C/LAAHI
YUUSUF IYO TARTANKA MADAXTI- NIMADA .
Waa qormadii aan ku qiimeyneynay
tartama-yaasha.
IDOORO AAN KU DILEE.
HORUDHAC:
C/Laahi Yuusuf Axmed |
Shirarkii tirada badnaa
ee Soomaalida loo qabtay, shirkan ayaa ah kii ugu
dheeraa. Sidoo kale C/Laahi Yuusuf Ahmed, waa shirkii uu
ugu tixgalinta badnaa, marka laga eego wakhti xooggan ee
uu siiyey ka qayb-galkiisa. Sababaha ku kalifay inuu
shirkan tixgaliyana, waxaa ugu muhimsan, inuu kamid
yahay ragga ugu cad-cad musharaxiinta u tartamaya jagada
ugu sareysa dalka, iyo dowladdaha shirka maamulaya oo uu
qaarkood kalsooni-weyn ka haysto si ay gacan uga siiyaan
hankiisa, wuxuuna qabaa in fursadani ay tahay tii ugu
dhaweyd ee uu dalka ku hanan lahaa.
MUXUU AHAA:
Guud ahaan wuxuu kamid
ahaa Saraakhiisii xoogga dalka Soomaaliyeed, jagooyin
kala duwan ayuuna kasoo qabtay, koorasooyin kala nooc ah
oo tacliinta ciidanka ahna wuu soo qaatay, waxaa lagu
tiriyaa ragga tirada yar ee aqoonta Milatariga si wacan
u bartay. Wuxuu dagaallo geesi-nimo leh ka galay
dagaalkii 77.kii, isagoo madax u ahaa qaybo kamid ah
ciidankii qaranka, aagagii loo dhiibayna wacdaro ayuu
kamuujiyey, raggii la socday qaarkood waxay iigu
warameen inuu sumcad iyo karti ka helay dagaalkaas.
Madaxweynihii dalka iyo isagu xiriir fiican uma dhaxayn,
taasoo dhalisay in xabsi loo taxaabo mudo sanado ahna uu
ku jiro.
Markii laga yara nastay
dagaalkii cuslaa ee 77.kii, waxaa ku dhalatay isaga iyo
rag ay isku aragti ahaayeen inay xukunka dalka la
wareegaan, balse kuma guulaysan, waana sheeko dheer oo
buugaagta taariikhda loogu tagi karo, sheekadaasoo ku
dhamaatay in ragga qaarkoodna la toogto, rag kale oo
isagu ku jirana ay dalka ka baxsadaan, waana qisada loo
yaqaan Inqilaabkii dhicisoobay ee 9/4/1978, fursadaas C/Laahi
waa seegtay.
SHAKHSIYAD AHAAN:
Waa nin dantiisa wax
walba ka hormariya, dantiisuna waa sidee xukun ku heshaa.
Dhaqaalaha uu helana xukun ayuu ku raadiyaa. Codow-giisu
waa ninka markaas dantiisa ka soo horejeeda.
Saaxiibkiisna waa kan markaas dantiisa u fulinaya. Ceeb
uma arko inuu isagu raadiyo qofka ay markaas isku danta
yihiin. Wuxuu aad u jecel-yahay iney tiisu meel marto.
Raali kama’ahan inuu la saaxiibo qof ka caqli sareeya,
ka aqoon badan, ama taladiisa midaan ahaayn keeni kara.
Dadka markaas ka soo
horjeeda laba qaab ayuu ula dhaqmaa. Qaybta koowaad:
Cabsi galin iyo caga jugleyn ayuu ku hayaa, si ay
dantooda oo kaliya ugu ekaadaan, hadal-kooduna uu noqdo; hadaan ka hor imaanno ninkan dhib weyn ayaa dhacaya.
