GUDASHADA CIBAADADA XAJKA
Qore: Ibrahim Salah
ibra88@hotmail.com
Odense, Denmark
March 3, 2001
Maadaama aynu ku dhex jirno bishii gudashada Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, ayaa waxaan si dul mar uga hadli doonnaa fadliga iyo waajibnimada
Xajka.
Tiirka Xajka iyo xilliga la waajibiyay
Xajku wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Islaamka. Ereyga Xaj macna ahaan waa in loo qasdo
tegitaanka beydka Xaramka ee Makka, orodka iyo is taaga Carafa iyo sidoo kale iyadoo lala
yimaado dhammaan cibaadada Xajka, iyadoo la ajiibayo amarka Eebbe (sw), dhinaca kalena la dalbayo raalli ahaanshihiisa, waa sidaa macnaha dhabta ah ee Xaj.
Tiirka Xajka waxaa la waajibiyay sannadkii lixaad hijrada ka dib, waana sida ay qabaan Jamhuurta Culumada. Dhammaan Culumada Islaamka waxay isku waafaqsan yihiin in qofkii si ula kac u diida waajibnimada Xajka uu gaaloobayo. Xajka inuu waajib yahay waxaa ku cad aayadda qur’aanka ah ee uu Alle ku leeyahay: ”Illaah wuxuu ku leeyahay dadka Xajka Baydka ruuxii kara waddada, ruuxii gaaloobana Alle waa ka kaaftoon yahay caalamka” 97 Suuradda Al-Baqara. Rasuulka (scw) wuxuu yiri: ”Labada Cumro inta u dhaxeysa ayeey kafaaro gud u tahay, Xajka wanaagsana ma laha abaal mar aan Jannada ahayn”.
Fadliga Xajka
Fadliga xajka lama soo koobi karo, waxaana ka mid ah xaddiis uu werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha raalli noqdee inuu yiri: waxaa Rasuulka (scw) la weydiiyay acmaasha tee baa ugu fadli badan, wuxuuna Rasuulka (scw) ku jawaabay: rumeynta Eebbe (sw), waxaa kaloo la weydiiyay maxaa ku xiga? Wuxuu yiri misna: “jihaadka Alle dartii loo galo”. Waxaa kaloo la weydiiyay maxaa kaloo xiga? Wuxuu Rasuulka (scw) yiri Xaj mabruur ah (waa xajka aan lagu lifaaqin wax denbi ah). Imaamkii Zaahidka ahaa ee la oran jiray Xasan Al-basri Ilaah ha unaxariistee isagoo qeexaya macnaha xaj mabruur wuxuu yiri waa in qofkii soo xajiyay uu soo laabto isagoo adduunyo ka saahiday, aakhirana jeclaaday. Dhinaca kale, waxay culumada qaarkood raaciyaan inuu xaajiga ay dabeecadihiisii hore wax weyn iska beddelaan, sida isagoo badsada quudinta masaakiinta iyo hadal dabacsan oo uu dadka markasta kula hadlo.
Tiirarka Xajka:
Xajku wuxuu leeyahay afar (4) tiirar oo asaas u ah ansaxidda Xajka oo haddii mid ka mid ah laga tago uu burayo, waxaana ka mid ah:
1) Ixraamka, dawaafidda , sacyiga (orodka) u dhaxeysa Safa iyo Marwa iyo ugu danbeyntii istaaga Carafa. Waxaa afartaan tiirar oo faahfaahsan ka heli kartaa kutubta Fiqiga
Islaamka.
Shuruudaha Xajka:
Inta badan tiirarka shanta ah ee Islaamka waxay wataan shuruudo dhowr ah, shuruudaha tiirka Xajkana waxaa ka mid ah qodobadan soo
socda:-
1) -Islaam- oo qof aan muslim ahayn kama ansaxayo Xajka.
2) -Qaangaar– ilmaha yaryar waajib kuma aha Xajka.
3) -Miyir qab– qofka waalan waajib kuma aha Xajka.
4) -Awood– ruuxa aan awoodin Xajka isna lagama rabo Xajka, awooddaas waxay noqon karaan labo nooc. Waa midda horee ruuxu waa inuu caafimaad qabo, oo ruuxu haddii uu jiran yahay amaba uu waayeel yahay isla markaana awoodin socodka iyo haleelidda beydka Xaramka lagama doonayo markaas, oo wuxuu hoos imaanaya aayadda oranaysa “ruuxa kara waddada”. Midda labaad waa waddada oo aan aamin ahayn, ama ay jiraan dad burcad ah oo dadka jidka u istaaga, dadka noocaas ahna iyagana kuma waajibayo xajka. Qofka hadduu ka cabsado nabad gelyo xagga waddada ah, amaba xaaladdiisa caafimaad oo aan wanaagsanyn waxay soo hoos galayaan dadka loo cudur daaray. Waxaa kaloo la raaciyaa qofka oo aan haysan wax sahay ama gaadiid ah.
Waxyaabaha reeban xilliga gudashada Xajka:
Ruuxa gudanaya waajibka Xajka waxaa ka reeban inuu u dhowaado xaaskiisa (galmada). Waxaa kaloo ka reeban inuu jaro ciddiyaha, inuu is carfiyo xurmashada ka dib, inuu xiirto/jaro timaha, in uu sameeyo caqdi guur iyo in lagu dhaqaaqo ugaarsiga xayawaanka amaba in la dilo.
