Samsam oo Madax Furasho
Loogu Haysto Danbiga Laga Galay
»»
Waxaa aad isu burinaya Hadalka Madaxwayne ku xigeeka, Xukunka Maxkamada iyo
waraaqaha waxa ku qoran.
»»
Axmed Siciid Cige oo aad u weeraray Qolyaha Xuquuqul Insaanka Hargaysa.
- Kufsiga oo La Duudsiyey iyo
Basaasnimada oo aan Cadeyn Loo Hayn, Waxaana meesha kabaxay xuquuqdii ay lahayd
gabadha da'da yar ee agoonta ah, Samsam Axmed Ducaale.
Waxaa
wax lala yaabo ah in Samsam uxiran tahay dembiga laga galay
daraadiis, looguna xukumay xukunka
aan cid kastoo maqasha aysan wali garaysan, sabab tuna ay tahay "Kor
waayeel waa wada indho" umada Soomaaliyeed waxaa kujira sharci
yaqaan iyo cuqaal miiran, waxaa kaloo iyana aan meesha ka marnayn in
qofka hadlaya hadalkiisa la dhagaysanayo lana fahmayo dulucda
hadalka, hadaba bal aan aragno hadalka uu markii ugu horaysay uu
Saxaafada Siiyey Madaxweyne ku-xigeenka iyo nuxurkiisa, waxaase aad
loola yaabay sida Axmed Siciid Cige oo wariye u ah BBC-DA Af-ka
Soomaaliga siduu ugu xaglinayey dhinaca Yaasiin aadna uu u
weerarayey Xuquuqul Insaanka gudaha.
Marka ugu horaysa hadalku wuxuu isugu
biyo shubanayey hanjabaad iyo dhaar lala beeg sanayo qolyaha Xuquuq
Insaanka Reer Hargaysa iyo fashilaad xukunkii Maxkamada inuusan sax
ahayn Samsamna lasiidayn doono si xeer jajab ah.
Hadalkii Yaasiin qaybo ka mida
anagoo sookoobnay;
- Wuxuu sheegay inuu arinta hada
uga hadlayo maadaama xukun dhacay
- Xuquuqul insaanku daraf kaliya
ayey howsha ka wadeen oo ka tooc sanayeen
- Xuquuq Insaanku waa cadowga
SL, waxaana ku cadaynayaa waxay sheegeen waxaan jirin,
kufisi iyo jirdil
- Waan is arki doonaa xukuumad
ahaan inan yarna noo xiraanmayso, cidii soo istic maashayna waan
daba soconaa kana hari mayno!.
- Kaasi waa shaqsi dibada iyo
gudahaba waa joogaan
- Isbahaysiga laftooda iyagaa
buunbuuniyey kana hordhacay waxaan xaqiiqadiisa lagaarin,
waxayna dhaheen waa la kufsaday, waana la jirdilay.
-
Bishii Novermber
14-kii, 2004, xildhibaan Golaha Guurtida ka tirsan,
saddex masuul oo isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda oo
uu ku jiro agaasimaha fulinta
Samotalis,
|
Waxaan leenahay markii arinkan soo
afjarmo, cidii heerkan gaar siisay waxaan u yeelanaynaa fiiro
gaara.
- Waytimid guriga waana lagaran
waayey hooyaday baa loo geeyey way garan wayday, waxaa loo
geeyey ninaan isku magac nahay, wuu garan waayey, dabadeena
Caaqilka reerka ayaa loo geeyey, Chief Caaqil Cismaan Xuseen
Xirsi, isna walaal kiis buu ugeeyey halkaas baa laga xiray.
- Waxaa iigu wardanbaysay
markaan iri u geeya ninkaan isku magaca nahay, waxaana ii xigtay
waa la kufsaday, waxaana amray in lasoo baaro dhaqaatiirtiina
waxay caday say inaanay waxba qabin.
Waxaan fiirinaynaa ama is
dultaagaynaa hadalka Madaxwayne Kuxigeenka, kadibna akhristayaasha
ayaan u daynaynaa xukunkeeda.