Qaybta labaadna: Dhaqaale xoogan ayuu siiyaa soo xero
galinta hore, wax joogta ahna waa u qoraa, si ay uga
xishoodaan iney ku af-celiyaan, illeen horaa loo yiri
“Af wax cunay xishoo” Waxaase suurowda qofkii uu
kharashka tirada badan ku bixiyey, inuu hadal uu ka soo
kici waayo ku dhaho, taasoo keenta inuu dhib la’aan
mucaarad ugu noqdo.
Marka uu hadal
jeedinayo waxa ka dhabta ah oo dhan ayuu wada sheegaa,
marka laga reebo inta uu iloowsanyahay wakhtigaas, masii
hubiyo hadalka uu dhahayo muxuu adiga kuu dhimayaa inta
aan qof kale lagaarin, ee wuxuu iska hubiyaa in hadalka
uu dhahayo uu yahay hadal isaga sax la’ah markaas.
Ma’ahan nin laba
wajiile ah, qofka cadawgiisa ah ma salaamo, magaciisa
laguma soo ag-qaadi karo, xiriir muuqda iyo mid qarsoon
midna lama sameeyo, inuu col-layahay mar walba wajigiisa
wey ka muuqtaa. Hadiise uu saaxiib kula yahay, si fiican
ayuu kuu salaami, xiriir wanagsan iyo sheeko wanaagna
waad ugu tagi, dantaad kaleedahay iyo tuu kaa-yeeshaba
waad ka wada hadli kartaan. Waa nin deeqsi ah oo wax
bixiya, ma’ahan bakhayl gacan adag, dhaqaalaha dowladda
iyo tiisaba wuxuu ku bixiyaa adigu aad wax noqotid.
IS-KAASHIGII
SHISHEEYAHA:
Muddo yar kadib Markuu
u baxsadey dalka Itoobiya, iyadoo uu dhexmaray is-faham
Siyaasadeed oo ku dhisnaa mid waliba inuu kan kale
dantiisa ku fushado. Itoobiya waxay guul weyn u aragtay
iney heshay Korneyl Soomaaliyed oo si fiican u yaqaan
tayada iyo awooda ciidanka Soomaaliyeed. Sidoo kale
waxaa wax walba uga qiima badnaa iney ka helayeen
warbixinno muhim u ah ciidanka Itoobiya, maadaama ay
gacanta ku hayaan nin bari abaanduule sare u ahaan jiray
codowgooda. Isagana colaadii uu u hayey M/S/Barre iyo
hankiisii ahaa inuu dalka ka taliyo ayuu is yiri, jidkii
ugu dhawaa maanta ayaad haysaa. Wuxuu u baahnaa oo hub
ahaa, iyo sal-dhig maamul iyo mid ciidan ayuu ka helay
dowlada Itoobiya. Waxaad moodaa in Itoobiya iyo
C/Laahi-ba uusan midba midka kale ku soo qaadin wixii
kala ahaayeen. Itoobiya waa dowladdii cadawga ku ahayd
Soomaaliya dagallo culusna uu dhexmaray. C/Laahi-na waa
taliyihi qaybo kamid ah ciidankii Soomaaliyeed ee
dhawaan dhar baaxooyin-ka culus gaarsiiyey Ciidamadooda.
Waxaaso dhan
la iskuma cafin, lamana ilaawin, laakiin si
kumeel gaar ah ayaa looga wada gudbay.
Waxaa Itoobiya wax
weyn u taray iney heleen nin diyaar u ah inuu la
dagaalamo dalkiisii, Soomaalidana waxaa niyad jab weyn
ku noqday inay ku bilaabatay xabad ay soo ridayaan dad
Soomaaliyeed oo shisheeye soo hubeeyey.
Isku daygii ahaa inuu
Soomaaliya xoog ku qabsado oo dalka oo dhan gacanta ku
dhigo waa dhicisoobay dagaalo badan kadib. Itoobiyana
hadey muddo kool-koolineysay C/Laahi Yuusuf oo ay u
aragtay inuu yahay ninka ay ku leedahay Soomaaliya,
manoqon mid sii waarta, oo Itoobiya waxay go’aan-satay
iney xabsi dhigto, waliba wey ku iloowday, ilaa ay wada
burburtay dowladii xirtay, iyo tii uu ka soo baxsadayba.
