"Mooryaanta" internetka!
C/risaaq "Gaalkacyo"
Helsini, Finland
rcabdi@hotmail.com
Janaayo 2004
Intii dhowr sano ah, waxaa guriga ii yaalay computer. Laga soo bilaabo
maalinkii aan internet soo gashaday, waxaa si aan naxariis leheeyn
computer-keyga weerar looga soo qaadayay dhinacaas iyo internetka ha ahaato
qaab virus ama qaab hacker/crakckers ,"mooryaaanta" netka.
Waxaa laga yaabaa inaad maqasheen waxaa lagu magacaabo
virus-ka. ama qaarkiin ey khabiir ku yihiin sheekadiisa,
hadeysanba ayagu sameyn.
Dadka computer-da aan aqoon saas ah u sii laheen, waaba la yaaban yihiin
meesha sheekadu ka socoto iyo virus-ku waxa uu yahay. Waxay yaqaaneen virus
ku dhaca noolaha, laakin midkaan computer-kaa, mmm, waa sheeko cajiib leh,
eebow naga qabo kkkkkk.
Waa maxay virus-ku?
Hadaan ka hadalno dhinaca computer-da, virus-ku ma aha, kii noolaha ku
dhici jiray, ee jirada keeni jiray Virus-ka computer-du waa program wax
yeeleyna programyada kale ee computer-kaaga ku jira. taas oo sababta in ugu
danbeystii aadan progamyadii kale aadan isticmaali karin. waxaaba laga
yaabaa in ey khasab kugu noqoto in prograyadaas mar labaad computerka dib
loogu duubo.
Yaa virus-ka sameeya?
Waa su'aal in laysweydiiyo mudan. Fikrad ahaan ani waxay ila tahay,
dadkaan sameynaya virus-ka labo koox ayay noqon karaa. koox ficilkaan xun ku
dhaqaaqay si ay ummada muslim iyo gaalaba u dhibaan, dadka lugooyadiisa
shaqo ka dhigtay, ayagoon wax dhaqaalo ah aanan ka heleen, laakin ku
raaxeysanaya dhibkaas iyo jahwareerka ay dadka u geesanayaan.
Kooxda kale, waxaan filayaa waa koox rabta iney isa soo bandhigaan oo
aduunka u soo gudbiyaan iney wax ka yaqaanaa cilmigaan programming-ka.
laakin ayagana dhibka heysta wuxuu yahay, ayagoon si toos ah aanan isku soo
bandhigi karin, sababtoo ah maxkamad ayaa lasoo taagi lahaa dhibka ay dadka
u geysteen owgiis. Danbtu waxay ku khasabtaa iney isticmaalaan magac-u-yaal,
lagu garto, laakin magacoodii runta ahaa, iyo cidda ay yihiin ay qariyaan.
Runtii waa adagtahay sida loo fahmo, faa'iidada ey ka helayaan dadkaan
virus-ka sameeya, howshaas ey ku dhexjiraan. Waxaa laga yaabaa in sameynta
program-kaas virus ah ey ku qaadatay bilo!!
Maxaa ku dhacaya
computer-keyga hadii uu virus asiibo?
Dad-ka badankiis waxaa cabsi galisa khasaaraha uu keeni karo virus-ku.
Waxaa laga yaabaa in qofku uu is leeyahay : amaa laguu soo diraa virus
computer-ka kaa guba, ama qarxiya. :-)
Virus-ku waa program kaa kharibaya programyada kale ee computerka kuugu
jira. Dhismo ahaan, computer-ka waxba u geysan maayo. Haduu u bato wuxuu kaa
kharibayaa operating-systemka, oo ah programyada computerka maamulaya, sida
windows-yada( win 95/98/2000 XP). Marka hadii virus computer-ka kaa galo, oo
computer-kii xumaado, macneheedu ma aha in computer-kii ey u dhamatay, oo la
tuurayo, ee waa in program-kaas virus ah laga saaro, kadib dhib loogu dhuubo
prograyadii kuugu jiray ee aad isticmaalaysey
waa maxay hackers :
mooryaanta netka
Dadka virus-ka sameeya waxaaba ka darnaaday kuwo kale oo isku magacaaba
hackers. Mar walba waxaan maqalnaa: mooryaan ayaa xamar dad ku dhacday,
mooryaan ayaa saas sameeysay, mooryaan ayaa, moor yaan ... hackers-ka
waxaay oran karnaa waa mooryaan casri ah. hacher oo mar mar lagu magacaabo
crackers, waxaa lagu qeexaa qof si amar la'aan ah u maamulanyaa computer qof
kale, asagoo adeegsanaya khatka internetka.
Qofkaan wuxuu yaqaanaa qaabka uu ula soo xariiri lahaa computer-kaaga
asagoo isticmlaaya computer-kiisa iyo khatka internetka. Mar kuu u soo dhoco
comper-kaaga wuxu awood u leeyahay in uu compterkaaga faylasha kuugu jiray
akhristo ama uu tirtiro. Waxaan filayaa inaad waayahaan danbe maqashay
dadka oo ku sheekeesanaya ama aad joornaalada ka akhrisay : " wiil 15-jira
ah ayaa banki hebel computer-kiisa u dhacay, oo lagac badan akoonkiisa ku
soo wareegsaday".
Sidoo kale, waxaa jira programyo ey adeegsadaan hackers-ku, oo intey
adiga ogaan-la'aantaa computerkaaga program-kaas ku duubaan, ey halkaas
kaala socdaan waxa aad computerkaaga ku sameyneyso. xataa waxay laga yaabaa
iney wax yaalo badan oo sirartaada ah ey isla markaas kaa helaan.