- Marka ugu horaysa wuxuu
sheegay inuu arinta garsoorka u daynayey, oo uusan doonayn inuu
dhex galo, isla su'aal kalana wuxuu ku sheegay inaan inan yar u
xiraan doonin oo la sii daynayo, hadaba halkaas waxaa cad
isburin wayn waayo ilaa hada maxkamadii xukuntay gabadha lagama
hayo inay xukunkeedii ka noqotay, ama uu qalad ahaa, hadaba
miyeysan ahayn fara galin garsoor?.
- Hadalkiisii ahaa Xuquuqul
Insaanku howsha hal dhinac ayey ka wadeen, waxaana lawada
soconaa inay u tageen Maamulka SL lana hadleen, gabadhana u
qabteen Qareeno ilaa aakhirkii la xiray,
markii kuwii gudaha dhag jalaq loo
siin waayeyna ay Baaq Caalami ah ka soo
saareen, hadaba taasi miyeysan ahayn hadal la iska yiri?.
-
Qodobkan odaygu wuxuu ku cadeeyey
cidii ka fikir duwan haba u dhasheen SL inay yihiin cadowga SL,
sababtoo ah maxay xaqiiqada u qarin waayeen oo arinta u sheeli
waayeen soo laguma haysto?.
- Su'aashan Yaasiin wuxuu ku
cadeeyey inay ceeb ku tahay dad maamul sheegayana oo walibana
caalamka ka gadaya inay Soomaali ka go'i karaan inay ceeb ku
tahay inay gabar yar xirtaan ilaa xad kaasna isla gaaraan,
taasise miyeysan lagud boonan inay gartaan mar hore? "ilayn talo
isuma kaa sheegto", wuxuu kaloo cadeeyey gabadha da'deeda
yaraanteeda oo hada ka hor
taliyihii uu'udiray ka been sheegay, hadaba akhristoow soo
nooma cada in shacabka reer SL ubaahan yihiin gurmad, goosashana
ha iga hadho.
- Wuxuu kaloo sheegay in gabadha
la soo isticmaalay ciddii soo dirsatayna ay ku raad joogaan,
markii la yiri ma ninkii reer Boosaasaana, wuxuu ku jawaabay
arintu intaa ka weyn ninkaasina waa shakhsi, ee waa qaar jooga
dibada iyo gudahaba, hadaba waxaa is waydiin leh ma SL
dhexdeedaa arintii ku soo noqotay waxay socotaba, waa'ayo se
cidda loo jeedo dibad iyo gudaba?.
- Wuxuu kaloo eedayn dusha kaga
tuuray Isbahaysiga cadaalada iyo nabada
SL oo Yaasiin ku eedeeyey inay howsha ka hor dhaceen,
sameeyeena waxaan loo baahnayn ayna sugaan inta xeero iyo fan
dhaal kala dhacayaan, markay arintu dhamaatana ay ka hadlaan,
hadaba akhristoow maxay ka yihiin Xuquuqul insaan haday sugayaan
markay arintu dhamaato, miyeysan kuula muuqan arintu maxaad SL-ta
cusub ee uu MK kayahay Yaasiin uga mid noqon wayday?.
- Wuxuu aad ugu han-jabay uguna
dhaartay Qolyaha Xuquuqul Insaanka Gudaha, illaa kuwa dibada ama
Caalamiga ah meel uu usoo maraba mahayee, arintan oo kuu
cadaysaysa sida la isugu caburinayo Hargaysa, walibana hay'adaha
aan dowliga ahayn, maxaad moodaa kuwa dowliga ah ama shacabka
reer SL?, Waxaa xusid iyo amaanba mudan sida ay
Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda Somaliland
uga hadleen xukunka
maxkamadu ridey iyo sida uusan u waafaqsanayn dastuurka,
ayagaana naga kaafiyey inaan soo qoro
mar labaad.
- Wuxuu cadeeyey inay gabadhu
gurigiisa timid, uuna ka shakiyey, kadibna ku xawilay Caaqilka
reerka Caaqil Cismaan si uu arinta meel usaaro, kadibna in
halkaa laga xiray iyo guriga caaqilka walaalkiis, waxaa ka
fajicisay dhaga badan oo maqlay hadalka MK inuu markii ugu
horaysayba uu gabadha ku wareejiyey Caaqilka reerkooda, hadaba
sidee bay macquul ku tahay gabar gacanta laga galiyey nin kaaba
qabiil ah ama wata magac xushmadeed in loo gacan dhaafo oo laga
kaxaysto guriga reer Caaqilka illaa walaal kiisba waa caaqilka
oo kaleba, haday dhacdaysa uusan markiiba arinta u xalin?, sida
lagu yaqaano dadka wata magacyada xushmada, arintaan oo awal
ceebtu waxay si khaasa u haysatay Maamulka Riyaale hadana waxaa
kusoo biiray golihii Isimada, taasoo dad badan maskaxdooda ku
soo dag dagaysa sababta keentay inay ka aamusaan Salaadiinta
reer SL howsha gabdhaas yar ee agoonta ah inay tahay in iyaga
laga soo bilaabay oo ay ka xoog badisay SL-nimada cusub.
-
"“Xaggee bay danta
Somaliland ku jirtaa?
-Ma runta oo la sheego iyo xaqiiqada oo loo gonda-dego
ayay ku jirtaa danta ummadnimadeenu?
-Danta dalkeennu ma ceebta oo la huursado oo la is
yidhaahdo sumcaddeenay dilaysaa, bay ku jirtaa?
-Mise waxay ku jirtaa xumaanta oo ciddii ay ku kooban
tahay la kashifo laguna ciqaabo? "
Isbahaysiga cadaalada iyo nabada
SL
|
Jawaabtiisan waxay burinaysaa tii
ka horaysay oo hadalka ayaa is duqaynaya, wuxuuna yiri aniga
waxaa iigu war-danbaysay markaan udiry ninkaan isku magaca nahay,
waxaana ii xigtay waa la xiray waana la kufsaday, waa wax lala
yaabo waxaa loogeeyey Caaqil Cismaan oo guriga walaal kiis baa
afar bari kadib laga xiray bal idinku is waafajiya aan idiin
daynee, taasina waxay ku tusinaysaa wax kasta oo la isku duduwo
inay meel uun ka siibanayaan, Waraaqaha dhaqaatiirta uu ku
qancay Yaasiin waa kuwa maamulkiisa hoos taga ee ma'ahan kuwo
madax banaan horaana Somaali utiri "Nin kudilay Har kuuma
jiido" hadana waxaad aragtaa nuqulkooda ee bal idinku meel u
dhaqaajiya. [Dhanka hoose ee qoraalkan ayaan kaga hadli doona
waraaqaha dhakhaatiirta ee oo aan hayno nuqulkooda.]
Hadaan soo aruurino hadalkaan,
waxaa noo soo baxaysa cadaalad darada ka jirta Hargaysa iyo u qalmin
la'aanta xilalka dadka ku magacaaban, arinta Samsamna inay Hargaysa
oo dhan gaadhay laakiin ay noqotay "gacmo geel jire oo kor loo
mayray" Samsamna ay u rahmantahay danbiga laga galay, waayo hadii
lasii dayn lahaa waxaa baaraya dhakhaatiir madax banaan sidaa
daraadeed waxaa soo baxaya wixii la qarinayey oo laga been sheegayey,
marka waa inay danbiga loo gaystay madax furasho loogu haysto, sidoo
kale waxaa cad inaysan ku qanac sanayn xukumida Samsam ay xukumeen
kuna sii dayn doonaan xeer jajab, taasoo kuu caday naysa in Samsam
dusha laga saaray danbi aysan lahayn laakiin si loo ilaaliyo Sumcada
dhulka taal ee dhiriqaysan ee Maamula SL ayaa waxaa danbi dusha
looga tuuray gabadhaas si loogu ekaysiiyo kiis jira iyo qof danbiila
ah, waxaana la isku raacay in kaligii talis nimada ka jirta Hargaysa
aysan Soomaaliya horay usoo marin waligeed xataa xiligii Siyaad
Barre inay Hargaysa Buro sido, waxaase layaab mudan sida giraanta ay
u soo galeen Salaadiinta SL taariikhdana ay ugu gashay magac xumadaa
siiba Caaqil Cismaan, waxaase war ku idil yahay shalay masoo noqo
nayso laakiin waa taariikh qoran.
Waxaa iyana Xusid mudan Axmed
Siciid Cige oo
shalay
ahaa wariyaashii qaranka Soomaaliya ay soo taba bartay gaarayna
illaa heer qaran,
illaa
hadana lahayo isagoo ka war bixinaya OKTOOBAR-radii Siyaad
Barre oo hadlaya ugu yaraan shan saacadood oo xiriira oo aan kala
go' lahayn, illaa dadka qaar ka yiraahdaan malaha wadnaba kuma jiro,
hadana Maanta isu badalay mid xag jira, inagoon ku dheeraanayn
hadalkiisa, waraysiga uu qaaday waxaa cad inuu uga gol lahaa inuu ku
hujuumo kuna cabsi galiyo ama dadka ku jeediyo Qolyaha xuquuqul
Insaanka Hargaysa waraysigiisiina wuxuu uun ahaa war saxaafadeedkii
oo laga sii daayey BBC-da sida ku cad
warsaxaafadeedka MK waxba kuma kala duwana [Shirkii Jaraa'id ee
19/12/2004 uu MK ku qabtay Hargeysa oo ay goob joog ka ahaa Wasiirka
Caddaalada Somaliland, mudane Axmed Xasan Cali "Casoowe"
iyo Wasiir
ku-xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi Geelle], halka dhowr iyo tobanka
su'aalood oo uu waydiiyey Yaasiin laba qura Samsam ka qusaysay inta
kalena loogu dhaaranayey Xuquuqul Insaanka Hargaysa si aysan mar
danbe arintan oo kale uga hadlin, mana ahan Saxaafada Hargaysa mid
ku ceeba inay garab istaagaan Maamulkooda oo waad arkaysaan sida
uu'u hadlayo Cige iyo qaar ka mida warbaahinta Hargayasa, waadna
arkaysaa sida uu Yaasiin abaal gud uga dhigay amaan kaalintay ka
qaateen caburinta arinta Samsam, dad badana waxay filayaan in BBC-du
ka fiirsan doonto Cige, waraysigana mar labaad ku soo celin doonto,
ugu danbaytii waxaan akhristaha sharafta mudan u daynaynaa bal inuu
nala qiimeeyo arintan.
RAAQIYO OOMAAR OO KU CELISEY
IN "SAMSAM SHEEGTAY IN LA KUFSADAY":
Kaddib markii aan qoraalkaan
daabacnay, isla mar ahaantaasna soo daabacnay waraqihii
dhakhaatiirta ee maxkamadu ku banaysatay xariga Samsam (hoos
ka akhri), ayaa Axmed Siciid Cige waraysi hal-haleel ah
la yeeshay
Raaqiya Cabdillaahi Oomar oo madax ka ah hay'ada African
Rights, Raaqiyo oo mar labaad cadaysay in 'Samsam
sheegtay in la kufsaday":
Dhegeyso waraysigii:
Dhegeyso
Halkan |
ama
Dhegeyso Halkan.
Jawaabta waraysigaas cusubna akhristayaasha
ayaan u dhaafnay, hadana aan u gudubno qoraanka intiisa
kale... |
Haddii aan dib ugu laabano arinta
meesha taal oo ah in ay xabsiga Hargeysa kujirto gabar da'yar oo
Agoon ah, gabadhaas oo lagu soo eedeeyey in ay haybteeda been ka
sheegtay iyo in ay shirqool iyo basaasnimo la maaganayn MK. Hadaba
qormada hoose ayaan ku faahfaahineynaa labadaas qodob ee Kufsiga iyo
Basaasnimada:.