Burburkii Soomaaliya oo ka horeeyey Itoobiya xitaa, wey
u noqon weysay arrin loogu naxariisto oo lagu siidaayo,
oo waxaa xabsiga ka soo saaray Jabhaddihii riday
Mingesto.
KU QABSO KU QADI-MEY-SIDEE:
Taariikhda Siyaasadeed
ee Korneylka hadii dib loo raaco, waxaa cadaaneysa inuu
ku dhaqmi jiray oraahdan kor ku qoran ee ah, oraah
siweyn looga isticaamlo Waqooyiga Soomaaliya. Bal aan
eegno inta dhacdo ee uu C/Laahi marba qof wax ku
qabsaday ee uusan ku qadin sida ay la tahay.
-
Markii la’aasasay
ururkii
S.S.F. Waxaa Gudoomiye looga dhigay Mustafa
Xaaji Nuur. Waxaana lamagaacay saddex gudoomiye
kuxigeenno oo kala ahaa. A: Cumar Istarliin. B:
Shandiinle. C: C/Laahi Yuusuf Axmed. Go’aankaas
Korneylku haku qanco ama yuusan ku qancinee muddo
ayuu ku shaqeeyey, wax yar kadib, wuxuu qabtay shir
hoose oo ay la wadeen rag ay isku fikir ahaayeen,
guri ayaa lagu shiray, waxaana ka soo baxay in
C/Laahi Yuuusf Axmed uu noqdo Gudoomiyaha Jabahadda,
halkaas ayuuna ku marooqsaday magacii
gudoomiye-nimada ee Jabhadda.
-
Markii uu dalkii
burburay ayaa 14.ilaa 19.kii Bishii Feb ee 1991.kii
shir lagu qabtay magaalada Gaalkacayo. Go’aakii
shirkaas ka soo baxay wuxuu noqday in
Jen. Maxemed
Abshir Muuse uu noqdo Gudoomiyaha Jabhadda S.S.D.F.
waxaana doortay dhamaan dadkii ay ka go’day talada.
C/Laahi Yuusuf xiligaas Xabsiga Itoobiya ayuu ku
jiraa, waxaase lagu maamuusay in laga dhigo xubin ka
tirsan golaha dhexe. Markii Korneylka laga soo
daayey Xabsigii, wuxuu tagay goboladaas, wuxuuna
dhisay gudi uu ugu magac-daray gudiga xaaladda
degdeg ah, sababta uu u abuurayna, wuxuu ku sheegay
inuu kaga hortagayo Beel kamid ah Beelaha Soomaalida
oo uu yiri khatar ayey ku yihiin jiritaanka
goboladaan. Danta labaad ee uu kalahaa waxay ahayd
inuu ku burburiyo awooda hogaamineed ee uu lahaa
Jen. Maxamed Abshir oo isagu ahaa hogaanka sare ee
deegaanadaas. Taasna uma suura-galin inuu meesha ka
riixdo Jenanka.
-
Markuu Sanadku ahaa
94.kii ayaa shirweyne lagu qabtay magaalada Qardho,
si loo doorto gudoomiyaha Jabhadda. Waxaa
Gudoomiye-nimadii isku qabsaday Jen. Maxamed Abshir
oo isagu horayba u hayey iyo Korneyl C/Laahi Yuusuf.
Waxaana ka dhashay buuq badan iyo dhib weyn, Waxay
odayaashii isku dayeen iney xaliyaan, laakiin way u
suura-gali-weyday. Kadib waxaa yimid C/Rasaaq X.
