INQILAABKII DHICISOOBAY EE 9/4/1978
SOOMAALIYA::: Inqilaabka loo yaqaan 'Inqilaabkii
Dhicisoobay' waxaa hoggaaminayey Col. Maxamed Sheekh Cismaan
oo ku magac dheeraa 'Cirro' iyo
Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Markii inqilaabkii fashilmayna waxaa la toogtey 17 kamid ah raggii
la qabtay; in kalena xabsiga ayaa la dhigay. Raggii la toogtey
magacyadoodu waa:
- Col. Maxamed Sheekh Cismaan 'Cirro'
- G/le. Saciid Maxamed Jaamac
- G/le. Saciid Jaamac Nuur
- Dhamme: C/salaan Cilmi Warsame
- Dhamme: Ibraahim Maxamuud Xirsi
- Dhamme: Cabdullaahi Nuur
- Dhamme: Cabdullaahi Faarax
- Dhamme: Caagane Axmed Yuusuf
- Dhamme: Bashiir Abshir Ciise
- S/xarigle: Faarax Xalwo
- L/xarigle: C/Qaadir Geelle Cumar
- L/xarigle: C/Raxmaan Macallin Bashiir
- L/xarigle: Cabdi Ugaas Cismaan
- L/xarigle: Aadan Warsame yare
- L/xarighle: Maxamed Saciid Cabdulle
- L/xarigle: C/Wahaab Axmed Xaashi
- Rayad: C/Qaadir Warsame Yare
ISHA :: Xasuus Qor.
YAA KU HABOON MADAXWEYNE::
TOOGASHADII
CULIMADA 23/1/1975
MUQDISHO:: Bishii
Janaayo ee sannadkii 1975 ayaa culimo Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen
sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor
imaneyey Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim
sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana
loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil;
waxaana la toogtey 23/1/1975. Magacyada culimada la toogteyna waa:
- Yaasiin Cilmi Cawl
- Sh. Axmed Sh. Maxamed
- Suleemaan Jaamac maxamed
- Cali Axmed Warsame
- Aaden Cali Xirsi
- Xasan Cabsiiye Diiriye
- Cali Jaamac Xirsi
- Sh. Axmed Iimaan
- Sh. Muuse Yuusuf
- Maxamuud Siyaad Xirsi
XASUUQII JASIIRA EE 16-17/7/1989
MUQDISHO:: Magacyadii 59 qof ee lagu
diley Xeebka Jasiira:
Ka Akhir halkan.... Guji