Waraaqihii
Dhakhaatiirta Hargeysa ee Maxkamadu Ku Banaysatay Xukumidda Samsam
Kufsiga:::
15kii December 2004 ayey ahayd markii C/raxmaan
Jaamac Hayaan oo ah guddoomiyaha maxkamada Hargeysa uu maxkamadaas ka
sheegay in Samsam Axmed Ducaale lagu xukumay shan sano oo xabsi ah. Waxana
uu sheegay in hal-sano loogu xukumay "been ka sheega haybteeda", afar sanona
loogu xukumay "basaasnimada". haddaba waxaa SomaliTalk.com soo gaarey nuqulka
qaar kamid ah waraaqihii uu qaadigaasi u adeegsadey maxkamada si uu dembi
ugu caddeeyo Samsam. Warqadahaas oo aan la tusin Samsam, ehelkeeda iyo
Looyaradii u doodayey midna.
Waraaqahaasi oo ka soo baxay dhakhaatiir
hoostaga maamulka Hargeysa, waxa ay muujinayaan in Samsam la kufsaday, waayo
waxaa laga buuxiyey foomka gabdha la kusaday, iyo
in ay labada Bowdo kaga yaaleen nabaro xagtimo cusub ah.
Mid ka mid ah waraaqahaas oo sida ku cad
kasoo baxay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa [Email:
bile63@hotmail.com], waana waraaqaha laga buuxiyo gabdhaha la kufsaday.
Waxana warqadaas cinwaankeedu yahay "CADEYN-KUFSI". Warqadaas oo sida
ku qoran markay taariikhdu ahayd 9/09/04 loo diray Taliye ku-xigeenka
xabsiga G/Hargeysa (Taliyahana loo gudbiyey 11/09/04) [Tixraac#:
HGH/443510-2/04 ee
09/09/2004]. Waxay muujineysaa in
magaca gabadhu uu yahay Samsam Mohamed Ahmed (waa Samsam Axmed Ducaale,
waana meesha uu qareenka maxkamadu ku bannaystay in ku xakumo
halka sano oo kamid ah shanta sano, taas oo uu ku tilmaamay in ay haybteeda
qarisay). Waxa warqadaas ku cad in Waqtiga Kufsigu dhacay ay markaas ka soo
wareegtey 3-4 toddobaad (markaas oo taariikhdu ahayd 9/09/2004, waxaana Samsam
guriga Axmed Yuusuf yaasiin laga xiray 15/08/2004).. Warqada meeshii ku haboonayd laguma muujin hubka
loo adeegsadey iyo Haddii ay taqaan cida kufsatay iyo Tirada dadka falka
geystey iyo meesha uu kufsigu ka dhacay. Waxaase warqada lagu muujiyey inta
laga joogo mudadii kufsigu dhacay oo markaas ahayd in kabadan 48 saacadood.
Waxaana warqadaas dhankeeda hoose ku qoran sidan: "Qodobka 3aad, Qodobka
4aad iyo Qodobka 6aad, waxa buuxinteeda leh booliska".
Warqada labaad waxay ku qoran tahay TEEB,
sida ku cadna waxay kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada ee
Hargeysa [Email:
mohealth@telesom.net], teeriikhda ku qorana ay tahay
21 Oct 2004 [Tixraac#:
MOHL/1120/4.00/04
ee October 21, 2004]. Warqadaas Qodobkeeda 4aad waxa uu u qoran yahay sidan:
"LUGAHA: Waxa labada Bowdo kaga yaalay nabaro xagtimo cusub ah oo
kuwa lugta bidixdu ay qoloftiiba lahaayeen, waana xagtimo Samsam samaysmay
muddo aan ka badnayn todobaad ama ugu badnaan laba todobaad gudahood."
