guud ee garoonka hadana waa
meel u muuqaal eg Goob bari hore laga hayaamay, waayo waxaa dul
heehaabaya dabeylo xoogan oo wata boor iyo habaas farabadan,
waxaan kamaraneyn qashin meel waliba iska yaala ee aan cidina ka
qaadin.
Sikastaba ha ahaatee Garoonka
ayaa ah Goobaha muhiimka u ah adeeg yada kala duwan ee Bulshada,
iyadoo hase yeeshee laga filayo Dowlada lasoo dhisayo ee
soomaiyeed ineey wax weyn ka qabato dibu dhiska iyo dayactirka
Garoonka bacdamaa uu halbowle u yahay isgaarsiinta soomaliya.