Xuseen oo dibadda looga yeeray, markuu yimidna wuxuu
codsaday in 3.bilood uu sii hayo xilka
gudoomiye-nimada si loo soo diyaariyo doorasho ama
la isku af-garto, taasoo uu Janankii ogolaaday,
laakiin Korneylkii diiday. Taasi waxay keentay in
C/Rasaaq isaga tago goobtii. Isimadiina waxay
kalsoonidoodii siiyeen Jenanka oo ay u magacaabeen
inuu noqdo gudoomiyaha xaqa ah ee Jabahadda SSDF.
C/Laahi go’aankaas maqaadan, guri ku yaal Qardho
ayuu isna shir ku qabsaday, koox isaga taageersan
ayaa shirkii yimid, go’aankii ka soo baxayna wuxuu
noqday inuu isagu yahay gudoomiyaha jabhadda. Waa
sidii uu dhawaan-tan yeelay “C/Nuur Darmaan” markii
uu Xamar shirka ku qabsaday, kadibna uu shirkii ku
dhamaaday in “Darmaan” uu yahay Madaxwey-naha
Jamhuuriyada Soomaaliya. Malaha Ina Darmaan
Taariikhda C/Laahi Yuusuf ayuu dheegtay, markaa-suu
firkadan ka qaatay.
-
Markii uu xiligii loo
doortay inuu ahaado Madaxweynaha D.G.P. dhamaaday,
ayaa la diyaariyey doorasho xor ah, siduu dhigayey
dastuurkii maamul-goboleedkaas, rag badan ayaa isa
soo sharaxay, tartan iyo doorasho kadib, waxaa
jagadii ku guuleystay Korneyl Jaamac Cali Jaamac.
Isimaadii iyo cuqaashii deegaanadaas oo dhanna isaga
ayey taladii u garteen. C/Laahi Yuusuf taas
mayeelin, wuxuu cadeeyey inuusan aqbalayn, wuxuuna,
isku dayey inuu meesha ka saaro Madaxwenihii ay
shacabku doorteen, wuxuuna dhawr bilood kadib kusoo
qaadey duulaan abaabulan oo garab shisheeye wato,
maamulkii la doortay-na meesha ayuu kaga saaray,
ilaa iyo hadana waa kan sida sharci darada ah u
sheegta inuu yahay Madaxweynaha deegaanadaas.
Afartaas dhacdo waxaan
u soo qaatay tusaaleyn iyo marag fur. Haddiise ladamco
in Taarkhiida Korneylka la raad-raaco kuwa intaas ka
fool-xun ayaa la helayaa. Waxaan aad ula yaabaa sida uu
mar-walba ugu gacan-sayro go’aanada bulshada, iyo dadka
ay talada ka go’do, misana uusan sii calfan.
NASIIB XUMO AAN KA
HARIN::
Inta jeer ee uu isku
dayey inuu madaxweyne noqdo ee uu waayey lama soo koobi
karo, laakin aan dhawr tusaale ka bixiyo.
-
Wuxuu
1978.kii isku
dayey inuu dalka Inqilaabo, nasiib xumo waa ku
fashilmay. Masabrinee dalkuu ka soo baxsadey,
codowgii soo jireenka ahaa ayuu u galay, hiilna waa
ka helay.
-
Wuxuu islahaa
fursadan weeye taad dalkoo dhan kula wareegi lahayd,
hubka aad haysato iyo taageerada aad heshay
Soomaaliya oo dhan ayaad ku qabsan doontaa. Qarow
ayey noqotay, dal uu qabsado daayee isagiibaa ugod
galay, meeshuu ku hanweynaa inuu madax-tooyadii
Soomaaliya dago, nasiib xumo dhulka hoostiisa xabsi
ku yaal ayuu mutay, isagii baana dunida oo dhan ka
qarsoomay, hankiina halkaas ayuu ku dhintay.
-
Wuxuu is yiri Caydiid
Dowladda uu dhisayo wax udoono. Waa kii qol dhexdii
isaga soo magacaabay inuu yahay gudoomiyaha S.S.D.F.
isagoo sita jagadaas ayuu Caydiid Xamar ugu tagay,
damaciisu wuxuu ahaa jago fiican aad ka heshid,
waxayna ku dhamaatay is fahmi waa. Xamarna waa kii
isaga soo cararay. Nasiib xumo taasna ma suuragalin.