Waxaa la ogyahay in ay Samsam Axmed Ducaale
maxkamadaas ka sheegtay in ay kufsadeen 6-nin oo katirsan ciidanka nabad
sugidda ee loo yaqaan "CID". Taas oo ay Samsam
maxkamada ka cadaysay 24/11/2004, isla
maalintaas ayaa xabsiga loo taxaabay qareemadii difaacayey, in kasta oo mar
dambe la soo daayeye Qareenadii. Sidoo kale Samsam maxkamada Hargeysa markii
lakeenay waxay garatay nin sarkaal ah oo ka
tirasan "ciidanka dembi baarista" ee loo yaqaan CID, kaas oo ka mid ah
kuwii kufsaday, ninkaas oo maxkamada kasoo jeedinayey in ay 'qiratay
shirqoolka'. Arintaas oo ay Samsam diidey in ay maxkamada ka hor qirato.
Samsam Axmed Ducaale
marna ma sheegin in ay istcimaashay magac kale ama sheegatay magac
kale, sidaas waxaa maanta shaaca ka qaaday Raaqiyo Oomaar. Sida ka
muuqata waraaqaha dhakhaatiirta Hargeysa waxaa ku qoran Samsam
Maxamed Axmed, magacaas oo aysan
marna sheegan Samsam sida ay waraysiga maanta (21/12/2004) ku
sheegtay Raaqiyo: ..
Dhegeyso
Halkan |
ama
Dhegeyso Halkan. |
Hay'adaha xuquuqda aadamiga u dooda waxa
ay maamulka Hargeysa marar badan weydiisteen in Samsam loo ogolaado
dhakhaatiir caalami ah oo aan hoos iman maamulka, laakiin sida ay cadaysay
Amnesty International wax dalabkooda ka hoos qaaday ma jirin, maxkamada
sidaas ayaa Samsam lagu saaray oo loogu xukumay shan sano oo xabsi ah.
XUKUNKA
MAXKAMADA HARGEYSA::
Qaabkii maxkamada Hargeysa u dhacday waxaa soo
koobay sawir gacmeed uu soo saaray Amiin Caamir.
Eeg sawir gacmeeedka oo weyn
Xuquuqda sawir gacmeedkan waxaa leh Amiin Caamir: |
Basaasnimada:::
Samsam ma aysan Gelin Guriga Axmed Yuusuf Yaasiin::
Warsaxaafadeed
ka soo baxay ururka u dooda xuquuqda aadamiga ee loo yaqaan
African Rights ayaa shaaca ka qaaday in
askartii waardiyaha ka ahaa guriga madaxweyne ku xigeenka "Somaliland" maalintii ay Samsam halkaas tagtay in ay
caddeeyeen in Samsam aysan gurigaas gelin.
Waxana ay African Rights aad ula yaabeen, ugana murugoodeen xabsiga lala
beegsaday gabadha da'da yar, Samsam Axmed Ducaale, oo 5 sano
oo xarig ah ku mutaysatay guri ay ku khaldantay iyo weliba
kufsi.
Raaqiya Oomaar oo
qoraalka African Rights ku saxiixanayd waxa ay
sheegtay in haba yaraatee aan la soo bandhigin wax cadaynaya
dembi ay gashay Samsam... Maxkamada horteedana marna Samsam
kama ay qiran in ay wax dembi ah gashay.
Warsaxafadeedka oo soo baxay 16 December
2004 (maalin ka dib xabsigii shanta sano ee Samsam lagu
xukumay) ayaa sheegay in dacwada lagu oogey Samsam ee ku
saabsan xiriirka Ittixaad in lagu saleeyey Jilbaabka ay xirnay,
taas oo warsaxaafadeedku sheegay in kala-bar dumarka
Somaliland ay xirtaan. Waxaa la sii daayey wadihii
gaariga ee Samsam ka soo qaaday Boosaaso keenayan Hargeysa,
taas oo muujineysa in Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan,
qareenka maxkamada Hargeysa, uusan xukunka u ridin wax la
xiriira xagga sharciga maxkamada, balse ay arintu tahay mid siyaasadeed,
ayey tiri Raaqiyo, taas oo meesha soo gelineysa su'aal ah in
cadaadis toos ah ama mid dadban lasaaray qareenka, Hayaan,
ayey kusii dartay. Warsaxaafadeedku waxa uu yiri:
Waxaa la ilaawey xuquuqdii ay lahayd gabadha da'da yari.. |
Raaqiya Cabdillaahi Oomar, Hargeysa: Tel: Mobile (252-2)
428-330 ama (252-2) 30-2500 |
|
Sidaas darteed majiraan wax cadayn ah oo muujinay
basaasnimo iyo shirqool ay wadey Samsam, agoonta 16-jirka ah, oo ay
maxkamada Hargeysa soo bandhigtay.
