SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


GACANQAAD

Waxaan gabaygan kaga hadlayaa gafka loo geystay Zamzam Axmed Ducaale iyo waliba kuwa kaloo hora uga dhacay magaalada Hargeysa. Waxaan kula hadlayaa qof kasta oo uu quseeya; laakiin wuu ka hufanyahay eex iyo aflagaaddo oon marna laiiga baran.

Gabaygu waa naaxin iyo nabad walaal. Intiisa san Allaha nagu anfaca intiisa xunna sheydaan bey u sugnaatay. Wuxuu kaloo gabaygu la hadlayaa hal'abuurro ama suugaan-ruugya talaxtagay, dulucda iyo daharka waa baaq nabadeed.

Waxaan soo saaray 26/1/2005. Gabayguna waa: Gacanqaad, waxaana curiyay anigoo ah walaalkiin Soomaaliyeed: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza].
 
           GACANQAAD.
 
Inkastoon garuud weyn aheyn, gabayga deexaansho.
Hayeeshe'e Rabbaa igu galladay, gacallayaaloowe.
Oo waanba geyfaanin jiray, gaban ahaantiiye.
 
Ma gardaadin waayadan, waroo iga garoobeeye.
Anigoon garoocinin, ayaan gudagalaayaaye.
Gorofyada u hoorsada, gudgude wuu gurxamayaaye.
 
Gabyaayahow gullaamada la soco, gugici roobaade.
Murtidana ha gaarmarin, waa gooldhan dahabeede.
Oo wada garwaaqsada macnaha, gobo'du xeeldheere.
 
Sagaalkaa gadaan kuu xiriyo, gogoldhiggeygii dheh.
Geeraaradii caanbixiyo, gabayadeydii dheh.
Halalkaan ka gooraabayiyo, gabi madhaafaan dheh.
 
Gallaaddiyo Dannood iyo Burciyo, gogol Hargeysaad dheh.
Godey iyo Shilaabiyo Jigjiga, gagidi Ceelbuur dheh.
Gaashaama iyo goob Cartood, Xammar Gammaankii dheh.
 
Garoowiyo Kismaayiyo Goldogob, gammashigoodii dheh.
Goofleey Shabeelliyo Gareen, gudunti beereed dheh.
Gaxashkeeda Boosaaso iyo, ganacsigeedii dheh.
 
Garseeni iyo Laamiyo, rugtaa giirta laga dhoofsha.
Gado iyo Garbaharrey tan iyo, Gaaris dhinaceeda.
Kobta galayax roobka uu ku di'i, gobol barwaaqaadka.
 
Gaddisleyda wada gaamurtee, galabba meel joogta.
Gawaarida u kala gooshiyee, badarka gaarsiisa.
Giddi ummadda Soomaaliyeed, waa u dana-guude.
 
Aniguna gayaankey rummaad, sheedda-galacdeede.
Guud ahaan gobbaa lagu xusaa, gayiga Soomaale.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Garyaqaanno jeel lagu gadfiyo, gabadha ooyeysa.
Geesiyadi Ogaadeeniyoo, gaala laga iibsha.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
War waa gabadh gashaantina ma aha, gabanti ciilloone.
Hiloow bey guriga booqatoo, hilibku geed-baase.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Taariikhda dhiillaa gashoo, lagu galaalxoorye.
Sharaf baa golmarameysayoo, uunku galayuusye.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Gaf baa dhacay gar-eexaan arkaa, guuldarriyo ciile.
Gacma wada-jir bey saaxiibbayaal, wax un ku gooyaane.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Gabi reer Hargeysaad ma galin, golaha boogeede.
Maqaawiir gadooddaa jirtiyo, niman garaad dheere.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Gummaad iyo dagaal guul ma dhala, geer dhaxalkeede.
Xigtadoo la gaagixiya, waa lagu gambooraaye.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
War waa guur-u-joog geenyaluul, timmo-gardhaaleeye.
Inuu Eebbahey idin garrixin, gabadha siiddaaya.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Gabayahanki Soomaaliyeed, gacantogaaleeye.
Nin walbana gaddiisuu hadlaa, iyo garaadkiiye.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Gabadhnimadu waa qaali, aan gini la siineyne.
Nimankii ku goofaadhiyeen, xeer ha lala gaara.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Geeraaryahanka xeydxeydtayoo, gabayga soo ooda.
Oo guba colaad yaan la hurin, gayiga aafeysa.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Nimanyahow garaaddada ehee, ganaaxa loo haysta.
Guurtida Hargeysaay ka kaca, gasarka booraanka.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Afkeygii anoo gaaxiyoo, sammo ku gaandheeyay.
Zamzam yaan la guulguulin, oon lagu galiilyeynin.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Goboleysi yaan lagu gu'ine, danaha-guud eega.
Xaajadu halkey nala gashaba, aan is-gacanqaadna.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Kii gaboodfalaayiyo, midkii iin u gogolxaar le.
Garbaduub intii loo xiraa, aan ku gacanseyrna.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.
 
Magaraabe waa gooh dhintiyo, geed angagayaaye.
Adduunyaduna Gaalaabidhood, galinba waa ceyne.
Gacallow ha ceebeyn shacbiga, godobi waa muushe.

Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza
ayaandhalad5@hotmail.com
Khartuum, Suudaan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan

Dhegeyso Gabaygii Dardaaran Oday & Daryeel Haween | Waxa tiriyeey Cali Dhawaaq

Shuruudaha Gabayada Silsiladda Samsam

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD