Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
WAA-WAREEY. WAA-WAREEY.
WAA-WAREEY.
Qaylo
dhaan ayaan sidaa. Yaase iga maqlaya? Khatar baan ka digayaa. Yaase igu
waafaqsan ineyba khatarta tahay? Waa-wareey. Waa-wareey. Waa-wareey.
Maxaan u iri sidaas?
Ma’aqaano meel aan ka bilaabo
marka uu nasiib-kaygu noqday in xiligan aan noqdo qoraa isku daya inuu faaloo-yin
darteed qalin iyo warqad u qaato.
Ma siyaasad ayaan wax ka
qornaa, oo ah mid ay hor boodayaan koox aan istaahilin iney Soomaali hogaamiyaan?
Ma cadowga dalkeenna ku soo
socda ayaan ka digaa, si’ay jiilasha danbe u bad-baadaan?
Ma diintii Islaamka ee aan si
wacan u dhaqan-galin baan dadweynaha u tilmaama?
Ma 15. Sano oo aanan lahilin
Dowlad caga-dhigata baan sheegaa sababta keenta iyo cidda ka danbeysay?
Ma dowrkii Culimada
Soomaaliyeed oo maqan baan boorka ka soo jafaa?
Runtii dhibaatooyin ay dhici
karto iney intaas qayb ka tahay ayaan lakulmaa markaan damco in aan wax ka qoro
xaalka dalka Soomaaliya.
Qiyaamadu iney soo dhawdahay
tilmaamihii uu Nabi Maxamed S.C.W. u sheegay waxaa kamid ahaa in ruuxu uu qof
dilo, isagoon aqoon sababtii uu u dilay. Xadiiskaas adoo arkaya, hadana xusuusta
xaaladda Soomaaliya imisa qiso ayaad ogtahay oo ay laba qof ama laba beelood isu
laayeen, ayagoon aqoon sababtii ay isu baaba’sheen.
Waxaan gaarnay in aan u
ekaanno qoladii ilaahay Suurayada Maryam ku sheegay Aayadda 81( Waxay yeesheen
ilaahay sokodiis ilaahyo kale, si’ay sharaf ugu raadiyaan) kuwan hubka waaweyn
sita, miyaynan qabaa’ilku daba fariisan si’ay sharaf ugu soo ceshadaan? Miyeysan
moodayn inay iyaga dartood ku heleyaan maamuska ay beeshoodu istaahisho?
Gaddoon-ka umadaha waxaa lagu
gartaa, intooda wax garanaysa ayaa li’ata, kadibna xilmakase-yaal ayaa isu soo
hara, kolkaasay tirtirmaan intii soo hartay. C/Qaadir Yaxye wuxuu yiri: Xamar
waxa ka jira waa nolol duur-joog oo kale, waxaa lagu leeyahay hebel hebel baa
dilay, misana waaba iska caadi, oo sidii dhurwaayadii ayaa la’iskula daganyahan.
Hadalkaas intuusan dhiman ayuu yiri Yaxye. Laakiin dhurwaagii isaga ayuuba cunay.
Isla-maalin-taasna waxaa la
dilay Sheekh kamid ahaa Culimaddii Maxkadamaha Islaamiga ahaa, oo hadana si
sahal looga gudbay.
Sh. Maxamed Muumin isna
habeenkii Sabtida ayuu dhurwaagii cunay, labadii wadaad ee la socotayna
hilbahoodii ayuu goos-goostay, oo waaba dhaawac ilaa iyo hadda.
Maxamed Muumin iyo C/Qaadir
Yaxye waxay indho u kala’ahayeen laba qaybood oo bulshada Soomaalida kamid ah.
Qaybta Culimada Diinta ayuu Maxamed Muumin muuqaal wanagsan u ahaa. C/Qaadir
Yaxyena qaybta Aqoon-yahanka ayuu muuqaal wanaagsan u ahaa. Labadoodiiba dunida
waa ka maqan-yihiin maanta.
Qiimaha nolosha hadduu lumo,
maxaa soo haraya oo aan ilaashannaa? Xamaray sidee laguu xaal-mariyaa ayaa hadda
ka hor la’is weydiiyey, oo Fanaan Soomaaliyeed ayaaba tiriyey tixo macnahaas leh,
waxaase muuqata oo saxna ah in xamar laga rabo iney dadka Soomaaliyeed ay iyadu
xaalmariso, oo Xamar intaan oo danbi ah ayaa loo haystaa.