Nin dhallinyaro oo akhriyey
warsaxaafadeedkii ugu dambeeyey ee Raaqiyo Oomaar kasoo saartay Samsam ayaa yiri: "Waxaan aad ula yaabay
gadgadoonka maxkamada Hargeysa oo markii ay weydey wax cadayn ah oo ku aadan
siyaasiyiinta Puntland ay eed Samsam uga raadisey in ay lug ku leedahay Al-Itixaad,
taasi waxa ay ka dhigan tahay Shimbiraale Al-itxaad ayaa isku urursaday oo
xarumo ka samaystay sannadkii 2001."
Qoraa kale ayaa yiri: "Wax
akhrintu waa asaaska aqoonta qofka, waana tilmaanta sharafeed ee
diyaarsanaanta shakhsiga, hogaan ahaan iyo dadnimo ahaan. Xilka uu waaridku
ilmihiisa iska saaro waxaa ka mid ah inuusan dhalaanku kolka uu kobco noqon
ummi, taasna waxaa loo maraa in la geeyo goobaha waxbarashada, waa dadaalka
ay ubadku goorta ay garaad-sadaan ay waalidiintooda uga duceeyaan.".
Xigmada labada qormo ee akhristayashaas ku
jirtaa waxay tahay in dhulka Soomaalidu degto madaxdoodu ay sannadihii
2001-2003 ku mashquul sanaayeen in ay dunida kale ku beer laxawsadaan
kelmedaha ah: dadka aan xukuno ayaa "argagixiso ah", waxaana taas jawaab waafi ah ka bixiyey Prof. Ken Menkhaus.
Markaas ayaa madaxdii Soomaalida intooda wax akhrisa ugu dambeysey
sheegashadaas.
[Hoos ka akhri qaar kamid ah arimaha laga qoray Soomaalida 2001-2003].
Prof.
Ken Menkhaus:
U.S. policy-makers should avoid an
over-reliance on information from the Ethiopian government, since it has
a vested interest in exaggerating al Ittihad activities in order to
receive assistance in combating the group. They should also mistrust
rumors from Somalis. Excessive reliance on local groups willing to fight
al Ittihad must be avoided, because most of these groups are probably
more interested in continuously receiving U.S. resources than actually
eliminating terrorist threats. ...
More... [November 27, 2001] |
"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta
keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana
waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta."
sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA,
kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah,
islamarkaana lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee
Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo
ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium
(Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa,
Islam, and Terrorism".
www.ceip.org/files/events/AfricaTerror-summary.asp
Xaggee ku
dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?
- Weriyayaal
isugu Jira Ajnabi iyo kuwo ka yimid Muqdisho oo Booqday Boosaaso iyo
Shimbiraale. Kuma arag wax urur argagixiso oo xarun ku leh Shimbiraale..
Xataa kuma arag raad shimbireed....
- Waxaa
caddaatay in wax argagixiso la yiraahdo aysan joogin Shimbiraale, taas oo
burisey hadalkii Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa in goobtaas joogaan urur
Argagixso ah...
Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Xaji
(Ingiriis)
Maxamed Xaji & weriye Simon Scott |
Shimbiraale, Bariga Boosaaso
Shimbiraale
(oo ah meel lagu tilmaami jiray inay argagixisadu joogto)
|
Bishii December ee
sannadkii 2001 ayaan cagta soo mariyey gobollada Puntland.
Ugu horreyntii, Col. Jaamac
Cali Jaamac ayaan ku waraystay magaalada Boosaaso.