-
Wuxuu isku dubariday
shirkii Soodare lagu qabtay, go’aanadii ka soo baxay
waxay noqdeen in shirweyne lagu qabto magaalada
Boosaaso, wakhti badan iyo awood badan ayuu siiyey
in shirkaasi hirgalo. Hadafkii uu shirkaas kalahaa
waxay ahayd inuu isu soo taago jagada ugu sareysay
dalka. Nasiib xumase shirkaas maba qabsoomin.
-
Wuxuu si feejig-naan
ku dhisan uga fakaray inuu ka qaby-galo shirkii
Carta, dad isaga ka socda ayuu u diray, fariintii
uga timid waxay noqotay inaysan halkaas fursad u
oolin. Nasiib xumo shirkaas rajo uguma muuqan.
BURCADDA IYO CULUMADDA:
Idaacadda BBC-da ayaa
weydiisay waxa uu rabo inuu qabto hadii uu ku guuleysto
jagada Madaxweyne-nimada Soomaaliya? Wuxuu ku jawaabay.
Waxaan la dagaalamayaa burcadda dalka dhibaatada ku
haysa, iyo culumada diinta . Taasi waa barnaamijkiisa
doorasho ee uu rabo iney bulshada Soomaaliyeed ku
doorato.
Waxaan liqi waayey in
qof Bani-aadam ah oo caqligiisa iyo maskaxdiisu ay
fayowdahay in halmeel oo siman ay uwada joogaan culumada
iyo burcadda. Maxaa-yeelay culumadu waa aastaanta
xushmadeed ee diinta. Kawaran haduu Muslim yahay qofka
maanta dhahaya burcadda iyo culumada waa lawada
dagalamayaa. Su’aasha isweydiinta leh waxay tahay.
Garanay dhibaatada ay burcadda ku hayaan xaalada
Soomaaliya, maxay tahay dhibaatada ay culumadu ku hayaan
xaaladda Soomaaliya.
INTAANBA ADAA UGU
HOREEYEY:
Taariikhda Soomaalida
qofkii wax ka qoraba wuxuusan halmaameynin in C/Laahi
Yuusuf yahay ninkan arrimahan soo socda ka bilaabay
Soomaaliya.
-
Ninkii u horeeyey ee
Itoobiya hiil iyo garab ka doonto waa adi.
-
Ninkii u horeeyey ee
Soomaali u bilaabay in xoog un wax lagu kala qaato
waa adi.
-
Ninkii u horeeyey ee
Soomaali baray teyda mooyee wax kale majiraan, waa
adi.
-
Ninkii u horeeyey ee
Maraykan ka codsaday in shacabka Soomaaliyeed lala
dhaco B.52. inta soo hartayna isaga loo gacan-galiyo
waa adi.
AXMED JALABIGA
SOOMAALIYA :
Axmed Chalabi waa ninkii
sababta ugu ahaa in Maraykan ku soo duulo
Ciraaq, isagoo
dowaladda Maraykanka ugu sheekeeyey in Sadaam Xuseen
haysto Hubka wax gumaada. Taaso ay dowladda Maraykanku
ka rumaysatay. Wixii la’ogaa baa dhacay. Dhawaan waxay
cadaysay Dowladda Maraykanka in Axmed Jalabi uu u
been-sheegay, sidaasna ay dagaalka ku galeen. Hashalaayo
Maraykanku, laakiin Axmed Jalabi wuxuu isu arkaa
inuu
guul weyn gaaray mar hadii uu xukunkii ka tuuray Sadaam
Xuseen. Dhibweyn uma arko waxa ku dhacay dalkiisii iyo
dalkiisii. Nasiib-xumo ama nasiib-wanaag tey rabto
ha’haateee, Jalabi iyo Maraykan wey kala xarig furteen.
