REER JABUUTI:
SHANTAAN QODOB HAKU DOORTEEN GEELLE.
Ismaciil
Cumar Geelle waa Madxweynaha Jabuuti. Waa nin
dhalinyaro ah, aqoonna u leh dalkiisa wuxuu u
baahanyahay. Dalkiisa oo dal yar ah ayaa
hortaagan han badan oo ku jira inuu gaaro.
Waxaan shaki iiga jirin haddii xilka
Madaxtinimada mar’un uu ka dago in dunidu aysan
ka maarmi karin oo loo dhiiban-doono xilal
caalami ah.
Wa markii iigu
horeysay Taariikhdayda oo aan qoraal ku taageero
mid kamid ah tartamayaasha wadankey rabto
ha’ahaatee. Maantase waxaa igu khasbay hogaamiye
Geelle oo ah nin dadka waxgaradka ahi ay
xurmeeyaan. Ma’oranayo Mudane Geelle ayaa ah
ninka ugu fiican Siyaasiyiinta Jabuuti. Waxaanse
leeyahay waa ninka ugu mudan maanta inuu
hogaamiye dalka Jabuuti.
Muddo haantan
laga joogo 4.Sanadood ayaan ku sheegay maqaal
aan ku qoray Jariidda Asharq-Alawsat in
Ismaaciil Cumar Geelle uu mudanyahay in lasiiyo
Shahaadada Caalamiga ah ee nabadda. Soomaalida
dhexdeeda waa nin xurmo ku dhex leh. Wuxuu u
qabtay shirkii Carta ayaa ah mid lagu dhigan
doono taariikhda maguurtada ah ee Soomaalida.
Aw-Jaamac Cumar
Ciise Taariikh-yahankii Soomaaliyeed ayaa yiri:
Ismaaciil Cumar Geelle waa hogaamiye muhim u ah
G/Afrika, lehna han qawmiyadeed. Aqoonyahan
Soomaaliyeed ayaa igu yiri: Hadduu jira Siyaasi
Soomaali u dhashay oo aan qalbiga ka jeclahay
waa Ismaaciil Cumar Geelle. Suldaan Siciid ayaa
shirkii Carta ka yiri: Haddii Dastuurka
Soomaalidu ogolaanayo waxaan dhihi lahaa Geelle
Madaxweyne ha u noqdo Soomaaliya.
Umadda
Soomaaliyeed wuxuu u qabtay ma’ahan wax la soo
koobi karo. Dowr muuqda ayuu ka qaatay
din-u-heshiistooda, wuxuu u fidiyey gogoshii
taariikhiga ahayd ee ay dowladda ku soo
dhisteen. Wuxuu u ahaa walaal kala dhexgalay
walaalihiis. Marka uu xaalku adkaado wuxuu
muujinayey in mustaqbalka Soomaalida ay murugo
ku hayso. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu helo
garabka haddeer ka maqan ee ay la’aantiisa wax
badani usuuroobi la’yihiin.
Aqoon shakhsi
ah uma lihi Madaxweynaha waxaanse ku ixtaaraama
dhawr qodob oo ay kamid yihiin.
1.
Soomaali-nimada oo agtiisa macno weyn ugu
fadhida. Xoog iyo xoolo wuxuu awooday wuxuu ku
bixiyey sidii Soomaalidu ay dal dowlad leh u
noqon lahaayeen. Waxaase nasiib darro ah
fursadii uu wax waliba ku beelay in isla
Soomaalidii ay iska khasaariyeen, taasna ay
tiiraanyo ku noqotay Geelle.
2. Wuxuu ka
fakaray in dalkii Soomaalida haddii ay
dowladnimadii degdeg ku soo noqon weysay in loo
xifdiyo dhaqankoodii iyo afkoodii. Jabuuti ayaa
laga furay xarun cilmi baaris oo lagu uruuriyey
intii haysay dhaqankii iyo afkii Soomaaliga
ahaa. Dhawr shir oo muhim ah ayaa Jabuuti lagu
qabtay, wuxuuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu
yahay nin Qawmiyadda Soomaalinimada ay ku
weyntahay.
3. Wuxuu wax
weyn ka qabtay dhinaca diinta Islaamka. Dalkiisa
ayuu ku martiqaaday qaar kamid ah Culimaddii
Soomaalida si ay diinta u xoojiyaan bulshada
Jabuutina ay ugu hagaan diinta Islaamka. Waxaa
dalkiisa dagan Sh.Cumar Faaruuq. Madaxweyne
Geelle dadka yaqaanna waxay sheegeen inuu yahay
nin Islaamnimada ku dhagan kuna dadaala.
4. Dalkiisa
dhawr mashruuc oo wax ku ool ah ayuu ka qabtay.
Wuxuu gaarsiiyey meel sare. Mashaariic badan oo
tayo leh ayuu dalkiisa u fuliyey intii yarayd ee
uu xilka hayey.
5. Waa nin
Siyaasadda u basil oo fahmaya sida uu ula
jaanqaadi karo hadba marxaladda jirta. Wuxuu
la’yahay siyaasi Soomaali ah oo sidiisa oo kale
u fakara. Haddii taas laheli lahaa Qawmiyadda
Soomaalidu waxay noqon lahaayeen kuwa hogaamiya
Siyaasadda Qaarada Afrika.
Waxaan
isleeyahay R /Jabuuti iyagaa dantooda sifiican u
garanaya, laakiin hadaanu isla nahay dad hal
meel kuwada abtirsada, waxaan ka codsan lahaa
iney u codeeyaan Geelle. Qofkasta oo Soomaali ah
mayaqaanno wuxuu ku abaal marin lahaa shacabka
Jabuuti iyo Madaxweynahoodaba. Waxaanse leeyahay
Geelle oo markan doorasha ku guuleysta waxay
qayb libaax ka qaadan doontaa Soomaaliya oo
dowlad waarta yeelata.
Haddii
aan ahaan lahaa Muwaadin haysta Aqoonsiga R/Jabuuti
waxaan codkayga siin lahaa Musharaxa Geelle.
Xildhibaan Ismaacil Hurre Buubaa ayaa ahaa
ninkii u horeeyey ee sii sheega inuu C/Laahi
Yuusuf u codayn doono marka lagaaro doorashada.
Sidaas awgeed haddiiba Buubaa sii sheegay ninkuu
u codayn doono, anna inaan sii sheego wax laaxin
ah kuma jiro.
Ismaaciil Cumar Geelle
oo laga waraystay arimaha Soomaaliya
QAYBAHAAN AYAA DALKII DAYACAY
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | April 4, 2005
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com