Col. C/llaahi Yuusuf,
waxaan isaga kula kulmay hotel Meereysane oo ku yaalla magaalada Garoowe,
halkaas oo uu deggenaa intii uu ku sugnaa gobolka Nugaal. Waqti duhur ah oo
qorraxdu kulushahay ayaan u tagay, iyadoo ay ahayd maalin Ramadaan ah.
Intaanan soo gaarin Garoowe,
waxaan soo booqday meesha la yiraahdo Shimbiraale oo 30km dhinaca bari ka
xigta Boosaaso xeebta badda cas. Waa meel lagu tilmaami jiray inay ahayd
xarun argagixiso, hase ahaatee waxay ahayd meel dalxiiska ku wanaagsan oo
aan strategically ku fiican in ciidamo ay degaan.
Labada nin ayaa is
weydaarsanayey cambaareyn siyaasadeed, iyadoo midba midka kale ku eedeynayey
inuu argagixisada siiyo gacan iyo gabbaad. Waxay eedeyntaasi ka dhignayd
dagaalkii Caydiid iyo Cali Mahdi oo soo gaara waqtigan, labada nin-na waxa
ay hadda kala taagan yihiin meeshii ay kala taagnaan jireen Cali iyo Caydiid
1991-92.
Iyadoo maanta la xusayo
sannadguuradii 1-aad ee ka soo wareegatay September 11 oo ahayd markii Al-Qaacida
ay weerar ku qaaday magaalooyinka New York iyo Washington oo ay qarxisay
daarihii mataanaha ahaa (twin towers) iyo xarunta Pentagon, xaggee ku
dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail:
Ingiriis@yahoo.com
Waxaa dunidu ogaatey in iska dhaaf in bini
aadam uu xeryo ciidan ka samaystay'e in xataa laga waayey raad shimbireed.....
SOMALITALK | Sept 12, 2002
2001-2003: Warbaahinta Adduunka oo Lagu Casumey
inay Booqdaan Soomaaliya
Madaxweynihii hore dawladii kumeel gaarka ahayd,
Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu si weyn dunida ugu soo bandhigay in gudaha
Soomaaliya aysan ka jirin wax loogu yeero "Argagixiso".
Booqashadii C/Qaasim ee Liibiya | Shabakada Dalka
Bishii Octobar 19keedii sannadkii 2003 mar uu
C/Qaasim booqday Liibiya oo wax laga waydiiyay argagixisada hadda ka hor lagu
tilmaamay meelo ka mid ah Soomaaliya madaxwayne Cabdiqaasim waxa uu sheegay in
intii ka dambaysay 1995 tii markii UN-ka iyo Maraykanka ay kasoo baxeen
Soomaaliya wararkii laga bixinaayay dalka ay ahaayeen kuwa ay gudbiyaan Itoobiya
Iyo niman gacan saar la leh oo ay ku sheegayaan inay saldhigyo argagixisadu ku
leeyihiin Shimbiraale, Gedo, Xamar iyo Raaskambooni hase yeeshee DKMG ah markii
ay dalka ku casuuntay warbaahinta reer galbeedka iyo wafuud Maraykan ah ay
caddeeyeen in aysan Soomaliya ka jirin wax saldhig ah iyadoo hadda ka hor laba
sano ciidammada reer galbeedka iyo marakiibtooda dagaalka ay ilaalo ka hayaan
xeebaha Soomaliya ilaa iyo haatanna ayna jirin wax raad ah.
Itaxaadka iyo aragtida Siyaasiyiinta Soomaalida.
Madaxda
Siyaasadda Soomaalida siyaalo kala duwan ayey uga hadleen Itaxaadka, walow
siyaasiyiinta Soomaalida aan la kala garan karin wax ay caqiido ahaan u rumeysan
yihiin iyo waxa ay ku dangaara isleeyihiin.
BAARIS: ITAXAADKA SOOMAALIYA.. GUJI...
|
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 21, 2004 | Updated::: 21/12/2004
Isha Qaar kamida Sawirada: Google &
Yahoo Images
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|