Sidaasoo kale ayuu
C/Laahi Yuusuf damcay inuu Maraykan u qaldo. Markii ay
dhacday 11.Seb 2001. wuxuu u arkay
fursad qaali ah inuu
helay. Wuxuuna faafiyey in Soomaaliya ay Argagixiso
joogto, fariisimo ciidanna ay ku leedahay gudaha
Soomaaliya. Taasi dowlada Maraykanku kharash farabadan
iyo wakhti badan ayey ku khasirtay, waxay soo direen
saraakiil ka tirsan laamaha dabagalka, waxay ku
wareegeen Soomaaliya oo dhan, waxay soo xaqiiqsadeen in
aysan hadda jirin khatar jiritaan leh oo fariismo ku leh
Soomaaliya. Taas kolkii laga rumaysan waayey C/Laahi,
wuxuu hadana yiri, hadaan soo helay meeshay joogaan,
tuulada SHINBIRAALE ayey ciidan iyo hub ku haystaan. Mar
labaad ayuu hadana Maraykankii galiyey wakhti badan iyo
kharash badan. Meeshuu sheegay ayaa waxaa booqday
wariye-yaal caalami ah, waxaana weheliyey Wariye Maxamed
X. Ingiriis, muddo kadib ayaan anigu lakulmay Ingiriis,
waxaana weydiiyey wuxuu soo arkay, wuxuu iyiri, Shinbiro
iyo buuro banaan ah ayaan ku soo aragnay, socdaal
dalxiiska ku fiican ayuuna noo ahaa. Raaxo ayaan ku
jirnay ee meel ay Argagixo joogto ma’aynan arag.
Ilaa iyo xiligan kama
quusan C/Laahi Yuusuf inuu dhaho Soomaaliya Argagixo
ayaa joogta, laakiin su’aashu waxay tahay, yuu Argagixo
u yaqaanaa. Hogaamiyaha dalka Liibiya ayaa mar la
weydiiyey, waxa la dhaho Argagixiso? Wuxuu yiri, qof
walba wuxuu neceb yahay ayaa Argagixiso u ah. Haddii aan
qaadanno jawaabtaas, waxaan heleynaa cidda uu C/Laahi u
yaqaan Argagaxiso. Waa hadba qofka xukunka ku haysta
markaas, ama uu ka baqayo inuu ku qabsado mardhaw. Jen.
Cadde Muuse oo uu shalay u yaqaanay xubin kamid ah
ururada Argagixisada ah, ayey hadda saaxiibo yihiin.
Waxaana cad in Cadde uusan markii hore Argigixo ahayn,
laakiin uu ka soo horjeeday hogaanka C/Laahi Yuusf,
markii uu Cadde aqbalay in C/Laahi yahay
Madaxweynihiisa, ayey isagana ka hartay
Argagixiso-nimadii, C/Laahina wuu ka saaray liiskii
Argagixisada.
Waxaa fajiciso ah in
nin sheeganaya inuu yahay hogaamiye Soomaaliyeed, hadana
hankiisa ugu weyn yahay inuu dadka baaba’sho, hadii ay
isaga u suura galiweyso iney gacantiisa gaarto, raba
inuu ciidamo shisheeyo ugu yeero, shisheeyahaasi
ha’ahaadeen kuwa noo dhaw, ama ha’ahaadeen kuwa naga
fog. Waa ninka kaliya ee isku dayey inuu Maraykanka ka
codsado iney soo weeraraan dalkiisa.