Maxaa xal u ah virus-ka,
sideese mashiinkeyga u difaaacan karaaa?
Waxaa la yiri, nin dhimashadiis nin kale ayaa ku farxa. Dhibka iyo
khasaarah ey ummada u geysanayaan ninmankaan virus-ka niman kale ayey
farxad u tahay.
kuwii virus-ka sameeynayay markey sameeyaan program virus ah, waxaa
jira shirkado ayagu aad moodo iney la shaqeeyaan, oo suuqa keena program-yo
kuwaas virus.ka lid ku ah, anti-virus. Shirkadahaan dhaqaalohoodu wuxuu ku
xiran yahayba, in kuwa virus-ka sameynayay ay virus sameeyaan, kadib,ayey
ayaguna suuqa keenaan anti-virus. Marka saad aragtid, dadkii waxay dhex
galeen labo libaax, oo midba geeskiisa ka ruqsanayo.
Hadii virus computer-kaaga kaa soo galo, labo si'ba waad sameyn kartaa:
1 inaad computer-ka gabi'ahaanba tirtirtid, oo wixii program ku jiray oo
dhan ka tir tirtid, ama
2. inaad raadsato program- anti-virus ah, oo viruskaas kaa saara.
Progamyada ani-virus-ku waa badan yihiin waxaa ka mid ah: f-prot,
f-secure, McAfee, norton anti-virus....
Koleyba netka hadaad ka raadiso anti-virus, waad helin, inkastoo ey ku
kala duwan yihin tayo ahaan iyo qiimahaba.
Arintaan
virus-ka garanay, laakin arinta hackers-kana?
Sidoo
kale, nimankaan hacker-ka waxay hor mariyaan programyo u saamaxaya iney
dadka islaameed computer-dooda u dhacaan, ogolaansho la'aan.
sheekadaan laftigeeda shirkado kale ayaa ka faa'iideysta. Maadaama qofna
uusan u adkeysaneyn in computer-kiisa layska maamusho, dadki waxay u baahan
yihin qof arintaas ka xaliya.: waxaa soo baxay shirkado sameeya software,
firewall, ka hortaga mooryaantaas netka, oo kaa difaaceysa ineyn computer-kaaga
soo galaan. sidoo kale waxaa jira hardwre(qalab elektroonig ah) oo
computerla lagu xariiryo oo kaa difaacaya in aan comptuer.kaaga gadaal laga
soo galin.
Hadaad xoogaa computer-rada wax kala socotid, waxaa jira, programyo
qaarkood lacagla'aan yihiin, oo loo isticmaalo ilaanlinta taraafiga/dhaq-dhaqaaqa
internetka. si kale hadaan u iraahdo, programyadaa waxay kuu saamaxaayaan
iney kuu sheegaan dhamaan programyda computer-kaaga ku jira ee internetka
isticmaalaya. Tusaale, markaad computer-ka shidid, adigoon internetkii furin,
hadii program uu iskiis u bilaabo inuu interka xariir la sameeyo, oo compter
kale la xariiro, isla markiiba waxaaad o'gaaneysaa in ay wax jiraan. Sida
runta ah, faaladaan aad hada akhrineysid, qoraalkeeda waxaa igu dhaliyay
arintaan oo kale 27.12.2003. Computerka ayaa waxaa iigu jira program lagu
magacaaabo Zonealarm, oo loo adeegsado in uu ilaaliyo programyada internetka
la xariiraya, si eysan hachkers-ku eysan iigu soo saqajaamin. Zonelarm
programyadii aan u sheego maahane, progam kale hadii uu isku dayo inuu
internetka la xariiro, wuu u diidayaa, taas oo khasaaro dhabar jabis ah ku
noqoneysa program walba oo isku daya in anigoo aan ogeyn uu iska maamusho
computer-ka, oo war bixin u gudbiyo internetka,
Sheekadii aan faaladaan u qoray ayaan
kuu wadaye, maalinkii 27.12.2003, ayaaa anigoo internetka iskaga jira, ayaa
zonealarm iigaga digay in program magaciisu ayahy
dust.exe uu isku dayayo
inuu xariir la sameeyo internetka, anna xataa war uma haayo in programkaan
gabi'ahaanba ku jiro computerkeyga iyo waxa uu yahay. Xataa war uma haayo
goorta uu soo galay iyo sida uu u soo galay. Isla maalinkaas ayaan
internetka programyo iyo cayaaro ka soo koobiyeeyey, waxaana filayaa in uu
si qarsoodi ah ula sodcay program-yadaas! Nasiib wanaag, isla maalinkiiba
waa la qabtay wasakhii dust.exe
waana tirtiray thanks to Zonealarm! Internetka ayaan
ka raadiyay waxa uu yahay dust.exe, waxaana ogaaday inuu yahay virus! Meel
xun ayaan uga soo haray!!!!:-)
Hadaad rabtid Zonealarm,
waxaad ka heli
kartaa halkaan
akhbaartiisuna waa sidatan:
Protect your Internet connection from hackers. :
wuxuu ka hortagayaa hackers-ka
OS: Windows 98/NT/2000/XP : waxaa loogu tala
galay windows-yada 98/NT/2000/XP
File Size: 4.77MB :
weyninkuusu waa 4.77 Mega Byte
License: Free :
isticmaalkiisu waa lacag la'aan!
C/risaaq "Gaalkacyo"
Helsini, Finland
rcabdi@hotmail.com
SomaliTalk.com | Janaayo 2004
Barnaamijyo ku
Anfacaya [C. Gaalkacyo]
.... Copyright & Islaamku
wuxuu ka qabo.... Akhri
.
IP Address Check.