SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd.
  • Arrintan hadii aan hadda laga hadlin, intii ka dambaysayna aan sharciga la marsiinin, wax badan ayey soo noqon doontaa...

Canab Mumtaz
Somalitalk | Nairobi

Dhib ka wayn ma jiro in qofka meel looga dhaco sumacadiisa lagulana kaco wax dhaawaci kara maskaxdiisa iyo muuqaalkiisaba waana mid ay taasi diinta islaamka horay wax badan uga hadashay kuna qeexan qodobada lagu sheego in ay yihiin xuquuqda caamka ah ee Aadaha balse laga soo qaatay xadaarada islaamka oo meel sare gaarsiisay qofka inaanka ah noloshiis, caafimaadkiisa iyo karaamadiisaba.

Xuseen Dalmar Ismaaciil oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa oo ka Warbixiyay Xaalaad Sasam... Guji...

SamSam dhibka soo gaaray maahan mid kaligeed ku kooban waa mid  ay dad badani aad u naxaan marka ay ka aqriyaan sadarada naxdinta wada  ee ka hadlaya inantaas yar ee ku saabsan xaaladeeda caafimaad iyo meel ka dhaca wayn ee lagula kacay, waana mid ay la wada qaybsanayaan gaar ahaan gabdhaha yar yar ee samsam asaageed ah, shaqsiyan marka aan aqriyo waxaan dareemaa naxdin iyo walwal ah in arrintan hadii aan hadda laga hadlin intii ka dambaysayna aan sharciga la marsiinin ay wax badan soo noqon doonto, waana wax laga xumaado in mas'uuliyiinta inta sheeganaya ay dhaawacaan bulshada kuwooda ugu nugul.

 
Waa cadawtooyo tii ugu waynayd oo aadane lagula kaco in gabadhaas yar loo adeegsado askar siday doonaana ay ka yeelaan, xitaa waxa la yaab leh sida looga waayay mid yiraahda aan gabadhan xitaa  baarno oo si dagan wax u waydiino, maxaa isku wada dareen ka dhigay waa mid aan inta badan iswaydiiyo sida ay ku dhacday in dad kala figarad ahi ay hal mar kuwada kacaan arrintan oo xitaa ay dad badan ila qabi karaan.
 
Xaaladda caafimaad ee SamSam waa mid aad u xun, waxaana ka sii daran in inantaas ay qabto xanuun ka gaaray maskaxda kaas oo wax u dhimi karaa xitaa nolosheeda dambe sida ku cad qoraal ka soo gaaray SOMALITALK Askari ka mid ahaa kuwii samsam ku hayay xabsiga.
 
Soomaalidu waxay lahayd wax loo yaqaano xeerka biri ma geydo! waxaana reebanaa in la dilo haweenka, caruurta, waayeelka, Ergada iyo culumada....
Dhaqan ahaan Soomaalida wax badan oo ay ka xishoon jirtay ayaa noqday kuwo la iloobay, daaqadana ka sii baxaya, tusaale ahaan soomaalidu waxay lahayd wax loo yaqaano xeerka biri ma geydo! waxaana reebanaa in la dilo haweenka, caruurta, waayeelka, Ergada iyo culumada, laakiin xiligan iskaba daa dhaqan ee waxaaba macquul ah in dad badani diin ahaan ay yihiin kuwo sheegta Islaam hadana dhaqankoodu uu yahay mid aan waafaqsanayn sinaba sharciga islaamka hadana ku qanacsan in ay yihiin dad u haysta diinta islaamka sida ay tahay.
 
SamSam Axmad Ducaale waxa ku dhacay waa tijaabo bilow u ah mujtamaca oo dhan, waana mid ay dareemi karaan inta leh maskaxda caafimaadka qabta caqligana kaashanaya, iyagoo ka damqanaya hadii ay awoodi lahaayeen ama heli  lahaayeen wado ay ku abaal mariyaan kuwa ka dambeeyay dambigan ay la beegsan lahaayeen sharciga laakiin maalin maalmaha ka mid ah la sugaya in la helo nidaam guud oo soo celiya sharciga.
 
Sharciga hadduusan ahayn mid ka sareeya qofka maahan mid wax soo kordhinaya xalna keeni kara, maanta waxaa muuqata in meelaha qaar in qofka ka sareeya sharciga, waxa dhaqan galayana uu noqdo kaliya qofka hadalkiisa siduu rabana hadba u meel mariya arrintana waa midda keentay in meelo badan oo dalka soomaaliya ka mid ah la iska banaysto waxyaabo badan oo meel ka dhac ah,kuwo aan lahayn maamulka xitaa maahan kuwo waxyaabaha qaar ku dhaqma.
 
Hadalkii uu taliyaha Booliska Somaliland u sheegay Yuusuf Garaad ee ku saabsanaa Samsam ka Dhegeyso Halkan ama dhageyso halkan
Mas'uuliyiinta Somaliland oo ay gabadhan u gacan gashay markii hore marka laga reebo madaxweyne ku xigeenka oo dhibkan dhan madaxiisa ku yimid maxaa hadal u diiday madaxda kale oo ugu horeeyo  inanta abtigeed oo ahaa mas'uulkii ay u socotay, isaga dartiisna ay waxan ugu dhaceen ,mase waa isku wada figrad oo waxay ka aaminsan yihiin in gabadhu miinaysnayd oo shirqool ahayd sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
 
Arrintan meeshii ay doonto oo Soomaaliya ka mid ahba haka dhacdee waa arrin aad u fool xun ahna gaf wayn oo meel looga dhacay samsam oo runtii saamayn wayn ku yeelanaysa dhamaan dadka oo dhan, waxaana muhiima ah in madaxda ay dhowraan muwaadinka ay u taliyaan taas oo hadii wax walba loo qaadan lahaa sida ay yihiin xadgudub uusan jireen haba yareedee.
 

Samsam Axmed Ducaale iyo Hargaysa
Waxaa banaan inaad baarto si taxadar leh cidaad ka shakiso mana ahan wax dhib keenaya in la baaro qofka waana mid ka jirta caalamka oo dhan, laakiin waxaa reeban in qofka xad gudub qalalan iyo sabab la'aan loo weerarro dhib wayna loo gaysto, mar hadii aan waxba lagu arkin, waana sida ugu saxsan ee lagu badbaadi karo sharcigana uu kala saari karo muwaaadinka iyo madaxdiisa.
 
Ugu dambayn waxaan qoraalkan yar ugu talagalnay in ay bulshadeena ogaadaan in dhib walba oo muwaadin ka mid ah shacabka lagula kaco sabab la'aan uu yahay mid tijaabo u wada ah oo mar uun qabsan doono dhamaantood, arrintana aysan ahayn mid ku kooban samsam ee ay tahay mid caam ah oo bulshada wada saamayn karta hadii aan hadda laga hadlin sharcigana la marsiinin inta ka dambaysay, laakiin hadii laga gambado dambiilayaasha waxaa marag ma doonto ah in uu badanayo dambiga iyo xadgudubka isagoo gaari doona heer aan wax laga qaban karin oo uu dhaqan ahaan iska hir galo.
 
Waxaa kale oo reeban in dadka qaar aysan u arkin in qoralkan aan ugu tala galnay inaan qof ku xumayno, dabcan madaxweyne ku xigeenku falkan ficil ahaan uma gaysan ku dhacay samsam laakiin waxaa cad in uu lahaa sababteeda waxayna mudan tahay in laga hadlo iyadoo aan cidna looga haybasan dambiguu qof galay kuna cad in la daboolo waana mid si muuqata ay uwada dareensan yihiin bulshada soomaaliyeed aadna uga xishooda, waaba askarigii lagu baxsan lahaa marka ay waxyaabahan oo kale yimadaan in ay bulshada badbaadiyaan!.

mahadsanidin

Canab Mumtaz
Somalitalk | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2004

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji Nov18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Eeg Sawirka oo Weyn: Caddeynta Warqadda Dhalashada

Eeg Sawirka oo Weyn: Warqadda Sugitaanka:


XAD-GUDUBYADA KA DHACA SOOMAALIYA::

GALKACYO OO NIN LAGU GOWRACAY [Nov 13, 2004]

Maxamed Dheere vs Xijaabka [March 28, 2004]

xasuuqii Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali [Feb 10, 2004  ]Dad Mooryaanta ka daran!  [June 28, 2004  ]

XASUUQII XEEBTA JASIIRA :: MUQDISHO [Oct 11, 2003]

Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali [Sept 9, 2003 ]

Kufsi iyo isbaaro! [Aug 26, 2003

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho  [Agoosto 6, 2002 ]

Baaqii Amnesty International oo Af-Soomaali Loo Rogey [7 November 2002 ]

DHIBAATOOYINKA XILIGAN COLAAADAHA SOO GAADHAY DADKA REER BANAADIRIGA AH [Dec 3, 2002]

Dilkii Suldaan Hurre [8/17/02]



HTML CD