GUUSHA AMA GEERIDA:
Shirkan waa fursaddii
ugu danbeysay sida dad badani qabaan. Mana jirto maalin
ay C/Laahi uga dhawdahay ugana fogtahay inuu helo jagada
ugu sareysa dalka. Laftigiisu waa dareensan-yahay in
tani tahay guushii ama geeridii. Wixii nasiib xumo ahayd
ee uu C/Laahi soo maray, wuxuu ka sabri karaa inuu
maanta helo fursadan qaaliga u ah, haddii uu helo laba
arimoodba wey u hirgalaysaa. Waa midda Koowaadee:
Taariikhdiisa isaga qoran doona, wixii ceeb ahayd ama
xumaan ahayd ee uu soo maray dhamaan wuu ilowsiin doonaa
dadka, isagaana qoran doona buugaag farabadan oo
taariikhdiisa ka warami doonta, haduu rabana Iskuulada
ayuu ku amri doonaa in laga dhigo. Waa midda Labaadee:
Jabkii iyo xariggii uu soo maray wuu ilaawi doonaa,
maxaa yeelay muddo dheer ayuu usoo halgamay in mar un
ladhaho Madaxweyne.
SOOMAALI MAXAA
LAGUDBOON:
Wax waliba waa nasiib,
hadda makala garan karo anigu in maanta C/Laahi Yuusuf
uu shirkan kala tagi doono isagoo ah Madaxweynihii
Soomaaliya, iyo iney nasiib-xumadii ugu foosha xumayd ku
dhici doonto. Waxaanse umadda Soomaaliyeed xusuusi-nayaa
in C/Laahi yahay ninkii ku mashquul-sanaa sidii uu
Soomaali u kala diri lahaa muddo ku dhan 14.Sanadood,
waa intii u dhaxaysay 78.ilaa 91. misana sii
burburinteeda ku hawlanaa muda kaloo dhan 14.Sanoo kale,
waana intii u dhaxaysay 91.ilaa 2004. hadaba 28.Sano oo
taariikh-xumidaas ah, miyuu C/Laahi maanta Soomaali ka
istaahilaa iney ku sharfaan jagadaas qiimaha leh? Waa
su’aal aan jawaabteeda ka sugayno Xubnaha Golaha
Baarlamaanka Soomaaliyeed.
ISAGA MAXAA LA GUDBOON:
Haddii aad C/Laahiyoow
qirtay inaad tahay ninkii ugu horeeyey ee dowladii
Soomaaliyeed mucaaradka ku noqday oo aad ka hor sheegtay
goobo caalami ah, walibana aad tiri hadalkii xikmadda
noqday ee ahaa, hadaan sidaan filayo ma’aanan noqdeen
mucaarad, oodna hadalkii ku soo gabagabeysay maanta xal
ayaan diyaar u ahay. Si hadal-kaagaas loo rumaysto,
xalka Soomaalidana loo helo, adiguna wixii hore aad ka
qubaysato, maanta waxaa sharaf weyn kuu ah inaad goob
layaqaan ka tiraahdo: Soomaali waxaan ka codsanayaa iney
i cafiso, si la ii rumaystana, dhisme unbaa ka
shaqaynaya inta cimrigeyga ka dhiman, maadaama 28.sano
oo xiriir ah aan Soomaali dhibkeed ku mashquulsanaa,
wakhtigan laga bilaabo waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed.
Waxaan kuu balan
qaadayaa hadii aad sidaas yeesho, in aad umadda
Soomaaliyeed cafis iyo xushmo ka heli doonto. In
taariikhdaada dhinaca wanaagga ah laga qori doono. Xalka
Soomaalidana uu si degdeg ah ku iman karo.
Haddiise aad taladaas
diido oo aad ku adkeysato musharax-nimadaada, waxaad
ogaataa ifafaalaha hadeer muuqda inuusan kuu tilmaameyn
dabeyl wanaagsan, murugo aan hadda ku haynna aad lakulmi
doonto kadib marka ay Soomaali ku tiraahdo wakhtigaagii
adaa cunay.
Wax kasta waa la
fishaaye haddii nasiib-kaagu wanagsanaado oo aad noqoto
Madaxweynaha Soomaaliyeed, waxaan ku qanci doonaa in
Soomaali ay maanta meel xun ka dhacday. Aniguna nasiib
xumo aan lakulmay.