Ma Ogtahay in la ogaan karo Wadanka aad
joogtid marka aad Qof u dirto Email….?!!!
Qore: Yusuf Ali Hassan
yusufmog@hotmail.com
Mogadishu-Somalia
Xaddaarada Technology ayaa maalin maalin ka dambeysa aad u sii
hormareysa, Haddaba Akristow sow lagama yaabo in qof aadan aqoon email kuu
soo diro, kadibna ku caaya ama ku yiraahda wadan hebel ayaan joogaa. Markaas
ma ku wareertay qofkaan meesha uu jooga iyo bal in aad wax uun ka ogaatid
wadanka uu joogo.
Hadaba waxaan jeclaaday in aan idin tuso Qaabka ugu sahlan ee QOF email
kuu soo diray aad ku ogaan kartid Wadanka uu jooga iyo ISP (Internet
Server Provider-ka) uu is timcaalayo. Haddii aad ogaatid ISP, isla mar
ahaantaasna uu qofkaasi sii wado cayda, waxaad markaas la xiriiri kartaa
meesha siisay ISP ama barta uu ka isticmaalo Internetka, kaddiba waxaad u
gudbin kartaa hay'adaha ku shaqada leh ammaanka, sida booliska.
Hadaba waxaan ku hormareynaa HOTMAIL-ka;
Qof walba waa in uu leeyahay Cinwaan Hotmail ah. kadib aanu tagno Inpox-ka.
Waa uu socdaaaaaaaaaaaaaaaaaa...........
1. Guji magaca qofkii email-ka kusoo diray
2. Marka la gujiyo magaca sare waxaa furmi doona emailkii qofkaasi kuu
soo diray, sida kamuuqata sawirka hoose inta aan la gujin qaybtaa 'OPTION' (ee
aan ku arki doono) waxaa kuu muuqanaya emailkii qofkaasi kuusoo diray oo
caadi ah oo aan la fahmi karayn meel ay ka timid.
3. Guji halka ay ku qoran tahay 'OPTION' ee dhanka sare ee shaashada
emailka
4. Guji meesha ay ku qoran tahay "Mail Display Settings"
5. Eeg meesha ay ku qoran tahay 'Message Headers" halkaas dhankeeda hoose
calaamadi meesha ay ku qoran tahay 'Advanced.'
Kadib waxaad Gujisaa OK, waxaada ku noqotaa Inpox-ka,
waxaadna furtaa mid ka mid ah fariimaha kuu yaala.
Halkaas marka aad soo gaartid waxaad ku guulaysatey in emailkaaga aad ka
ogaan kartid qofka emailka kuusoo dira wadanka uu joogo.
6. Marka aad furtid mid kamid ah emailadii laguu soo diray, Eeg qaybta ku
soo siyaadey cinwaankii emailka, qaybtaas waxaa ku qoran Cinwaanka loo
yaqaan 'IP Address': Waxaa xusid mudan in computer kasta oo dunida yaal uu
leeyahay IP gaar ah.
Markasta oo email laguu soo diro qaybtaas siyaadada ah ayaa la socon doonta.
7. Kaddib lambarkaas 'IP-ga' qoro ama koobi ka samey.
8.
http://www.checkdomain.com/
9.Marka aad gujisid shaashada sare oo kamid ah websiteka (http://www.checkdomain.com/)
meesha ay kaga qoran tahay "Enter' waxaa kuusoo bixi doona, shirkada qofkaas
emailka kuusoo diray uu Internetka kasoo xirtay, iyo meel shirkadaas lagala
xiriiri karo.
Halkaas waxaa kaaga soo baxay in aan Internetka la isku qarin karin, oo
si fudud qofka loo soo heli karo meesha uu Emailka kasoo diray.
Qore: Yusuf Ali Hassan
yusufmog@hotmail.com
Mogadishu-Somalia
SomaliTalk.com | Jan 6, 2004
"Mooryaanta"
internetka! "C. Gaalkacyo"
Barnaamijyo ku
Anfacaya [C. Gaalkacyo]
.... Copyright & Islaamku
wuxuu ka qabo.... Akhri
.
IP Address Check.