1. Toban kamid ah Culimaddii Soomaalida dhig-goodii oo xaq-darro ah iyadaa lagu
daadiyey.
2. Dowladdii Soomaaliyeed iyadaa lagu dumiyey. Ilaa iyo hadana iyadaa
hor-taagan in dowlad loo dhanyahay lahelo.
3. Boqol-soon Allaha u naxariistee iyaduu ku duugan-yahay, Shariif C/Nuur
isagoo da’ ah ayaa xabad lagu dhuftay, taasoo xanuun aan ilaa hadda ka harin ku
reebtay.
4. Prefes Abyan iyadaa lagu dilay. Qoraagii Ibraahim khooli iyadaa lagu dilay.
Dhakhtarkii ay Shaati-guduud walaalaha ahaayeen sidoo kale.
Marabo inaan wada tiriyo,
waayo waa cashar dheer oo aan la soo koobi karin, mise xanuun badan.
Culimadda Soomaaliyeed
gaar-ahaan kuwooda xamar ku sugan, maalmahan-danbe lama fahmi karo sababta ay
la’aamusan-yihiin. C/Qaadi Yaxye iyo Wadaadkii Maxkadama ayaa 24.saacadood
gudahood la dilay, ilaa iyo hadda warkooda lama hayo. Sh. Maxmed Muumin ayaa la
dilay maxay ka qabteen ilaa iyo hadda? Aaway ilaalintii dhiigga muslimka? Aaway
dowrkii hanuunti ee ay Culimadu lahaayeen? Mi xisaabaad Siyaasadeed ayaa jira oo
u diiday iney sheegaan hadalka eebe ee qeexaya siday xaaraan u tahay daadinta
dhigga qof muslim ah.
Ururka Crisis Group oo Qoraal Dheer
Ka Qoray Soomaaliya iyo Sida la Isugu Cayrsanayo...
Qoraal ka kooban 29 bog oo bishan July
11, 2005 uu soo saaray ururka lagu magcaabo
Crisis Group ayuu ku falanqeeyey Soomaaliya iyo ururada ka jira iyo
sida dalka gudihiisa la isugu cayrsanayo, qoraalkaas oo aad u dheer oo
ku qoran luqadda Ingiriiska waxaa laga soo rogan karaa
Halkan... Guji... [PDF-- waxaad u baahan tahay "Adobe Acrobat
Reader" si aad qoraalkaas u daalacatid] |
Suuradda Al-Nisaa’ Aayadeeda
93.aad wuxuu ku sheegay Ilaahay ruxii qof Mu’min ah si kas ah u dila shanta ciqaabood
ee uu mudanayo.
1. Abaalkiisu oo ah
Jahannamo . 2. Inuu ku waarayo Jahannamo. 3. Inuu Ilaahay u caroonayo. 4. Inay
lacnaddii Ilaahay ku dhacayso. 5. Inuu u diyaarinayo cadaab weyn.
Intaas oo ciqaab ah majirto
cid kale oo uu Quraanku u sheegay iney ku mutaysanayaan danbi ay faleen dartiis.
War kuwii dilay C/Qaadir
Yaxye oo Salaadii Cishaha tukaday, oo Salaadii Subaxna sugayey, oo Xajkii
dhawaana Bayt-ka ilaahay ku soo gutay. Iyo Sh. Maxamed Muumin oo ahaa nin
24.Saac ku hawlanaa faafinta Islaamka, oo marka la dili-doonana Salaaddii
Makhrib soo tukaday. Cishihiina usoo laaban rabay. Maxay naga mudan-yihiin?
Miyeynan hal mudaa-haraadna u samayn karin?
Allow u wada naxariiso.
Janadaadana geey. Xamarna xaqa usoo celi. Xalaalay-siga dhiigga Muslim-kana ka
qabo kuwooda sidaas caadaystay.
Qofkii wax garda xamar waa
lagu dilaa, hadaad rabto inaad noolaato, misena aad rabto inaad Muqdisho ku
nagaado, waxaan kugula talinayaa, hanoqonin qof bulshada dhexdeeda macna ka
dhexleh, haddii kale sababihii geeridaada adiga ayaa keensaday.
|