CASHARKA KOOWAAD
[AASAASKA HTML]
Badanaa bogga Shabakadda Internetka waxa uu ka kooban yahay HEAD
iyo BODY. Labadaas qaybood waa kuwa ugu muhiimsan ee asaaska
u ah naqshadaynta bog laga daalacankaro Internet-ka.
BODY waxaa lagu qoraa qaybta la arko marka lafuro bog
Internet ah, sida kan hadda aad akhiryeysid oo kale. Taas macneheedu
waxaytahay lama daalacanakaro haddii aan boggu lahayn BODY.
HEAD waxaa hoosyimaada TITLE oo ah meesha laguqoro
qoraalka kamuuqda meesha ugu sareysa ee [Browser-ka]
Marka laqorayo HTML waxaa la adeegsadaa waxa looyaqaan TAG
ama "LOOX" kaas oo ah midka uu fahmikaro [Browser-ka]. Qoraalakana
waxaa ladhex geliyaa laba LOOX.
LOOX ama TAG oo ah < > waa kan suurtagalka kadhiga in
labedelikaro naqshadda, farta, midabka iyo qaabka, iwm, ee
bog-Internet ah. Waa barnaamij aad u sahlan fahamkiisa iyo
adeegsigiisuba, ee guntiga dhiisha isagadhig si aan uwada bilowno
qormadii ugu horreysey. |
Muuqaalka HTML? |
Xeerka HTML
|
Maxsuul
|
<HTML>
<HEAD>
<TITLE>Tusaale HTML</TITLE>
</HEAD>
<BODY>
Casharka koowaad waa fudayd!
</BODY>
</HTML> |
Casharka koowaad waa fudayd!
|
Haddii aad qortid xeerkaas kore waxa aad samaysay bog Internet
ah. Waxaa keliya oo aad u baahan tahay in meesha ay ku qorantahay
Casharka koowaad waa fudayd! aad ku bedeshid
qoraalkii aad doontid, adiga oo adeegsanaya NOTEPAD kaddibna u
xafidaya [save] sidii habkii aan kaga soo sheekaynay bogga
Hordhaca. Waxaadna ku arkikartaa daalacdaha ama
[Browserka. |
FIIRO GAAR AH:
Marka aad xeerka kore kuqortid NOTEPAD ee aad xafideysid [SAVE
AS] waxaad magaca aad u bixisid gadaal ka raacisaa ama kaga
lingaxdaa .html hadii kale file-kii masoo baxayo marka aad
rabtid in aad daabacdid.
Tusaale ahaan hadii file-ka aad u bixisid index ku lingax
.html si uu u noqdo index.html ogow sidookale haddii
aad qortid index.htm waa wanaag [OK] oo file-kii waa soo
baxayaa, wixii intaas kaduwan maya, ogaantayda. |
UFIIRSO HALKAN:
<HTML> iyo </HTML> waxay isu yihiin fure iyo qafil, waana kan
xakumaya in bog uu kasoo baxo shabakadda Internetka. Waana bilowga
iyo dhammaadka qoraalkaaga.
Sidoo kale <HEAD> iyo </HEAD> waxay isu yihiin fure iyo qafil.
Waxaadna arkeysaa in dhexdooda uu kujiro <TITLE> Cinwaanka </TITLE>
iyaguna waxay isuyihin fure iyo qafil.
<BODY> iyo <BODY> waxaad dhexdooda ku qori doontaa qoraalkii aad
rabtey in laga daalacdo Internetka. Maxaa kuu baxay!. Sow kuma
dhehin guntiga dhiisha iskaga dhig.
Sida aad ka arkidoontid qoraalka hoose, <BODY> waa meesha midabka
uu bog yeelanayo laga hoggaamiyo iyada oo la adeegsanayo waxa loo
yaqaan <BGCOLOR>. Amey HTML gadaal kasoo adkaan doontaa? maya maya....
|
Midabka Bogga |
Waa meesha laga xakumo sida uu u ekaanayo midabka bogga shaashadda
Internetka. Waxaana badanaa looxa dhexdiisa lagu qoraa xarfaha
midabada ee afka Ingiriiska sida ('red','green','blue') ama xarfo
lix-lix isu raaca ama lixlayaal ah sida ("#AA99BB","#CC0011","DDEEFF").
Xeerka HTML
|
Maxsuul
|
<BODY BGCOLOR="#AA9944"> |
|
UFIIRSO HALKAN
<BODY BGCOLOR="#AA9944"> halkaas weeye meesha bogga midabkiisa
kala bedeleysa. Waxa midabka bedelayana waa "#AA9944" , una fiirso
AA9944 waa "lix-xaraf", waana shardi in ay lix ahaadaan haddiikale
waxaa soo baxaya wax eynaan ku talagelin.
Calaamadda # ee ku lifaaqan lixda xaraf waxay daalacdaha
[browser] usheegeysaa in meeshaan midab kujiro. Inkasta oo waayadaan
dambe aan aad loo adeegsan sababta oo ah BROWSER-rada casriga ah
waxay midabka akhriyi karaan xataa haddii aan calaamadda #
lagu lifaaqin lixdii xaraf. Ogow lixda xaraf la'aantood wax kala
soconayaa majiraan marka midabka laga hadlayo. Sidoo kale ha u dayma
la'aan calaamadaha " " ee dhinacyada kaaga lingaxan lixdii
xaraf. Halkaas si fiican baan u gartaye ina socodsii.
SAWIR MIDAB AHAAN LOO ADEEGSANAYO
Waxaa aad u sahlan in sawir lagu bedelo halkii midabka ee kor ku
xusan. Si arintaas loo hirgeliyo waa in looxa BODY lagu qoraa
BACKGROUND iyada oo markaas BROWSERKA loo tilmaamayo sawirka la rabo
in la adeegsado, sida hoos ku qoran.
Xeerka HTML
|
Maxsuul
|
<BODY BACKGROUND="sawir.gif"> |
|
UFIIRSO HALKAN
Waxaad arkeysaa faraqa u dhexeeya midabka iyo sawirka loo
adeegsanayo bogga.
Si fiican ugu fiirso <BODY BGCOLOR="#AA9944"> iyo <BODY
BACKGROUND="sawir.gif"> , ma aragtay faraqa. Meeshaan xeelad qarsoon
ayaa kujirta, waase sahal fahamkeedu.
Iisug inyar koob shaaha ayaan kusoo dhifanayaa ileyn waatan
hawshii isku dubba dhacdaye.
Casharka labaad waxaan ku baraneynaa midabada. |
|