Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
HARGEYSADAAN SOO ARKAY
Hargeysa waa magaalo aan jeclahay jawigeeda
macaan, sidoo kale waa goob uu qofku hurdo fiican iyo cunto dhadhameysa ka
helayo. Waxaan ku sugnaa sagaal cisho oo ku aadan dhamaadkii bishii labaad ee
sanadkan.
Waayadaas waxaa Hargeysa buuq weyn ku hayey is-qab-qabsiga
Siyaasadeed uu dhaxeeyey xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haya. Waa jawi
siyaasadeed oo ku tusanaya bisaylka mujtamaca goboladaas ku dhaqan. Waxaa kuu
muuqaneysa in R/Hargeysa ay nidaam iyo kala danbeyn ku hormarayaan, halka R/Koonfurna
aad isleedahay kaligii taliyena haxukumee yaa noloshaan xun kasaara.
Qaar kamid ah Aqoon-yahanka Hargeysa ayaan ku
iri: Daahir Riyaale waxba ha ku kicina, waayo nimco aydanan hadda u jeedin ayaad
haysataan oo ah nabadda, haddiise buuqu bato taas ayaad waayi doontaan. Sababtoo
ah ruuxa isbadal doonka ah waxaa fiican inuu aad uga fakaro natiijada ka dhalan
karta marka aad ku guuleysato isbadalka, haddiise uu qofku uusan taas aad uga
fakarin sidii Soomaaliya ku dhacday ayaa ku dhacaysa
MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in
Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta
Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka?
Fahad
|
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa
nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga
somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga
yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga
magaalooyinka camiran ee Somaliland"
Salahudin
|
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la
raafaa, magan waa la dhiibaa!)"
C/Waaxid
|
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka
mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la
yidhaahdo ONLF"
Diridhaba
|
Kuwii
sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad
maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula
noolaadaan"
Asad |
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana
aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA
SAMATAR. "
Faysal |
"7/12/2002
ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin
booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka
dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga
dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu
ku degey"
XagarYare |
RIYAALE vs SAXAAFADDD:::
GUJI |
Intii aan joogay waxaan dareemayey sidii nin
jooga magaaladiisa maadama ay tahay magaalo Soomaaliyeed. Mid kamid ah
saaxiibaday ayaa igu yiri: Sideed Hargeysa ku timid adoo og waxaad ka qortay?
Miyaadan baqayn? Anna waxaan ku iri: Waxaan sheego kama kulula inta uu Faysal
Cali Waraabe dowladda ka sheego. Waana meel Dimuqraadiyad curdan ahi ay ka jirto.
Arintii Samsam ayaa ahayd sheekooyinka loogu
hadal haynta badanyahay. Marar badan ayaan lakulmay dad kala duwan oo ka
sheegnaya Somalitalk, qaarkoodna ay magacayga sheegayaan oo ay leeyihiin hadallo
aad u ad-adag oo meel ka dhac ku ah Bogga Somalitalk iyo Qorayashiisaba. Waxaase
aniga farxad ii ah in Somalitalk iyo qorayaasheedaba laga akhristo Hargeysa,
ha’ahaadaan kuwa necab iyo kuwa jecelba. Sidaas waxaan u leeyahay Hay’ad kasta
oo warbaahineed waxay horumar u aragtaa hadba sida ay u bataan dadka yaqaan,
iney necebyihiin ama ay jecaylyihiin hadafku ma’ahan.
Wasiir ka tirsan Dowladda ayaa igu yiri: Bogga
Somalitalk waxaan fahmi weynay hadafka uu kalahaa buun-buuninta arinta gabadhan
Samsam. Wuxuu intaas ku daray mindhaa mar danbe uma noqono fal noocaas oo kale ah.
Waxay hadda naga taagantahay in aynan qof danbe mar danbe isugu dhawaan, illeen
balaayo kuwan oo kale ah ayaa toosh nala daba-fariisanaya.
Sheekooyinka joogtada ah waxaa kamid ahaa
khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Nairobi lagu dhisay. Shacabku wuxuu
la jiray kooxaha diidan in Itoobiya la keeno gudaha Soomaaliya. Waxayna
uqaybsan-yihiin laba qolo. Qoladda koowaad, waa ku ay ka tahay dal jacayl iyo
wadaniyad dhab ah oo u damqanaya mustaqbalka Soomaaliya guud ahaan. Qolada
labaadna waa kuwa leh haddii uu C/Laahi helo ciidankaas Itoobiyana ay koofur u
qabato sow anaga nagu soo jeesan mayo oo xoog nagu qabsan mayo.
Xagga waxbarashada waxay gaareen horumar fiican
oo dhawr jaamacadood ayaa ka furan, iskuullo muhim ah oo tayo lahna ayaa
la’aasaasay. Aqoonyahan badan oo dibadda ka soo laabtay ayaa qayb weyn ka qaatay
horumarka aqoonta deegaanadaas.
Fikradii gooni-goosadka wali qaar ayaa ku sii
dhagan una badan Siyaasiyiinta. Sheekh Hargeysa dagan ayaa igu yiri: Beerkayagii
wax dhaama la soo waayee, hilibkaad sheegayso goormaa lagaarayaa? Waxaan kula
kaftamay: Anaguna Beer la’aan wax ma dhisan karno, adinkuna hilib la’aan aqoonsi
heli maysaan.
Hargeysa waxaa taalla nimco weyn, waa nabadda
qiimaha leh ee aad si raaxa leh ugu noolaaneyso. Waxaase sabab u ah shacabkaas
oo si weyn ugu hogaansama odayaasha dhaqanka, taasoo wax badan u sahlaysa in xal
lahelo. Puntland waa sidoo kale oo odayadaas ayaa qayb weyn ka’ah xasiloonida
taalla goboladaas. Xamar waxay xalka u gaari la’dahay waxaa kow ka ah, hogaan
dhaqan oo awood leh ayaan jirin, qabaa’ilka qaarkood, kuwooda ugu xoogga badan
xamar, dhaqan ahaanba uma lahan hogaamiye qabiil, oo waa dhawayd ayeyba
samaysteen.
Guri la yiri waxaa leh Maslax Maxamed Siyaad
ayaan ag istaagay. Waa guri nool, laakiin duug ah, oo aan muddo dheer lagu hoyan.
Haweeney ayaa ka soo baxday guri daris la’ahaa, waxaan ku iri: Oo gurigan yaa leh?
Kii Ina Siyaad ahaa wiiluu dhalay oo Maslax lagu sheegayey ayaa leh bey iigu
jawaabtay. Oo wax dhib ah lama gaarsiin miyaa ayaan ku iri? Eeddo ma waxaad
namooday qolooyinka xamar laga sheegayey ee guryaha haysta inaan nahay. Annagu
gurgan waxaan ku falayno ma jirto, gurguna waxba nooma dhimin.
Hargeysa marka laga reebo aan goosanno, wax
badan oo kale ayaad ku amaani kartaa. Waa wanaag muhim u ah mustaqbalka
Soomaalida, una baahan in lagu taageero, oo la bogaadiyo, looguna duceeyo inuu
eebbe wanaagaas u siyaadiyo.
|