Xajka hal mar oo keliya ayaa la iska doonayaa:
Xajka waa waajib in lala yimaado, waana hal jeer oo keliya sannadkii haddeynan jirin Xaj nadar (sharad) ah oo uu ruuxu nadray. Wixii halkaa mar ka badan waa iska sunno. Hase ahaatee waxaa jirta inuu qofku cumreysan karo marar kala duwan. Abuu Hureyra waxaa laga weriyay inuu yiri, waxaa inoo khudbeeyay Rasuulka (scw) isagoo leh: ”Dadoow waxaa la idinku waajibiyay inaad Xajisaan ee guta Xajka, nin baa weydiiyay Rasuulka ma sannad kastaa Rasuulka Alloow?, Rasuulka (scw) wuu aamusay ilaa uu ninkii hadalkii ku soo celiyay saddex jeer. Kolkaasuu Rasuulka (scw) yiri: haddaan iraahdo haa waa waajib markaana ma aad awoodeen, dabadeedna wuxuu yiri: ”ii dhaafa wixii aan ka tago, waayo waxaa halaagay ummadihii idinka horeeyay su’aal badnidooda iyo khilaafka Nebiyadooda. Haddii aan idin faro arrin la imaada intaad ka awoodaan, wixii aan idinka reebana ka taga”. Bukhaari & Muslim.
Acmaasha Xajka uu ka kooban yahay:
-Ixraamka– Waa in la lebistaa dharka xarmashada maalinta siddeedaad ee bisha Dil-Xijjah, waana in la yiraahdo: ”Labbayka Allahuma Labbayka..”, dabadeedna waa inaad aadaa Mina adigoo ku tukanaya shan salaadood adigoo gaabinaya Duhurka, Casarka oo aad dukato labo labo rakcadood, weliba adigoo ka soo hormarinaya wakhtiga casarka. -Carrafa- oo la is taago, Musdalifa oo la seexdo, Dhagaxa oo la tuuro, Gowraca, Xiirashada, Dawaafka iyo Sacyiga.
Fadliga maalmaha hore ee bisha Dil-Xijjaa:
Muslimiinta waxaa la gudboon meel kasta ay joogaanba inay markasta laasimaan la imaanshaha cibaadada iyo guud ahaan ku dhaqanta diinta, gaar ahaan tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha Dil-Xijja. Xasanaadka iyo abaal marinta Eebbe waa la kordhiyaa maalmahaas, iyaddoo uu Alle (sw) ka xoreynayo naarta makhluuq aad u fara badan.
Tobanka Maalmood ee ugu horeeya bisha Dil-Xijja waa maalmaha ugu fadliga badan maalmaha, sidaa darteed waxaa habboon in maalmahan lagu cammiro qur'aan akhriska, soon iyo salaadaha sunnada. Waxaa sunno la adkeeyay ah in dadka aan xujeeyda ahayn ay soomaan maalinta sagaalaad ee bisha Dil-Xijja. Fadliga ku soo arooray maalmaha ugu horeeya ee bisha Dil-Xijja waxaa ka mid ah, Xaddiiska uu weriyay Jaabir Binu Cabdillaahi (rc) inuu Rasuulka (scw) yiri xaddiis macnihiisu ahaa: Ma jiraan Alle agtiisa maalmo kaga fadli badan tobanka maalmood hore ee bisha Dil-Xijja”. Nin baa Rasuulka (scw) weydiiyay su’aal isagoo leh: ma waxay ka fadli badan yihiin maalmaha lagu jiro u dagaalanka Jidka Alle (jihaadka), Rasuulka (scw) ayaa yiri: haa way ka fadli badan yihiin, ma jirto maalin Illaah agtiisa kaga fadli badan maalinta Carafa, wuxuu Illaah (sw) u soo degaa samada adduunyada, wuxuuna ugu faanaa makhluuqaadka ku nool dhulka iyo makhluuqaadka ku nool samada isagoo leh: bal eega addoomadayda, waxay yimaadeen iyagoo basaasaysan, booreysan, waxay ka yimaadeen dhulal fog-fog, waxay rajeynayaan naxariistayda iyagoo aynan arag cadaabkayga, ma aanan arag dad xorenyta naarta kaga badan kuwa laga
xoreeyay naarta maalinta Carafa”. Ilaahoow naga dhig kuwa laga xoreeyo naarta, isla
markaasna lagu arsuqo Jannada, aamiin. Ugu danbeyntii, waxaan ummadda Islaamka, gaar ahaan bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan leeyahay ku ciida ciid wanaagsan, Ilaah ha inaga aqbalo acmaasha
wanaagsan.
Qore: Ibrahim Salah
ibra88@hotmail.com
QOraalada kale ee
Ibraahim: www.somalitalk.com/ibraahim
Daabacaad: March 3, 2001 |
Cusboonaysiin: Jan 10, 2003
Booqo Bogga: www.somalitalk.com/hajj
[Shuruudaha Xajka]
Qaybaha
uu ka koobanyahay xajka iyo meelaha la maro Makka iyo Madiina -- daawo
2
million oo Xujey oo gutey Xajka sannadkii hore (2002) Siiradii
Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro 114
Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran Ahmiyadda
Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat Hab
nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada Sakada
Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat Cuntada
xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal
|